< پیدایش 6 >

و واقع شد که چون آدمیان شروع کردندبه زیاد شدن بر روی زمین و دختران برای ایشان متولد گردیدند، ۱ 1
Waxayna noqotay, markii ay bilaabatay in dadku ku bataan dhulka oo ay gabdho u dhashaan,
پسران خدا دختران آدمیان را دیدند که نیکومنظرند، و از هر کدام که خواستند، زنان برای خویشتن می‌گرفتند. ۲ 2
in wiilashii Ilaah arkeen gabdhihii dadku inay wanaagsan yihiin, oo ay guursadeen in alla intay doorteen oo dhan.
وخداوند گفت: «روح من در انسان دائم داوری نخواهد کرد، زیرا که او نیز بشر است. لیکن ایام وی صد و بیست سال خواهد بود.» ۳ 3
Rabbiguna wuxuu yidhi, Ruuxaygu lama sii dagaallami doono dadka weligiis, maxaa yeelay, isagu waa jidh, laakiinse cimrigiisu wuxuu noqon doonaa boqol iyo labaatan sannadood.
و در آن ایام مردان تنومند در زمین بودند. و بعد از هنگامی که پسران خدا به دختران آدمیان در‌آمدند و آنهابرای ایشان اولاد زاییدند، ایشان جبارانی بودندکه در زمان سلف، مردان نامور شدند. ۴ 4
Waagaas waxaa dhulka joogay dad waaweyn oo xoog badan, taas ka dibna kolkii wiilashii Ilaah u yimaadeen gabdhihii dadka, oo ay carruur u dhaleen, isla kuwaas waxay ahaayeen nimankii xoogga badnaa oo waagii hore ahaa raggii caanka ahaa.
و خداونددید که شرارت انسان در زمین بسیار است، و هرتصور از خیالهای دل وی دائم محض شرارت است. ۵ 5
Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba.
و خداوند پشیمان شد که انسان را برزمین ساخته بود، و در دل خود محزون گشت. ۶ 6
Rabbiguna wuxuu ka qoomamooday abuuriddii uu dadka ku abuuray dhulka, wuuna caloolxumaaday.
وخداوند گفت: «انسان را که آفریده‌ام، از روی زمین محو سازم، انسان و بهایم و حشرات وپرندگان هوا را، چونکه متاسف شدم از ساختن ایشان.» ۷ 7
Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Waxaan dhulka ka baabbi'in doonaa dadkii aan abuuray; dadka, iyo weliba dugaagga, iyo waxa gurguurta, iyo haadda hawada; maxaa yeelay, waan ka qoomamooday samayntii aan sameeyey iyaga.
اما نوح در نظر خداوند التفات یافت. ۸ 8
Laakiin Rabbigu Nuux raalli buu ka ahaa.
این است پیدایش نوح. نوح مردی عادل بود، و در عصر خود کامل. و نوح با خدا راه می‌رفت. ۹ 9
Kuwanu waa farcankii Nuux. Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah, oo ku eed la' farcankiisii; Nuuxna Ilaah buu la socon jiray.
و نوح سه پسر آورد: سام و حام و یافث. ۱۰ 10
Oo Nuux wuxuu dhalay saddex wiil oo ahaa Sheem, iyo Xaam iyo Yaafed.
وزمین نیز بنظر خدا فاسد گردیده و زمین از ظلم پر شده بود. ۱۱ 11
Dhulkuna wuu kharribnaa Ilaah hortiisa, dhulkana dulmi baa ka buuxsamay.
و خدا زمین را دید که اینک فاسدشده است، زیرا که تمامی بشر راه خود را بر زمین فاسد کرده بودند. ۱۲ 12
Ilaahna wuxuu arkay dhulka, oo bal eeg, wuu kharribnaa; waayo, intii jidh lahayd oo dhammu jidkooday ku kharribeen dhulka.
و خدا به نوح گفت: «انتهای تمامی بشر به حضورم رسیده است، زیرا که زمین بسبب ایشان پر از ظلم شده است. و اینک من ایشان را با زمین هلاک خواهم ساخت. ۱۳ 13
Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Intii jidh leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaadhay; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabbi'in doonaa.
پس برای خودکشتی‌ای از چوب کوفر بساز، و حجرات درکشتی بنا کن و درون و بیرونش را به قیر بیندا. ۱۴ 14
Doonni ka samayso qoryo gofer ah; qowladana ka dhex samee doonnida, daamurna ka mari dusha iyo hoostaba.
وآن را بدین ترکیب بساز که طول کشتی سیصدذراع باشد، و عرضش پنجاه ذراع و ارتفاع آن سی ذراع. ۱۵ 15
Waa inaad sidatan u samaysid iyada: doonnida dhererkeeda waxaad ka dhigtaa saddex boqol oo dhudhun, ballaadhkeedana waxaad ka dhigtaa konton dhudhun, sarajooggeedana waxaad ka dhigtaa soddon dhudhun.
و روشنی‌ای برای کشتی بساز و آن را به ذراعی از بالا تمام کن. و در کشتی را در جنب آن بگذار، و طبقات تحتانی و وسطی و فوقانی بساز. ۱۶ 16
Waa inaad dariishadna u samaysid doonnida, oo waxaad ku dhammaysaa in dhudhun ah ilaa xaggeeda sare, albaabka doonnidana dhinaca ka samee, dabaqad hoose, iyo tu labaad, iyo tu saddexaadna u samee iyada.
زیرا اینک من طوفان آب را بر زمین می‌آورم تاهر جسدی را که روح حیات در آن باشد، از زیرآسمان هلاک گردانم. و هر‌چه بر زمین است، خواهد مرد. ۱۷ 17
Oo bal eeg, anigu daad biyo ah baan ku soo dayn dhulka, inaan baabbi'iyo inta jidhka leh oo dhan oo neefta noloshu ku jirto, inta samada ka hoosaysa; wax kasta oo dhulka joogaaba way dhiman doonaan.
لکن عهد خود را با تو استوارمی سازم، و به کشتی در خواهی آمد، تو وپسرانت و زوجه ات و ازواج پسرانت با تو. ۱۸ 18
Laakiin axdigayga adigaan kula dhigan doonaa; oo doonnidaad soo geli doontaan, adiga, iyo wiilashaada, iyo naagtaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.
و ازجمیع حیوانات، از هر ذی جسدی، جفتی از همه به کشتی در خواهی آورد، تا با خویشتن زنده نگاه داری، نر و ماده باشند. ۱۹ 19
Oo wax kasta oo nool oo jidh leh waa inaad cayn walba laba ka soo gelisaa doonnida, si ay kuula sii noolaadaan; waana inay ahaadaan lab iyo dhaddig.
از پرندگان به اجناس آنها، و از بهایم به اجناس آنها، و از همه حشرات زمین به اجناس آنها، دودو از همه نزدتو آیند تا زنده نگاه داری. ۲۰ 20
Haadda caynkooda, iyo xoolaha caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, cayn walba laba ka mid ihi ha kuu soo galeen, si ay u sii noolaadaan.
و از هر آذوقه‌ای که خورده شود، بگیر و نزد خود ذخیره نما تابرای تو و آنها خوراک باشد.» ۲۱ 21
Cuntada la cuno oo dhanna qaado, oo kulligeed ururso oo waxay idiin noqon doontaa cunto, adiga iyo iyagaba.
پس نوح چنین کرد و به هرچه خدا او را امر فرمود، عمل نمود. ۲۲ 22
Sidaasuu Nuux sameeyey; wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey.

< پیدایش 6 >

The World is Destroyed by Water
The World is Destroyed by Water