< Taariikhdii Labaad 19 >

1 Markaasaa Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah nabad ugu noqday gurigiisa Yeruusaalem ku yaal.
Men Josaphat, Juda Konung, kom hem igen med frid till Jerusalem.
2 Oo waxaa baxay oo isagii ka hor tegey Yeehuu ina Xanaanii oo wax arkihii ahaa, oo wuxuu Boqor Yehooshaafaad ku yidhi, War ma waxaa kuu ekayd inaad caawiso kuwa sharka ah iyo inaad jeclaato kuwo Rabbiga neceb? Waxan daraaddiis waxaa kugu soo degtay cadho Rabbiga hortiisa ka timid.
Och gick ut emot honom. Jehu, Hanani son, Siaren, och sade till Konung Josaphat: Skulle du så hjelpa den ogudaktiga, och älska dem som Herran hata? Och fördenskull är öfver dig Herrans vrede.
3 Habase ahaatee waxyaalo wanaagsan baa lagaa helay, maxaa yeelay, waxaad dalka ka saartay geedihii Asheeraah, oo qalbigaagana waxaad u diyaarisay inaad Rabbiga doondoonto.
Så är dock likväl något godt funnet i dig, att du hafver borthäfvit de lundar utu landena, och hafver skickat ditt hjerta till att söka Gud.
4 Yehooshaafaad wuxuu degganaan jiray Yeruusaalem, oo haddana wuxuu dhex maray dadkii tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo iyagii wuxuu u soo celiyey Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood.
Alltså blef Josaphat i Jerusalem. Och han drog åter ut ibland folket, allt ifrå BerSeba, och in uppå Ephraims berg, och igenkallade dem till Herran deras fäders Gud.
5 Oo dalkii oo dhan iyo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dadka Yahuudah wuxuu magaalo ka magaalo fadhiisiyey xaakinno.
Och han beställde domare i landena uti alla Juda fasta städer, ju några uti hvar stad;
6 Oo xaakinnadiina wuxuu ku yidhi, Waxa aad samaynaysaan ka fiirsada, waayo, idinku garsoorid dad u samayn maysaan, laakiinse waxaad u samaynaysaan Rabbiga, oo weliba isaguna garsooridda wuu idinla weheliyaa.
Och sade till domarena: Ser till hvad I gören; förty I hållen icke menniskodom, utan Herrans, och han är med eder i domen.
7 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ka cabsada, iska jira, oo saas yeela, waayo, xagga Rabbiga Ilaaheenna ah dembi ma jiro, dadkana looma kala eexdo, laaluushna lama qaato.
Derföre, låter Herrans fruktan vara när eder. Tager eder vara, och görer så; ty när Herranom vårom Gud är ingen orätt, eller anseende till personer, ej heller tager han gåfvor.
8 Oo markay Yeruusaalem ku noqdeen ayaa Yehooshaafaad weliba Yeruusaalemna fadhiisiyey kuwii reer Laawi iyo wadaaddadii iyo madaxdii reeraha dadka Israa'iil inay sameeyaan Rabbiga garsooriddiisa iyo inay kuwii murma u garsooraan.
Ock satte Josaphat i Jerusalem utaf Leviterna och Presterna, och utaf de öfversta fäderna i Israel, öfver Herrans dom och saker, och lät dem bo i Jerusalem;
9 Oo wuxuu iyagii amray oo ku yidhi, Saas yeela idinkoo Rabbiga ka cabsanaya oo aamin ah oo qalbigiinnu qumman yahay.
Och böd dem och sade: Görer alltså uti Herrans fruktan, med tro och rätto hjerta.
10 Oo mar alla markii dacwo idiinka timaado walaalihiinna magaalooyinkooda deggan, taasoo u dhexaysa oo ah dhiig iyo dhiig, iyo sharci iyo amar, iyo qaynuun iyo xukummo, de markaas waa inaad u digtaan si aanay Rabbiga ugu dembaabin, oo aan taas aawadeed cadhada Rabbigu ugu soo degin idinka iyo walaalihiinba. Saas yeela oo eed lahaan maysaan.
Uti alla de saker, som komma till eder ifrån edra bröder, som bo i sina städer, emellan blod och blod, emellan lag och bud, emellan seder och rätter, skolen I undervisa dem, att de icke förbryta sig emot Herran, och en vrede må komma öfver eder, och edra bröder; görer alltså, så varden I icke brottslige.
11 Oo bal eega, axwaasha Rabbiga oo dhan waxaa idiinku sarrayn doona Amaryaah ah wadaadka sare, oo axwaasha boqorka oo dhanna waxaa idiinku sarrayn doona Sebadyaah ina Ismaaciil oo ah taliyaha reer Yahuudah, oo weliba reer Laawina hortiinnay saraakiil ku ahaan doonaan. Haddaba dhiirranaada oo Rabbiguna ha la jiro kuwii wanaagga sameeya.
Si, Amaria Presten är öfverste öfver eder i alla Herrans saker; så är Sebadia, Ismaels son, Förste i Juda hus, i alla Konungssaker; så hafven I ämbetsmän Leviterna för eder. Varer tröste, och görer så, och Herren varder blifvandes med dem goda.

< Taariikhdii Labaad 19 >