< Samuu'Eel Labaad 23 >

1 Haddaba erayadanu waa kuwii ugu dambeeyey oo Daa'uud. Daa'uud ina Yesay wuxuu leeyahay, Ninkii kor loo qaadayna wuxuu leeyahay, Kaasoo ah kii Ilaaha Yacquub subkay, Ee ugu sabuur macaan reer binu Israa'iil oo dhan:
Et ce sont ici les dernières paroles de David. David, le fils d’Isaï, a dit, et l’homme haut placé, l’oint du Dieu de Jacob, et le doux psalmiste d’Israël, a dit:
2 Rabbiga ruuxiisii baa iga dhex hadlay, Oo eraygiisiina carrabkayguu saarnaa.
L’Esprit de l’Éternel a parlé en moi, et sa parole a été sur ma langue.
3 Ilaaha reer binu Israa'iil baa yidhi, Oo Dhagaxii weynaa ee reer binu Israa'iil ayaa ila hadlay, isagoo leh, Waxaa jiri doona mid dadka si xaq ah ugu taliya, Oo Ilaah cabsidiisa wax ku xukuma,
Le Dieu d’Israël a dit, le Rocher d’Israël m’a parlé: Celui qui domine parmi les hommes sera juste, dominant en la crainte de Dieu,
4 Kaasu wuxuu ahaan doonaa sida iftiinka subaxdii, marka qorraxdu soo baxdo, Iyo sida aroor aan cadar ahayn; Markuu doog jilicsanu dhulka ka soo baxo, Oo uu bayaan u dhalaalayo roobka dabadiis.
et il sera comme la lumière du matin, quand le soleil se lève, un matin sans nuages: par sa clarté l’herbe tendre [germe] de la terre après la pluie.
5 Sida runta ah reerkaygu xagga Ilaah saas kuma aha; Laakiinse axdi aan weligiis dhammaanayn ayuu ila dhigtay, Oo wax kastaba wuu hagaajiyey, wuuna adkeeyey; Oo in kastoo uusan soo bixin weliba waa badbaadadayda oo dhan iyo doonistayda oo dhanba.
Quoique ma maison ne soit pas ainsi avec Dieu, cependant il a établi avec moi une alliance éternelle, à tous égards bien ordonnée et assurée, car c’est là tout mon salut et tout mon plaisir, quoiqu’il ne la fasse pas germer.
6 Laakiinse kuwa waxmatarayaasha ah dhammaantood waxay noqonayaan sidii qodxanta layska tuuro, Waayo, iyaga gacanta laguma qaadi karo;
Mais [les fils de] Bélial sont tous comme des épines qu’on jette loin, car on ne les prend pas avec la main,
7 Laakiinse ninkii iyaga taabta Waa in hub looga dhigaa bir iyo waran samaydiisa; Oo iyana dhammaantood meeshoodaa lagu gubi doonaa.
Et l’homme qui les touche se munit d’un fer ou d’un bois de lance; et ils seront entièrement brûlés par le feu sur le lieu même.
8 Kuwanu waa magacyadii nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay: Yoshebbashebed oo ahaa reer Taxkemon, oo saraakiisha madax u ahaa, kaasoo ahaa Cadiinoo kii reer Cesen, oo warankiisa u qaaday siddeedda boqol oo isku mar qudha dilay.
Ce sont ici les noms des hommes forts qu’avait David: Josheb-Bashébeth, Thacmonite, chef des principaux capitaines; c’était Adino, l’Etsnite, qui eut le dessus sur 800 hommes, qu’il tua en une fois.
9 Oo kaas dabadiisna waxaa jiray Elecaasaar ina Dooday, oo ahaa reer Axoo'ax, oo kaasu wuxuu ahaa saddexdii nin oo Daa'uud la jirtay midkood, markay caayeen reer Falastiin oo halkaas isugu urursaday inay la diriraan, oo ay dadkii reer binu Israa'iilna mar hore sii tageen.
Et après lui, Éléazar, fils de Dodo, fils d’un Akhokhite; il était l’un des trois hommes forts qui étaient avec David, lorsqu’ils avaient défié les Philistins qui s’étaient assemblés là pour combattre, et que les hommes d’Israël étaient montés.
10 Wuu kacay, oo laayay reer Falastiin ilaa ay gacantii daashay, oo gacantii seeftii ku dhegtay; oo Rabbiguna maalintaas aad buu u guuleeyey, markaasaa dadkiina u soo noqdeen inay wax dhacaan oo keliya.
Il se leva, et frappa les Philistins, jusqu’à ce que sa main fut lasse et que sa main demeura attachée à l’épée; et l’Éternel opéra une grande délivrance ce jour-là; et le peuple revint après [Éléazar], seulement pour piller.
11 Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Shammaah oo ahaa ina Agee oo qoladiisuna ahayd reer Haraarii. Oo reer Falastiinna waxay isu soo wada urursadeen inay soo dhacaan meel misir ka buuxo, oo dadkiina waxay ka carareen reer Falastiin.
Et après lui, Shamma, fils d’Agué, Hararite: les Philistins s’étaient assemblés en troupe; et il y avait là une portion de champ pleine de lentilles, et le peuple avait fui devant les Philistins:
12 Laakiinse isagu beertuu isdhex taagay oo daafacay, wuuna laayay reer Falastiin; oo Rabbiguna aad buu u guuleeyey.
et il se plaça au milieu du champ, et le sauva, et frappa les Philistins; et l’Éternel opéra une grande délivrance.
13 Oo soddonkii madaxda ahaa saddex ka mid ah ayaa tegey, oo Daa'uud ugu yimid godkii Cadullaam xilligii beergooyska; oo colkii reer Falastiinna waxay soo degeen dooxadii Refaa'iim.
Et trois des trente chefs descendirent et vinrent au temps de la moisson vers David, dans la caverne d’Adullam, comme une troupe de Philistins était campée dans la vallée des Rephaïm.
14 Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayska, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.
Et David était alors dans le lieu fort, et il y avait alors un poste des Philistins à Bethléhem.
15 Oo Daa'uud intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam ee iridda ku ag yaal!
Et David convoita, et dit: Qui me fera boire de l’eau du puits de Bethléhem, qui est près de la porte?
16 Markaasaa saddexdii nin ee xoogga badnaa ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse wuu diiday inuu ka cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay.
Et les trois hommes forts forcèrent le passage à travers le camp des Philistins, et puisèrent de l’eau du puits de Bethléhem, qui est près de la porte, et la prirent et l’apportèrent à David; et il ne voulut pas la boire, mais il en fit une libation à l’Éternel.
17 Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ha iga fogaato inaan saas yeelo; ma waxaan cabbaa dhiiggii raggii naftooda biimeeyey? Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.
Et il dit: Loin de moi, Éternel, que je fasse cela! N’est-ce pas le sang des hommes qui sont allés au péril de leur vie? Et il ne voulut pas la boire. Ces trois hommes forts firent cela.
18 Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo ay Seruuyaah dhashay. Oo kaasu wuxuu waran u qaatay saddex boqol oo nin, wuuna wada laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa.
Et Abishaï, frère de Joab, fils de Tseruïa, était chef de trois; il leva sa lance contre 300 hommes, qu’il tua. Et il eut un nom parmi les trois.
19 Isagu miyaanu saddexdooda ugu ciso badnayn? Sidaas daraaddeed waxaa looga dhigay sirkaal, habase yeeshee saddexdii hore ma uu gaadhin.
Ne fut-il pas le plus honoré des trois? Et il fut leur chef; mais il n’atteignit pas les trois [premiers].
20 Oo Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo uu dhalay nin xoog weyn oo reer Qabse'eel ahu, kaasoo sameeyey falimo waaweyn, wuxuu dilay labadii wiil oo Arii'eel kii reer Moo'aab, oo haddana wuu tegey oo libaax buu god ku dhex dilay wakhtiga barafka,
Et Benaïa, fils de Jehoïada, fils d’un homme vaillant, de Kabtseël, grand en exploits, lui, frappa deux lions de Moab; et il descendit, et frappa le lion dans une fosse, par un jour de neige.
21 oo wuxuu kaloo dilay nin Masri ah oo dheer, oo Masriguna wuxuu gacanta ku haystay waran, laakiinse isagu wuxuu ula tegey ul, oo warankii ka dhufsaday gacantii Masriga, oo isagii ku dilay warankiisii.
Et c’est lui qui frappa un homme égyptien qui était de grande apparence, et l’Égyptien avait en sa main une lance; et il descendit vers lui avec un bâton, et arracha la lance de la main de l’Égyptien, et le tua avec sa propre lance.
22 Oo waxyaalahan waxaa sameeyey Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna saddexdii nin ee xoogga badnaa magac buu ku lahaa.
Voilà ce que fit Benaïa, fils de Jehoïada; et il eut un nom parmi les trois hommes forts:
23 Oo weliba isagu wuu ka ciso badnaa soddonka, laakiinse ma uu gaadhin saddexdii hore. Oo Daa'uudna wuxuu isaga madax uga dhigay lataliyayaashiisii.
il fut plus honoré que les trente, mais il n’atteignit pas les trois [premiers]. Et David lui donna une place dans ses audiences privées.
24 Oo soddonka waxaa ka mid ahaa Casaaheel oo Yoo'aab walaalkiis ahaa, iyo Elxaanaan oo ahaa ina Doodoo oo reer Beytlaxam ahaa,
Asçaël, frère de Joab, était des trente; Elkhanan, fils de Dodo, de Bethléhem;
25 iyo Shammaah oo ahaa reer Xarod, iyo Eliiqaa oo ahaa reer Xarod,
Shamma, le Harodite; Élika, le Harodite;
26 iyo Xeles oo ahaa reer Faltii, iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca,
Hélets, le Paltite; Ira, fils d’Ikkesh, le Thekohite;
27 iyo Abiiceser oo ahaa reer Canaatood, iyo Mebunnay oo ahaa reer Xushaad;
Abiézer, l’Anathothite; Mebunnaï, le Hushathite;
28 iyo Salmoon oo ahaa reer Axoo'ax, iyo Maharay oo ahaa reer Netofaah,
Tsalmon, l’Akhokhite; Maharaï, le Netophathite;
29 iyo Xeeleb ina Bacanaah oo ahaa reer Netofaah, iyo Itay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin;
Héleb, fils de Baana, le Netophathite; Itthaï, fils de Ribaï, de Guibha des fils de Benjamin;
30 iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, iyo Xidday oo ka yimid durdurradii Gacash;
Benaïa, le Pirhathonite; Hiddaï, des torrents de Gaash;
31 iyo Abiicalboon oo ahaa reer Caraabaah, iyo Casmaawed oo ahaa reer Barxum;
Abi-Albon, l’Arbathite; Azmaveth, le Barkhumite;
32 iyo Elyaxbaa oo ahaa reer Shacalbiim, iyo wiilashii Yaasheen, Yoonaataan,
Éliakhba, le Shaalbonite; Bené-Jashen; Jonathan;
33 iyo Shammaah oo ahaa reer Haraarii, iyo Axiyaam ina Shaaraar oo ahaa reer Araarii;
Shamma, l’Hararite; Akhiam, fils de Sharar, l’Ararite;
34 iyo Eliifeled ina Axasbay, oo ahaa wiilkii kii reer Macakaah, iyo Eliicaam ina Axiitofel oo ahaa reer Giloh;
Éliphéleth, fils d’Akhasbaï, fils d’un Maacathien; Éliam, fils d’Akhitophel, le Guilonite;
35 iyo Xesroo oo ahaa reer Karmel, iyo Facaray oo ahaa reer Araab;
Hetsraï, le Carmélite; Paaraï, l’Arbite;
36 iyo Yigaal ina Naataan oo ahaa reer Soobaah, iyo Baanii oo ahaa reer Gaad;
Jighal, fils de Nathan, de Tsoba; Bani, le Gadite;
37 iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Bi'irod, iyo kuwii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay;
Tsélek, l’Ammonite; Nakharaï, le Beérothien, qui portait les armes de Joab, fils de Tseruïa;
38 iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,
Ira, le Jéthrien; Gareb, le Jéthrien;
39 iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed; oo kulligoodna waxay ahaayeen toddoba iyo soddon.
Urie, le Héthien: en tout, 37.

< Samuu'Eel Labaad 23 >