< Rodzaju 35 >

1 Potem Bóg powiedział do Jakuba: Wstań, wstąp do Betel i tam zamieszkaj. Zbuduj tam ołtarz Bogu, który ci się ukazał, gdy uciekałeś przed swoim bratem Ezawem.
Oo Ilaah wuxuu Yacquub ku yidhi, Kac oo xagga Beytel tag, oo halkaas deg; oo meel allabari halkaas uga samee Ilaahii kuu muuqday markii aad walaalkaa Ceesaw ka cararaysay.
2 Wtedy Jakub powiedział do swych domowników i do wszystkich, którzy z nim [byli]: Usuńcie obcych bogów, którzy są wśród was, oczyśćcie się i zmieńcie swoje szaty.
Markaasaa Yacquub ku yidhi dadkii gurigiisa iyo intii isaga la jirtay oo dhan, Iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo isdaahirsha, oo dharkiinnana beddesha,
3 Wstańmy i pójdźmy do Betel; tam zbuduję ołtarz Bogu, który mnie wysłuchał w dniu mego utrapienia i był ze mną w drodze, którą chodziłem.
oo ina kiciya, aynu Beytel tagnee, oo anna halkaas meel allabari baan uga samayn doonaa Ilaahii ii jawaabay maalintii aan dhibtoonayay oo ila jiray jidkii aan maray.
4 Oddali więc Jakubowi wszystkich obcych bogów, których mieli, i kolczyki, które [mieli] w uszach, i Jakub zakopał je pod tym dębem, który [był] niedaleko Sychem.
Markaasay Yacquub wada siiyeen ilaahyadii qalaad oo gacantooda ku jiray, iyo hilqadihii dhegahooda ku jiray, Yacquubna wuxuu ku qariyey geed Shekem ku ag yiil hoostiisa.
5 Potem wyruszyli [w drogę]. A strach Boży padł na okoliczne miasta i nie ścigali synów Jakuba.
Wayna sodcaaleen, magaalooyinkii ku wareegsanaa oo dhanna cabsi weyn baa ku dhacday, mana ay ka daba tegin reer Yacquub.
6 Jakub przyszedł więc do Luz, które jest w ziemi Kanaan, czyli do Betel, on i cały lud, który z nim był.
Yacquubna wuxuu yimid Luus oo ku taal dalka Kancaan (taasuna waa Beytel), isagii iyo dadkii la jiray oo dhanba.
7 I zbudował tam ołtarz, a nazwał to miejsce El-Betel, bo tam ukazał mu się Bóg, gdy uciekał przed swoim bratem.
Markaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, wuxuuna meeshii u bixiyey Elbeytel, maxaa yeelay, Ilaah baa halkaas ugu muuqday isaga, markuu ka cararay walaalkiis.
8 Wtedy umarła Debora, mamka Rebeki, i została pogrzebana przy Betel pod dębem. I nazwano go Allon-Bachut.
Markaasaa Debooraah oo Rebeqah midiidinteedii ahayd dhimatay, waxaana lagu aasay Beytel geedka hoostiisa; meeshaas magaceediina waxaa loo bixiyey Alloon Bakuud.
9 I Bóg znowu ukazał się Jakubowi, gdy ten wracał z Paddan-Aram, i błogosławił mu.
Markaasaa Ilaah mar kale Yacquub u muuqday, markii uu ka yimid Fadan Araam, wuuna barakeeyey.
10 I powiedział mu Bóg: Twoje imię [jest] Jakub. Nie będziesz już [jednak] zwany Jakubem, ale twoim imieniem będzie Izrael. I nadał mu imię Izrael.
Oo waxaa Ilaah ku yidhi, Magacaagu waa Yacquub. Hadda ka dib magacaaga lama odhan doono Yacquub, laakiinse magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil. Magiciisiina wuxuu u bixiyey Israa'iil.
11 I Bóg mu powiedział: Ja [jestem] Bóg Wszechmogący. Bądź płodny i rozmnażaj się. Z ciebie powstanie naród i wiele narodów, a z twoich bioder wyjdą królowie.
Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro;
12 Ziemię, którą dałem Abrahamowi i Izaakowi, dam tobie i twemu potomstwu po tobie dam tę ziemię.
oo dhulkii aan siiyey Ibraahim iyo Isxaaq, adigaan ku siin doonaa, adiga dabadaana farcankaagaan siin doonaa dhulka.
13 I Bóg odszedł od niego z miejsca, na którym z nim rozmawiał.
Ilaahna kor buu uga tegey isagii iyo meeshii uu kula hadlayba.
14 Potem Jakub postawił pomnik na [tym] miejscu, gdzie [Bóg] z nim rozmawiał, pomnik kamienny, i wylał na nim ofiarę z płynów, i polał go oliwą.
Yacquubna meeshii uu kula hadlay isaga wuxuu ka taagay tiir, kaas oo ahaa tiir dhagax ah; wuxuuna ku dul shubay qurbaan cabniin ah, saliidna wuu ku dul shubay.
15 I Jakub nadał temu miejscu, gdzie Bóg z nim rozmawiał, nazwę Betel.
Yacquubna meeshii Ilaah kula hadlay isaga magaceedii wuxuu u bixiyey Beytel.
16 Potem wyruszyli z Betel i gdy mieli kawałek drogi do Efraty, Rachela zaczęła rodzić, a poród miała ciężki.
Wayna ka sodcaaleen Beytel; oo intaanay Efrad weli soo gaadhin ayaa Raaxeel foolatay, fooshiina way ku rafaadday.
17 Gdy rodziła w wielkich bólach, położna powiedziała do niej: Nie bój się, bo i tego syna będziesz miała.
Oo markay fooshii ku rafaadaysay umulisadii baa ku tidhi, Ha cabsan; waayo, haatan waxaad dhalaysaa wiil kale.
18 Kiedy uchodziła z niej dusza, bo [tam] umarła, nadała mu imię Benoni; ale jego ojciec nazwał go Beniamin.
Oo waxay noqotay in, markii ay naftu ka sii baxaysay, ay magiciisii u bixisay Benooni, waayo, way dhimatay, laakiinse aabbihiis wuxuu u bixiyey Benyaamiin.
19 [Tak] to umarła Rachela i została pogrzebana na drodze do Efraty, czyli Betlejem.
Raaxeelna way dhimatay, waxaana lagu aasay jidka loo maro Efrad, taasuna waa Beytlaxam.
20 I Jakub postawił pomnik na jej grobie. To [jest] pomnik grobu Racheli aż do dziś.
Yacquubna tiir buu ka taagay qabrigeedii; waana isla tiirka ka taagan qabrigii Raaxeel ilaa maanta.
21 Potem Izrael wyruszył [stamtąd] i rozbił swój namiot za wieżą Eder.
Israa'iilna waa sodcaalay, oo wuxuu teendhadiisii ka dhistay munaaraddii Ceeder shishadeeda.
22 A gdy Izrael mieszkał w tej krainie, Ruben poszedł i spał z Bilhą, nałożnicą swego ojca, i Izrael usłyszał [o tym]. A synów Jakuba było dwunastu.
Oo waxay noqotay, intuu Israa'iil dhulkaas degganaa, in Ruubeen u tegey oo la jiifsaday addoontii aabbihiis oo Bilhah ahayd; Israa'iilna taas wuu maqlay. Wiilashii Yacquubna laba iyo toban bay ahayeen.
23 Synowie Lei: Ruben, pierworodny Jakuba, potem Symeon, Lewi, Juda, Issachar i Zebulon.
Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun.
24 Synowie Racheli: Józef i Beniamin.
Wiilashii Raaxeelna waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.
25 A synowie Bilhy, służącej Racheli: Dan i Neftali.
Addoontii Raaxeel oo Bilhah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Daan iyo Naftaali.
26 Synowie Zilpy, służącej Lei: Gad i Aszer. To [są] synowie Jakuba, którzy mu się urodzili w Paddan-Aram.
Addoontii Lee'ah oo Silfah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Gaad iyo Aasheer. Kuwanu waa wiilashii Yacquub oo isaga ugu dhashay Fadan Araam.
27 I Jakub przyszedł do swego ojca Izaaka, do Mamre, do miasta Arba, czyli Hebronu, gdzie przebywali Abraham i Izaak.
Markaasaa Yacquub aabbihiis Isxaaq ugu yimid Mamre, iyo xagga Qiryad Arbac, taasuna waa Xebroon, oo ahayd meeshii Ibraahim iyo Isxaaq qariib ahaanta u degganaan jireen.
28 A dni Izaaka było sto osiemdziesiąt lat.
Isxaaq cimrigiisuna wuxuu ahaa boqol iyo siddeetan sannadood.
29 I Izaak oddał ducha, i umarł, i został przyłączony do swego ludu, stary i syty dni; a pogrzebali go jego synowie, Ezaw i Jakub.
Isxaaqna wuu naf baxay, wuuna dhintay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii, isagoo duq ah oo cimri weyn; markaasay wiilashiisii Ceesaw iyo Yacquub isagii aaseen.

< Rodzaju 35 >