< Taariikhdii Labaad 20 >

1 Oo taas dabadeedna waxaa Yehooshaafaad ku soo kacay inay la diriraan reer Moo'aab iyo reer Cammoon iyo qaar kale oo reer Cammoon ahaa.
ויהי אחרי כן באו בני מואב ובני עמון ועמהם מהעמונים על יהושפט--למלחמה
2 Markaasaa qaar yimid oo waxay Yehooshaafaad u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Waxaa kugu soo socda col faro badan oo ka imanaya badda shishadeeda iyo dalka Suuriya, oo bal eeg haatan waxay joogaan Xasason Taamaar oo ah Ceyn Gedii.
ויבאו ויגידו ליהושפט לאמר בא עליך המון רב מעבר לים מארם והנם בחצצון תמר היא עין גדי
3 Kolkaasaa Yehooshaafaad cabsaday, oo wuxuu isu diyaariyey inuu Rabbiga doondoono, oo dalkii Yahuudah oo dhanna soon buu ku naadiyey.
וירא ויתן יהושפט את פניו לדרוש ליהוה ויקרא צום על כל יהודה
4 Markaasay dadkii Yahuudah oo dhammu iswada urursadeen inay Rabbiga caawimaad ka weyddiistaan, oo xataa magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan way uga soo baxeen inay Rabbiga doondoonaan.
ויקבצו יהודה לבקש מיהוה גם מכל ערי יהודה באו לבקש את יהוה
5 Markaasa Yehooshaafaad isdhex taagay shirkii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem iyagoo jooga guriga Rabbiga iyo barxadda cusub horteeda,
ויעמד יהושפט בקהל יהודה וירושלם--בבית יהוה לפני החצר החדשה
6 oo wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaahii awowayaashayow, sow ma ahid Ilaaha samada ku jira? Oo sow ma ahid kan u taliya kulli boqortooyooyinka quruumaha oo dhan? Oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal oo sidaas daraaddeed ninna kuma hor istaagi karo.
ויאמר יהוה אלהי אבתינו הלא אתה הוא אלהים בשמים ואתה מושל בכל ממלכות הגוים ובידך כח וגבורה ואין עמך להתיצב
7 Ilaahayagow, dadkii dalkan degganaa sow kama aad eryin dadkaaga reer binu Israa'iil hortooda, oo weligiisba sow ma aadan siin saaxiibkaagii Ibraahim farcankiisii?
הלא אתה אלהינו הורשת את ישבי הארץ הזאת מלפני עמך ישראל ותתנה לזרע אברהם אהבך--לעולם
8 Haddaba iyagu way dhex degganaan jireen, oo waxay magacaaga aawadiis uga dhex dhiseen meel quduus ah, oo waxay yidhaahdeen,
וישבו בה ויבנו לך בה מקדש לשמך לאמר
9 Markii wax shar ahu ay nagu dhacaan hadday yihiin seef ama xukun ama belaayo ama abaar, annagu waxaan soo hor istaagi doonnaa gurigan iyo adiga, (waayo, magacaagu wuxuu ku jiraa gurigan), markaasaannu kuu qayshan doonnaa annagoo dhib ku jirna, oo adna waad na maqli doontaa oo waad na badbaadin doontaa.
אם תבוא עלינו רעה חרב שפוט ודבר ורעב נעמדה לפני הבית הזה ולפניך כי שמך בבית הזה ונזעק אליך מצרתנו ותשמע ותושיע
10 Haddaba bal eeg reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo aad reer binu Israa'iil markay dalka Masar ka soo baxeen u diidday inay dalkooda galaan, laakiinse gees bay uga leexdeen oo mana ay baabbi'in.
ועתה הנה בני עמון ומואב והר שעיר אשר לא נתתה לישראל לבוא בהם בבאם מארץ מצרים כי סרו מעליהם ולא השמידום
11 Bal eeg siday noogu abaalgudeen oo ay noogu soo baxeen iyagoo doonaya inay naga tuuraan hantidaadii aad dhaxal ahaan noo siisay.
והנה הם--גמלים עלינו לבוא לגרשנו מירשתך אשר הורשתנו
12 Ilaahayagow, miyaadan iyaga xukumi doonayn? Waayo, annagu itaal uma hayno guutadan weyn oo nagu soo socota, oo weliba wax aannu samaynona ma naqaan, laakiinse indhahayagu adigay kuu soo jeedaan.
אלהינו הלא תשפט בם כי אין בנו כח לפני ההמון הרב הזה הבא עלינו ואנחנו לא נדע מה נעשה--כי עליך עינינו
13 Oo weliba dadka Yahuudah oo dhammu Rabbigay hor taagnaayeen iyaga iyo dhallaankoodii iyo naagahoodii iyo carruurtoodiiba.
וכל יהודה--עמדים לפני יהוה גם טפם נשיהם ובניהם
14 Markaasaa ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Yaxasii'eel ina Sekaryaah, kaasoo ahaa ina Benaayaah, oo ahaa ina Yecii'eel, oo ahaa ina Matanyaah, oo reer Aasaaf ahaa, oo reer Laawi ka sii ahaa, isagoo shirka ku dhex jira.
ויחזיאל בן זכריהו בן בניה בן יעיאל בן מתניה הלוי--מן בני אסף היתה עליו רוח יהוה בתוך הקהל
15 Markaasuu yidhi, Kulligiin dadka Yahuudah, iyo kuwiinna Yeruusaalem deggan, iyo adiga Boqor Yehooshaafaad ahowba, wada maqla. Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dadkan faraha badan daraaddiis ha u cabsanina, hana u qalbi jabina, waayo, dagaalka ma lihidin, laakiinse Ilaah baa iska leh.
ויאמר הקשיבו כל יהודה וישבי ירושלם והמלך יהושפט כה אמר יהוה לכם אתם אל תיראו ואל תחתו מפני ההמון הרב הזה--כי לא לכם המלחמה כי לאלהים
16 Haddaba idinku berrito u dhaadhaca iyaga, oo bal eeg, waxay soo korayaan jiirta Siis, oo waxaad ka heli doontaan meesha dooxadu ku dhammaato oo ka horraysa cidlada Yeruu'eel.
מחר רדו עליהם הנם עלים במעלה הציץ ומצאתם אתם בסוף הנחל פני מדבר ירואל
17 Idinku uma baahnaan doontaan inaad dagaalkan gashaan, haddaba dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalemow, joogsada, oo iska taagnaada, oo eega badbaadada Rabbigu idin badbaadinayo; berrito iyaga u baxa, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idinla jira.
לא לכם להלחם בזאת התיצבו עמדו וראו את ישועת יהוה עמכם יהודה וירושלם אל תיראו ואל תחתו--מחר צאו לפניהם ויהוה עמכם
18 Markaasaa Yehooshaafaad madaxa foororshay oo wejiga dhulka saaray, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuna Rabbiga hortiisay isku tuureen oo u sujuudeen.
ויקד יהושפט אפים ארצה וכל יהודה וישבי ירושלם נפלו לפני יהוה להשתחות ליהוה
19 Kolkaasaa kuwii reer Laawi oo ahaa reer Qohaad iyo reer Qorax waxay u istaageen inay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil cod aad iyo aad u weyn ku ammaanaan.
ויקמו הלוים מן בני הקהתים ומן בני הקרחים--להלל ליהוה אלהי ישראל בקול גדול למעלה
20 Markaasay aroor hore kaceen oo waxay u ambabbaxeen xagga cidladii Teqooca, oo intay baxayeen ayaa Yehooshaafaad istaagay oo yidhi, Dadka Yahuudah iyo kuwiinna Yeruusaalem degganow, i maqla, rumaysta Rabbiga Ilaahiinna ah oo waad xoogaysan doontaan, oo rumaysta nebiyadiisa oo waad liibaani doontaan.
וישכימו בבקר ויצאו למדבר תקוע ובצאתם עמד יהושפט ויאמר שמעוני יהודה וישבי ירושלם--האמינו ביהוה אלהיכם ותאמנו האמינו בנביאיו והצליחו
21 Oo markuu dadkii la tashaday ayuu doortay kuwii Rabbiga u gabyi lahaa oo ammaani lahaa iyagoo dhar quduus ah qaba oo ciidanka hor socda oo leh, Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
ויועץ אל העם ויעמד משררים ליהוה ומהללים להדרת קדש--בצאת לפני החלוץ ואמרים הודו ליהוה כי לעולם חסדו
22 Oo markay bilaabeen inay gabyaan oo Ilaah ammaanaan ayaa Rabbigu rag gaadmo ah ku soo kiciyey reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo ku soo kacay dadkii Yahuudah, oo iyagii waa la laayay.
ובעת החלו ברנה ותהלה נתן יהוה מארבים על בני עמון מואב והר שעיר הבאים ליהודה--וינגפו
23 Waayo, reer Cammoon iyo reer Moo'aab ayaa is hortaageen dadkii degganaa Buur Seciir inay dhammaantood laayaan oo wada baabbi'iyaan, oo markay wada baabbi'iyeen dadkii Buur Seciir degganaa ayaa mid kastaaba kan kale ku caawiyey inuu nin kale dilo.
ויעמדו בני עמון ומואב על ישבי הר שעיר--להחרים ולהשמיד וככלותם ביושבי שעיר עזרו איש ברעהו למשחית
24 Oo dadkii Yahuudah markay yimaadeen meeshii dheerayd ee cidlada ee wax laga dhawro ayay fiiriyeen dadkii faraha badnaa, oo waxay arkeen inay yihiin meydad dhulka ku dhacay, oo midna ma baxsan.
ויהודה בא על המצפה למדבר ויפנו אל ההמון והנם פגרים נפלים ארצה ואין פליטה
25 Oo Yehooshaafaad iyo dadkiisii markay u yimaadeen inay iyaga furtaan waxay dhexdoodii ka heleen maal badan oo meydadka la yaal iyo alaab qaali ah oo ay nafsaddooda u furteen, oo waxaasuna waxay qaadan karaan waa ka badnaayeen, oo intii saddex maalmood ah ayay dhicii guranayeen, maxaa yeelay, aad iyo aad buu u badnaa.
ויבא יהושפט ועמו לבז את שללם וימצאו בהם לרב ורכוש ופגרים וכלי חמדות וינצלו להם לאין משא ויהיו ימים שלושה בזזים את השלל--כי רב הוא
26 Oo maalintii afraad ayay ku shireen dooxada Barako, waayo, halkaasay Rabbiga ku ammaaneen, sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Barako, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.
וביום הרבעי נקהלו לעמק ברכה--כי שם ברכו את יהוה על כן קראו את שם המקום ההוא עמק ברכה--עד היום
27 Markaasaa dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem oo dhammu iyagoo Yehooshaafaad u horreeyo waxay ku noqdeen Yeruusaalem iyagoo faraxsan, waayo, Rabbigu wuxuu kaga farxiyey libtii ay cadaawayaashoodii ka heleen.
וישבו כל איש יהודה וירושלם ויהושפט בראשם לשוב אל ירושלם בשמחה כי שמחם יהוה מאויביהם
28 Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.
ויבאו ירושלם בנבלים ובכנרות ובחצצרות--אל בית יהוה
29 Oo boqortooyooyinkii dalalka oo dhan waxaa ku soo degtay Ilaah cabsidiis markay maqleen in Rabbigu la diriray cadaawayaashii dadkii Israa'iil.
ויהי פחד אלהים על כל ממלכות הארצות בשמעם--כי נלחם יהוה עם אויבי ישראל
30 Sidaas daraaddeed Yehooshaafaad boqortooyadiisii way xasilloonayd, waayo, Ilaahiis ayaa ka nasiyey hareerihiisa oo dhan.
ותשקט מלכות יהושפט וינח לו אלהיו מסביב
31 Yehooshaafaad boqor buu ka ahaa dalka Yahuudah, oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, oo Yeruusaalemna shan iyo labaatan sannadood buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Casuubaah ina Shilxii.
וימלך יהושפט על יהודה--בן שלשים וחמש שנה במלכו ועשרים וחמש שנה מלך בירושלם ושם אמו עזובה בת שלחי
32 Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey.
וילך בדרך אביו אסא--ולא סר ממנה לעשות הישר בעיני יהוה
33 Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli qalbigooda oo dhan ulama ay jeesan Ilaahii awowayaashood.
אך הבמות לא סרו ועוד העם לא הכינו לבבם לאלהי אבתיהם
34 Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Yeehuu ina Xanaanii taasoo ku qoran kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil.
ויתר דברי יהושפט הראשנים והאחרנים--הנם כתובים בדברי יהוא בן חנני אשר העלה על ספר מלכי ישראל
35 Oo taas dabadeedna Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah xidhiidh buu la yeeshay Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil kaasoo shuqulkiisii aad iyo aad u xumaa,
ואחרי כן אתחבר יהושפט מלך יהודה עם אחזיה מלך ישראל הוא הרשיע לעשות
36 oo wuxuu isagii kula heshiiyey inay samaystaan doonniyo Tarshiish u dhoofa, oo doonniyihii waxay ku samaysteen Cesyoon Geber.
ויחברהו עמו לעשות אניות ללכת תרשיש ויעשו אניות בעציון גבר
37 Markaasaa Eliiceser ina Dodaawaahuu oo ahaa reer Maareeshaah ayaa Yehooshaafaad wax ka sii sheegay oo yidhi, Heshiiska aad Axasyaah la heshiisay aawadiis ayaa Rabbigu u burburiyey shuqulkaagii. Oo doonniyihiina way wada jajabeen, oo way kari waayeen inay Tarshiish u dhoofaan.
ויתנבא אליעזר בן דדוהו ממרשה על יהושפט לאמר כהתחברך עם אחזיהו פרץ יהוה את מעשיך וישברו אניות ולא עצרו ללכת אל תרשיש

< Taariikhdii Labaad 20 >