< لاویان 15 >

و خداوند موسی و هارون را خطاب کرده، گفت: ۱ 1
Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,
«بنی‌اسرائیل را خطاب کرده، به ایشان بگویید: مردی که جریان از بدن خود دارد او به‌سبب جریانش نجس است. ۲ 2
Dadka reer binu Israa'iil la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Haddii qof leeyahay dheecaan jidhkiisa ka soo dareero, dheecaankiisa aawadiis isagu waa nijaas.
واین است نجاستش، به‌سبب جریان او، خواه جریانش از گوشتش روان باشد خواه جریانش ازگوشتش بسته باشد. این نجاست اوست. ۳ 3
Oo nijaastiisuna sidanay ahaanaysaa inta dheecaankiisu ka daadanayo. Haddii dheecaanku jidhkiisa ka daadanayo iyo haddii dheecaanku jidhkiisa ka joogsadayba, waa nijaastiisa.
هربستری که صاحب جریان بر آن بخوابد نجس است، و هر‌چه بر آن بنشیند نجس است. ۴ 4
Oo kan dheecaanku ka daadanayo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa, oo wax alla wixii uu ku fadhiistaaba way nijaasoobayaan.
و هرکه بستر او را لمس نماید، رخت خود را بشوید، وبه آب غسل کند، و تا شام نجس باشد. ۵ 5
Oo ku alla kii sariirtiisa taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
و هر‌که بنشیند بر هر‌چه صاحب جریان بر آن نشسته بود، رخت خود را بشوید و به آب غسل کند، وتا شام نجس باشد. ۶ 6
Oo ku alla kii ku fadhiisto wixii uu qofkii dheecaanku ka daadanaya ku fadhiistay waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
و هر‌که بدن صاحب جریان رالمس کند رخت خود را بشوید و به آب غسل کند و تا شام نجس باشد. ۷ 7
Oo kan dheecaanku ka daadanayo jidhkiisa qofkii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
و اگر صاحب جریان، بر شخص طاهر آب دهن اندازد، آن کس رخت خود را بشوید، و به آب غسل کند، و تا شام نجس باشد. ۸ 8
Oo kan dheecaanku ka daadanayaana hadduu ku candhuufo qof daahir ah, markaas ninkaasu waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
و هر زینی که صاحب جریان بر آن سوارشود، نجس باشد. ۹ 9
Oo kan dheecaanku ka daadanayo koore alla koorihii uu fuulaaba nijaas buu ahaanayaa.
و هر‌که چیزی را که زیر اوبوده باشد لمس نماید تا شام نجس بوده، و هر‌که این چیزها را بردارد، رخت خود را بشوید، و به آب غسل کند و تا شام نجس باشد. ۱۰ 10
Oo ku alla kii taabtaa wixii isaga hoostiisa ku jirayna, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa, oo waxyaalahaas qofkii qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
و هر کسی را که صاحب جریان لمس نماید، و دست خود رابه آب نشسته باشد، رخت خود را بشوید، وبه آب غسل کند و تا شام نجس باشد. ۱۱ 11
Oo kan dheecaanku ka daadanayo isagoo aan gacmihiisa biyo ku maydhin ku alla kii uu taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
و ظرف سفالین که صاحب جریان آن را لمس نماید، شکسته شود، و هر ظرف چوبین به آب شسته شود. ۱۲ 12
Oo kan dheecaanku ka daadanayo weelkii dhoobo ah oo uu taabtona waa in la burburiyaa, oo weel kasta oo qori ahna waa in biyo lagu xalaa.
و چون صاحب جریان از جریان خودطاهر شده باشد، آنگاه هفت روز برای تطهیرخود بشمارد، و رخت خود را بشوید و بدن خودرا به آب غسل دهد و طاهر باشد. ۱۳ 13
Oo kii dheecaanka daadanayaa markuu daahir ka noqdo, waa inuu toddoba maalmood nafsaddiisa u tirsadaa daahirintiisa aawadeed, oo dharkiisana waa inuu maydhaa, oo isna ku maydhaa biyo socda, oo markaasuu daahir ahaanayaa.
و در روزهشتم دو فاخته یا دو جوجه کبوتر بگیرد، و به حضور خداوند به در خیمه اجتماع آمده، آنها رابه کاهن بدهد. ۱۴ 14
Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaataa oo uu Rabbiga ugu hor yimaadaa iridda teendhada shirka, oo uu iyaga wadaadka u dhiibaa.
و کاهن آنها را بگذراند، یکی برای قربانی گناه و دیگری برای قربانی سوختنی. و کاهن برای وی به حضور خداوند جریانش راکفاره خواهد کرد. ۱۵ 15
Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa kafaaraggud isaga ugu sameeyaa dheecaankiisa aawadiis.
و چون منی از کسی درآیدتمامی بدن خود را به آب غسل دهد، وتا شام نجس باشد. ۱۶ 16
Haddii nin shahwaddiisu ka timaada waa inuu jidhkiisa oo dhan biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
و هر رخت و هر چرمی که منی برآن باشد به آب شسته شود، و تا شام نجس باشد. ۱۷ 17
Oo dhar kasta iyo harag kasta oo ay shahwaddiisu ku taalba, waa in biyo lagu maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan.
و هر زنی که مرد با او بخوابد و انزال کند، به آب غسل کنند و تا شام نجس باشند. ۱۸ 18
Oo weliba nin hadduu naag la seexdo, labadooduba waa inay biyo ku maydhaan, oo tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan.
«و اگر زنی جریان دارد، و جریانی که دربدنش است خون باشد، هفت روز در حیض خودبماند. و هر‌که او را لمس نماید، تا شام نجس باشد. ۱۹ 19
Oo haddii dheecaan naag ka daadanayo, oo dheecaanka jidhkeeda ku yaal uu xayl yahay, iyadu waa inay intii toddoba maalmood ah nijaasteeda ku sii jirtaa.
و بر هر چیزی که در حیض خود بخوابدنجس باشد، و بر هر چیزی که بنشیند نجس باشد. ۲۰ 20
Oo intay nijaasaysan tahay wax alla wixii ay ku jiifsataaba way nijaasoobayaan, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba way nijaasoobayaan.
و هر‌که بستر او را لمس کند، رخت خود را بشوید، و به آب غسل کند و تا شام نجس باشد. ۲۱ 21
Oo ku alla kii sariirteeda taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
و هر‌که چیزی را که او بر آن نشسته بود لمس نماید رخت خود را بشوید، و به آب غسل کند، وتا شام نجس باشد. ۲۲ 22
Oo wax alla wixii ay ku fadhiisato kii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
و اگر آن بر بستر باشد یا برهر چیزی که او بر آن نشسته بود، چون آن چیز رالمس کند تا شام نجس باشد. ۲۳ 23
Oo sariirteeda ama waxay ku fadhiisato haddii xayl ku yaal, markuu taabto, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
و اگر مردی با اوهم بستر شود و حیض او بر وی باشد تا هفت روزنجس خواهد بود. و هر بستری که بر آن بخوابدنجس خواهد بود. ۲۴ 24
Oo nin hadduu iyada la jiifsado oo xaylkeedu taabto intii toddoba maalmood ah nijaas buu ahaanayaa, oo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa.
و زنی که روزهای بسیار، غیر از زمان حیض خود جریان خون دارد، یازیاده از زمان حیض خود جریان دارد، تمامی روزهای جریان نجاستش مثل روزهای حیضش خواهد بود. او نجس است. ۲۵ 25
Haddii naag uu ka daato dheecaan dhiiggeeda ah maalmo badan oo aan ahayn wakhtigii xaylkeeda, ama hadduu iyada ka daato dheecaan ka badan oo dhaafsiisan wakhtigii xaylkeeda, inta iyada dheecaanku ka daadanayo oo ay nijaasaysan tahay oo dhan waa inay ahaataa sidii maalmihii ay xaylka qabtay oo kale, waayo, way nijaasaysan tahay.
و هر بستری که درروزهای جریان خود بر آن بخوابد، مثل بسترحیضش برای وی خواهد بود. و هر چیزی که برآن بنشیند مثل نجاست حیضش نجس خواهدبود. ۲۶ 26
Oo inta dheecaanku iyada ka daadanayo oo dhan, sariir alla sariirtii ay ku jiifsataaba, waxay iyada u ahaan doontaa sida sariirta ay ku jiifsato markay xaylka qabto, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba waxay u nijaasoobayaan sida nijaasta xaylkeeda.
و هر‌که این چیزها را لمس نماید نجس می‌باشد. پس رخت خود را بشوید و به آب غسل کند و تا شام نجس باشد. ۲۷ 27
Oo waxyaalahaas ku alla kii taabtaa wuu nijaasoobayaa, oo waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
و اگر از جریان خودطاهر شده باشد، هفت روز برای خود بشمارد، وبعد از آن طاهر خواهد بود. ۲۸ 28
Laakiinse hadday dheecaankeedii ka daahirsanaato, markaas waa inay toddoba maalmood nafsaddeeda u tirsataa, oo markaas dabadeedna daahir bay ahaanaysaa.
و در روز هشتم دوفاخته یا دو جوجه کبوتر بگیرد، و آنها را نزد کاهن به در خیمه اجتماع بیاورد. ۲۹ 29
Oo maalinta siddeedaadna waa inay laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaadataa oo ay wadaadka ugu keentaa iridda teendhada shirka.
و کاهن یکی رابرای قربانی گناه و دیگری را برای قربانی سوختنی بگذراند. و کاهن برای وی نجاست جریانش را به حضور خداوند کفاره کند. ۳۰ 30
Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, oo midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu iyada kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa dheecaankii nijaasteeda aawadiis.
پس بنی‌اسرائیل را از نجاست ایشان جدا خواهیدکرد، مبادا مسکن مرا که در میان ایشان است نجس سازند و در نجاست خود بمیرند.» ۳۱ 31
Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.
این است قانون کسی‌که جریان دارد، و کسی‌که منی از وی درآید و از آن نجس شده باشد. ۳۲ 32
Kanu waa sharciga ku saabsan kii dheecaan ka daadanayo iyo kii shahwaddiisu ka timaado, oo uu sidaas ku nijaasoobay,
و حایض درحیضش و هر‌که جریان دارد خواه مرد خواه زن، و مردی که با زن نجس همبستر شود. ۳۳ 33
iyo naagtii xayl qabta, iyo qofkii dheecaan ka daadanayo nin iyo naag miduu yahayba, iyo kii la seexda tii nijaasaysan.

< لاویان 15 >