< Bilowgii 31 >

1 Wuxuu maqlay hadalkii Laabaan wiilashiisii, iyagoo leh, Yacquub baa wixii aabbeheen oo dhan wada qaatay, oo xoolahan oo dhan wuxuu ku helay wixii aabbeheen.
He heard the words of Laban's sons, saying, "Jacob has taken away all that was our father's. From that which was our father's he has gained all this wealth."
2 Yacquubna wuxuu fiiriyey wejigii Laabaan, oo wuxuu arkay inuusan sidii hore u ahayn.
Jacob saw the expression on Laban's face, and look, it was not as it had been.
3 Rabbiguna wuxuu Yacquub ku yidhi, Ku noqo dalkii aabbahaa iyo xigaalkaaga, oo anna waan kula jiri doonaa.
Then God said to Jacob, "Return to the land of your fathers, and to your relatives, and I will be with you."
4 Yacquubna wuxuu u cid diray oo u yeedhay Raaxeel iyo Lee'ah inay yimaadaan berrinkii adhigiisu joogay,
Jacob sent and called Rachel and Leah to the field where his flock was,
5 oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan arkay wejigii aabbihiin inuusan sidii hore ii ahayn, laakiinse Ilaaha aabbahay baa ila jiray.
and said to them, "I see the expression on your father's face, that it is not what it was before. But the God of my father has been with me.
6 Idinkuna waad og tihiin inaan aabbihiin xooggayga oo dhan ugu adeegay.
You know that I have served your father with all of my strength.
7 Laakiin aabbihiin wuu i khiyaaneeyey, oo toban goor buu mushahaaradaydii beddelay; Ilaahse uma oggolaan inuu wax i yeelo.
Yet your father has cheated me and changed my wages ten times, but God did not allow him to hurt me.
8 Hadduu yidhi, Kuwa dhibicyada lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax dhibicyo leh bay dhaleen; hadduu yidhina, Kuwa xariijimaha lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax xariijimo leh bay dhaleen.
If he said this, 'The speckled will be your wages,' then all the flock bore speckled. If he said this, 'The streaked will be your wages,' then all the flock bore streaked.
9 Sidaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey.
Thus God has taken away your father's livestock and given them to me.
10 Wakhtigii adhigii rimay ayaan indhahayga kor u taagay, oo aan riyo ku arkay orgidii adhiga ku boodday inay wada lahaayeen xariijimo, iyo dhibicyo iyo barbaro.
And it came about at the time when the flocks were breeding I looked up and saw in a dream, and look, the male goats which leaped on the flock were streaked, speckled, and spotted.
11 Malaa'igtii Ilaahna waxay igu tidhi intaan riyoonayay, Yacquubow. Oo anna waxaan idhi, Waa i kan.
The angel of God said to me in the dream, 'Jacob,' and I said, 'Here I am.'
12 Oo waxay tidhi, Haatan indhahaaga kor u taag, oo arag, orgida adhiga ku boodda oo dhammu waxay wada leeyihiin xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro, maxaa yeelay, waxaan wada arkay waxa Laabaan kugu sameeyo oo dhan.
He said, 'Now lift up your eyes, and look, all the male goats which leap on the flock are streaked, speckled, and spotted, for I have seen all that Laban has done to you.
13 Waxaan ahay Ilaaha Beytel, meeshii aad tiirka ku subagtay, oo aad nidarka iigu nidartay. Haddaba kac, oo dalkan ka bax, oo ku noqo dalkii aad ku dhalatay.
I am the God of Bethel, where you anointed a standing-stone, where you made a vow to me. Now arise, go out from this land and return to the land of your birth.'"
14 Markaasay Raaxeel iyo Lee'ah u jawaabeen isagii oo ku yidhaahdeen, Weli ma qayb baa guriga aabbahayo noogu hadhay amase dhaxal?
Rachel and Leah answered him, "Is there yet any portion or inheritance for us in our father's house?
15 Miyaannan xaggiisa ka xisaabnayn shisheeye? Waayo, wuu na iibiyey, oo weliba lacagtayadiina wuu cunay.
Aren't we regarded by him as foreigners? For he has sold us, and he has used up what was paid for us.
16 Waayo, kulli maalkii Ilaah ka qaaday aabbahayo waxaa leh annaga iyo carruurtayada; haddaba yeel wixii Ilaah kugu yidhi.
For all the wealth which God has taken away from our father, that is ours and our children's. Now then, whatever God has said to you, do."
17 Markaasuu Yacquub kacay, carruurtiisii iyo naagihiisiina wuxuu fuushiiyey awrtii;
Then Jacob got up and put his sons and his wives on the camels,
18 wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan.
and he took away all his livestock and all his property which he had acquired, including the livestock which he had gained in Paddan Aram, to go to Isaac his father in the land of Canaan.
19 Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa.
Now Laban had gone to shear his sheep, and Rachel stole the idols that belonged to her father.
20 Markaasaa Yacquub si qarsoon uga tegey Laabaankii reer Suuriya oo aan ogayn, umana uu sheegin inuu cararayo.
Jacob outwitted Laban the Aramean by not telling him that he intended to flee.
21 Oo sidaasuu ula cararay wixii uu haystay oo dhan, oo intuu kacay, ayuu webigii ka gudbay, oo wejigiisii ku toosiyey buurtii Gilecaad.
So he fled with everything that he had, and he arose and crossed the River, and set out toward the hill country of Gilead.
22 Maalintii saddexaad baa Laabaan loo sheegay in Yacquub cararay.
Laban was told on the third day that Jacob had fled.
23 Markaasuu walaalihiis kaxaystay, oo wuxuu raacdaynayay toddoba maalinsocod, wuxuuna ku gaadhay buurtii Gilecaad.
He took his relatives with him, and pursued after him for seven days, and caught up with him in the hill country of Gilead.
24 Markaasaa Ilaah riyo habeennimo ugu yimid Laabaankii reer Suuriya, oo ku yidhi, Iska jir oo Yacquub xumaan iyo wanaag toona ha kula hadlin.
God came to Laban the Aramean in a dream at night, and said to him, "Be careful that you do not speak to Jacob either good or bad."
25 Laabaanna wuu soo gaadhay Yacquub. Haddaba Yacquub teendhadiisii wuxuu ka dhistay buurta; Laabaanna walaalihiis buu kala dhistay buurtii Gilecaad.
Laban caught up with Jacob. Now Jacob had pitched his tent in the hill country, and Laban with his relatives camped in the hill country of Gilead.
26 Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay, oo maxaad si qarsoon iiga soo tagtay anoo aan ogayn, oo aad gabdhahayga ula soo carartay sidii iyagoo ah maxaabiis seef lagu soo dhacay?
Laban said to Jacob, "What have you done? You have deceived me, and carried away my daughters like captives taken in war?
27 Maxaad qarsoodiga ugu soo carartay, oo aad si qarsoon iiga soo tagtay? Oo maxaad iigu sheegi weyday, si aan kuugu soo ambabbixiyo rayrayn iyo gabayo iyo daf iyo kataarad?
Why did you flee in secret and deceive me, and not tell me, so that I might have sent you away with joy and singing, with a tambourine and with a lyre.
28 Oo maxaad iigu oggolaan weyday inaan dhunkado wiilashayda iyo gabdhahayga? De taas nacasnimaad u yeeshay.
And you did not allow me to kiss my sons and my daughters? Now you have done foolishly.
29 De xoog aan wax kugu yeelo waan leeyahay, laakiinse Ilaaha aabbahaa baa xalay ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Iska jir oo Yacquub ha kula hadlin xumaan iyo wanaag toona.
It is in my power to do you harm, but the God of your father spoke to me last night, saying, 'Be careful that you do not speak to Jacob either good or bad.'
30 Oo haatan waad tagtay, maxaa yeelay, aad baad ugu hilowday gurigii aabbahaa, laakiinse maxaad ilaahyadayda iiga soo xadday?
Now you have indeed gone away, because you longed greatly for your father's house. But why have you stolen my gods?"
31 Yacquubna waa u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Maxaa yeelay, waan cabsaday; waayo, waxaan is-idhi, Wuu kaa xoogi doonaa gabdhihiisa.
Jacob answered Laban, "Because I was afraid, for I thought that you would take your daughters from me by force.'
32 Qofkii aad ilaahyadaadii ka hesho waa inuusan noolaan. Walaalahayo hortooda ku fiiri wixii aan kaa haysto, oo iska qaado. Waayo, Yacquub ma uu ogayn inay Raaxeel soo xadday.
Anyone you find your gods with shall not live. In the presence of our relatives, identify what I have that is yours, and take it with you." For Jacob did not know that Rachel had stolen them.
33 Laabaanna wuxuu galay teendhadii Yacquub, iyo teendhadii Lee'ah, iyo teendhadii labada addoommood, laakiinse ma uu helin. Oo intuu ka baxay teendhadii Lee'ah ayuu galay teendhadii Raaxeel.
Laban went into Jacob's tent, into Leah's tent, and into the tent of the two female servants; but he did not find them. He went out of Leah's tent, and entered into Rachel's tent.
34 Raaxeelna way qaadday sanamyadii, oo waxay gelisay heeryadii awrta, wayna ku fadhiisatay. Laabaanna wuu ka wada baadhay teendhadii oo dhan, mana uu helin.
Now Rachel had taken the idols, put them in the camel's saddle, and sat on them. Laban searched the whole tent, but did not find them.
35 Oo waxay aabbeheed ku tidhi, Sayidkaygiiyow, ha u cadhoon inaanan istaagi karin, waayo, caadadii dumarku heli jiray baan qabaa. Isna wuu baadhay, laakiinse sanamyadii ma uu helin.
She said to her father, "Do not let my lord be angry that I can't rise up before you; for the manner of women is on me." He searched, but did not find the teraphim.
36 Yacquubna wuu cadhooday, oo Laabaan wuu la murmay; Yacquubna wuu u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay xadgudubkaygu? Waa maxay dembigayga aad aawadiis aad iigu soo raacdaysatay?
Jacob was angry, and argued with Laban. Jacob answered Laban, "What is my trespass? What is my sin, that you have hotly pursued after me?
37 Waxaad baadhay alaabtayda oo dhan, ee maxaad ka heshay oo ah alaabtii gurigaaga? Halkan soo hor dhig walaalahayga iyo walaalahaaga, inay labadeenna inoo kala gar naqaan.
Now that you have searched around in all my stuff, did you find anything from all of your household's belongings? Put it here before my relatives and your relatives, that they may judge between the two of us.
38 Labaatan sannadood baan kula joogay; laxahaaga iyo riyahaaguna dhicis ma dhalin, wananka idahaagiina ma aan cunin.
These twenty years I have been with you. Your ewes and your female goats have not miscarried their young, and I haven't eaten the rams of your flocks.
39 Kuwii dugaagu ka cunayna kuuma aan keenin; laakiinse anaa kuu magdhabay, anaad i weyddiisan jirtay, ha ahaadeen wixii maalin lagaa xado ama wixii habeen lagaa xado ee.
That which was torn by animals I did not bring to you. I bore its loss. You demanded payment from me whether stolen by day or stolen by night.
40 Maalintii kulayl baa i dili jiray, habeenkiina dhaxan; hurdadiina waa iga tagtay. Oo sidaasaan ahaan jiray.
I was consumed by the heat during the day and by the frost at night, and sleepless nights.
41 Labaatan sannadood baan gurigaaga joogay; afar iyo toban sannadood waxaan kuugu shaqeeyey labadaada gabdhood aawadood, lix sannadoodna adhigaaga aawadiis. Mushahaaradaydiina waxaad beddeshay toban goor.
These twenty years I have been in your house. I served you fourteen years for your two daughters, and six years for your flock, and you have changed my wages ten times.
42 Ilaaha aabbahay, oo ah Ilaaha Ibraahim, iyo kan Isxaaq ka cabsado, haddii uusan ila jirin, hubaal haatan waxaad i diri lahayd anoo faro madhan. Ilaah wuxuu arkay dhibaatadaydii iyo hawshii gacmahayga, kolkaasuu xalay ku canaantay.
Unless the God of my father, the God of Abraham, and the one whom Isaac fears, had been with me, surely now you would have sent me away empty-handed. God has seen my harsh treatment and my hard work, and rebuked you last night."
43 Laabaanna wuu u jawaabay oo wuxuu Yacquub ku yidhi, Gabdhuhu waa gabdhahayga, carruurtuna waa carruurtayda, adhiguna waa adhigayga, oo waxa aad aragto oo dhammuna waa waxayga, haddaba maxaan maanta ku samayn karaa gabdhahaygan, ama carruurtooda ay dhaleen?
Laban answered Jacob, "The daughters are my daughters, the children are my children, the flocks are my flocks, and all that you see is mine: and what can I do this day to these my daughters, or to their children whom they have borne?
44 Haddaba kaalay, aan aniga iyo adigu axdi dhigannee, hana noqdo markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga.
So now, come, let us make a covenant, you and I, and let it be a witness between the two of us." And he said to him, "Look, there is no one with us; see, God is witness between me and you."
45 Markaasaa Yacquub dhagax soo qaaday, oo sidii tiir u qotomiyey.
Jacob took a stone and set it up as a standing-stone.
46 Yacquubna wuxuu walaalihiis ku yidhi, Dhagaxyo soo ururiya; kolkaasay dhagaxyo soo gureen, oo meel taalleeyeen; kolkaasay taallada agteedii wax ku cuneen.
Jacob said to his relatives, "Gather stones." So they took stones and made a mound. They ate there by the mound.
47 Laabaanna wuxuu meeshaas u bixiyey Yegar Sahaduta; Yacquubse wuxuu u bixiyey Galceed.
Laban called it Jegar Sahadutha, but Jacob called it Galeed.
48 Laabaanna wuxuu yidhi, Maanta taalladanu waa markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga. Sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Galceed, iyo Misfaah,
Laban said, "This mound is a witness between me and you today." Therefore it was named Galeed
49 waayo, wuxuu yidhi, Rabbigu ha dhawro aniga iyo adiga dhexdeenna markaynu kala maqan nahay.
and Mizpah, for he said, "God watch between me and you, when we are absent one from another.
50 Haddaad gabdhahayga dhibtid, ama aad naago kale gabdhahayga la guursatid, ninna inalama joogo, balse ogow, Ilaah baa markhaati dhexdeenna ka ah aniga iyo adiga.
If you mistreat my daughters, or if you take wives besides my daughters, although no one is with us; see, God is witness between me and you."
51 Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Bal eeg taalladan, oo bal fiiri tiirka aan ina dhex dhigay aniga iyo adiga.
Laban said to Jacob, "See this mound, and see the standing-stone, which I have set between me and you.
52 Taalladanu markaati ha ka noqoto, tiirkuna markhaati ha ka noqdo, inaanan taalladan kuugu soo dhaafayn inaan wax ku yeelo, adna aadan taalladan iyo tiirkan iigu soo dhaafayn inaad wax i yeeshid.
May this mound be a witness, and the standing-stone be a witness, that I will not pass over this mound to you, and that you will not pass over this mound and this standing-stone to me, to do harm.
53 Kan ah Ilaaha Ibraahim, iyo Ilaaha Naaxoor, iyo Ilaaha aabbahood, ha ina kala xukumo innaga. Yacquubna wuxuu ku dhaartay Kan aabbihiis Isxaaq ka cabsado.
The God of Abraham, and the God of Nahor, judge between us." Then Jacob swore by the fear of his father Isaac.
54 Yacquubna allabari buu buurtii ku bixiyey, walaalihiisna wuxuu ugu yeedhay inay wax cunaan; cuntadiina way cuneen, habeenkii oo dhanna buurtay joogeen.
Jacob offered a sacrifice on the mountain, and called his relatives to eat the meal. They ate the meal and stayed all night on the mountain.
55 Laabaanna aroor hore ayuu kacay, wiilashiisii iyo gabdhihiisiina wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; markaasuu Laabaan tegey, oo ku noqday meeshiisii.
Early in the morning, Laban rose up, and kissed his sons and his daughters, and blessed them. Laban departed and returned to his place.

< Bilowgii 31 >