< Boqorradii Labaad 1 >

1 Oo markii Axaab dhintay dabadeed ayaa reer Moo'aab ku caasiyoobeen dalka Israa'iil.
Moab rebelled against Israel after the death of Ahab.
2 Oo Axasyaahna wuxuu ka dhacay daaqaddii qolkiisii sare oo Samaariya ku yiil, wuuna bukooday, markaasuu wargeeyayaal diray, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon waxaad ii soo weyddiisaan bal inaan buktadan ka bogsanayo iyo in kale.
Then Ahaziah fell down through the lattice in his upper chamber in Samaria, and was injured. So he sent for messengers and said to them, “Go, ask Baal-Zebub, the god of Ekron, whether I will recover from this injury.”
3 Laakiinse malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi Eliiyaah kii reer Tishbii, Kac oo ka hor tag wargeeyayaasha boqorka Samaariya, oo waxaad ku tidhaahdaa, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad Bacal Sebuub wax u soo weyddiinaysaan?
But the angel of Yahweh said to Elijah the Tishbite, “Arise, go up to meet the messengers of the king of Samaria, and ask them, 'Is it because there is no God in Israel that you are going to consult with Baal-Zebub, the god of Ekron?
4 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. Dabadeedna Eliiyaah waa iska tegey.
Therefore Yahweh says, “You will not come down from the bed to where you have gone up; instead, you will certainly die.”'” Then Elijah left.
5 Kolkaasaa wargeeyayaashii isagii ku soo noqdeen, oo isna wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo noqoteen?
When the messengers returned to Ahaziah, he said to them, “Why have you returned?”
6 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War nin baa naga hor yimid, oo wuxuu nagu yidhi, Taga, oo boqorkii idin soo diray ku noqda, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad u cid diranaysaa in wax la soo weyddiiyo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon? Haddaba sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.
They said to him, “A man came to meet us who said to us, 'Go back to the king who sent you, and say to him, “Yahweh says this: 'Is it because there is no God in Israel that you sent men to consult with Baal-Zebub, the god of Ekron? Therefore you will not come down from the bed to which you have gone up; instead, you will certainly die.'”'”
7 Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Ninkii idinka hor yimid oo waxakan idiin sheegay nin caynkee ah buu ahaa?
Ahaziah said to his messengers, “What sort of man was he, the one who came up to meet you and said these words to you?”
8 Oo iyana waxay isagii ugu jawaabeen, Wuxuu ahaa nin xaad badan, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa. Markaasuu yidhi, Kaasu waa Eliiyaah kii reer Tishbii.
They answered him, “He wore a garment made of hair and had a leather belt wrapped around his waist.” So the king replied, “That is Elijah the Tishbite.”
9 Markaasaa boqorkii wuxuu u diray sirkaal konton xukuma oo wata kontonkiisii ninba. Isna kor buu ugu baxay, oo bal eeg, buur korkeed buu fadhiyey, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, boqorkii wuxuu kugu soo yidhi, Soo deg oo kaalay.
Then the king sent a captain with fifty soldiers to Elijah. The captain went up to Elijah where he was sitting on the top of a hill. The captain spoke to him, “You, man of God, the king has said, 'Come down.'”
10 Oo Eliiyaahna wuxuu ugu jawaabay sirkaalkii kontonka nin xukumay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dab, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.
Elijah answered and said to the captain, “If I am a man of God, let fire come down from heaven and consume you and your fifty men.” Then fire came down from heaven and consumed him and his fifty men.
11 Oo haddana wuxuu isagii u diray sirkaal kale oo konton nin xukuma ee isna wata kontonkiisii. Oo isna intuu u jawaabay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waxaa boqorkii kugu soo yidhi, Soo deg oo haddiiba kaalay.
Again King Ahaziah sent to Elijah another captain with fifty soldiers. This captain also said to Elijah, “You, man of God, the king says, 'Come down quickly.'”
12 Markaasaa Eliiyaah ugu jawaabay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dabkii Ilaah, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.
Elijah answered and said to them, “If I am a man of God, let fire come down from heaven and consume you and your fifty men.” Again the fire of God came down from heaven and consumed him and his fifty men.
13 Oo haddana boqorkii wuxuu isagii u diray sirkaal saddexaad oo konton nin xukuma ee kontonkiisii nin wata. Oo sirkaalkii saddexaad oo kontonka nin xukumayna kor buu ugu baxay, oo intuu u yimid ayuu Eliiyaah hortiisa jilbo u dhacay oo baryay, oo wuxuu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waan ku baryayaaye naftayda iyo kontonkan nin oo addoommadaada ah naftooda hortaada qaali ha ku noqdeen.
Yet again the king sent a third group of fifty warriors. This captain went up, fell on his knees before Elijah, and implored him and said to him, “You, man of God, I ask you, let my life and the life of these fifty servants of yours be precious in your sight.
14 Waayo, bal eeg, dab baa samada ka soo degay oo wada baabbi'iyey labadii sirkaal oo iga soo horreeyey iyo kontomadoodiiba, laakiinse haatan naftaydu hortaada qaali ha ku noqoto.
Indeed, fire came down from heaven and consumed the first two captains with their men, but now let my life be precious in your sight.”
15 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay Eliiyaah ku tidhi, Tag oo isaga raac; hana ka cabsan. Kolkaasuu kacay oo intuu isagii la dhaadhacay ayuu boqorkii u tegey.
The angel of Yahweh said to Elijah, “Go down with him. Do not be afraid of him.” So Elijah arose and went down with him to the king.
16 Oo wuxuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Waxaad wargeeyayaal u soo dirtay inaad Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon wax soo weyddiiso ee sababtu ma waxay tahay inaan dalka Israa'iil jirin Ilaah aad hadalkiisa wax weyddiiso? Haddaba sidaas daraaddeed sariirtii aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.
Later Elijah said to Ahaziah, “This is what Yahweh says, 'You have sent messengers to consult with Baal-Zebub, the god of Ekron. Is it because there is no God in Israel from whom you can ask for information? So now, you will not come down from the bed where you have gone up; you will certainly die.'”
17 Markaasuu u dhintay sidii Eraygii Rabbiga oo Eliiyaah ku hadlay ahaa. Oo Yehooraam ayaa boqor ka noqday meeshiisii, oo taasuna waxay dhacday Yehooraam ina Yehooshaafaad oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah sannaddiisii labaad, maxaa yeelay, isagu wiil ma uu lahayn.
So King Ahaziah died according to the word of Yahweh that Elijah had spoken. Joram began to reign in his place, in the second year of Jehoram son of Jehoshaphat king of Judah, because Ahaziah had no son.
18 Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
As for the other matters concerning Ahaziah, are they not written in the book of the events of the kings of Israel?

< Boqorradii Labaad 1 >