< Yeremyaah 34 >

1 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
巴比伦王尼布甲尼撒率领他的全军和地上属他的各国各邦,攻打耶路撒冷和属耶路撒冷所有的城邑。那时,耶和华的话临到耶利米说:
2 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.
“耶和华—以色列的 神说,你去告诉犹大王西底家,耶和华如此说:我要将这城交付巴比伦王的手,他必用火焚烧。
3 Oo adiguna gacantiisa kama aad baxsan doontid, laakiinse hubaal waa lagu qabsan doonaa, oo gacantiisaa lagugu ridi doonaa, oo indhahaaguna waxay fiirin doonaan indhaha boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo Baabuloon baad tegi doontaa.
你必不能逃脱他的手,定被拿住,交在他的手中。你的眼要见巴比伦王的眼,他要口对口和你说话,你也必到巴比伦去。
4 Sidqiyaah boqorka dalka Yahuudahow, Weliba bal maqal erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu kaa leeyahay, Seef kuma dhiman doontid,
犹大王西底家啊,你还要听耶和华的话。耶和华论到你如此说:你必不被刀剑杀死,
5 nabad baadse ku dhiman doontaa, oo wax baa laguu shidi doonaa sidii wax loogu shidi jiray awowayaashaa oo ahaa boqorradii kaa sii horreeyey, wayna kuu barooran doonaan, iyagoo leh, Hoogaye, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Eraygaas anigaa ku hadlay.
你必平安而死,人必为你焚烧物件,好像为你列祖,就是在你以前的先王焚烧一般。人必为你举哀说:‘哀哉!我主啊。’耶和华说:这话是我说的。”
6 Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu erayadaas oo dhan Yeruusaalem kagala hadlay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah,
于是,先知耶利米在耶路撒冷将这一切话告诉犹大王西底家。
7 markii boqorkii Baabuloon ciidankiisii uu la dirirayay Yeruusaalem, iyo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo hadhay oo dhan, iyo xataa Laakiish iyo Caseeqaah, waayo, magaalooyinkaas deyrka lahaa ayaa ka hadhay magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan.
那时,巴比伦王的军队正攻打耶路撒冷,又攻打犹大所剩下的城邑,就是拉吉和亚西加。原来犹大的坚固城只剩下这两座。
8 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Boqor Sidqiyaah uu dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan axdi la dhigtay dabadeed. Axdigaasuna waa in xorriyad loogu dhawaaqo,
西底家王与耶路撒冷的众民立约,要向他们宣告自由,叫各人任他希伯来的仆人和婢女自由出去,谁也不可使他的一个犹大弟兄作奴仆。(此后,有耶和华的话临到耶利米。)
9 in nin kastaaba xoreeyo addoonkiisii Cibraaniga ah ama addoontiisii Cibraaniyadda ah, iyo inuusan ninna addoonsan walaalkiisa Yuhuudi ah.
10 Haddaba amiirradii iyo dadkii axdiga galay oo dhammu markay maqleen inay nin kasta waajib ku tahay inuu xoreeyo addoonkiisa iyo addoontiisaba, iyo inaan ninna iyaga mar dambe addoonsan ayay amarkaas addeeceen oo way sii wada daayeen iyagii.
所有立约的首领和众民就任他的仆人婢女自由出去,谁也不再叫他们作奴仆。大家都顺从,将他们释放了;
11 Laakiinse markaas dabadeed ayay ku noqdeen, oo waxay soo ceshadeen addoommadii ay mar hore sii daayeen, oo iyagay u gumaysteen inay addoommo u sii ahaadaan.
后来却又反悔,叫所任去自由的仆人婢女回来,勉强他们仍为仆婢。
12 Sidaas daraaddeed eraygii Rabbigu wuxuu xagga Rabbiga uga yimid Yeremyaah isagoo leh,
因此耶和华的话临到耶利米说:
13 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu axdi baan awowayaashiin la dhigtay maalintii aan iyaga dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga ka soo bixiyey, oo waxaan ku idhi,
“耶和华—以色列的 神如此说:我将你们的列祖从埃及地为奴之家领出来的时候,与他们立约说:
14 Markay toddoba sannadood dhammaystaan midkiin kastaaba ha sii daayo walaalkiisa Cibraaniga ah oo is-iibiyey, oo markuu kuu adeego lix sannadood waa inaad isaga sii daysaa isagoo xor kaa ah. Laakiinse awowayaashiin ima ay maqlin, oo dhegna iima ay dhigin.
‘你的一个希伯来弟兄若卖给你,服事你六年,到第七年你们各人就要任他自由出去。’只是你们列祖不听从我,也不侧耳而听。
15 Idinkuse haatan waad soo noqoteen, oo wax qumman ayaad hortayda ku samayseen markii ninkiin kastaaba uu deriskiisa xorriyad ugu dhawaaqay, oo axdi baad hortayda ku gasheen idinkoo gurigii laygu magacaabay jooga.
如今你们回转,行我眼中看为正的事,各人向邻舍宣告自由,并且在称为我名下的殿中、在我面前立约。
16 Laakiinse intaad iga noqoteen ayaad magacaygii nijaasayseen, oo ninkiin kastaaba wuxuu soo ceshaday addoonkiisii iyo addoontiisii uu ikhtiyaarkooda ku xoreeyey, oo waxaad ku soo celiseen gumaysi inay addoommo idiin sii ahaadaan.
你们却又反悔,亵渎我的名,各人叫所任去随意自由的仆人婢女回来,勉强他们仍为仆婢。
17 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.
所以耶和华如此说:你们没有听从我,各人向弟兄邻舍宣告自由。看哪!我向你们宣告一样自由,就是使你们自由于刀剑、饥荒、瘟疫之下,并且使你们在天下万国中抛来抛去。这是耶和华说的。
18 Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen,
犹大的首领、耶路撒冷的首领、太监、祭司,和国中的众民曾将牛犊劈开,分成两半,从其中经过,在我面前立约。后来又违背我的约,不遵行这约上的话。
19 kuwaasoo ah amiirradii dalka Yahuudah, iyo amiirradii Yeruusaalem, iyo bohommadii, iyo wadaaddadii, iyo dadkii dalka oo qaybihii weysha kala dhex maray oo dhan,
20 waxaan kulligood ku wada ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo meydkooduna wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.
我必将他们交在仇敌和寻索其命的人手中;他们的尸首必给空中的飞鸟和地上的野兽作食物。
21 Oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisaba waxaan ku ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta ciidanka boqorka Baabuloon oo haatan idinka noqday.
并且我必将犹大王西底家和他的首领交在他们仇敌和寻索其命的人,与那暂离你们而去巴比伦王军队的手中。
22 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.
耶和华说:我必吩咐他们回到这城,攻打这城,将城攻取,用火焚烧。我也要使犹大的城邑变为荒场,无人居住。”

< Yeremyaah 34 >