< Sharciga Kunoqoshadiisa 15 >

1 Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad saamaxaad samaysaan.
At the end of every seven years you shall make a release.
2 Oo sidaad saamaxaad u samaynaysaan waa sidatan: mid kasta oo deyn baxshayba ha saamaxo wixii uu deriskiisa deynshay, oo waa inuusan ka qaadan deriskiisa iyo walaalkiis toona, maxaa yeelay, waxaa la naadiyey Rabbiga saamaxaaddiisii.
And this is the manner of the release: Every creditor that lends something to his neighbor shall release it; he shall not exact it of his neighbor, or of his brother; because it is called the LORD’s release.
3 Kii shisheeye ah waad ka qaadan karaysaan, laakiinse wax alla wixii aad leedihiin oo gacanta walaalkiin ku jira waa inaad saamaxdaan.
Of a foreigner you may exact it again: but that which is your with your brother your hand shall release;
4 Si kastaba ha ahaatee mid miskiin ah waa inaan dhexdiinna laga helin, (maxaa yeelay, hubaal Rabbigu waa idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo inaad hantidaan, )
Save when there shall be no poor among you; for the LORD shall greatly bless you in the land which the LORD your God gives you for an inheritance to possess it:
5 haddii keliyahoo aad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad dhawrtaan oo yeeshaan amarkiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.
Only if you carefully listen to the voice of the LORD your God, to observe to do all these commandments which I command you this day.
6 Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idiin barakayn doonaa siduu idiin ballanqaaday, oo wax baad deymin doontaan quruumo badan, laakiinse waxba kama amaahan doontaan, oo quruumo badan baad u talin doontaan, laakiinse iyagu idiinma ay talin doonaan.
For the LORD your God blesses you, as he promised you: and you shall lend to many nations, but you shall not borrow; and you shall reign over many nations, but they shall not reign over you.
7 Hadduu kula joogo nin miskiin ah oo walaalahaa midkood ah ee ku jira irdahaaga middood ee dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siinayo, waa inaadan qalbiga ka qallafin, gacantana ka xidhin walaalkaaga miskiinka ah.
If there be among you a poor man of one of your brothers within any of your gates in your land which the LORD your God gives you, you shall not harden your heart, nor shut your hand from your poor brother:
8 Laakiinse hubaal waa inaad gacanta u furtaa oo hubaal waa inaad deymisaa intii baahidiisa ku filan.
But you shall open your hand wide to him, and shall surely lend him sufficient for his need, in that which he wants.
9 Digtoonow, oo yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu noqon doontaa.
Beware that there be not a thought in your wicked heart, saying, The seventh year, the year of release, is at hand; and your eye be evil against your poor brother, and you give him nothing; and he cry to the LORD against you, and it be sin to you.
10 Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabatoba.
You shall surely give him, and your heart shall not be grieved when you give to him: because that for this thing the LORD your God shall bless you in all your works, and in all that you put your hand to.
11 Waayo, masaakiintu weligood dalka kama ay dhammaan doonaan, haddaba waxaan kugu amrayaa oo kugu leeyahay, Hubaal waa inaad gacanta u furtaa walaalkaa iyo kaaga baahan iyo masaakiintaada dalkaaga joogta.
For the poor shall never cease out of the land: therefore I command you, saying, You shall open your hand wide to your brother, to your poor, and to your needy, in your land.
12 Oo haddii qof walaalkaa ah oo ah nin Cibraani ah amase naag Cibraaniyad ah lagaa iibiyo oo uu lix sannadood kuu adeego, sannadda toddobaad waa inaad xoraysaa.
And if your brother, an Hebrew man, or an Hebrew woman, be sold to you, and serve you six years; then in the seventh year you shall let him go free from you.
13 Oo markaad xorayso waa inaadan dirin isagoo faro madhan.
And when you send him out free from you, you shall not let him go away empty:
14 Waa inaad si deeqsinimo ah isaga uga xoolagooysaa idahaaga iyo hadhuudhka goobtaada lagu tumo iyo waxa macsarada canabkaaga ku jira, oo sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu kuu barakeeyey waa inaad isaga wax u siisid.
You shall furnish him liberally out of your flock, and out of your floor, and out of your wine press: of that with which the LORD your God has blessed you you shall give to him.
15 Oo waa inaad xusuusataa inaad dalkii Masar addoon ku ahaan jirtay oo Rabbiga Ilaahaaga ahu ku soo furtay, oo sidaas daraaddeed baan maanta waxan kuugu amrayaa.
And you shall remember that you were a slave in the land of Egypt, and the LORD your God redeemed you: therefore I command you this thing to day.
16 Oo hadduu kugu yidhaahdo, Dooni maayo inaan kaa baxo, oo sababtuna ay tahay jacayl uu u qabo adiga iyo reerkaaga, iyo nabdoonaan uu kugu qabo,
And it shall be, if he say to you, I will not go away from you; because he loves you and your house, because he is well with you;
17 kolkaas waa inaad mudac qaaddaa oo aad dhegtiisa albaabka kula daloolisaa, oo isna weligiis addoon buu kuu ahaan doonaa. Oo weliba addoontaadana sidaas oo kale ku samee.
Then you shall take an awl, and thrust it through his ear to the door, and he shall be your servant for ever. And also to your maidservant you shall do likewise.
18 Oo markaad xoraysid yaanay kula ahaan wax adag, waayo, isagu lixdaas sannadood wuxuu kuugu adeegay sidii shaqaale la kiraysto laba jibbaarkiis. Oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuu kugu barakayn doonaa wax alla wixii aad samaysidba.
It shall not seem hard to you, when you send him away free from you; for he has been worth a double hired servant to you, in serving you six years: and the LORD your God shall bless you in all that you do.
19 Kulli curadyada labka ah oo ka dhasho lo'daada iyo adhigaagaba waa inaad quduus uga dhigtid Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaadan ku shaqaysan curadka lo'daada, oo aadan dhogortana ka xiirin curadka idahaaga.
All the firstling males that come of your herd and of your flock you shall sanctify to the LORD your God: you shall do no work with the firstling of your bullock, nor shear the firstling of your sheep.
20 Sannad kasta adiga iyo reerkaaguba waa inaad kuwaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbigu dooranayo.
You shall eat it before the LORD your God year by year in the place which the LORD shall choose, you and your household.
21 Oo haddii curadku leeyahay iin ah addinla'aan ama indhala'aan, ama hadduu leeyahay iin xun wax kasta ha ahaatee, waa inaadan Rabbiga Ilaahaaga ah allabari ugu bixin.
And if there be any blemish therein, as if it be lame, or blind, or have any ill blemish, you shall not sacrifice it to the LORD your God.
22 Waa inaad irdahaaga gudahooda ku cuntaa, oo qofkii daahir ah iyo kii aan daahir ahaynuba isku si ha u cuneen sida cawsha iyo deerada oo kale.
You shall eat it within your gates: the unclean and the clean person shall eat it alike, as the roebuck, and as the hart.
23 Laakiinse waa inaadan dhiiggiisa cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaa sida biyo oo kale.
Only you shall not eat the blood thereof; you shall pour it on the ground as water.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 15 >