< Cesraa 9 >

1 Oo markii waxyaalahaas la sameeyey dabadeed waxaa ii yimid amiirradii oo igu yidhi, Dadka reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii iyo reer Laawi, gooni isagama ay soocin dadyowgii dalka degganaa, ee waxay sameeyaan waxyaalahooda karaahiyada ah ee ay reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo Masriyiintii, iyo reer Amor sameeyaan.
Now when these things were done, the princes drew near unto me, saying, The people of Israel, and the priests and the Levites, have not separated themselves from the peoples of the lands, [doing] according to their abominations, even of the Canaanites, the Hittites, the Perizzites, the Jebusites, the Ammonites, the Moabites, the Egyptians, and the Amorites.
2 Waayo, iyaga iyo wiilashoodiiba waxay guursadeen gabdhahoodii, oo sidaasuu farcankii quduuska ahaa ugu qasmay dadyowgii dalka degganaa; oo weliba xadgudubkaas waxaa madax u ahaa amiirrada iyo taliyayaasha.
For they have taken of their daughters for themselves and for their sons, so that the holy seed have mingled themselves with the peoples of the lands: yea, the hand of the princes and rulers hath been chief in this trespass.
3 Oo kolkaan waxaas maqlay ayaan dharkaygii iyo go'aygii jeexjeexay, oo timihii ku yiil madaxayga iyo gadhkaygana waan iska rifay, oo waxaan fadhiistay anigoo wareersan.
And when I heard this thing, I rent my garment and my robe, and plucked off the hair of my head and of my beard, and sat down confounded.
4 Markaasaa waxaa igu soo shiray in alla intii ka cabsan jirtay erayga Ilaaha reer binu Israa'iil, dadkii maxaabiista ka soo noqday xadgudubkoodii aawadiis; oo anna halkaasaan iska fadhiyey tan iyo qurbaankii makhribka anigoo wareersan.
Then were assembled unto me every one that trembled at the words of the God of Israel, because of the trespass of them of the captivity; and I sat confounded until the evening oblation.
5 Oo markii qurbaankii makhribka la gaadhay ayaan ka kacay is-hoosaysiintaydii, iyadoo dharkaygii iyo go'aygiiba jeexjeexan yihiin, markaasaan jilbajoogsaday oo gacmaha u horsaday Rabbiga Ilaahayga ah;
And at the evening oblation I arose up from my humiliation, even with my garment and my robe rent; and I fell upon my knees, and spread out my hands unto Jehovah my God;
6 kolkaasaan idhi, Ilaahayow, waan ka xishoonayaa oo waan ka yaxyaxayaa inaan wejigayga xaggaaga u soo jeedsho, waayo, Ilaahayow, xumaatooyinkayagii ayaa nagu batay, oo dembilahaanshahayagiina wuxuu kor ugu baxay samooyinka.
and I said, O my God, I am ashamed and blush to lift up my face to thee, my God; for our iniquities are increased over our head, and our guiltiness is grown up unto the heavens.
7 Tan iyo waagii awowayaashayo iyo ilaa maantadan xujo badan baannu lahayn, oo xumaatooyinkayagii aawadood ayaa annaga iyo boqorradayadii iyo wadaaddadayadiiba loogu gacangeliyey boqorradii dalalka degganaa inay seef nala dhacaan, oo ay maxaabiis naga dhigtaan, oo ay na dhacaan, iyo inay na wareeriyaan, siday maantadan tahay.
Since the days of our fathers we have been exceeding guilty unto this day; and for our iniquities have we, our kings, and our priests, been delivered into the hand of the kings of the lands, to the sword, to captivity, and to plunder, and to confusion of face, as it is this day.
8 Oo hadda intii wakhti yar ah ayaa Rabbiga Ilaahayaga ahu raalli naga noqday si qaar nooga hadhaan oo ay u baxsadaan, iyo si uu dhidib noogu siiyo meeshiisa quduuska ah, in Ilaahayagu indhahayaga iftiimiyo, oo uu wakhti yar nagu soo nooleeyo addoonnimadayada.
And now for a little moment grace hath been showed from Jehovah our God, to leave us a remnant to escape, and to give us a nail in his holy place, that our God may lighten our eyes, and give us a little reviving in our bondage.
9 Waayo, waxaannu nahay dad addoommo ah, laakiinse Ilaahayagu naguma dayrin addoonnimadayadii, illowse naxariis buu nagu siiyey boqorradii Faaris hortooda, inuu na nooleeyo aawadeed, si aannu u taagno guriga Ilaahayo, oo aannu u hagaajinno burburkiisii hore, iyo inuu derbi naga dhex siiyo Yahuudah iyo Yeruusaalemba.
For we are bondmen; yet our God hath not forsaken us in our bondage, but hath extended lovingkindness unto us in the sight of the kings of Persia, to give us a reviving, to set up the house of our God, and to repair the ruins thereof, and to give us a wall in Judah and in Jerusalem.
10 Haddaba Ilaahayagow, bal maxaan nidhaahnaa tan dabadeed? Waayo, waxaannu ka tagnay amarradaadii,
And now, O our God, what shall we say after this? for we have forsaken thy commandments,
11 aad noogu soo dhiibtay nebiyadii addoommadaada ahaa, oo aad ku tidhi, Dalka aad inaad hantidaan ugu socotaan waa dal aan nadiif ahayn, oo wuxuu ku nijaasoobay dadyowga deggan nijaastooda, iyo karaahiyadooda, iyo wasakhnimadooda dhammaan ka buuxsantay gees ilaa ka gees.
which thou hast commanded by thy servants the prophets, saying, The land, unto which ye go to possess it, is an unclean land through the uncleanness of the peoples of the lands, through their abominations, which have filled it from one end to another with their filthiness:
12 Haddaba gabdhihiinna wiilashooda ha u guurinina, wiilashiinnana gabdhahooda ha u guurinina, weligiinna ha doonina nabaddooda ama barwaaqadooda, si aad xoog u yeelataan, oo aad u cuntaan dalka wixiisa wanaagsan, oo aad carruurtiinnana dhaxal ahaan ugaga tagtaan weligiin.
now therefore give not your daughters unto their sons, neither take their daughters unto your sons, nor seek their peace or their prosperity for ever; that ye may be strong, and eat the good of the land, and leave it for an inheritance to your children for ever.
13 Oo tanu waxay noogu soo degtay falimahayagii sharka ahaa aawadood, iyo xujadayadii weynayd aawadeed, maxaa yeelay, Ilaahayagiiyow, waxaad nagu taqsiirtay wax ka yar intii xumaatooyinkayagu mudnaayeen, oo weliba waxaad na siisay dad caynkan ah oo noo hadha,
And after all that is come upon us for our evil deeds, and for our great guilt, seeing that thou our God hast punished us less than our iniquities deserve, and hast given us such a remnant,
14 haddaba waxaas oo dhan dabadeed ma mar kalaannu amarradaada jebinnaa, oo aannu la xididnaa dadyowga karaahiyadan sameeya? Sow noo cadhoon maysid jeeraad na wada baabbi'isid oo aadan innaba naga reebin dad hadha iyo mid naga baxsada toona?
shall we again break thy commandments, and join in affinity with the peoples that do these abominations? wouldest not thou be angry with us till thou hadst consumed us, so that there should be no remnant, nor any to escape?
15 Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaq baad tahay, waayo, waxaannu nahay dad hadhay oo baxsaday, sida ay maantadan tahay; bal eeg, waxaannu kula hor joognaa xujadayada, waayo, taas aawadeed ninna hortaada ma istaagi karo.
O Jehovah, the God of Israel, thou art righteous; for we are left a remnant that is escaped, as it is this day: behold, we are before thee in our guiltiness; for none can stand before thee because of this.

< Cesraa 9 >