< جامعه 5 >

چون به خانه خدا بروی، پای خود را نگاه دار زیرا تقرب جستن به جهت استماع، ازگذرانیدن قربانی های احمقان بهتر است، چونکه ایشان نمی دانند که عمل بد می‌کنند. ۱ 1
Markaad guriga Ilaah tegaysid is-ilaali, waayo, inaad u dhowaatid si aad wax u maqashid way ka roon tahay inaad bixisid allabariga nacasyada oo kale, maxaa yeelay, iyagu ma oga inay wax shar ah samaynayaan.
با دهان خود تعجیل منما و دلت برای گفتن سخنی به حضور خدا نشتابد زیرا خدا در آسمان است و تو بر زمین هستی پس سخنانت کم باشد. ۲ 2
Afkaaga ha ku degdegin, oo inaad Ilaah hortiisa wax kaga hadashid ha u dhaqsan, waayo, Ilaah samaduu joogaa, adna dhulkaad joogtaa, haddaba hadalkaagu ha yaraado.
زیراخواب از کثرت مشقت پیدا می‌شود و آواز احمق از کثرت سخنان. ۳ 3
Waayo, riyo waxay ka dhalataa hawl badan, oo nacaska codkiisana waxaa lagu gartaa hadalkiisa badan.
چون برای خدا نذر نمایی دروفای آن تاخیر منما زیرا که او از احمقان خشنودنیست؛ پس به آنچه نذر کردی وفا نما. ۴ 4
Markaad Ilaah nidar u nidartid waa inaadan inaad bixisid dib uga dhicin, waayo, isagu nacasyada kuma farxo ee wixii aad u nidartay bixi.
بهتراست که نذر ننمایی از اینکه نذر نموده، وفا نکنی. ۵ 5
Inaad nidar gasho oo aadan bixin waxaa ka wanaagsan inaadan waxba nidrin.
مگذار که دهانت جسد تو را خطاکار سازد و درحضور فرشته مگو که این سهو شده است. چراخدا به‌سبب قول تو غضبناک شده، عمل دستهایت را باطل سازد؟ ۶ 6
Afkaaga ha u oggolaan inuu jidhkaaga dembaajiyo, oo malaa'igta horteedana ha ka odhan, Qalad bay ahaayeen. Bal maxaad Ilaah codkaaga ugu cadhaysiisaa si uu shuqulka gacmahaaga u baabbi'iyo?
زیرا که این از کثرت خوابها و اباطیل و کثرت سخنان است؛ لیکن تو ازخدا بترس. ۷ 7
Waayo, riyooyin iyo erayo fara badanba waxaa ku jira wax badan oo aan waxtar lahayn, laakiinse adigu Ilaah ka cabso.
اگر ظلم را بر فقیران و برکندن انصاف وعدالت را در کشوری بینی، از این امر مشوش مباش زیرا آنکه بالاتر از بالا است ملاحظه می‌کندو حضرت اعلی فوق ایشان است. ۸ 8
Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.
و منفعت زمین برای همه است بلکه مزرعه، پادشاه را نیزخدمت می‌کند. ۹ 9
Dhulka faa'iidadiisu kulli way ka dhexaysaa, waayo, boqorka qudhiisaba waxaa looga adeegaa beerta.
آنکه نقره را دوست دارد ازنقره سیر نمی شود، و هر‌که توانگری را دوست دارد از دخل سیر نمی شود. این نیز بطالت است. ۱۰ 10
Kii lacag jecelu lacag kama dhergi doono, oo kii maal badan jeceluna faa'iido kama dhergi doono, taasuna waa wax aan waxba tarayn.
چون نعمت زیاده شود، خورندگانش زیادمی شوند؛ و به جهت مالکش چه منفعت است غیراز آنکه آن را به چشم خود می‌بیند؟ ۱۱ 11
Markii maalku bato kuwa cunaana way sii bataan. Maalku bal muxuu kan leh u taraa inuu indhihiisa ku fiiriyo mooyaane?
خواب عمله شیرین است خواه کم و خواه زیاد بخورد، اما سیری مرد دولتمند او رانمی گذارد که بخوابد. ۱۲ 12
Ninkii hawshooda hurdadiisu waa u macaan tahay, hadduu wax yar cuno iyo hadduu wax badan cunoba, laakiinse taajirka maalkiisa badanu hurdaduu u diidaa.
بلایی سخت بود که آن را زیر آفتاب دیدم یعنی دولتی که صاحبش آن را برای ضرر خود نگاه داشته بود. ۱۳ 13
Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno.
و آن دولت از حادثه بد ضایع شد و پسری آورد اما چیزی در دست خودنداشت. ۱۴ 14
Oo maalkaasu wax xun buu ku baabba'aa, oo kii lahaana wiil buu dhalay, laakiinse gacantiisa waxba kuma jiraan.
چنانکه از رحم مادرش بیرون آمد، همچنان برهنه به حالتی که آمد خواهد برگشت واز مشقت خود چیزی نخواهد یافت که به‌دست خود ببرد. ۱۵ 15
Siduu uurka hooyadiis uga soo baxay ayuu isagoo qaawan ku tegi doonaa, siduu hore ku yimid oo kale. Oo hawshiisa aawadeedna wax uu gacanta ku qaadan karo ma qaadan doono.
و این نیز بلای سخت است که از هرجهت چنانکه آمد همچنین خواهد رفت؛ و او راچه منفعت خواهد بود از اینکه در‌پی باد زحمت کشیده است؟ ۱۶ 16
Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu si kastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uu helayaa?
و تمامی ایام خود را در تاریکی می‌خورد و با بیماری و خشم، بسیار محزون می‌شود. ۱۷ 17
Oo weliba cimrigiisa oo dhan wuxuu ku cunaa gudcur, oo intaasna wuxuu ku jiraa murug, iyo cudur, iyo cadho.
اینک آنچه من دیدم که خوب و نیکومی باشد، این است که انسان در تمامی ایام عمرخود که خدا آن را به او می‌بخشد بخورد و بنوشدو از تمامی مشقتی که زیر آسمان می‌کشد به نیکویی تمتع ببرد زیرا که نصیبش همین است. ۱۸ 18
Bal eeg, waxaan gartay inay wanaagsan tahay oo habboon tahay in qof wax cuno oo wax cabbo, iyo inuu hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan ku istareexo cimrigii Ilaah siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtiisa.
و نیز هر انسانی که خدا دولت و اموال به اوببخشد و او را قوت عطا فرماید که از آن بخورد ونصیب خود را برداشته، از محنت خود مسرورشود، این بخشش خدا است. ۱۹ 19
Oo weliba nin kasta oo Ilaah maal iyo hanti siiyey, oo haddana siiyey karti uu wax kaga cuno, oo uu kaga qayb qaato, iyo inuu hawshiisa ku reyreeyoba, taasu waa hibo Ilaah.
زیرا روزهای عمر خود را بسیار به یاد نمی آورد چونکه خدا اورا از شادی دلش اجابت فرموده است. ۲۰ 20
Waayo, isagu aad uma xusuusan doono wakhtigii uu noolaa, maxaa yeelay, Ilaah baa farxad qalbigiisa geliya.

< جامعه 5 >