< Taariikhdii Labaad 28 >

1 Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman,
Achaz était âgé de 20 ans lorsqu’il commença de régner; et il régna 16 ans à Jérusalem. Et il ne fit pas ce qui est droit aux yeux de l’Éternel, comme [avait fait] David, son père;
2 laakiinse wuxuu ku socday jidadkii boqorrada dalka Israa'iil, oo weliba wuxuu Bacaliim u sameeyey sanamyo la shubay.
mais il marcha dans les voies des rois d’Israël, et même il fit des images de fonte pour les Baals;
3 Oo haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
et il fit fumer [de l’encens] dans la vallée du fils de Hinnom, et brûla ses fils par le feu, selon les abominations des nations que l’Éternel avait dépossédées devant les fils d’Israël.
4 Oo haddana wuxuu ku allabaryi jiray oo fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiisaba.
Et il sacrifiait et faisait fumer de l’encens sur les hauts lieux, et sur les collines, et sous tout arbre vert.
5 Oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahiisa ahu isagii ku riday gacantii boqorkii Suuriya, oo intay isagii wax ku dhufteen ayay dadkiisii tirada badnaana maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen Dimishaq. Oo haddana isagii waxaa gacanta loo geliyey boqorkii dalka Israa'iil kaasoo wax badan ka laayay.
Et l’Éternel, son Dieu, le livra en la main du roi de Syrie; et [les Syriens] le frappèrent, et lui prirent un grand nombre de captifs, et les amenèrent à Damas. Et il fut aussi livré en la main du roi d’Israël, qui lui infligea une grande défaite.
6 Oo Feqax ina Remalyaah ayaa dalka Yahuudah isku maalin ku laayay boqol iyo labaatan kun oo nin oo dhammaantood wada xoog badan, maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood.
Et Pékakh, fils de Remalia, tua en un seul jour 120 000 [hommes] de Juda, tous hommes vaillants; car ils avaient abandonné l’Éternel, le Dieu de leurs pères.
7 Oo Sikrii oo ahaa nin xoog badan oo reer Efrayim ayaa dilay Macaseeyaah oo ahaa boqorka wiilkiisii, iyo Casriiqaam oo reerka u talin jiray, iyo Elqaanaah oo ahaa kii boqorka ku xigay.
Et Zicri, un homme fort d’Éphraïm, tua Maascéïa, fils du roi, et Azrikam, prince de la maison [du roi], et Elkana, le second après le roi.
8 Oo dadkii Israa'iilna waxay walaalahood maxaabiis ahaan uga soo kaxaysteen laba boqol oo kun oo qof, oo ahaa naago iyo wiilal iyo gabdhoba, oo waxay kaloo ka dhaceen maal badan, oo maalkiina waxay keeneen Samaariya.
Et les fils d’Israël emmenèrent d’entre leurs frères 200 000 captifs, femmes, fils, et filles; ils leur enlevèrent aussi un grand butin, et amenèrent le butin à Samarie.
9 Laakiinse halkaas waxaa joogay nebi Rabbigu soo dirtay, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Codeed, wuuna u baxay inuu ka hor tago ciidankii Samaariya ku soo socday oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin ayaa u cadhooday dadka Yahuudah, oo sidaas daraaddeed ayuu iyaga gacantiinna u soo geliyey, oo idinna waxaad iyagii ku layseen cadho kulul oo tan iyo samada gaadhay.
Et il y avait là un prophète de l’Éternel, nommé Oded, et il sortit au-devant de l’armée qui revenait à Samarie, et leur dit: Voici, dans son courroux contre [ceux de] Juda, l’Éternel, le Dieu de vos pères, les a livrés entre vos mains, et vous les avez tués avec une rage qui est parvenue jusqu’aux cieux.
10 Oo imminka waxaad ku talo jirtaan inaad hoosaysiisaan dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem si ay idiinku ahaadaan niman addoommo ah iyo naago addoommo ah, laakiinse miyaanay jirin xadgudubyo aad idinkuba ku xadgudubteen Rabbiga Ilaahiinna ah?
Et maintenant, vous pensez vous assujettir comme serviteurs et servantes les fils de Juda et de Jérusalem! N’avez-vous pas avec vous, ne concernant que vous, des péchés contre l’Éternel, votre Dieu?
11 Haddaba i maqla, oo celiya maxaabiistii aad walaalihiin ka soo kaxaysateen, maxaa yeelay, waxaa idin kor saaran Rabbiga cadhadiisa kulul.
Et maintenant, écoutez-moi: renvoyez les captifs que vous avez emmenés captifs d’entre vos frères; car l’ardeur de la colère de l’Éternel est sur vous.
12 Markaasay madaxdii reer Efrayim qaarkood hor istaageen kuwii dagaalka ka soo noqday, oo madaxdaasuna waxay ahaayeen Casaryaah ina Yooxaanaan, iyo Berekyaah ina Meshilleemood, iyo Yexisqiyaah ina Shalluum, iyo Camaasaa ina Xadlay.
Et des hommes d’entre les chefs des fils d’Éphraïm, Azaria, fils de Jokhanan, Bérékia, fils de Meshillémoth, et Ézéchias, fils de Shallum, et Amasça, fils de Hadlaï, se levèrent contre ceux qui venaient de l’armée,
13 Oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday.
et leur dirent: Vous ne ferez point entrer ici les captifs, car, pour notre culpabilité devant l’Éternel, vous pensez ajouter à nos péchés et à notre crime; car notre crime est grand, et l’ardeur de la colère est sur Israël.
14 Sidaas daraaddeed raggii hubka sitay waxay maxaabiistii iyo boolidiiba kaga tageen amiirrada iyo shirkii oo dhan hortooda.
Et les gens armés abandonnèrent les captifs et le butin devant les chefs et devant toute la congrégation.
15 Markaasay nimankii la magacaabay soo kaceen, oo waxay qabteen maxaabiistii, oo kuwii dhexdooda ku jiray oo qaawanaana dhar bay uga xidheen boolidii, wax bay huwiyeen, oo kabana way u geliyeen, oo waxay siiyeen wax ay cunaan iyo wax ay cabbaanba, wayna u subkeen, oo kuwii itaalka yaraa oo dhanna dameeray ku qaadeen, markaasay Yerixoo oo ahayd magaaladii geedatimireedka lahayd walaalahood ugu geeyeen, dabadeedna Samaariya ayay ku noqdeen.
Et les hommes qui ont été nommés par [leurs] noms se levèrent et prirent les captifs, et vêtirent du butin tous ceux d’entre eux qui étaient nus; et ils les vêtirent et les chaussèrent, et leur donnèrent à manger et à boire, et les oignirent; et ils conduisirent sur des ânes tous ceux qui étaient faibles, et les amenèrent à Jéricho, la ville des palmiers, auprès de leurs frères; et ils s’en retournèrent à Samarie.
16 Oo wakhtigaas ayaa Boqor Aaxaas u cid dirsaday boqorradii reer Ashuur inay caawiyaan.
En ce temps-là, le roi Achaz envoya vers les rois d’Assyrie pour qu’ils l’aident.
17 Waayo, waxaa haddana yimid reer Edom oo intay dalka Yahuudah wax ku dhufteen ayay dadkoodii maxaabiis ahaan u kaxaysteen.
Et les Édomites vinrent de nouveau, et frappèrent Juda, et emmenèrent des captifs.
18 Oo weliba reer Falastiinna waxay weerareen magaalooyinkii dooxada iyo kuwii dalka Yahuudah ee Koonfureed, oo waxay qabsadeen Beytshemesh, iyo Ayaaloon, iyo Gedeerood, iyo Sookoo iyo tuulooyinkeedii, iyo Timnaah iyo tuulooyinkeedii, iyo weliba Gimsoo iyo tuulooyinkeedii, oo intaas oo dhanna way iska degeen.
Et les Philistins se jetèrent sur les villes du pays plat et du midi de Juda, et prirent Beth-Shémesh, et Ajalon, et Guedéroth, et Soco et les villages de son ressort, et Thimna et les villages de son ressort, et Guimzo et les villages de son ressort; et ils y habitèrent.
19 Rabbigu wuxuu dadka Yahuudah hoos ugu dejiyey boqorkii dalka Israa'iil oo Aaxaas ahaa daraaddiis, maxaa yeelay, si xun buu dalka Yahuudah ugu dhex macaamilooday, oo Rabbigana aad buu ugu xadgudbay.
Car l’Éternel abaissa Juda, à cause d’Achaz, roi d’Israël, car il avait rejeté tout frein en Juda, et avait beaucoup péché contre l’Éternel.
20 Markaasaa waxaa isagii u yimid Tilgad Filneser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo isna aad buu u dhibay, mana uu caawin isagii.
Et Tilgath-Pilnéser, roi d’Assyrie, vint contre lui, et le traita en ennemi, et ne le fortifia pas.
21 Markaasaa Aaxaas qayb ka soo qaaday gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka iyo kii amiirradaba, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur, laakiinse taasu isagii waxba uma tarin.
Car Achaz dépouilla la maison de l’Éternel et la maison du roi et des chefs, et donna [les dépouilles] au roi d’Assyrie, mais il ne lui fut d’aucune aide.
22 Oo Boqor Aaxaas kaas qudhiisu intuu dhibaataysnaa ayuu weliba Rabbiga si weyn ugu sii xadgudbay.
Et au temps de sa détresse, il ajouta aussi à son péché contre l’Éternel, lui, le roi Achaz;
23 Waayo, isagu wuxuu allabari u bixiyey ilaahyadii Dimishaq oo isaga wax ku dhuftay, oo wuxuu isyidhi, Ilaahyada boqorrada reer Suuriya way caawiyaan iyaga, sidaas daraaddeed allabari ayaan u bixinayaa si ay anigana ii caawiyaan. Laakiinse waxay isaga iyo reer binu Israa'iil oo dhanba u noqdeen wax ay ku dhacaan.
et il sacrifia aux dieux de Damas qui l’avaient frappé, et il dit: Puisque les dieux des rois de Syrie leur sont en aide, je leur sacrifierai, et ils me seront en aide. Et ils furent sa ruine et celle de tout Israël.
24 Markaasaa Aaxaas wuxuu soo wada urursaday weelashii guriga Ilaah oo wuu wada burburiyey weelashii guriga Ilaah, oo albaabbadii guriga Rabbigana wuu wada xidhay, oo isna wuxuu meelo allabari ka samaystay gees kasta oo Yeruusaalem.
Et Achaz rassembla les ustensiles de la maison de Dieu, et mit en pièces les ustensiles de la maison de Dieu; et il ferma les portes de la maison de l’Éternel, et se fit des autels dans tous les coins de Jérusalem.
25 Oo magaaloo kasta oo dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay meelo sarsare in foox loogu shido ilaahyo qalaad, oo wuxuu aad uga xanaajiyey Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashiis.
Et dans chacune des villes de Juda il fit des hauts lieux pour brûler de l’encens à d’autres dieux; et il provoqua à colère l’Éternel, le Dieu de ses pères.
26 Haddaba falimihiisii kale iyo jidadkiisii oo dhammu intii hore iyo intii dambeba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.
Et le reste de ses actes, et toutes ses voies, les premières et les dernières, voici, ils sont écrits dans le livre des rois de Juda et d’Israël.
27 Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaalada Yeruusaalem, waayo, isagii lama gelin qabuurihii boqorrada dalka Israa'iil; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.
Et Achaz s’endormit avec ses pères, et on l’enterra dans la ville, à Jérusalem; mais on ne le mit pas dans les sépulcres des rois d’Israël. Et Ézéchias, son fils, régna à sa place.

< Taariikhdii Labaad 28 >