< Taariikhdii Labaad 21 >

1 Oo Yehooshaafaadna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooraam.
约沙法与他列祖同睡,葬在大卫城他列祖的坟地里。他儿子约兰接续他作王。
2 Oo isna wuxuu lahaa walaalo oo ahaa ilma Yehooshaafaad, waana Casaryaah, iyo Yexii'eel, iyo Sekaryaah, iyo Casaryaah, iyo Miikaa'eel, iyo Shefatyaah, oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen ilma Yehooshaafaad kii ahaa boqorkii dalka Israa'iil.
约兰有几个兄弟,就是约沙法的儿子亚撒利雅、耶歇、撒迦利雅、亚撒利雅、米迦勒、示法提雅。这都是犹大王约沙法的儿子。
3 Oo aabbahoodna wuxuu iyagii siiyey hadiyado waaweyn oo ah lacag, iyo dahab, iyo waxyaalo qaali ah, oo weliba wuxuu ugu daray magaalooyin deyr leh oo dalka Yahuudah ku yaal, laakiinse boqortooyadii wuxuu siiyey Yehooraam, maxaa yeelay, wuxuu ahaa curadkiisii.
他们的父亲将许多金银、财宝,和犹大地的坚固城赐给他们;但将国赐给约兰,因为他是长子。
4 Haddaba Yehooraam markuu boqortooyadii aabbihiis fuulay oo uu aad u xoogaystay ayuu walaalihiis oo dhan seef ku laayay, iyaga iyo kuwo kale oo ah amiirradii dadka Israa'iil.
约兰兴起坐他父的位,奋勇自强,就用刀杀了他的众兄弟和以色列的几个首领。
5 Oo Yehooraam markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem.
约兰登基的时候年三十二岁,在耶路撒冷作王八年。
6 Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.
他行以色列诸王的道,与亚哈家一样;因他娶了亚哈的女儿为妻,行耶和华眼中看为恶的事。
7 Habase yeeshee Rabbigu ma uu doonaynin inuu baabbi'iyo reerkii Daa'uud, maxaa yeelay, axdi wuu la dhigtay, oo wuxuu u ballanqaaday inuu isaga iyo carruurtiisa had iyo goorba laambad siiyo.
耶和华却因自己与大卫所立的约,不肯灭大卫的家,照他所应许的,永远赐灯光与大卫和他的子孙。
8 Oo wakhtigiisii ayaa reer Edom ka fallaagoobay dadka Yahuudah, oo iyana waxay yeesheen boqor u taliya.
约兰年间,以东人背叛犹大,脱离他的权下,自己立王。
9 Markaasaa Yehooraam soo gudbay isagoo wata saraakiishiisii iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, oo intuu habeennimo kacay ayuu laayay reer Edom oo hareereeyey isaga iyo saraakiishiisii gaadhifardoodka.
约兰就率领军长和所有的战车,夜间起来,攻击围困他的以东人和车兵长。
10 Reer Edomna way ka fallaagoobeen oo way ka hoos baxeen gacantii dadka Yahuudah ilaa maantadan la joogo. Oo haddana isla markaasba waxaa kaloo ka fallaagoobay oo gacantiisii ka hoos baxay reer Libnaah, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka tegey Rabbigii ahaa Ilaaha awowayaashiis.
这样,以东人背叛犹大,脱离他的权下,直到今日。那时,立拿人也背叛了,因为约兰离弃耶和华—他列祖的 神。
11 Oo weliba wuxuu buuraha dalka Yahuudah ka sameeyey meelo sarsare, oo dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ka dhigay inay sanamyo raacaan, oo dadkii Yahuudahna wuu habaabiyey.
他又在犹大诸山建筑邱坛,使耶路撒冷的居民行邪淫,诱惑犹大人。
12 Oo waxaa isagii u timid qorniin laga keenay Nebi Eliiyaah, oo leh, Rabbiga aabbahaa Daa'uud Ilaahiisa ahu wuxuu leeyahay, Adigu kuma aadan socon jidadkii aabbahaa Yehooshaafaad maray iyo jidadkii Aasaa oo boqorka dalka Yahuudah ahaa uu maray toona,
先知以利亚达信与约兰说:“耶和华—你祖大卫的 神如此说:‘因为你不行你父约沙法和犹大王亚撒的道,
13 laakiinse waxaad ku socotay jidkii boqorrada dalka Israa'iil, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba waxaad ka dhigtay inay sanamyo raacaan sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, oo weliba waxaad laysay walaalahaa oo reerka aabbahaa ka mid ahaa oo kaa wanaagsanaa,
乃行以色列诸王的道,使犹大人和耶路撒冷的居民行邪淫,像亚哈家一样,又杀了你父家比你好的诸兄弟。
14 haddaba sidaas daraaddeed bal eeg, Rabbigu belaayo weyn ayuu ku dhufan doonaa dadkaaga, iyo carruurtaada, iyo naagahaaga, iyo xoolahaaga oo dhanba.
故此,耶和华降大灾与你的百姓和你的妻子、儿女,并你一切所有的。
15 Oo adigana waxaa kugu dhici doona cudur weyn oo xiidmahaaga ayaa bukan doona, ilaa xiidmahaagu ay kaa soo dhacaan maalin ka maalin cudurka aad qabto daraaddiis.
你的肠子必患病,日加沉重,以致你的肠子坠落下来。’”
16 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yehooraam ku soo kiciyey reer Falastiin iyo reer Carabta oo ag joogay reer Itoobiya.
以后,耶和华激动非利士人和靠近古实的阿拉伯人来攻击约兰。
17 Oo waxay ku soo kaceen dalka Yahuudah, oo way burburiyeen, waxayna wada qaateen maalkii guriga boqorka yiil oo dhan, iyo weliba wiilashiisii iyo naagihiisii, sidaas daraaddeed wiilna uma hadhin isagii kii wiilashiisa ugu yaraa oo Yehoo'aaxaas la odhan jiray mooyaane.
他们上来攻击犹大,侵入境内,掳掠了王宫里所有的财货和他的妻子、儿女,除了他小儿子约哈斯之外,没有留下一个儿子。
18 Oo waxaas oo dhan dabadood Rabbigu wuxuu isaga xiidmihiisii ku dhuftay cudur aan la bogsiin karin.
这些事以后,耶和华使约兰的肠子患不能医治的病。
19 Oo wakhtigii waa iska socday, oo laba sannadood dabadood waxay noqotay in xiidmihiisii la soo dhacay cudurkii uu qabay daraaddiis, oo wuxuu u dhintay cudurro xunxun. Oo dadkiisiina isaga dab uguma ay shidin siday awowayaashiis dab ugu sharfi jireen oo kale.
他患此病缠绵日久,过了二年,肠子坠落下来,病重而死。他的民没有为他烧什么物件,像从前为他列祖所烧的一样。
20 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa siddeed sannadood, oo wuxuu tegey oo dhintay isagoo aan la jeclayn, oo waxaa lagu aasay magaalada Daa'uud, laakiinse laguma aasin qabuurihii boqorrada.
约兰登基的时候年三十二岁,在耶路撒冷作王八年。他去世无人思慕,众人葬他在大卫城,只是不在列王的坟墓里。

< Taariikhdii Labaad 21 >