< نحمیا 3 >

و الیاشیب، رئیس کهنه و برادرانش از کاهنان برخاسته، دروازه گوسفند را بناکردند. ایشان آن را تقدیس نموده، دروازه هایش را برپا نمودند و آن را تا برج میا و برج حننئیل تقدیس نمودند. ۱ 1
Markaasaa Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare ayaa la kacay wadaaddadii walaalihiis ahaa, oo waxay dhiseen Iriddii Idaha, oo intay quduus ka dhigeen ayay albaabbadeedii qotomiyeen, oo waxay quduus ka dhigeen tan iyo Munaaraddii Mee'aah iyo ilaa Munaaraddii Xananeel.
و به پهلوی او، مردان اریحا بناکردند و به پهلوی ایشان، زکور بن امری بنا نمود. ۲ 2
Oo intii isaga ku xigtayna waxaa dhisay dadkii Yerixoo, oo intii iyaga ku xigtayna waxaa dhisay Sakuur ina Imrii.
و پسران هسناه، دروازه ماهی را بنا کردند. ایشان سقف آن را ساختند و درهایش را با قفلها وپشت بندهایش برپا نمودند. ۳ 3
Iriddii Kalluunkana waxaa dhisay reer Hasenaa'aah, oo waxay saareen alwaaxdii saqafka haysay, wayna taageen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.
و به پهلوی ایشان، مریموت بن اوریا ابن حقوص تعمیر نمود و به پهلوی ایشان، مشلام بن برکیا ابن مشیزبئیل تعمیرنمود و به پهلوی ایشان، صادوق بن بعنا تعمیرنمود. ۴ 4
Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Mereemood ina Uuriyaah, oo ahaa reer Xaqoos. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah oo ahaa ina Mesheysabeel. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Saadooq ina Bacanaa.
و به پهلوی ایشان، تقوعیان تعمیر کردند، اما بزرگان ایشان گردن خود را به خدمت خداوندخویش ننهادند. ۵ 5
Oo meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Teqooca, laakiinse kuwoodii gobta ahaa waxba kama qaban shuqulkii sayidkooda.
و یویاداع بن فاسیح و مشلام بن بسودیا، دروازه کهنه را تعمیر نمودند. ایشان سقف آن را ساختند و درهایش را با قفلها وپشت بندهایش برپا نمودند. ۶ 6
Iriddii Gabowdayna waxaa cusboonaysiiyey Yooyaadaac oo ahaa ina Faasee'ax iyo Meshullaam oo ahaa ina Besoodyaah, oo waxay saareen alwaaxdii saqafka haysay, wayna taageen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.
و به پهلوی ایشان، ملتیای جبعونی و یادون میرونوتی و مردان جبعون و مصفه آنچه را که متعلق به کرسی والی ماورای نهر بود، تعمیر نمودند. ۷ 7
Oo meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Melatyaah oo ahaa reer Gibecoon, iyo Yaadoon oo ahaa reer Meeronotii, iyo dadkii reer Gibecoon, iyo kuwii reer Misfaah, oo ku hoos jiray carshiga taliyaha webiga ka shisheeya.
و به پهلوی ایشان، عزیئیل بن حرهایا که از زرگران بود، تعمیرنمود و به پهلوی او حننیا که از عطاران بود تعمیرنمود، پس اینان اورشلیم را تا حصار عریض، مستحکم ساختند. ۸ 8
Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Cusii'eel oo ahaa ina Xarhayaah oo ka mid ahaa dahabtumayaashii. Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah oo ka mid ahaa dawosameeyayaashii, oo waxay Yeruusaalem adkeeyeen tan iyo derbiga ballaadhan.
و به پهلوی ایشان، رفایا ابن حور که رئیس نصف بلد اورشلیم بود، تعمیرنمود. ۹ 9
Oo meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Refaayaah oo ahaa ina Xuur oo ahaa taliyihii degmada Yeruu saalem badhkiis.
و به پهلوی ایشان، یدایا ابن حروماف دربرابر خانه خود تعمیر نمود و به پهلوی اوحطوش بن حشبنیا، تعمیر نمود. ۱۰ 10
Oo meeshii iyaga ku xigtay oo ka soo hor jeedday gurigiisa waxaa cusboonaysiiyey Yedacyaah oo ahaa ina Xaruumaf. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa dhisay Xatuush oo ahaa ina Xashabneyaah.
و ملکیا ابن حاریم و حشوب بن فحت موآب، قسمت دیگر وبرج تنورها را تعمیر نمودند. ۱۱ 11
Malkiiyaah ina Xaarim iyo Xashuub ina Faxad Moo'aabna waxay cusboonaysiiyeen meel kale iyo Munaaraddii Foornooyinka.
و به پهلوی او، شلوم بن هلوحیش رئیس نصف بلد اورشلیم، او ودخترانش تعمیر نمودند. ۱۲ 12
Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Shalluum ina Hallooxeesh oo ahaa taliyihii dhistariga Yeruusaalem badhkiis, isagii iyo gabdhihiisii.
و حانون و ساکنان زانوح، دروازه وادی را تعمیر نمودند. ایشان آن را بنا کردند و درهایش را با قفلها و پشتبندهایش برپا نمودند و هزار ذراع حصار را تا دروازه خاکروبه. ۱۳ 13
Iriddii Dooxadana waxaa cusboonaysiiyey Xaanuun iyo dadkii Saanoo'ax degganaa. Iyagu way dhiseen, oo waxay qotomiyeen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii, oo waxay dhiseen kun dhudhun oo derbigii ah tan iyo Iriddii Digada.
و ملکیا ابن رکاب رئیس بلدبیت هکاریم، دروازه خاکروبه را تعمیر نمود. اوآن را بنا کرد و درهایش را با قفلها و پشتبندهایش برپا نمود. ۱۴ 14
Iriddii Digadana waxaa cusboonaysiiyey Malkiiyaah ina Reekaab oo ahaa taliyihii degmada Beyd Hakerem; wuu dhisay, wuuna qotomiyey albaabbadeedii oo geliyey handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.
و شلون بن کلخوزه رئیس بلد مصفه، دروازه چشمه را تعمیر نمود. او آن را بنا کرده، سقف آن را ساخت و درهایش را با قفلها وپشت بندهایش برپا نمود و حصار برکه شلح رانزد باغ پادشاه نیز تا زینه‌ای که از شهر داود فرودمی آمد. ۱۵ 15
Iriddii Isha biyaha ahna waxaa cusboonaysiiyey Shalluun ina Kaalxoseh oo ahaa taliyihii degmada Misfaah, wuu dhisay oo deday, oo wuxuu qotomiyey albaabbadeedii oo geliyey handarraabbadeedii iyo qataarradeedii, oo derbigii Warta Shelax oo beerta boqorka u dhowaana wuu dhisay, oo wuxuu gaadhsiiyey tan iyo jaranjarada hoos uga degata magaalada Daa'uud.
و بعد از او نحمیا ابن عزبوق رئیس نصف بلد بیت صور، تا برابر مقبره داود و تا برکه مصنوعه و تا بیت جباران را تعمیر نمود. ۱۶ 16
Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Nexemyaah ina Casbuuq oo ahaa taliyihii degmada Beytsuur badhkiis, oo isagu wuxuu dhisay tan iyo meesha ka soo hor jeedda xabaalihii Daa'uud, iyo tan iyo balligii la sameeyey, iyo tan iyo gurigii ragga xoogga badan.
و بعداز او لاویان، رحوم بن بانی تعمیر نمود و به پهلوی او حشبیا رئیس نصف بلد قعیله در حصه خودتعمیر نمود. ۱۷ 17
Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Laawi oo Rexuum ina Baanii ka mid ahaa. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xashabyaah oo ahaa taliyihii degmada Qeciilaah badhkiis oo degmadiisa aawadiis ayuu u dhisay.
و بعد از او برادران ایشان، بوای ابن حیناداد، رئیس نصف بلد قعیله تعمیر نمود. ۱۸ 18
Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey walaalahood oo uu ka mid ahaa Baway ina Xeenaadaad oo ahaa taliyihii degmada Qeciilaah badhkiis.
و به پهلوی او، عازر بن یشوع رئیس مصفه قسمت دیگر را در برابر فراز سلاح خانه نزدزاویه، تعمیر نمود. ۱۹ 19
Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Ceser ina Yeeshuuca oo ahaa taliyihii Misfaah, taas oo ahayd meel ka soo hor jeedda meesha loo fuulo maqsinka hubka oo ku ag yiil meeshuu derbigu ka leexdo.
و بعد از او باروک بن زبای، به صمیم قلب قسمت دیگر را از زاویه تا دروازه الیاشیب، رئیس کهنه تعمیر نمود. ۲۰ 20
Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa dadaal ku cusboonaysiiyey Baaruug ina Sabbay, tan iyo leexashada derbiga iyo ilaa albaabkii guriga Eliyaashiib oo ahaa wadaadka sare.
و بعد از اومریموت بن اوریا ابن هقوص قسمت دیگر را ازدر خانه الیاشیب تا آخر خانه الیاشیب، تعمیرنمود. ۲۱ 21
Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Mereemood ina Uuriyaah oo ahaa reer Xaqoos, tan iyo guriga Eliyaashiib albaabkiisa iyo ilaa guriga Eliyaashiib dabadiisa.
و بعد از او کاهنان، از اهل غور تعمیرنمودند. ۲۲ 22
Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey wadaaddadii ahaa dadkii Bannaanka.
و بعد از ایشان، بنیامین و حشوب دربرابر خانه خود تعمیر نمودند و بعد از ایشان، عزریا ابن معسیا ابن عننیا به‌جانب خانه خودتعمیر نمود. ۲۳ 23
Meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Benyaamiin iyo Xashuub taas oo ahayd meel guryahooda ka soo hor jeedday. Meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Casaryaah ina Macaseeyaah oo ahaa reer Cananyaah, taas oo ahayd gurigiisa dhinaciisa.
و بعد از او، بنوی ابن حیناداد قسمت دیگر را از خانه عزریا تا زاویه و تا برجش تعمیر نمود. ۲۴ 24
Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Binnuwii ina Xeenaadaad, taas oo ka bilaabmaysay gurigii Casaryaah ilaa meeshuu derbigu ka leexdo iyo tan iyo derbiga geeskiisii.
و فالال بن اوزای از برابر زاویه وبرجی که از خانه فوقانی پادشاه خارج و نزدزندانخانه است، تعمیر نمود و بعد از او فدایا ابن فرعوش، ۲۵ 25
Faalaal ina Uusayna wuxuu cusboonaysiiyey meel leexashadii derbiga ka soo hor jeedday iyo munaaraddii ka taagnayd gurigii boqorka oo sare ee u dhowaa barxaddii waardiyayaasha, oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Fedaayaah ina Farcosh.
و نتینیم، در عوفل تا برابر دروازه آب بسوی مشرق و برج خارجی، ساکن بودند. ۲۶ 26
(Haddaba reer Netiiniim waxay degganaayeen Cofel iyo tan iyo meel ka soo hor jeedday Iridda Biyaha oo xagga bari, iyo ilaa munaaraddii kor u taagnayd.)
وبعد از او، تقوعیان قسمت دیگر را از برابر برج خارجی بزرگ تا حصار عوفل تعمیر نمودند. ۲۷ 27
Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Teqooca, taasoo ka soo hor jeedday munaaraddii weynayd oo kor u taagnayd, iyo tan iyo derbigii Cofel.
وکاهنان، هر کدام در برابر خانه خود از بالای دروازه اسبان تعمیر نمودند. ۲۸ 28
Iriddii Faraska korkeedana waxaa cusboonaysiiyey wadaaddadii, oo mid waluba wuxuu sameeyey meeshii gurigiisa ka soo hor jeedday.
و بعد از ایشان صادوق بن امیر در برابر خانه خود تعمیر نمود وبعد از او شمعیا ابن شکنیا که مستحفظ دروازه شرقی بود، تعمیر نمود. ۲۹ 29
Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Saadooq ina Immeer, taasoo ahayd meel gurigiisa ka soo hor jeedday. Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Shemacyaah ina Shekaanyaah oo ahaa kii dhawri jiray Iridda Bari.
و بعد از او حننیا ابن شلمیا و حانون پسر ششم صالاف، قسمت دیگررا تعمیر نمودند و بعد از ایشان مشلام بن برکیا دربرابر مسکن خود، تعمیر نمود. ۳۰ 30
Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah ina Shelemyaah iyo Xaanuun oo ahaa Saalaaf wiilkiisii lixaad. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah, taasoo ahayd meel qolkiisii ka soo hor jeedday.
و بعد او ازملکیا که یکی از زرگران بود، تا خانه های نتینیم وتجار را در برابر دروازه مفقاد تا بالاخانه برج، تعمیر نمود. ۳۱ 31
Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Malkiiyaah oo ahaa dahabtumayaasha midkood oo wuxuu dhisay tan iyo gurigii reer Netiiniim iyo baayacmushtariyada oo ka soo hor jeedday Iridda Mifqaad iyo ilaa meeshii geeska laga fuulo.
و میان بالاخانه برج و دروازه گوسفند را زرگران و تاجران، تعمیر نمودند. ۳۲ 32
Oo meeshii geeska laga fuulo iyo Iriddii Idaha intii u dhaxaysayna waxaa cusboonaysiiyey dahabtumayaashii iyo baayacmushtariyadii.

< نحمیا 3 >