< Baxniintii 34 >

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad soo qortaa laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo waxaan looxyada ku qori doonaa erayadii ku qornaa looxyadii hore, oo aad jebisay.
耶和华吩咐摩西说:“你要凿出两块石版,和先前你摔碎的那版一样;其上的字我要写在这版上。
2 Oo subaxda diyaar ahow, oo Buur Siinay subaxda soo fuul, oo halkaas buurta dusheeda ah iigu kaalay.
明日早晨,你要预备好了,上西奈山,在山顶上站在我面前。
3 Oo ninna yuusan kula soo fuulin, oo buurta dhan yaan ninna lagu arkin, oo adhi iyo lo' toona yaanay buurta horteeda daaqin.
谁也不可和你一同上去,遍山都不可有人,在山根也不可叫羊群牛群吃草。”
4 Markaasuu qoray laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg; kolkaasuu Muuse aroor hore kacay, oo Buur Siinay fuulay sidii Rabbigu ku amray, oo gacantana wuxuu ku qaaday laba loox oo dhagax ah.
摩西就凿出两块石版,和先前的一样。清晨起来,照耶和华所吩咐的上西奈山去,手里拿着两块石版。
5 Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga.
耶和华在云中降临,和摩西一同站在那里,宣告耶和华的名。
6 Kolkaasaa Rabbigu hortiisa maray oo naadiyey isagoo leh, Waxaan ahay Rabbiga, Rabbiga, oo ah Ilaah raxmad iyo roonaan badan, oo cadho u gaabiya, oo naxariis iyo run badan,
耶和华在他面前宣告说:“耶和华,耶和华,是有怜悯有恩典的 神,不轻易发怒,并有丰盛的慈爱和诚实,
7 oo kumankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa, laakiin aan sinaba u caddayn in kan dembiga galay aanu eed lahayn; oo xumaantii awowayaasha soo gaadhsiiya carruurtooda iyo carruurta carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraadba.
为千万人存留慈爱,赦免罪孽、过犯,和罪恶,万不以有罪的为无罪,必追讨他的罪,自父及子,直到三、四代。”
8 Markaasaa Muuse intuu dhaqsaday u sujuuday oo caabuday.
摩西急忙伏地下拜,
9 Kolkaasuu wuxuu yidhi, Haddaba, Rabbiyow, haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, Rabbiyow, bal na dhex soco oo naga cafi xumaantayada iyo dembigayaga, waayo dadkanu waa dad madax adag, ee annaga dhaxal ahaan noo qaado.
说:“主啊,我若在你眼前蒙恩,求你在我们中间同行,因为这是硬着颈项的百姓。又求你赦免我们的罪孽和罪恶,以我们为你的产业。”
10 Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, axdi baan dhigayaa; dadkaaga oo dhan hortiisa waxaan ku samayn doonaa cajaa'ibyo aan weligood lagu samayn dhulka oo dhan iyo quruunnaba; oo dadka aad dhex joogto oo dhammu waxay arki doonaan shuqulka Rabbiga, waayo, waxaan kugu samaynayaa waa wax cabsi badan.
耶和华说:“我要立约,要在百姓面前行奇妙的事,是在遍地万国中所未曾行的。在你四围的外邦人就要看见耶和华的作为,因我向你所行的是可畏惧的事。
11 Waxaad dhawrtaa waxaan maanta kugu amrayo; oo bal ogow, hortaada waxaan ka eryayaa reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
“我今天所吩咐你的,你要谨守。我要从你面前撵出亚摩利人、迦南人、赫人、比利洗人、希未人、耶布斯人。
12 Haddaba iska jira, oo axdi ha la dhiganina dadka deggan dalka aad u socotaan, waaba intaasoo ay dabin ku noqoto dhexdiinna,
你要谨慎,不可与你所去那地的居民立约,恐怕成为你们中间的网罗;
13 laakiinse waa inaad dumisaan meelahooda allabariga, oo burburisaan tiirarkooda, oo gooysaan geedahooda Asheeraah,
却要拆毁他们的祭坛,打碎他们的柱像,砍下他们的木偶。
14 waayo, idinku waa inaydnaan caabudin ilaah kale, maxaa yeelay, Rabbiga magiciisu yahay Masayr waa Ilaah masayr ah;
不可敬拜别神;因为耶和华是忌邪的 神,名为忌邪者。
15 waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan,
只怕你与那地的居民立约,百姓随从他们的神,就行邪淫,祭祀他们的神,有人叫你,你便吃他的祭物,
16 oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda.
又为你的儿子娶他们的女儿为妻,他们的女儿随从她们的神,就行邪淫,使你的儿子也随从她们的神行邪淫。
17 Waa inaanad samaysaan ilaahyo shub ah.
“不可为自己铸造神像。
18 Waa inaad dhawrtaan Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn. Oo toddoba maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi ee bishii Aabiib ahayd, maxaa yeelay, bishii Aabiib ayaad Masar ka soo baxday.
“你要守除酵节,照我所吩咐你的,在亚笔月内所定的日期吃无酵饼七天,因为你是这亚笔月内出了埃及。
19 Kulli intii maxal furta anigaa iska leh, iyo kulli xoolahaaga intooda lab oo ah curadyada dibida iyo wananka oo dhan.
凡头生的都是我的;一切牲畜头生的,无论是牛是羊,公的都是我的。
20 Oo dameerka curadka ah waa inaad wan yar ku furataa, oo haddaanad furanin, de waa inaad qoorta ka jebisaa. Oo dadkaaga curadyadiisa oo dhan waa inaad furataa. Oo hortayda midna yuusan iman isagoo faro madhan.
头生的驴要用羊羔代赎,若不代赎就要打折它的颈项。凡头生的儿子都要赎出来。谁也不可空手朝见我。
21 Lix maalmood waa inaad shaqaysaan, laakiinse maalinta toddobaad waa inaad nasataan; ha ahaatee xilliga beeraha la falo iyo xilliga beeraha la goostoba waa inaad maalinta toddobaad nasataan.
“你六日要做工,第七日要安息,虽在耕种收割的时候也要安息。
22 Oo waa inaad dhawrtaan Iidda Toddobaadyada, taasoo ah marka la goosto midhaha ugu horreeya ee sarreenka, iyo Iidda Waxurursiga ah marka sannadda ugu dambaysa.
在收割初熟麦子的时候要守七七节;又在年底要守收藏节。
23 Sannaddiiba saddex goor waa inay labkiinna oo dhammu ka hor yimaadaan Rabbiga Ilaaha ah, Ilaaha reer binu Israa'iil.
你们一切男丁要一年三次朝见主耶和华—以色列的 神。
24 Waayo, anigu quruumaan hortiinna ka eryi doonaa, oo soohdimihiinnana waan ballaadhin doonaa; oo ninnaba dalkiinna ma damci doono markii aad sannaddiiba saddex goor u baxdaan inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka hor tagtaan.
我要从你面前赶出外邦人,扩张你的境界。你一年三次上去朝见耶和华—你 神的时候,必没有人贪慕你的地土。
25 Waa inaydnaan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh, oo waa inaan allabariga Iidda Kormaridda ilaa subaxda la gaadhsiin.
“你不可将我祭物的血和有酵的饼一同献上。逾越节的祭物也不可留到早晨。
26 Dhulkiinna midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahiinna ah geeysaan. Waa inaydnaan waxar caanaha hooyadiis ku karin.
地里首先初熟之物要送到耶和华—你 神的殿。不可用山羊羔母的奶煮山羊羔。”
27 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Erayadan qor, waayo, waxaan idinla dhigtay adiga iyo reer binu Israa'iilba axdi erayadan waafaqsan.
耶和华吩咐摩西说:“你要将这些话写上,因为我是按这话与你和以色列人立约。”
28 Oo halkaasuu Rabbiga la joogay afartan habeen iyo afartan maalmood, waxbana ma uu cunin, biyona ma uu cabbin. Oo looxyadiina wuxuu ku qoray erayadii axdiga, kuwaas oo ah tobanka qaynuun.
摩西在耶和华那里四十昼夜,也不吃饭也不喝水。耶和华将这约的话,就是十条诫,写在两块版上。
29 Oo markii Muuse Buur Siinay ka soo degay isagoo labadii loox oo maragga gacanta ku sita, intuu buurta ka soo degayay Muuse ma uu ogayn inuu dubka wejigiisu la dhalaalayay hadalkii uu kula hadlay aawadiis.
摩西手里拿着两块法版下西奈山的时候,不知道自己的面皮因耶和华和他说话就发了光。
30 Oo markay Haaruun iyo reer binu Israa'iil oo dhammu Muuse arkeen, bal eeg, dubka wejigiisu waa dhalaalayay, wayna ka cabsadeen inay u dhowaadaan.
亚伦和以色列众人看见摩西的面皮发光就怕挨近他。
31 Markaasaa Muuse iyagii u yeedhay; Haaruun iyo taliyayaashii shirka oo dhammuna way ku soo noqdeen; Muusena wuu la hadlay.
摩西叫他们来;于是亚伦和会众的官长都到他那里去,摩西就与他们说话。
32 Dabadeedna reer binu Israa'iil oo dhammu waa u soo dhowaadeen. Markaasuu wuxuu iyagii ku amray kulli wixii Rabbigu isaga ugu sheegay Buur Siinay.
随后以色列众人都近前来,他就把耶和华在西奈山与他所说的一切话都吩咐他们。
33 Oo markuu Muuse dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay ayuu indho shareertay.
摩西与他们说完了话就用帕子蒙上脸。
34 Laakiinse markii Muuse Rabbiga u galay oo uu is-hor taagay inuu la hadlo ayuu indhashareertii iska fayday ilaa uu soo baxay; kolkaasuu soo baxay, oo wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay wixii lagu amray,
但摩西进到耶和华面前与他说话就揭去帕子,及至出来的时候便将耶和华所吩咐的告诉以色列人。
35 oo reer binu Israa'iilna way arkeen Muuse wejigiisii iyo inuu dubka wejigiisu dhalaalayay, markaasaa Muuse haddana indho shareertay ilaa uu gudaha u galay inuu la hadlo.
以色列人看见摩西的面皮发光。摩西又用帕子蒙上脸,等到他进去与耶和华说话就揭去帕子。

< Baxniintii 34 >