< Baxniintii 10 >

1 Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Orod oo Fircoon u gal, waayo, qalbigiisii waan qallafiyey, iyo qalbiyadii addoommadiisa, inaan calaamooyinkaygan dhexdooda ka muujiyo,
Jehovah said to Moses, "Go in to Pharaoh, for I have hardened his heart, and the heart of his servants, that I may show these my signs in the midst of them,
2 iyo inaad adigu u sheegtid dhegaha wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisa, wixii aan ku sameeyey Masriyiinta, iyo calaamooyinkaygii aan ku dhex sameeyey, inay iyagu ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga.
and that you may tell in the hearing of your son, and of your son's son, what things I have done to Egypt, and my signs which I have done among them; that you may know that I am Jehovah."
3 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo ku yidhaahdeen, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu wuxuu kugu yidhi, Ilaa goormaad diidaysaa inaad hortayda is-hoosaysiiso? Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.
Moses and Aaron went in to Pharaoh, and said to him, "This is what Jehovah, the God of the Hebrews, says: 'How long will you refuse to humble yourself before me? Let my people go, that they may serve me.
4 Laakiinse haddii aad diiddo inaad dadkayga sii dayso, bal ogow, berrito dalkaaga ayax baan ku soo dayn doonaa,
Or else, if you refuse to let my people go, look, tomorrow I will bring locusts into your country,
5 oo dhulkuu qarin doonaa, si aan dhulka loo arkin, oo wuxuu cuni doonaa wixii ka baxsaday roobkii dhagaxyada lahaa oo idiin hadhay, oo wuxuu kaloo cuni doonaa geed kasta oo duurka idiinka baxaya.
and they shall cover the surface of the earth, so that one won't be able to see the earth. They shall eat the residue of that which has escaped, which remains to you from the hail, and shall eat every tree which grows for you out of the field.
6 Oo wuxuu ka buuxsami doonaa guryahaaga, iyo guryaha addoommadaada, iyo guryaha Masriyiinta oo dhan; si aan aabbayaashiin iyo awowayaashiin midkoodna arag tan iyo waagii ay dhulka joogeen ilaa maantadan. Kolkaasuu ka noqday oo ka tegey Fircoon.
Your houses shall be filled, and the houses of all your servants, and the houses of all the Egyptians; as neither your fathers nor your fathers' fathers have seen, since the day that they were on the earth to this day.'" He turned, and went out from Pharaoh.
7 Markaasaa Fircoon addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Ilaa goormuu ninkanu dabin inagu noqonayaa? Inaga sii daa nimanka, Rabbiga Ilaahooda ah ha u adeegeene. War miyaadan weli ogayn in Masar baabba'day?
Pharaoh's servants said to him, "How long will this man be a snare to us? Let the men go, that they may serve their God. Do you not yet know that Egypt is destroyed?"
8 Markaasaa Muuse iyo Haaruun mar kale loo keenay Fircoon. Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga Ilaahiinna ah u adeega, laakiinse waa ayo kuwa tegayaa?
Moses and Aaron were brought again to Pharaoh, and he said to them, "Go, serve your God; but who are those who will go?"
9 Muusena wuxuu yidhi, Annagu waannu tegaynaa yar iyo weynba, oo waxaannu la tegaynaa wiilashayada iyo gabdhahayaga, iyo adhyahayaga, iyo lo'dayada oo dhan; waayo, waxaannu u iidaynaa Rabbigayaga.
Moses said, "We will go with our young and with our old; with our sons and with our daughters, with our flocks and with our herds will we go; for we must hold a feast to Jehovah."
10 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu ha idinla jiro, haddaan idin sii daayo idinka iyo yaryarkiinnaba, laakiinse bal ogaada in wax xumu idinka horreeyaan.
He said to them, "Jehovah be with you if I will let you go with your dependents. See, evil is clearly before your faces.
11 Sidaas ma aha; ee intiinna ragga ahu taga, oo Rabbiga u adeega; waayo, taasu waa wixii aad doonayseen. Kolkaasaa Fircoon hortiisa laga eryay iyagii.
Not so. Go now you who are men, and serve God; for that is what you desire." They were driven out from Pharaoh's presence.
12 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada ayaxa ugu fidi dalka Masar korkiisa, inuu kor yimaado dalka Masar, oo uu cuno geed yar oo kasta, oo ah in alla intii roobkii dhagaxyada lahaa ka baxsatay.
Jehovah said to Moses, "Stretch out your hand over the land of Egypt for the locusts, that they may come up on the land of Egypt and eat every plant of the land, even all that the hail has left."
13 Markaasuu Muuse ushiisii dalkii Masar ku kor fidiyey, oo Rabbigu maalintaas oo dhan iyo habeenkii oo dhan, wuxuu dhulkii ku soo daayay dabayl bari ka timid, oo markii waagii beryay ayaa dabayshii bari ayaxii keentay.
Moses stretched forth his staff over the land of Egypt, and Jehovah brought an east wind on the land all that day, and all the night; and when it was morning, the east wind brought the locusts.
14 Kolkaasaa ayaxii dalkii Masar oo idil dul fuulay, oo wuxuu ku soo degay dalkii Masar oo dhan; wuxuuna ahaa ayax baas; hortiisna lama arag ayax saas oo kale ah, dabadiisna ma jiri doono kaas oo kale.
The locusts went up over all the land of Egypt, and rested in all the borders of Egypt. They were very grievous. Before them there were no such locusts as they, neither after them shall be such.
15 Waayo, wuxuu qariyey dhulka dushiisa oo dhan, kolkaasaa dalkii gudcur noqday; oo wuxuu cunay dhalatadii waddanka oo dhan, iyo midhihii dhirtii roobkii dhagaxyada lahaa ka baxsaday oo dhan; oo dalkii Masar oo dhanna wax cagaar ahuna kuma hadhin ama dhir ha noqoto ama dhalatada duurka.
For they covered the surface of the whole earth, so that the land was darkened, and they ate every plant of the land, and all the fruit of the trees which the hail had left. There remained nothing green, either tree or plant of the field, through all the land of Egypt.
16 Markaasaa Fircoon dhaqso ugu yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku dembaabay Rabbiga Ilaahiinna ah iyo idinkaba.
Then Pharaoh called for Moses and Aaron in haste, and he said, "I have sinned against Jehovah your God, and against you.
17 Haddaba waan ku baryayaaye, iga cafi dembigayga markan keliya, oo ii barya Rabbiga Ilaahiinna ah, inuu iga qaado dhimashadan keliya.
Now therefore please forgive my sin again, and pray to Jehovah your God, that he may also take away from me this death."
18 Kolkaasuu Fircoon dibadda uga baxay oo Rabbiga baryay.
He went out from Pharaoh, and prayed to God.
19 Markaasaa Rabbigu wuxuu soo leexiyey dabayl aad iyo aad u xoog badan oo galbeed ka timid, kolkaasay ayaxii kor u qaadday oo waxay ku gurtay Badda Cas, oo xataa ayax qudha ahi kuma hadhin dalka Masar oo dhan.
Jehovah turned an exceeding strong west wind, which took up the locusts, and drove them into the Red Sea. There remained not one locust in all the borders of Egypt.
20 Markaasaa Rabbigu sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay tagaan.
But Jehovah hardened Pharaoh's heart, and he did not let the children of Israel go.
21 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada xagga samada u taag, in gudcur ku soo dego dalka Masar, kaasoo ah gudcur aad u daran.
Jehovah said to Moses, "Stretch out your hand toward the sky, that there may be darkness over the land of Egypt, even darkness which may be felt."
22 Kolkaasaa Muuse gacanta xagga samada u taagay; oo waxaa dalkii Masar ku soo degay gudcur weyn oo in saddex maalmood ah jiray;
Moses stretched forth his hand toward the sky, and there was a thick darkness in all the land of Egypt three days.
23 oo midkoodna midka kale ma arkin, ama midkoodna meeshiisii kama kicin in saddex maalmood ah; laakiinse reer binu Israa'iil oo dhan guryahoodu iftiin bay lahaayeen.
They did not see one another, neither did anyone rise from his place for three days; but all the children of Israel had light in their dwellings.
24 Markaasaa Fircoon Muuse u yeedhay oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga u adeega; laakiinse adhyihiinna iyo lo'diinnu ha joogeen; yaryarkiinnuse ha idin raaceen.
Then Pharaoh called to Moses and to Aaron and said, "Go, serve Jehovah. Only let your flocks and your herds stay behind. Let your dependents also go with you."
25 Muusena wuxuu yidhi, De waa inaad weliba na siisaa allabaryo iyo qurbaan la gubo, oo aannu u bixinno Rabbiga ah Ilaahayaga.
Moses said, "You must also give into our hand sacrifices and burnt offerings, that we may sacrifice to Jehovah our God.
26 Lo'dayaduna waa inay na raacdaa, oo waa inaan neef keliyahu dib nooga hadhin, waayo, iyada waa inaannu wax ka qaadannaa si aannu ugu adeegno Rabbiga ah Ilaahayaga. Annagu garan mayno wax aannu ugu adeegno Rabbiga jeeraannu tagno xaggaas.
Our livestock must also go with us; not a hoof is left behind, for of it we must take to serve Jehovah our God; and we do not know with what we must serve Jehovah, until we come there."
27 Laakiinse Rabbigu waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana u doonaynin inuu iyaga sii daayo.
But Jehovah hardened Pharaoh's heart, and he wouldn't let them go.
28 Markaasaa Fircoon wuxuu isagii ku yidhi, War iga tag, oo iska jir, si aadan wejigayga mar dambe u arkin, waayo, maalintii aad wejigayga aragtid hubaal waad dhiman doontaa.
Pharaoh said to him, "Get away from me. Make sure you never see my face again; for in the day you see my face you shall die."
29 Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi, Adigu si wanaagsan baad u hadashay, oo wejigaaga mar dambe arki maayo.
Moses said, "You have spoken well. I will not see your face again."

< Baxniintii 10 >