< Yeremyaah 4 >

1 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo.
耶和华说:以色列啊, 你若回来归向我, 若从我眼前除掉你可憎的偶像, 你就不被迁移。
2 Oo haddaad si run iyo caddaalad iyo xaqnimo ah ugu dhaarataan, Rabbigu waa nool yahay, de markaas quruumuhu isagay ku ducaysan doonaan, oo isagay ku faani doonaan.
你必凭诚实、公平、公义, 指着永生的耶和华起誓; 列国必因耶和华称自己为有福, 也必因他夸耀。
3 Rabbigu wuxuu dadka dalka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ku leeyahay, Dhulkiinna jeexan jabsada, oo qodxan dhexdood waxba ha ku beeranina.
耶和华对犹大和耶路撒冷人如此说: 要开垦你们的荒地, 不要撒种在荆棘中。
4 Raggiinna dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganow, Rabbiga isu guda, oo iska gooya buuryada qalbigiinna, si ayan cadhadaydu u soo bixin sida dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin karin sharka falimihiinna aawadiis.
犹大人和耶路撒冷的居民哪, 你们当自行割礼,归耶和华, 将心里的污秽除掉; 恐怕我的忿怒因你们的恶行发作, 如火着起, 甚至无人能以熄灭!
5 Dalka Yahuudah ka dhex sheega, oo Yeruusaalem ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, War dalka dhexdiisa buunka ku dhufta, oo aad u qayliya, oo waxaad tidhaahdaan, Isa soo urursada, oo ina keena aynu magaalooyinka deyrka leh galnee.
你们当传扬在犹大, 宣告在耶路撒冷说: 你们当在国中吹角,高声呼叫说: 你们当聚集! 我们好进入坚固城!
6 Calan u taaga xagga Siyoon, carara oo ha joogsanina, waayo, anigu waxaan xagga woqooyi ka keeni doonaa masiibo iyo halligaad weyn.
应当向锡安竖立大旗。 要逃避,不要迟延, 因我必使灾祸与大毁灭从北方来到。
7 Libaax baa ka soo baxay jiqdiisa, quruumo baabbi'iyihiina wuu soo kacay, oo wuxuu meeshiisii uga soo baxay inuu dalkaaga cidlo ka dhigo, oo magaalooyinkaagana waa la baabbi'in doonaa, oo qofna ma degganaan doono.
有狮子从密林中上来, 是毁坏列国的。 它已经动身出离本处, 要使你的地荒凉, 使你的城邑变为荒场无人居住。
8 Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.
因此,你们当腰束麻布,大声哀号, 因为耶和华的烈怒没有向我们转消。
9 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa maalintaas noqon doona in boqorka qalbigiisa iyo amiirrada qalbigooduba ay kharribmaan, oo wadaaddaduna way yaabi doonaan, oo nebiyaduna way fajici doonaan.
耶和华说:“到那时,君王和首领的心都要消灭;祭司都要惊奇,先知都要诧异。”
10 Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, sida xaqiiqada ah dadkan iyo Yeruusaalemba aad iyo aad baad u khiyaanaysay, waayo, iyagoo seefi naftooda soo gaadhaysa ayaad ku tidhaahdaa, Nabad baad helaysaan.
我说:“哀哉!主耶和华啊,你真是大大地欺哄这百姓和耶路撒冷,说:‘你们必得平安。’其实刀剑害及性命了。”
11 Oo wakhtigaas waxaa dadkan iyo Yeruusaalemba lagu odhan doonaa, Dadkayga dabayl kulul ayaa uga iman doonta xagga meelaha dhaadheer ee cidlada ku yaal, mana ahaan doonto mid wax haadinaysa amase wax safaynaysa,
那时,必有话对这百姓和耶路撒冷说:“有一阵热风从旷野净光的高处向我的众民刮来,不是为簸扬,也不是为扬净。
12 laakiinse waxay ahaan doontaa dabayl xoog badan oo amarkayga ku imanaysa, oo weliba haatan anigu xukunkoodii waan ku hadli doonaa.
必有一阵更大的风从这些地方为我刮来;现在我又必发出判语,攻击他们。”
13 Bal eega, isagu wuxuu u iman doonaa sida daruur oo kale, oo gaadhifardoodyadiisuna waxay ahaan doonaan sida dabayl cirwareen ah oo kale, oo fardihiisuna xataa gorgorrada way ka sii dheereeyaan. Annagaa hoognay! Waayo, waannu baabba'nay.
看哪,仇敌必如云上来; 他的战车如旋风, 他的马匹比鹰更快。 我们有祸了! 我们败落了!
14 Yeruusaalemay, qalbigaaga xumaanta ka maydh, si aad u badbaaddo aawadeed. Ilaa goormay fikirradaada sharka ahu kugu sii dhex jirayaan?
耶路撒冷啊,你当洗去心中的恶, 使你可以得救。 恶念存在你心里要到几时呢?
15 Waayo, xagga Daan cod baa ka yeedhaya, oo buuraha Efrayimna belaayo baa laga naadiyaa.
有声音从但传扬, 从以法莲山报祸患。
16 Quruumaha u diga oo Yeruusaalem ogeysiiya in ilaallo ay dal fog ka imanayaan, oo ay magaalooyinkii dalka Yahuudah ku qaylinayaan.
你们当传给列国, 报告攻击耶路撒冷的事说: 有探望的人从远方来到, 向犹大的城邑大声呐喊。
17 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida kuwa beer dhawraya ayay hareeraheeda kaga kacsan yihiin, maxaa yeelay, iyadu way igu caasiyowday.
他们周围攻击耶路撒冷, 好像看守田园的, 因为她背叛了我。 这是耶和华说的。
18 Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.
你的行动,你的作为,招惹这事; 这是你罪恶的结果, 实在是苦, 是害及你心了!
19 Calooshaydiiyey, calooshaydiiyey! Aniga qalbigaa i xanuunaya, oo wadnahaa i fig leh. Iskamana aamusi karo, maxaa yeelay, naftaydiiyey, waxaad maqashay buunka dhawaaqiisii iyo qayladii dagaalka.
我的肺腑啊,我的肺腑啊,我心疼痛! 我心在我里面烦躁不安。 我不能静默不言, 因为我已经听见角声和打仗的喊声。
20 Belaayo baa belaayay ku soo kor dhacday, ayaa lagu dhawaaqay, waayo, dalkii oo dhan waa baabba'ay. Teendhooyinkaygii haddiiba way baabbe'een, oo daahyadaydiina daqiiqad qudha ayay dhammaadeen.
毁坏的信息连络不绝, 因为全地荒废。 我的帐棚忽然毁坏; 我的幔子顷刻破裂。
21 Ilaa goormaan calanka arkayaa, oo aan buunka dhawaaqiisa sii maqlayaa?
我看见大旗,听见角声, 要到几时呢?
22 Waayo, dadkaygu waa nacasyo, oo aniga ima ay yaqaaniin. Iyagu waa carruur caqlidaran, oo innaba waxgarasho ma leh. Inay xumaan sameeyaan way u caqli badan yihiin, laakiinse inay samaan sameeyaan innaba aqoon uma leh.
耶和华说:我的百姓愚顽,不认识我; 他们是愚昧无知的儿女, 有智慧行恶,没有知识行善。
23 Bal eega, dhulkaan fiiriyey, oo waxaan arkay inuusan qaab lahayn oo uu madhan yahay, oo haddana samooyinkaan fiiriyey, oo iyana innaba iftiin ma ay lahayn.
先知说:我观看地, 不料,地是空虚混沌; 我观看天,天也无光。
24 Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen.
我观看大山,不料,尽都震动, 小山也都摇来摇去。
25 Oo haddana wax baan fiiriyey, oo ninna ma jirin, oo haaddii hawada oo dhammuna way wada carareen.
我观看,不料,无人; 空中的飞鸟也都躲避。
26 Oo haddana wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay dhulkii midhaha badnaa oo abaaroobay, oo magaalooyinkeedii oo dhammuna Rabbiga hortiisa ayay ku dundunsanaayeen cadhadiisii kululayd daraaddeed.
我观看,不料,肥田变为荒地; 一切城邑在耶和华面前, 因他的烈怒都被拆毁。
27 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka oo dhammu wuu cidloobi doonaa, laakiinse anigu kulligiis wada baabbi'in maayo.
耶和华如此说:全地必然荒凉, 我却不毁灭净尽。
28 Taas aawadeed dhulku wuu u barooran doonaa, oo samooyinka sarena way u madoobaan doonaan, maxaa yeelay, waxan anigaa ku hadlay, oo anigaa u qasdiyey, oo innaba ka qoomamoon maayo, kana soo noqon maayo marnaba.
因此,地要悲哀, 在上的天也必黑暗; 因为我言已出,我意已定, 必不后悔,也不转意不做。
29 Magaalada oo dhammu waxay ka qixi doontaa qaylada fardoleyda iyo qaansoleyda, oo jiqday ku carari doonaan, dhagaxyada dushoodana way fuuli doonaan, magaalo kastana waa laga tegi doonaa, oo nin qudhuhuna ma degganaan doono.
各城的人因马兵和弓箭手的响声就都逃跑, 进入密林,爬上磐石; 各城被撇下, 无人住在其中。
30 Oo markii lagu dhoco bal maxaad samayn doontaa? In kastoo aad dhar guduudan xidhatid, iyo in kastoo aad dahab isku sharraxdid, iyo in kastoo aad indhakuul iska badisidba, waxtarla'aan baad isu qurxinaysaa, waayo, kuwii ku caashaqi jiray way ku wada quudhsadaan, oo waxay doonayaan inay nafta kaa qaadaan.
你凄凉的时候要怎样行呢? 你虽穿上朱红衣服, 佩戴黄金装饰, 用颜料修饰眼目, 这样标致是枉然的! 恋爱你的藐视你, 并且寻索你的性命。
31 Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.
我听见有声音,仿佛妇人产难的声音, 好像生头胎疼痛的声音, 是锡安女子的声音; 她喘着气、挓挲手, 说:我有祸了! 在杀人的跟前,我的心发昏了。

< Yeremyaah 4 >