< Bilowgii 34 >

1 Oo Diinah oo ahayd gabadhii Lee'ah ay Yacquub u dhashay ayaa dibadda u baxday inay soo aragto gabdhihii dalka.
利亚给雅各所生的女儿底拿出去,要见那地的女子们。
2 Markaasuu Shekem ina Xamoor kii reer Xiwi oo ahaa amiirkii dalka arkay iyadii, oo uu kaxaystay oo la jiifsaday, wuuna ceebeeyey iyadii.
那地的主—希未人、哈抹的儿子示剑看见她,就拉住她,与她行淫,玷辱她。
3 Naftiisiina way raacday gabadhii Yacquub oo Diinah ahayd, wuuna jeclaaday gabadhii, si raxmad lehna wuu ula hadlay gabadhii.
示剑的心系恋雅各的女儿底拿,喜爱这女子,甜言蜜语地安慰她。
4 Markaasuu Shekem la hadlay aabbihiis Xamoor, oo yidhi, Gabadhan ii doon aan guursadee.
示剑对他父亲哈抹说:“求你为我聘这女子为妻。”
5 Haddaba Yacquub waa maqlay in Shekem gabadhiisii Diinah nijaaseeyey; wiilashiisiina duurka ayay xoolihiisa la joogeen; Yacquubna wuu iska aamusay ilaa ay yimaadeen.
雅各听见示剑玷污了他的女儿底拿。那时他的儿子们正和群畜在田野,雅各就闭口不言,等他们回来。
6 Markaasaa Xamoor oo Shekem aabbihiis ahaa Yacquub ugu tegey inuu la hadlo isaga.
示剑的父亲哈抹出来见雅各,要和他商议。
7 Oo wiilashii Yacquub ayaa duurka ka yimid markay taas maqleen; nimankiina way caloolxumaayeen, aad bayna u cadhaysnaayeen, maxaa yeelay, nacasnimo buu ku sameeyey reer binu Israa'iil markuu la jiifsaday gabadhii Yacquub, taas oo aanay jid ahayn in la sameeyo.
雅各的儿子们听见这事,就从田野回来,人人忿恨,十分恼怒;因示剑在以色列家做了丑事,与雅各的女儿行淫,这本是不该做的事。
8 Xamoorna wuu la hadlay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygii Shekem naftiisii aad bay u doonaysaa gabadhaada; haddaba waan ku baryayaaye, iyada sii ha guursadee.
哈抹和他们商议说:“我儿子示剑的心恋慕这女子,求你们将她给我的儿子为妻。
9 Oo aan iska guursanno, gabdhihiinna na siiya annaga, idinkuna gabdhahayaga guursada.
你们与我们彼此结亲;你们可以把女儿给我们,也可以娶我们的女儿。
10 Oo waad nala degganaan doontaan; dalkuna hortiinnuu oolli doonaa; degganaada oo ku baayacmushtara dhexdiisa, oo xoolo ku yeesha.
你们与我们同住吧!这地都在你们面前,只管在此居住,做买卖,置产业。”
11 Shekemna wuxuu aabbeheed iyo walaalaheed ku yidhi, Raalli iga ahaada, oo anna wixii aad i weyddiisataan waan idin siin.
示剑对女儿的父亲和弟兄们说:“但愿我在你们眼前蒙恩,你们向我要什么,我必给你们。
12 In alla intii aad meher iyo yarad doonaysaan i weyddiista, oo anna waan idin siin intii aad igu tidhaahdaan, laakiinse gabadha i siiya aan guursadee.
任凭向我要多重的聘金和礼物,我必照你们所说的给你们;只要把女子给我为妻。”
13 Wiilashii Yacquubna khiyaanay ugu jawaabeen Shekem iyo aabbihiis Xamoor, wayna la hadleen, maxaa yeelay, walaashood Diinah ayuu nijaaseeyey,
雅各的儿子们因为示剑玷污了他们的妹子底拿,就用诡诈的话回答示剑和他父亲哈抹,
14 oo waxay ku yidhaahdeen, Ma yeeli karno inaan walaashayo siinno nin buuryoqab ah; waayo, taasu ceeb bay nagu ahaan lahayd.
对他们说:“我们不能把我们的妹子给没有受割礼的人为妻,因为那是我们的羞辱。
15 Si uun baannu idinku yeeli karnaa; taasuna waa haddii aad intiinna ragga ah oo dhan iswada guddaan, oo aad noqotaan sidayada oo kale;
惟有一件才可以应允:若你们所有的男丁都受割礼,和我们一样,
16 markaasaannu gabdhahayaga idin siin doonnaa, oo annaguna waxaan guursan doonnaa gabdhihiinna, oo waannu idinla degganaan doonnaa, oo waxaynu noqon doonnaa isku dad.
我们就把女儿给你们,也娶你们的女儿;我们便与你们同住,两下成为一样的人民。
17 Laakiinse haddaydnan na maqlin, inaad isguddaan, de markaas gabadhayada waannu wadan, oo waannu tegi.
倘若你们不听从我们受割礼,我们就带着妹子走了。”
18 Hadalkoodiina waa ka farxiyey Xamoor, iyo wiilkiisii Shekem.
哈抹和他的儿子示剑喜欢这话。
19 Ninkii dhallinyarada ahaana dib uma uu dhigin inuu taas yeelo, maxaa yeelay, aad buu ugu faraxsanaa Yacquub gabadhiisii, Isna wuu ka wada maamuus badnaa intii guriga aabbihiis joogtay oo dhan.
那少年人做这事并不迟延,因为他喜爱雅各的女儿;他在他父亲家中也是人最尊重的。
20 Markaasay Xamoor iyo wiilkiisii Shekem magaaladoodii iriddeeda yimaadeen, oo ay raggii magaaladooda la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen,
哈抹和他儿子示剑到本城的门口,对本城的人说:
21 Nimankanu waa inala nabad, sidaas daraaddeed dhulka ha degeen, oo ha ka baayacmushtareen dhexdiisa, maxaa yeelay, bal eega, dhulku waa weyn yahay oo waa ku wada filan yahay. Aynu gabdhahooda guursanno, oo innana aan gabdhaheenna siinno iyaga.
“这些人与我们和睦,不如许他们在这地居住,做买卖;这地也宽阔,足可容下他们。我们可以娶他们的女儿为妻,也可以把我们的女儿嫁给他们。
22 Nimanku si uun bay inagu yeelayaan inay inala degganaadaan si aynu isku dad u noqonno, taasuna waa haddii inteenna lab oo dhan loo gudo sida ay iyagu u gudan yihiin.
惟有一件事我们必须做,他们才肯应允和我们同住,成为一样的人民:就是我们中间所有的男丁都要受割礼,和他们一样。
23 Oo miyaan lo'dooda iyo alaabadooda iyo xayawaankooda oo dhammu noqon doonin kuweenna? Bal aynu yeelno uun, oo iyaguna way inala degganaan doonaan.
他们的群畜、货财,和一切的牲口岂不都归我们吗?只要依从他们,他们就与我们同住。”
24 Markaasaa in alla intii ka baxday magaaladiisa iriddeeda waxay maqleen Xamoor iyo wiilkiisii Shekem; markaasaa la wada guday intii labka ahayd oo magaaladiisa ka baxday oo dhan.
凡从城门出入的人就都听从哈抹和他儿子示剑的话;于是凡从城门出入的男丁都受了割礼。
25 Oo maalintii saddexaad, markay dhaawaca wada ahaayeen, waxay noqotay in laba ka mid ahaa wiilashii Yacquub oo ahaa Simecoon iyo Laawi, Diinah walaalaheed, uu midkood kastaa seeftiisii qaatay, oo waxay yimaadeen magaaladii, iyagoo aan la ogayn, waxayna wada laayeen intii labka ahayd oo dhan.
到第三天,众人正在疼痛的时候,雅各的两个儿子,就是底拿的哥哥西缅和利未,各拿刀剑,趁着众人想不到的时候来到城中,把一切男丁都杀了,
26 Xamoor iyo wiilkiisii Shekemna waxay ku dileen seef afkeed, Diinahna way kala baxeen gurigii Shekem, wayna iska tageen.
又用刀杀了哈抹和他儿子示剑,把底拿从示剑家里带出来就走了。
27 Wiilashii Yacquubna waxay yimaadeen raqdii kuwii la laayay, oo magaaladiina way dhaceen, maxaa yeelay, walaashood bay ka nijaaseeyeen.
雅各的儿子们因为他们的妹子受了玷污,就来到被杀的人那里,掳掠那城,
28 Waxayna la tageen adhigoodii iyo lo'doodii iyo dameerradoodii, iyo wax alla wixii magaalada u yiil, iyo wax alla wixii duurka u joogay,
夺了他们的羊群、牛群,和驴,并城里田间所有的;
29 iyo maalkoodii oo dhan, iyo dhallaankoodii oo dhan, iyo naagahoodiiba, way qabsadeen oo way dhaceen, xataa wixii guryaha yiil oo dhan.
又把他们一切货财、孩子、妇女,并各房中所有的,都掳掠去了。
30 Yacquubna wuxuu Simecoon iyo Laawi ku yidhi, Dhib baad igu riddeen, maxaa yeelay, waxaad i nacsiiseen dadka dhulka deggan, oo ah reer Kancaan, iyo reer Feris. Haddaba anigoo dadkaygu yar yahay, ayay isu kay wada urursan doonaan oo ay i dili doonaan; markaasna aniga iyo reerkaygaba waa la baabbi'in doonaa.
雅各对西缅和利未说:“你们连累我,使我在这地的居民中,就是在迦南人和比利洗人中,有了臭名。我的人丁既然稀少,他们必聚集来击杀我,我和全家的人都必灭绝。”
31 Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, De miyey ku habboonayd inuu walaashayo sidii dhillo ula macaamiloodo?
他们说:“他岂可待我们的妹子如同妓女吗?”

< Bilowgii 34 >