< Boqorradii Kowaad 16 >

1 Markaas waxaa Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa, oo leh,
耶和华的话临到哈拿尼的儿子耶户,责备巴沙说:
2 Ciiddaan kaa sara mariyey, oo waxaan kaa dhigay amiir u taliya dadkayga Israa'iil, oo adna waxaad ku socotay jidkii Yaaraabcaam, oo dadkaygii Israa'iilna waad dembaajisay, oo waxaad ka dhigtay inay dembiyadoodii igaga xanaajiyaan,
“我既从尘埃中提拔你,立你作我民以色列的君,你竟行耶罗波安所行的道,使我民以色列陷在罪里,惹我发怒,
3 sidaas daraaddeed bal eeg, Bacshaa iyo reerkiisa oo dhanba waan wada baabbi'inayaa, oo reerkaagana waxaan ka dhigayaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo kale.
我必除尽你和你的家,使你的家像尼八的儿子耶罗波安的家一样。
4 Oo dadka Bacshaa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha, oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.
凡属巴沙的人,死在城中的必被狗吃,死在田野的必被空中的鸟吃。”
5 Haddaba Bacshaa falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey, iyo xooggiisii oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
巴沙其余的事,凡他所行的和他的勇力,都写在以色列诸王记上。
6 Markaasaa Bacshaa dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Tirsaah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eelaah.
巴沙与他列祖同睡,葬在得撒。他儿子以拉接续他作王。
7 Haddana waxaa Nebi Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa iyo reerkiisaba, sababtuna waxay ahayd sharkii uu Rabbiga hortiisa ku sameeyey oo dhan ee uu Rabbiga kaga xanaajiyey shuqulkii gacmihiisa, markuu la mid noqday reer Yaaraabcaam, iyo diliddii uu dilay aawadeed.
耶和华的话临到哈拿尼的儿子先知耶户,责备巴沙和他的家,因他行耶和华眼中看为恶的一切事,以他手所做的惹耶和华发怒,像耶罗波安的家一样,又因他杀了耶罗波安的全家。
8 Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii lix iyo labaatanaad ayaa Eelaah oo ahaa ina Bacshaa dalka Israa'iil boqor ugu noqday Tirsaah, oo wuxuu boqor ahaa laba sannadood.
犹大王亚撒二十六年,巴沙的儿子以拉在得撒登基作以色列王共二年。
9 Oo addoonkiisii Simrii oo sirkaal u ahaa gaadhifardoodkiisa badhkood ayaa isaga shirqoolay. Haddaba wuxuu joogay Tirsaah isagoo khamri ku cabbaya guriga Arsaa oo madax u ahaa reerkiisii Tirsaah ku yiil;
有管理他一半战车的臣子心利背叛他。当他在得撒家宰亚杂家里喝醉的时候,
10 oo waxaa u soo galay Simrii, markaasuu wax ku dhuftay, oo dilay isagii, waxayna ahayd Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad, oo meeshiisiina isagaa boqor ka noqday.
心利就进去杀了他,篡了他的位。这是犹大王亚撒二十七年的事。
11 Isla markuu boqor noqday ee uu carshigiisii ku fadhiistay wuxuu wada laayay reerkii Bacshaa oo dhan; oo ugama uu reebin dadkii qaraabadiisa ahaa ama saaxiibbadiis toona xataa wiil yar oo keliya.
心利一坐王位就杀了巴沙的全家,连他的亲属、朋友也没有留下一个男丁。
12 Oo Simrii saasuu u baabbi'iyey reerkii Bacshaa oo dhan, oo waxay noqotay sidii Eraygii Rabbiga ee Bacshaa ka geesta ahaa ee Nebi Yeehuu ku hadlay,
心利这样灭绝巴沙的全家,正如耶和华借先知耶户责备巴沙的话。
13 sababtuna waxay ahayd dembiyadii Bacshaa iyo dembiyadii wiilkiisii Eelaah oo dhan ee ay dembaabeen ee ay dadkii Israa'iilna dembaajiyeen ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.
这是因巴沙和他儿子以拉的一切罪,就是他们使以色列人陷在罪里的那罪,以虚无的神惹耶和华—以色列 神的怒气。
14 Haddaba Eelaah falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
以拉其余的事,凡他所行的,都写在以色列诸王记上。
15 Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Simrii intii toddoba maalmood ah boqor ku ahaa Tirsaah. Haddaba dadkii waxay iyagoo ka gees ah ag degeen Gibbetoon oo ay reer Falastiin lahaayeen.
犹大王亚撒二十七年,心利在得撒作王七日。那时民正安营围攻非利士的基比顿。
16 Oo dadkii magaalada ag degay waxay maqleen oo lagu yidhi, Simrii shirqool buu sameeyey oo boqorkiina wuu dilay. Sidaas daraaddeed dadkii dalka Israa'iil oo dhammu waxay maalintaas xerada dhexdeeda dalka Israa'iil boqor uga dhigeen Coomrii oo ahaa sirkaalkii ciidanka.
民在营中听说心利背叛,又杀了王,故此以色列众人当日在营中立元帅暗利作以色列王。
17 Oo Coomrii wuxuu ka kacay Gibbetoon isagoo ay dadkii Israa'iil oo dhammu la socdaan, markaasay Tirsaah hareereeyeen.
暗利率领以色列众人,从基比顿上去,围困得撒。
18 Markii Simrii arkay in magaaladii la qabsaday ayuu galay qalcaddii gurigii boqorka, kolkaasuu gurigii boqorka isku gubay, wuuna u dhintay
心利见城破失,就进了王宫的卫所,放火焚烧宫殿,自焚而死。
19 dembiyadiisii uu dembaabay markuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo uu ku socday jidkii Yaaraabcaam, iyo dembigii uu sameeyey ee uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey.
这是因他犯罪,行耶和华眼中看为恶的事,行耶罗波安所行的,犯他使以色列人陷在罪里的那罪。
20 Haddaba Simrii falimihiisii kale iyo fallaagowgiisii uu sameeyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
心利其余的事和他背叛的情形都写在以色列诸王记上。
21 Markaasaa dadkii dalka Israa'iil laba meelood u kala qaybsamay; dadkii badhkiis wuxuu raacay Tibnii oo ahaa ina Giinad, oo boqor bay ka dhigteen; badhkii kalena wuxuu raacay Coomrii.
那时,以色列民分为两半:一半随从基纳的儿子提比尼,要立他作 王;一半随从暗利。
22 Laakiinse dadkii Coomrii raacay waxay ka adkaadeen dadkii raacay Tibnii ina Giinad. Markaasaa Tibnii dhintay, Coomriina boqor buu noqday.
但随从暗利的民胜过随从基纳的儿子提比尼的民。提比尼死了,暗利就作了王。
23 Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kow iyo soddonaad ayaa Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba iyo toban sannadood oo Tirsaah wuxuu boqor ka ahaa lix sannadood.
犹大王亚撒三十一年,暗利登基作以色列王共十二年;在得撒作王六年。
24 Oo Shemer ayuu buurtii Samaariya kaga iibsaday laba talanti oo lacag ah; markaasuu buurta dusheedii magaalo ka dhisay, oo magaaladii uu dhisay magaceediina wuxuu u bixiyey Samaariya, oo wuxuu ku magacaabay ninkii Shemer ahaa ee buurta lahaa.
暗利用二他连得银子向撒玛买了撒马利亚山,在山上造城,就按着山的原主撒玛的名,给所造的城起名叫撒马利亚。
25 Oo Coomriina wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku kacay shar ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.
暗利行耶和华眼中看为恶的事,比他以前的列王作恶更甚。
26 Oo wuxuu ku socday jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan, iyo dembiyadii uu dadkii Israa'iil dembaajiyey ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.
因他行了尼八的儿子耶罗波安所行的,犯他使以色列人陷在罪里的那罪,以虚无的神惹耶和华—以色列 神的怒气。
27 Haddaba Coomrii falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii uu muujiyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
暗利其余的事和他所显出的勇力都写在以色列诸王记上。
28 Markaasaa Coomrii dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo wiilkiisii Axaab ayaa meeshiisii boqor ka noqday.
暗利与他列祖同睡,葬在撒马利亚。他儿子亚哈接续他作王。
29 Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Axaab oo ahaa ina Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa laba iyo labaatan sannadood.
犹大王亚撒三十八年,暗利的儿子亚哈登基作了以色列王。暗利的儿子亚哈在撒马利亚作以色列王二十二年。
30 Oo Axaab oo ahaa ina Coomrii wuxuu sameeyey wixii shar ku ahaa Rabbiga hortiisa oo ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.
暗利的儿子亚哈行耶和华眼中看为恶的事,比他以前的列王更甚,
31 Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.
犯了尼八的儿子耶罗波安所犯的罪;他还以为轻,又娶了西顿王谒巴力的女儿耶洗别为妻,去事奉敬拜巴力,
32 Oo Bacal aawadiis wuxuu meel allabari uga dhisay gurigii Bacal ee uu hore uga dhex dhisay Samaariya.
在撒马利亚建造巴力的庙,在庙里为巴力筑坛。
33 Oo haddana Axaab wuxuu sameeyey geed Asheeraah, oo Axaab haddana wuu ka sii xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil si ka sii daran boqorradii dalka Israa'iil ee isaga ka horreeyey oo dhan.
亚哈又做亚舍拉,他所行的惹耶和华—以色列 神的怒气,比他以前的以色列诸王更甚。
34 Oo wakhtigiisii Yerixoo waxaa dhisay nin reer Beytel ah oo magiciisa la odhan jiray Xii'eel; oo markuu aasaaskeedii dhigay waxaa ka dhintay wiilkiisii curadka ahaa oo Abiiraam ahaa, markuu irdaheedii taagayna waxaa ka dhintay wiilkiisii yaraa oo Seguub ahaa, oo waxay noqotay sidii eraygii Rabbigu kula hadlay Yashuuca ina Nuun.
亚哈在位的时候,有伯特利人希伊勒重修耶利哥城;立根基的时候,丧了长子亚比兰;安门的时候,丧了幼子西割,正如耶和华借嫩的儿子约书亚所说的话。

< Boqorradii Kowaad 16 >