< Sharciga Kunoqoshadiisa 10 >

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaad soo qortaa laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo buurta iigu kaalay, oo waxaad kaloo samaysataa sanduuq qori ah.
At that time Jehovah said unto me, Hew thee two tables of stone like unto the first, and come up unto me into the mount, and make thee an ark of wood.
2 Oo looxyada waxaan ku qori doonaa erayadii ku yiil looxyadii hore oo aad jebisay, oo markaas waa inaad sanduuqa ku dhex riddaa.
And I will write on the tables the words that were on the first tables which thou brakest, and thou shalt put them in the ark.
3 Sidaas daraaddeed waxaan sanduuq ka sameeyey qori qudhac, oo waxaan soo qoray laba loox oo dhagax ah oo u eg kuwii hore, markaasaan buurta fuulay anigoo labadii loox gacmaha ku sida.
So I made an ark of acacia wood, and hewed two tables of stone like unto the first, and went up into the mount, having the two tables in my hand.
4 Oo isna wuxuu looxyadii ku qoray qorniinkii kuwii hore ku yiil oo kale, kaasoo ahaa tobankii qaynuun oo Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga, markaasaa Rabbigu iyagii i siiyey.
And he wrote on the tables, according to the first writing, the ten commandments, which Jehovah spake unto you in the mount out of the midst of the fire in the day of the assembly: and Jehovah gave them unto me.
5 Oo markaasaan jeestay oo buurtii ka soo degay, oo looxyadiina waxaan ku dhex riday sanduuqii aan sameeyey, oo halkaasay ku jiraan, sidii Rabbigu igu amray.
And I turned and came down from the mount, and put the tables in the ark which I had made; and there they are as Jehovah commanded me.
6 (Markaasay reer binu Israa'iil Bi'irod Bini Yacaqaan ka guureen, oo waxay u kaceen Mooseeraah, oo halkaasaa Haaruun ku dhintay, oo halkaasaa lagu aasay, oo meeshiisii shuqulkii wadaadnimada waxaa ka adeegay wiilkiisii Elecaasaar.
(And the children of Israel journeyed from Beeroth Bene-jaakan to Moserah. There Aaron died, and there he was buried; and Eleazar his son ministered in the priest’s office in his stead.
7 Oo halkaasna waxay uga guureen Gudgodaah, oo waxay Gudgodaahna uga guureen Yaatbaataah oo ah dal leh durdurro biyo ah.
From thence they journeyed unto Gudgodah; and from Gudgodah to Jotbathah, a land of brooks of water.
8 Oo waagaas ayaa Rabbigu qabiilka reer Laawi u soocay inay sanduuqa axdiga Rabbiga qaadaan, iyo inay Rabbiga hortiisa istaagaan oo ay isaga u adeegaan, iyo inay magiciisa ku duceeyaan, ilaa maantadan la joogo.
At that time Jehovah set apart the tribe of Levi, to bear the ark of the covenant of Jehovah, to stand before Jehovah to minister unto him, and to bless in his name, unto this day.
9 Oo sidaas daraaddeed Laawi walaalihiis lama laha qayb iyo dhaxal toona, dhaxalkiisa waxaa ah Rabbiga sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku yidhi.)
Wherefore Levi hath no portion nor inheritance with his brethren; Jehovah is his inheritance, according as Jehovah thy God spake unto him.)
10 Oo anna sidii markii hore ayaan buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo Rabbigu markaasna wuu i maqlay, oo Rabbiguna inuu idin baabbi'iyo ma uu jeclayn.
And I stayed in the mount, as at the first time, forty days and forty nights: and Jehovah hearkened unto me that time also; Jehovah would not destroy thee.
11 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac, oo dadka hor mar, oo iyana way geli doonaan oo hantiyi doonaan dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siinayo.
And Jehovah said unto me, Arise, take thy journey before the people; and they shall go in and possess the land, which I sware unto their fathers to give unto them.
12 Hadda reer binu Israa'iilow, bal maxaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka doonayaa, inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan, oo aad isaga jeclaataan, oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan,
And now, Israel, what doth Jehovah thy God require of thee, but to fear Jehovah thy God, to walk in all his ways, and to love him, and to serve Jehovah thy God with all thy heart and with all thy soul,
13 oo aad xajisaan Rabbiga amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idiinku amrayo wanaaggiinna aawadiis mooyaane?
to keep the commandments of Jehovah, and his statutes, which I command thee this day for thy good?
14 Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iska leh samada, iyo samada samooyinka, iyo dhulka, iyo waxa ku jira oo dhanba.
Behold, unto Jehovah thy God belongeth heaven and the heaven of heavens, the earth, with all that is therein.
15 Oo waxaa keliyahoo Rabbigu ku farxay inuu awowayaashiin jeclaado, oo farcankoodii iyaga ka dambeeyeyna wuu doortay, kuwaasoo ah idinka ee uu dadyowga oo dhan ka dhex doortay siday maantadan tahay.
Only Jehovah had a delight in thy fathers to love them, and he chose their seed after them, even you above all peoples, as at this day.
16 Haddaba sida jidhka loo gudo isaga jara xumaanta qalbigiinna, oo mar dambe ha sii madax adkaanina.
Circumcise therefore the foreskin of your heart, and be no more stiffnecked.
17 Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaahii ilaahyada, iyo Sayidkii sayidyada, oo isagu waa Ilaaha weyn oo xoogga badan oo laga cabsado oo aan dadka u kala eexan, laaluushna qaadan.
For Jehovah your God, he is God of gods, and Lord of lords, the great God, the mighty, and the terrible, who regardeth not persons, nor taketh reward.
18 Wuxuu u garsooraa agoonta iyo carmalka, shisheeyahana wuu jecel yahay, wuxuuna siiyaa dhar iyo dhuuni.
He doth execute justice for the fatherless and widow, and loveth the sojourner, in giving him food and raiment.
19 Haddaba sidaas daraaddeed idinku shisheeyaha jeclaada, maxaa yeelay, idinba shisheeyayaal baad ku ahaydeen dalkii Masar.
Love ye therefore the sojourner; for ye were sojourners in the land of Egypt.
20 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad u adeegtaan, waana inaad ku dhegtaan oo aad magiciisana ku dhaarataan.
Thou shalt fear Jehovah thy God; him shalt thou serve; and to him shalt thou cleave, and by his name shalt thou swear.
21 Isagu waa ammaantiinnii, oo isagu waa Ilaahiinnii idiin sameeyey waxyaalihii waaweynaa oo cabsida lahaa oo aad indhaha ku aragteen.
He is thy praise, and he is thy God, that hath done for thee these great and terrible things, which thine eyes have seen.
22 Awowayaashiin markay Masar u dhaadhaceen waxay ahaayeen toddobaatan qof, haatanse Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu tiradiinna ka dhigay sida xiddigaha samada oo kale.
Thy fathers went down into Egypt with threescore and ten persons; and now Jehovah thy God hath made thee as the stars of heaven for multitude.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 10 >