< Sharciga Kunoqoshadiisa 18 >

1 Wadaaddada reer Laawi iyo xataa qabiilka reer Laawi oo dhan waa inayan reer binu Israa'iil qayb iyo dhaxal toona la yeelan, laakiinse waa inay cunaan qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo iyo isaga dhaxalkiisa.
The priests and the Levites—all the tribe of Levi—shall have no portion nor inheritance with Israel. They shall eat the offerings of the LORD made by fire and his portion.
2 Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay.
They shall have no inheritance among their brothers. The LORD is their inheritance, as he has spoken to them.
3 Oo dadka allabariga bixiya waxaa ku waajib ah inay wadaadka siiyaan, hadday dibi bixiyaan iyo hadday wan bixiyaanba, garabka iyo labada daan iyo caloosha.
This shall be the priests’ due from the people, from those who offer a sacrifice, whether it be ox or sheep, that they shall give to the priest: the shoulder, the two cheeks, and the inner parts.
4 Oo isaga waa inaad siisaan waxa ugu horreeya hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna, iyo dhogorta ugu horraysa idihiinna.
You shall give him the first fruits of your grain, of your new wine, and of your oil, and the first of the fleece of your sheep.
5 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa isaga ka dhex doortay qabiilooyinkiinna oo dhan inuu isagu istaago oo ku adeego magaca Rabbiga, isaga iyo carruurtiisuba weligood.
For the LORD your God has chosen him out of all your tribes to stand to minister in the LORD’s name, him and his sons forever.
6 Oo haddii mid reer Laawi ahu uu ka soo baxo magaalooyinkiinna middood, taasoo ah meeshuu dalka Israa'iil ka degganaa, oo isagoo aad u doonaya inuu yimaado meesha Rabbigu uu dooranayo,
If a Levite comes from any of your gates out of all Israel where he lives, and comes with all the desire of his soul to the place which the LORD shall choose,
7 markaas waa inuu ku adeegaa magaca Rabbiga Ilaahiisa ah siday wada yeelaan walaalihiisa reer Laawi oo Rabbiga hortiisa taagan oo dhammu.
then he shall minister in the name of the LORD his God, as all his brothers the Levites do, who stand there before the LORD.
8 Oo iyagu waa inay cunaan qayb isle'eg, oo aanay ku jirin waxa laga helo xoolaha aabbahood oo la iibiyo.
They shall have like portions to eat, in addition to that which comes from the sale of his family possessions.
9 Oo markaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaydaan baran inaad samaysaan waxyaalaha karaahiyo ah oo ay quruumahaasu sameeyaan.
When you have come into the land which the LORD your God gives you, you shall not learn to imitate the abominations of those nations.
10 Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala,
There shall not be found with you anyone who makes his son or his daughter to pass through the fire, one who uses divination, one who tells fortunes, or an enchanter, or a sorcerer,
11 ama falanfallow, ama mid qof ruuxaan leh la hadla, ama sixirow, ama mid kuwa dhintay la hadla.
or a charmer, or someone who consults with a familiar spirit, or a wizard, or a necromancer.
12 Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa.
For whoever does these things is an abomination to the LORD. Because of these abominations, the LORD your God drives them out from before you.
13 Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u qummanaataan.
You shall be blameless with the LORD your God.
14 Maxaa yeelay, quruumahaas aad hantiyi doontaan waxay dhegaystaan kuwa xiddigaha ku faaliya iyo faalshowyada kale, laakiinse idinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinma uu oggolaan inaad saasoo kale yeeshaan.
For these nations that you shall dispossess listen to those who practice sorcery and to diviners; but as for you, the LORD your God has not allowed you so to do.
15 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dhexdiinna idiinka kicin doonaa nebi sidayda oo kale oo walaalihiinna ka mid ah, oo idinku waa inaad isaga dhegaysataan,
The LORD your God will raise up to you a prophet from among you, of your brothers, like me. You shall listen to him.
16 sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga doonayseen maalintii shirka markaad Xoreeb joogteen oo aad tidhaahdeen, Rabbiga Ilaahayaga ah codkiisa yaannan mar dambe maqlin, oo dabkan weynna yaannan mar dambe arkin, si aannan u dhiman.
This is according to all that you desired of the LORD your God in Horeb in the day of the assembly, saying, “Let me not hear again the LORD my God’s voice, neither let me see this great fire any more, that I not die.”
17 Oo markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Wixii ay ku hadleen si wanaagsan bay u yidhaahdeen.
The LORD said to me, “They have well said that which they have spoken.
18 Waxaan iyaga walaalahood uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan.
I will raise them up a prophet from among their brothers, like you. I will put my words in his mouth, and he shall speak to them all that I shall command him.
19 Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii aan maqlin erayadayda uu magacayga ku sheegi doono, isagaan weyddiin doonaa.
It shall happen, that whoever will not listen to my words which he shall speak in my name, I will require it of him.
20 Laakiinse nebigii wax aanan ku amrin leh oo si kibir ah magacayga ugu hadla, ama kii ilaahyo kale magacood ku hadlaa, nebigaasu waa inuu dhintaa.
But the prophet who speaks a word presumptuously in my name, which I have not commanded him to speak, or who speaks in the name of other gods, that same prophet shall die.”
21 Oo haddaad qalbigiinna iska tidhaahdaan, Sidee baannu u garanaynaa eraygii aan Rabbigu ku hadlin?
You may say in your heart, “How shall we know the word which the LORD has not spoken?”
22 Markii nebi ku hadlo magaca Rabbiga, haddii wixii uu ku hadlay ayan ahaan oo ayan noqon, waxaas ayaa ah waxa aanu Rabbigu ku hadlin. Nebigu si kibir ah buu u hadlay ee waa inaydaan ka cabsan innaba.
When a prophet speaks in the LORD’s name, if the thing doesn’t follow, nor happen, that is the thing which the LORD has not spoken. The prophet has spoken it presumptuously. You shall not be afraid of him.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 18 >