< Falimaha Rasuullada 28 >

1 Oo kolkii aannu wada baxsannay ayaan ogaannay in gasiiraddaas la yidhaahdo Melita.
When we were all safe, we found that the island was called Malta.
2 Oo barbariyiintii waxay na tuseen raxmad khaas ah; waayo, iyagu waxay shideen dab, oo dhammaantayona way na soo dhoweeyeen, sababtuna waa roobkii wakhtigaas jiray daraaddiis iyo dhaxantii daraaddeed.
The island’s people showed us marked kindness, for they lit a fire and took us all under shelter, because it had come on to rain and was cold.
3 Laakiin Bawlos ayaa soo ururshay xaabo badan, oo wuxuu saaray dabka, kolkaasaa kulaylka daraaddiis waxaa soo baxay jilbis oo gacantiisuu ku dhegay.
Paul had gathered a quantity of dry sticks and laid them on the fire, when a poisonous snake, driven out by the heat, fastened on his hand.
4 Oo barbariyiintiina markay arkeen bahalkii gacantiisa ka laalaaday ayaa midkoodba wuxuu mid kale ku yidhi, Shakila'aan ninkanu waa nin dhiig qaba, waayo, in kastoo uu baddii nabdoonaan kaga baxsaday, haddana xaqnimadu uma oggolaan inuu sii noolaado.
When the islanders saw the creature hanging from his hand, they said to one another, ‘Evidently this man is a murderer, for though he has been saved from the sea, Justice has not allowed him to live.’
5 Habase yeeshee bahalkii ayuu dabka iskaga tuuray, oo innaba waxyeello ma gaadhin isagii.
However, Paul shook the creature off into the fire and took no harm.
6 Laakiin iyagii waxay filanayeen inuu haddiiba bararo ama uu markiiba dhaco isagoo meyd ah; laakiin kolkii ay wakhti dheer dhawrayeen oo ay arkeen inaan waxyeello ku dhicin isagii, ayay fikirradoodii beddeleen, oo waxay isku yidhaahdeen, Isagu waa ilaah.
The islanders were expecting inflammation to set in, or that he would suddenly fall dead; but, after waiting for a long time, and seeing that there was nothing amiss with him, they changed their minds and said that he was a God.
7 Haddaba meeshaas waxaa u dhowaa dhulal uu leeyahay ninkii gasiiradda madaxda u ahaa oo magiciisa la odhan jiray Bobliyos. Kaasuna waa na soo dhoweeyey, oo intii saddex maalmood ah ayuu si sharaf ah noo marti qaaday.
In that region there was an estate belonging to the Governor of the island, whose name was Publius. He took us up to his house, and for three days entertained us most courteously.
8 Oo waxay noqotay in Bobliyos aabbihiis jiifsaday isagoo qandho iyo dabadhiig qaba. Markaasaa Bawlos isagii u galay oo intuu u duceeyey ayuu gacmihiisii saaray oo wuu bogsiiyey isagii.
It happened that the father of Publius was lying ill of fever and dysentery. So Paul went to see him; and, after praying, he placed his hands on him and cured him.
9 Oo markii waxaas la sameeyey dabadeed ayaa intii kale oo cudurro qabtay oo gasiiraddii joogtay oo dhammu wada yimaadeen, oo iyana waa la bogsiiyey;
After this, all the people in the island who had any illness came to Paul, and were cured.
10 oo kuwaasuna waxay nagu sharfeen sharaf badan; oo markii aannu dhoofaynay ayay doonnida noo saareen wax alla wixii aannu u baahnayn.
They also presented us with many gifts, and when we set sail they put supplies of necessaries on board.
11 Saddex bilood dabadeed waxaannu ku dhoofnay doonni Iskanderiya ka timid oo wakhtigii qabowga gasiiraddii joogtay taasoo sumaddeedii ahayd Walaalihii Mataanaha ahaa.
After three months, we set sail in a ship that had wintered in the island. She was an Alexandrian vessel, and had the Twin sons of Zeus for her figure-head.
12 Markaasaannu nimid Surakus, oo saddex maalmood ayaan halkaas sii joognay.
We put in at Syracuse and stayed there three days,
13 Oo halkaasaannu ka wareegnay oo waxaannu gaadhnay Regiyon; oo maalin dabadeed waxaa kacday dabayl koonfureed, oo maalintii labaadna waxaannu nimid Botiyolos.
and from there we worked to windward and so got to Rhegium. A day later a south wind sprang up and took us to Puteoli in two days.
14 Oo halkaas waxaan ka helnay walaalo, oo waxay naga baryeen inaan toddoba maalmood iyaga la sii joogno, oo sidaas ayaan Rooma ku nimid.
There we found some of the Lord’s followers, and were urged to stay a week with them; after which we went on to Rome.
15 Oo halkaasna walaalihii markii ay maqleen warkayagii, ayay u soo baxeen inay naga hor yimaadaan, oo waxay soo gaadheen tan iyo Suuqa Abbiyus iyo Saddexdii Makhaayadood. Oo Bawlosna markuu arkay iyagii ayuu Ilaah ku mahadnaqay oo sii dhiirranaaday.
The followers there had heard about us, and came out as far as the Market of Appius and the Three Taverns to meet us. At sight of them Paul thanked God and was much cheered.
16 Oo markii aannu Rooma galnay ayaa Bawlos waxaa loo oggolaaday inuu keli ahaantiis u joogo isaga iyo askarigii dhawrayay.
On our reaching Rome, Paul was allowed to live by himself, except for the soldier who was in charge of him.
17 Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.
Three days after our arrival, Paul invited the leading Jews to meet him; and, when they came, he said, ‘Brothers, although I had done nothing hostile to the interests of our nation or to our ancestral customs, yet I was sent from Jerusalem as a prisoner, and handed over to the Romans.
18 Iyaguna, markii ay i imtixaameen, waxay damceen inay iska kay daayaan, maxaa yeelay, sabab dhimasho istaahisha aanay igu jirin.
The Romans, when they had examined me, were ready to release me, because there was nothing in my conduct deserving death.
19 Laakiin Yuhuuddu markay taas qilaafeen ayaa waxaa dirqi igu noqotay inaan Kaysar u ashtakoodo; taasuna ma ahaan inaan haystay wax aan quruuntayda ku dacwaynayo.
But, as the Jewish leaders opposed my release, I was compelled to appeal to the Emperor – not, indeed, that I had any charge to make against my own nation.
20 Sababtaas daraaddeed ayaan idiin yeedhay inaan idin arko oo aan idinla hadlo; maxaa yeelay, rajadii reer binu Israa'iil sugayaan daraaddeed ayaan silsiladdan ugu xidhnahay.
This, then, is my reason for urging you to come to see me and talk with me; because it is for the sake of the hope of Israel that I am here in chains.’
21 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu wax warqadaa oo adiga kugu saabsan Yahuudiya kama aannu helin, oo walaalihii midkoodna xaggaas kama iman, noomana soo sheegin ama kaama soo warramin xumaato.
‘We,’ was their reply, ‘have not had any letter about you from Judea, nor have any of our fellow Jews come and reported or said anything bad about you.
22 Laakiin waxaannu jeclaan lahayn inaannu kaa maqalno waxaad u malaynaysid; maxaa yeelay, xagga dariiqadan waxaannu ka og nahay in meel walba ka gees ahaan lagaga hadlo.
But we will be glad to hear from you what your views are, for, with regard to this sect, we are well aware that it is spoken against on all sides.’
23 Oo intay maalin ka ballanqaadeen, ayay hoygiisii ugu yimaadeen iyagoo tiro badan, oo isna xaalkii aad buu ugu sii caddeeyey oo u marag furay boqortooyada Ilaah, oo wuxuu iyagii ku waaninayay wax Ciise ku saabsan oo ku yaalla sharciga Muuse iyo nebiyadiiba tan iyo aroortii ilaa fiidkii.
They then fixed a day with him, and came to the place where he was staying, in even larger numbers, when Paul proceeded to lay the subject before them. He bore his testimony to the kingdom of God, and tried to convince them about Jesus, by arguments drawn from the Law of Moses and from the prophets – speaking from morning until evening.
24 Oo qaar baa rumaystay waxyaalihii lagu hadlay, qaar kalena way rumaysan waayeen.
Some were inclined to accept what he said; others, however, rejected it.
25 Oo intay dhexdooda ka heshiin waayeen, ayay kala tageen, Bawlos se wax keliya ayuu ku hadlay, isagoo leh, Ruuxa Quduuska ah si hagaagsan ayuu uga dhex hadlay nebi Isayos markuu awowayaashiin la hadlay,
So, as they disagreed among themselves, they began to disperse, Paul adding only – ‘True, indeed, was the declaration made by the Holy Spirit, through the prophet Isaiah to your ancestors –
26 oo ku yidhi, Adigu dadka u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Maqal baad ku maqli doontaan, mana garan doontaan; Idinkoo arkaya, wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto;
Go to this nation and say: You will hear with your ears without ever understanding, and, though you have eyes, you will see without ever perceiving.
27 Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.
For the mind of this nation has grown dense, and their ears are dull of hearing, their eyes also have they closed; otherwise some day they might see with their eyes, and with their ears they might hear, and in their mind they might understand, and might turn – and I might heal them.
28 Haddaba idinku waxaad ogaataan in badbaadadan Ilaah loo soo diray dadka aan Yuhuudda ahayn; oo iyaguna way maqli doonaan.
Understand, then, that this salvation of God was sent for the Gentiles; and they will listen.’
29 Oo markuu waxyaalahaas ku yidhi ayaa Yuhuuddii iska tageen, iyagoo isla murmaya.
30 Oo laba sannadood oo dhan ayuu iska degganaa hoy uu isagu kiraystay, oo kulli intii u soo gashay oo dhanna wuu soo wada dhoweeyey.
For two whole years Paul stayed in a house which he rented for himself, welcoming all who came to see him,
31 Oo isagoo aad u dhiirran ayuu wuxuu ku wacdiyi jiray boqortooyada Ilaah, wuxuuna bari jiray waxyaalaha ku saabsan Rabbi Ciise Masiix, cidnana uma diidin.
proclaiming the kingdom of God, and teaching about the Lord Jesus Christ, with perfect fearlessness, unhindered.

< Falimaha Rasuullada 28 >