< Второзаконие 24 >

1 Аще же кто поймет жену и поживет с нею, и будет аще не обрящет благодати пред ним, яко обрете в ней срамное дело, да напишет ей книгу отпущения и вдаст в руце ея, и да отпустит ю из дому своего,
Haddii nin naag qaato oo uu guursado, oo dabadeed uusan raalli ka ahayn, sababtuna ay tahay ceeb uu iyada ka dhex helay, markaas isagu ha u qoro warqaddii furniinka oo iyada gacanta ha u geliyo, gurigiisana ha ka eryo.
2 и отшедши будет (жена) мужу иному:
Oo iyadu markay gurigiisa ka tagto way tegi kartaa oo nin kale naagtiis way noqon kartaa.
3 и аще возненавидит ю муж вторый, и напишет ей книгу отпущения и даст ей в руце ея, и отпустит ю из дому своего, или умрет муж ея вторый, иже бе ю поял себе в жену:
Oo ninka dambena hadduu iyada nebcaado, oo uu qoro warqaddii furniinta, oo uu iyada gacanta u geliyo, oo uu gurigiisana ka eryo, amase haddii ninka dambe oo iyada guursaday uu dhinto,
4 не возможет муж первый, отпустивый ю, возвратив пояти ю себе в жену, по осквернении ея, яко гнусно есть пред Господем Богом твоим: и да не осквернавите земли, юже Господь Бог ваш дает вам в наследие.
ninkeedii hore oo iyada eryay yuusan mar dambe naagnimo u qaadan, kolkii iyadu ay nijaasowday dabadeed, maxaa yeelay, taasu Rabbiga hortiisa karaahiyo bay ku tahay, oo waa inaydaan dembi keenin dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo.
5 Аще же кто поймет жену внове, да не идет на брань, и да не наложится ему ни каяже вещь: неповинен будет в дому своем лето едино, да веселит жену свою, юже поял есть.
Markii nin naag dhowaan guursado waa inuusan dagaalka gelin, hawl kalena waa inaan loo dirin, laakiinse intii sannad ah waa inuu gurigiisa ikhtiyaar ku joogaa oo waa inuu ka farxiyaa naagtii uu guursaday.
6 Да не возмеши в залог жерновных каменей, яко душу сей дает в залог.
Ninna waa inuusan rahaamad u qaadan dhagaxa hoose ama dhagaxa sare oo wax lagu shiido, waayo, taasu waxay la mid tahay isagoo rahaamad u qaatay waxa lagu noolyahay.
7 Аще же ят будет человек крадый душу от братии своея сынов Израилевых, и насилием продает ю, да умрет тать той, и измите злое от вас самих.
Haddii nin la helo isagoo mid ka mid ah walaalihiisa reer binu Israa'iil intuu xaday uu ugu macaamiloodo sidii addoon oo kale, amase uu isaga iibiyo, markaas tuuggaas waa in la dilaa, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.
8 Внемли себе в язве проказы, и храни зело творити по всему закон, егоже возвестят вам жерцы левити: якоже заповедах вам, да храните творити:
Xagga cudurka baraska ah waa inaad isjirtaan, oo waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan wax alla wixii wadaaddada reer Laawi ay idin baraan oo dhan, oo sidaan iyaga ugu amray, idinku waa inaad saas u dhawrtaan oo u yeeshaan.
9 помяни, елика сотвори Господь Бог твой Мариаме на пути, исходящым вам из Египта.
Bal xusuusta wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu ku sameeyey Maryan, markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen.
10 Аще же долг есть на ближнем твоем, долг каковый либо, да не внидеши в дом его взяти залог его:
Markaad deriskaaga wax amaahiso, deyn kasta ha ahaadee, waa inaadan gurigiisa gelin si aad rahaamadda uga soo qaadato.
11 вне станеши, и человек той, на немже есть долг твой, изнесет залог вон.
Waa inaad dibadda istaagtaa, oo ninkii aad wax deymisay waa inuu dibadda kuugu keenaa rahaamadda.
12 Аще же человек убог есть, да не преноществует залог его у тебе:
Oo isagu hadduu yahay nin miskiin ah waa inaadan seexan adigoo rahaamaddiisa sii haysta,
13 отданием да отдаси ризу его до захождения солнца, и да почиет в ризе своей, и благословит тя, и будет тебе милость пред Господем Богом твоим.
laakiinse hubaal waa inaad rahaamaddiisa u celisaa markii qorraxdu dhacdo inuu dharkiisa ku seexdo oo uu kuu duceeyo, oo taasuna waxay Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa kuugu ahaanaysaa xaqnimo.
14 Да не лишиши мзды убогаго и требующаго от братии твоея, или от пришлец иже во градех твоих:
Waa inaadan dulmin shaqaale la kiraystay oo miskiin ah oo baahan, hadduu yahay walaalahaaga midkood ama hadduu yahay shisheeyaha dalkaaga deggan oo irdahaaga ku jira.
15 в той же день да отдаси мзду ему, да не зайдет солнце ему, яко убог есть, и в том имать надежду, и да не возопиет на тя к Господеви, и будет тебе грех.
Waa inaad maalintiisa mushahaaradiisa siisaa, oo qorraxduna yay ka dhicin adoo aan siin, maxaa yeelay, isagu waa miskiin, oo mushahaaradiisa qalbiguu ku hayaa, waaba intaasoo uu Rabbiga kaaga cawdaa oo ay taasu dembi kugu noqotaaye.
16 Да не умрут отцы за сыны, и сынове да не умрут за отцы: кийждо за свой грех да умрет.
Aabbayaasha waa inaan loo dilin carruurtooda, carruurtana waa inaan loo dilin aabbayaashood, laakiinse nin kasta waa in loo dilaa dembigiisa uu isagu falay.
17 Не уклониши суда пришелцу и сиру и вдове, и да не вземлеши в залог ризы вдовичи,
Waa inaydaan qalloocin garta qariibka iyo agoonta, oo naag carmal ah dharkeedna waa inaydaan rahaamad u qaadan,
18 и помянеши, яко раб (и ты) был еси в земли Египетстей, и свободи тя Господь Бог твой оттуду: сего ради аз тебе заповедаю творити сие слово.
laakiinse waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu halkaas idinka soo furtay, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.
19 Аще же пожнеши ниву твою на селе твоем, и забудеши сноп на ниве твоей, да не возвратишися взяти его: пришелцу и убогу, и сиру и вдове да будет, да благословит тя Господь Бог твой во всех делех руку твоею.
Oo markaad beertaada goosatid haddaad xidhmo sabuullo ah beerta ku soo dhex illowdo waa inaadan dib ugu noqon si aad u soo qaadato. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka, si uu Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu barakeeyo wixii ay gacmahaagu qabtaan oo dhan.
20 Аще же масличие собираеши, да не возвратишися останков собрати яже за тобою: пришелцу и сиру и вдове да будут: и воспомянеши, яко раб был еси в земли Египетстей: сего ради аз тебе заповедаю творити слово сие.
Oo markaad geedkaaga saytuunka ah midhaha ka garaacdid, mar dambe laamaha ha ku noqon. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.
21 Аше же обираеши виноград твой, да не собираеши останков яже за тобою: пришелцу и сиру и вдове да будут:
Oo markaad midhaha ka soo urursatid beertaada canabka ah waa inaadan dib u soo xaaxaabin. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.
22 и помянеши, яко раб был еси в земли Египетстей: сего ради аз тебе заповедаю творити сие слово.
Waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.

< Второзаконие 24 >