< Falimaha Rasuullada 27 >

1 Haddaba markii la goostay inaannu Itaaliya u dhoofo ayaa Bawlos iyo dhawr kale oo maxaabiis ah waxaa loo dhiibay boqol-u-taliye magiciisa Yulyos la odhan jiray oo ka tirsanaa ciidankii boqorka.
As it was decided that we were to sail to Italy, Paul and some other prisoners were put in charge of a centurion of the Augustan Guard, named Julius.
2 Oo waxaannu fuulnay doonni Adramuteyon ka timid oo u dhoofaysay meelaha xeebta Aasiya ku yaal, markaasaannu dhoofnay oo waxaa nala socday nin Aristarkhos la odhan jiray oo reer Makedoniya ahaa oo Tesaloniika ka yimid.
We went on board a ship from Adramyttium, which was on the point of sailing to the ports along the coast of Roman Asia, and put to sea. Aristarchus, a Macedonian from Thessalonica, went with us.
3 Oo maalintii dambe waxaannu nimid Siidoon; markaasaa Yulyos u naxariistay Bawlos oo fasax u siiyey inuu saaxiibbadiis u tago oo uu dhaqaalo ka helo.
The next day we put in to Sidon, where Julius treated Paul in a friendly manner, and allowed him to go to see his friends and receive their hospitality.
4 Oo haddana halkaas waannu ka dhoofnay, oo waxaannu ka hoos marnay Qubrus, maxaa yeelay, dabayshu waa na haysay.
Putting to sea again, we sailed under the lee of Cyprus, because the wind was against us;
5 Oo markii aannu ka gudubnay badda u dhow Kilikiya iyo Bamfuliya, waxaannu nimid Mura oo ku taal Lukiya.
and, after crossing the sea of Cilicia and Pamphylia, we reached Myra in Lycia.
6 Oo halkaas boqol-u-taliyihii wuxuu ka helay doonni Iskanderiya ka timid oo u dhoofaysa Itaaliya; markaasuu na fuushiiyey.
There the Roman officer found an Alexandrian ship on her way to Italy, and put us on board of her.
7 Oo kolkii aannu maalmo badan aayar soconaynay, waxaannu dhib ku nimid Kinidos horteeda, oo dabayshii ayaa noo diiday inaan hore u sii soconno, kolkaasaannu ka hoos marnay Kereetee oo ka hor jeedda Salmoonee.
For several days our progress was slow, and it was only with difficulty that we arrived off Cnidus. As the wind was still unfavourable when we came off Cape Salmone, we sailed under the lee of Crete,
8 Oo markii aannu dhib ku dhaafnay, waxaannu nimid meel magaceeda la yidhaahdo Marsooyin Wanaagsan oo u dhow magaalada Lasaya.
and with difficulty, by keeping close in shore, we reached a place called “Fair Havens,” near which was the town of Lasea.
9 Markii wakhti badanu dhammaaday, oo haatan dhoofku halis ahaa, maxaa yeelay, Soonkii goor horaa la soo dhaafay, ayaa Bawlos waaniyey iyagii,
This had taken a considerable time, and sailing was already dangerous, for the Fast was already over; and so Paul gave this warning.
10 oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxay ila tahay in dhoofkanu lahaan doono waxyeello iyo khasaaro badan, umana ahaan doonaan shixnadda iyo doonnida oo keliya, laakiin xataa nafaheennu khatar bay ku sugan yihiin.
‘My friends,’ he said, ‘I see that this voyage will be attended with injury and much damage, not only to the cargo and the ship, but to our own lives also.’
11 Laakiin boqol-u-taliyihii wuxuu dhegaystay hadalkii naakhudihii iyo ninkii doonnida lahaa intuu dhegaysan lahaa waxyaalihii Bawlos yidhi.
The Roman officer, however, was more influenced by the captain and the owner than by what was said by Paul.
12 Oo marsadaasu ma ay ahayn mid ku wanaagsan in wakhtiga qabowga la joogo, sidaas daraaddeed ayaa dadkii intiisii badnayd waxay ku talisay in halkaas laga sii dhoofo, haddii si uun lagu gaadhi karo Foynikis oo halkaas wakhtiga qabowga la joogo, taasoo ah marso Kereetee ku taal oo u jeedda woqooyi-bari iyo koonfur-bari.
And, as the harbour was not a suitable one to winter in, the majority were in favour of continuing the voyage, in hope of being able to reach Phoenix, and winter there. Phoenix was a Cretan harbour, open to the north-east and south-east.
13 Oo kolkii dabayshii koonfureed tartiib u socotay ayay waxay u maleeyeen inay qasdigoodii heleen, kolkaasay barroosinkii qaadeen, oo waxay ag mareen Kereetee.
So, when a light wind sprang up from the south, thinking that they had found their opportunity, they weighed anchor and kept along the coast of Crete, close in shore.
14 Laakiin wakhti aan dheerayn dabadeed ayaa waxaa ka soo kacay duufaan weyn oo magiciisa la yidhaahdo Yurokludoon;
But shortly afterwards a hurricane came down on us off the land – a north-easter, as it is called.
15 oo markii doonnidii la qabsaday oo ay wejiga siin kari weyday dabaysha, ayaannu iska dhiibnay, kolkaasay na kaxaysatay.
The ship was caught by it and was unable to keep her head to the wind, so we had to give way and let her drive before it.
16 Oo waxaannu ku orodnay gasiirad yar oo Kalawda la yidhaahdo dugsigeed, oo annagoo aad u dhibtoonnay ayaan waxaan awood u helnay inaan huurigii aad u xidhno;
Running under the lee of a small island called Cauda, we only just managed to secure the ship’s boat,
17 Oo kolkii ay kor u soo bixiyeen ayay waxay ku isticmaaleen xadhko wax tara oo doonnidiina way adkeeyeen, oo iyagoo ka cabsanaya inay Surtis oo bacaad ah ku dhacaan, ayay waxay dejiyeen shiraaqii, oo sidaasaa loo kaxaystay.
and, after hoisting it on board, the men frapped the ship. But, afraid of being driven on to the Syrtis Sands, they lowered the yard, and then drifted.
18 Oo sidii aannu duufaankii aad ugu hawshoonaynay, ayay maalintii dambe shixnaddii badda ku tuureen.
So violently were we tossed about by the storm, that the next day they began throwing the cargo overboard,
19 Oo maalintii saddexaadna waxay gacmahoodii ku tuureen alaabtii doonnida.
and, on the following day, threw out the ship’s tackle with their own hands.
20 Oo markii intii maalmo badan ah ayan qorraxdii iyo xiddigihii toona ifin, oo duufaan aan yaraynuna uu nagu dhacayay, ayaa rajadii aannu badbaado ku rajaynaynay oo dhan nalaga qaaday.
As neither sun nor stars were visible for several days, and, as the gale still continued severe, all hope of our being saved was at last abandoned.
21 Oo kolkii ay wakhti dheer cuntola'aan sii joogeen ayaa Bawlos dhexdooda istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxaa idinku habboonayd inaad i maqashaan oo aydaan Kereetee ka soo dhoofin oo helin waxyeelladan iyo khasaaradan toona.
It was then, when they had gone a long time without food, that Paul came forward, and said, ‘My friends, you should have listened to me, and not have sailed from Crete and so incurred this injury and damage.
22 Haddaba waxaan idinku waaninayaa inaad kalsoonaataan; waayo, midkiinna nafta waayi maayo, laakiin waxaa keliyahoo dumaya doonnida.
Yet, even as things are, I beg you not to lose courage, for there will not be a single life lost among you – only the ship.
23 Waayo, xalayto ayaa waxaa i soo ag istaagtay malaa'igtii Ilaaha i leh oo aan weliba u adeego.
For last night an angel of the God to whom I belong, and whom I serve, stood by me, and said –
24 Waxay igu tidhi, Bawlosow, ha cabsan; waayo, waa inaad Kaysar hortiisa istaagtaa; oo weliba bal eeg, Ilaah wuxuu adiga ku wada siiyey kuwa kula socda oo dhan.
“Have no fear, Paul; you must appear before the Emperor, and God himself has given you the lives of all your fellow voyagers.”
25 Haddaba, niman yahow, kalsoonaada, waayo, anigu Ilaah waan rumaysanahay inay noqon doonto sidii la ii sheegay.
Therefore, courage, my friends! For I believe God, that everything will happen exactly as I have been told.
26 Habase yeeshee waa inaynu ku dhacno gasiirad.
We will, however, have to be driven on some island.’
27 Laakiin intii badda Adriya hore iyo gadaal nalagu kaxeeyey, kolkii habeenkii afar iyo tobnaad la gaadhay, goor habeenbadhkii ku dhow, ayaa baxriyiintii waxay u maleeyeen inay dhul ku soo dhowaanayeen;
It was now the fourteenth night of the storm, and we were drifting about in the Adriatic Sea, when, about midnight, the sailors began to suspect that they were drawing near land.
28 kolkaasay moolkii badda qiyaas ka qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay labaatan baac, oo haddana kolkay in yar socdeen ayay mar kale qiyaas qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay shan iyo toban baac.
So they took soundings, and found twenty fathoms of water. After waiting a little, they took soundings again, and found fifteen fathoms.
29 Waxay ka cabsadeen inaannu ku dhacno meelo dhagaxyo leh, markaasay waxay doonnida xaggeeda dambe ka tuureen afar barroosin, oo waxay aad u jeclaysteen in maalin noqoto.
Then, as they were afraid of our being driven on some rocky coast, they let go four anchors from the stern, and longed for daylight.
30 Oo baxriyiintii ayaa waxay damceen inay doonnida ka baxsadaan, oo waxay badda qarsoodi ugu dejiyeen huurigii sidii iyagoo barroosinno ka tuuraya doonnidii xaggeeda hore.
The sailors wanted to leave the ship, and had lowered the boat, on pretence of running out anchors from the bows,
31 Markaasaa Bawlos boqol-u-taliyihii iyo askartii ku yidhi, Kuwanu haddayan doonnida sii joogin, idinku badbaadi kari maysaan.
when Paul said to the Roman officer and his men, ‘Unless the sailors remain on board, you cannot be saved.’
32 Markaasaa askartii xadhkaha huuriga ka jareen oo ay huurigii sii daayeen inuu dhaco.
So the soldiers cut the ropes which held the boat, and let her drift away.
33 Oo intii waagu soo beryayay, ayaa Bawlos wuxuu dadkii oo dhan ka baryay inay wax cunaan, oo wuxuu yidhi, Maanta waa maalintii afar iyo tobnaad intii aad sugayseen oo aad iska soomanaydeen, oo aydnaan waxba qaadan.
In the interval before daybreak Paul kept urging them all to take something to eat. ‘It is a fortnight today,’ he said, ‘that, owing to your anxiety, you have gone without food, taking nothing.
34 Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad cunto qaadataan, waayo, taasu waa caafimaadkiinna aawadiis; maxaa yeelay, midkiinna tin keliyahu ka go'i maayo madaxiisa.
So I beg you to take something to eat; your safety depends on it, for not one of you will lose even a hair of his head.’
35 Oo markii uu saas yidhi, ayuu wuxuu soo qaatay kibis, oo dadkii oo dhan hortooda ayuu Ilaah ugu mahadnaqay, oo intuu kala jebiyey ayuu bilaabay inuu wax cuno.
With these words he took some bread, and, after saying the thanksgiving to God before them all, broke it in pieces, and began to eat;
36 Markaasay wada dhiirranaadeen dhammaantood, oo iyagiina wax bay cuneen.
and the men all felt cheered and had something to eat themselves.
37 Oo intayadii doonnidii ku jirtay oo dhammu waxaannu ahayn laba boqol iyo lix iyo toddobaatan qof.
There were about seventy-six of us on board, all told.
38 Oo markii ay cuntada ka dhergeen, ayay doonnidii fududeeyeen, oo sarreenkiina waxay ku tuureen badda.
After satisfying their hunger, they further lightened the ship by throwing the grain into the sea.
39 Oo markii waagii beryay, ayay dhulkii garan waayeen; laakiin waxay arkeen marso xeeb leh, oo waxay doonayeen inay doonnidii halkaas ku kaxeeyaan hadday karaan.
When daylight came, they could not make out what land it was, but, observing a creek in which there was a beach, they consulted as to whether they could run the ship safely into it.
40 Markaasay barroosinnadii badda ku xooreen oo badda ku sii daayeen, oo isla markaasba waxay fureen xadhkihii shukaanaha ku xidhnaa, oo intay shiraaqii dabaysha u sii daayeen, ayay xeebta ku hagaageen.
Then they cast off, and abandoned the anchors, and at the same time unlashed the gear of the steering oars, hoisted the foresail to the wind, and made for the beach.
41 Laakiin waxay ku dhaceen meel laba badood isaga darmadaan, markaasaa doonnidii dhulka ku dhufatay; oo dhankeedii hore ayaa meel ku liimbaaday oo waxay noqotay wax aan la dhaqdhaqaajin karin, laakiin dhankii dambe wuxuu bilaabay inuu ku burburo mawjadihii xooggooda.
They got, however, into a kind of channel, and there ran the ship aground. The bows stuck fast and could not be moved, while the stern began breaking up under the strain.
42 Markaasaa askartii waxay ku taliyeen inay maxaabiista laayaan, si aan midkoodna intuu dabaasho uga baxsan.
The advice of the soldiers was that the prisoners should be killed, so that none of them could swim away and make their escape.
43 Laakiin boqol-u-taliyihii oo doonayay inuu badbaadiyo Bawlos, ayaa qasdigoodii ka joojiyey; oo wuxuu amray in kuwa dabaalan karaa ay doonnida iska tuuraan, oo ay marka hore dhulka tagaan;
But the Roman officer, anxious to save Paul, prevented their carrying out their intention, and ordered that those who could swim should be the first to jump into the sea and try to reach the shore;
44 oo inta kalena qaar ha ku dabaasho looxaan, qaarna waxyaalo kale oo ay doonnida ka sii qaataan. Oo sidaas daraaddeed waxay noqotay inay dhammaantood dhulkii u baxsadeen iyagoo nabdoon.
and that the rest should follow, some on planks, and others on different pieces of the ship. In these various ways everyone managed to get safely ashore.

< Falimaha Rasuullada 27 >