< 열왕기상 13 >

1 때에 하나님의 사람이 여호와의 말씀으로 인하여 유다에서부터 벧엘에 이르니 마침 여로보암이 단 곁에 서서 분향하는지라
Markaasaa waxaa Yahuudah ka yimid nin Ilaah oo Eraygii Rabbiga ku yimid Beytel; oo Yaaraabcaamna wuxuu ag taagnaa meeshii allabariga inuu foox shido aawadeed.
2 하나님의 사람이 단을 향하여 여호와의 말씀으로 외쳐 가로되 `단아 단아 여호와께서 말씀하시기를 다윗의 집에 요시야라 이름하는 아들을 낳으리니 저가 네 위에 분향하는 산당 제사장을 네 위에 제사할 것이요 또 사람의 뼈를 네 위에 사르리라 하셨느니라` 하고
Markaasuu wax ka gees ah meeshii allabariga ku qayliyey sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu yidhi, Meeshii allabarigay, meeshii allabarigay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uud waxaa u dhalan doona wiil magiciisa la yidhaahdo Yoosiyaah, oo isna dushaada wuxuu ku qali doonaa wadaaddada meelaha sarsare ee dushaada fooxa ku shida, oo waxaa dushaada lagu gubi doonaa dad lafihiis.
3 그 날에 저가 예조를 들어 가로되 `이는 여호와의 말씀하신 예조라 단이 갈라지며 그 위에 있는 재가 쏟아지리라' 하매
Oo isla maalintaasba calaamad buu tusay oo wuxuu yidhi, Tanu waa calaamaddii Rabbigu ku hadlay: Bal ogaada, meesha allabarigu way kala dillaaci doontaa oo dambaska saaranuna wuu soo daadan doonaa.
4 여로보암 왕이 하나님의 사람의 벧엘에 있는 단을 향하여 외쳐 말함을 들을 때에 단에서 손을 펴며 `저를 잡으라' 하더라 저를 향하여 편 손이 말라 다시 거두지 못하며
Oo markii boqorkii maqlay hadalkii ninka Ilaah uu ku qayliyey ee ka geesta ahaa meeshii allabariga oo Beytel ku tiil ayuu Yaaraabcaam gacanta ka soo fidiyey meeshii allabariga oo wuxuu yidhi, War ninka qabta. Oo gacantii uu isaga ku fidiyeyna way qallashay, mar dambena wuu soo laabi kari waayay.
5 하나님의 사람의 여호와의 말씀으로 보인 예조대로 단(壇)이 갈라지며 재가 단에서 쏟아진지라
Oo meeshii allabariguna way kala dillaacday, oo dambaskiina wuu ka soo daatay meeshii allabariga, sidii calaamaddii uu ninka Ilaah bixiyey ee Rabbigu ku amray.
6 왕이 하나님의 사람에게 말하여 가로되 `청컨대 너는 나를 위하여 네 하나님 여호와께 은혜를 구하여 내 손으로 다시 성하게 기도하라' 하나님의 사람이 여호와께 은혜를 구하니 왕의 손이 다시 성하여 전과 같이 되니라
Markaasaa boqorkii ugu jawaabay ninkii Ilaah, Haddaba Rabbiga Ilaahaaga ah raallinimo iiga bari, oo ii ducee in gacantaydu ii soo noqoto aawadeed. Markaasaa ninkii Ilaah Rabbiga baryay, oo boqorkiina gacantiisii way u soo noqotay, oo waxay u noqotay sidii ay markii hore ahayd.
7 왕이 하나님의 사람에게 이르되 `나와 함께 집에가서 몸을 쉬라 내가 네게 예물을 주리라'
Dabadeedna boqorkii wuxuu ninkii Ilaah ku yidhi, Kaalay, guriga ii raac, oo isqabooji, oo anna waan kuu abaalgudayaa.
8 하나님의 사람이 왕께 대답하되 `왕께서 왕의 집 절반으로 내게 준다 할지라도 나는 왕과 함께 들어가지도 아니하고 이곳에서는 떡도 먹지 아니하고 물도 마시지 아니하리니
Kolkaasaa ninkii Ilaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Xataa haddaad gurigaaga badhkiis i siinayso ku raaci maayo, oo innaba kibisna ku cuni maayo, biyona ka cabbi maayo meeshan;
9 이는 곧 여호와의 말씀이 내게 명하여 이르시기를 떡도 먹지 말며 물도 마시지 말고 왔던 길로 도로 가지도 말라 하셨음이니이다' 하고
waayo, Erayga Rabbiga ayaa saas igu amray, oo yidhi, Waa inaadan kibis cunin, biyona cabbin, waana inaadan dib u sii qaadin jidkii aad soo martay.
10 이에 다른 길로 가고 자기가 벧엘에 오던 길로 좇아 돌아가지 아니하니라
Oo sidaas daraaddeed jid kaluu maray, dib umana uu sii qaadin jidkii uu Beytel u soo maray.
11 벧엘에 한 늙은 선지자가 살더니 그 아들들이 와서 이 날에 하나님의 사람이 벧엘에서 행한 모든 일을 저에게 고하고 또 그가 왕에게 고한 말씀도 저희가 그 아비에게 고한지라
Waagaas waxaa Beytel degganaa nebi duq ah, oo wiilashiisii midkood baa u yimid oo u soo sheegay kulli shuqulladii ninka Ilaah maalintaas Beytel ku sameeyey; oo erayadii uu boqorka kula hadlayna aabbahood way u soo sheegeen.
12 그 아비가 저희에게 이르되 `그가 어느 길로 가더냐?' 하니 그 아들들이 유다에서부터 온 하나님의 사람의 간 길을 보았음이라
Markaasaa aabbahood ku yidhi, Jidkee buu qaaday? Oo wiilashiisuna way arkeen jidkii ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid qaaday.
13 저가 그 아들들에게 이르되 `나를 위하여 나귀에 안장을 지우라' 저희가 나귀에 안장을 지우니 저가 타고
Markaasuu wiilashiisii ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Dameerkiina way u kooreeyeen oo isna wuu fuulay.
14 하나님의 사람의 뒤를 좇아 가서 상수리나무 아래 앉은 것을 보고 이르되 `그대가 유다에서 온 하나님의 사람이뇨' 대답하되 `그러하다'
Oo ninkii Ilaah wuu daba galay, oo helay isagoo geed hoos fadhiya; kolkaasuu ku yidhi, War ma waxaad tahay ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ahay.
15 저가 그 사람에게 이르되 `나와 함께 집으로 가서 떡을 먹으라'
Markaasuu ku yidhi, Kaalay oo gurigaygii ii raac aad kibis soo cuntide.
16 대답하되 `나는 그대와 함께 돌아가지도 못하겠고 그대와 함께 들어가지도 못하겠으며 내가 이 곳에서 그대와 함께 떡도 먹지 아니하고 물도 마시지 아니하리니
Isna wuxuu yidhi, Kari maayo inaan kula noqdo iyo inaan gurigaaga galo toona. Halkan innaba kibis kugula cuni maayo, biyona kugula cabbi maayo.
17 이는 여호와의 말씀이 내게 이르시기를 네가 거기서 떡도 먹지 말고 물도 마시지 말며 또 네가 오던 길로 돌아가지도 말라 하셨음이로라'
Waayo, erayga Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waa inaadan meeshaas kibis ku cunin, biyona ka cabbin, jidkii aad soo martayna dib ha u sii qaadin.
18 저가 그 사람에게 이르되 `나도 그대와 같은 선지자라 천사가 여호와의 말씀으로 내게 이르기를 그를 네 집으로 데리고 돌아가서 그에게 떡을 먹이고 물을 마시우라 하였느니라' 하니 이는 그 사람을 속임이라
Isna wuxuu ku yidhi, War anba waxaan ahay nebi kula mid ah, oo malaa'ig baa Eraygii Rabbiga igula hadashay oo igu tidhi, Isaga soo celi oo gurigaaga keen inuu kibis cuno oo biyo cabbo. Laakiinse been buu u sheegay.
19 이에 그 사람이 저와 함께 돌아가서 그 집에서 떡을 먹으며 물을 마시니라
Sidaas daraaddeed wuu la noqday, oo gurigiisii buu kibis ka cunay, biyona ka cabbay.
20 저희가 상 앞에 앉았을 때에 여호와의 말씀이 그 사람을 데려온 선지자에게 임하니
Markaasaa intay miiska wada fadhiyeen uu eraygii Rabbigu u yimid nebigii soo celiyey.
21 저가 유다에서부터 온 하나님의 사람을 향하여 외쳐 가로되 여호와의 말씀에 네가 여호와의 말씀을 어기며 네 하나님 여호와가 네게 명한 명령을 지키지 아니하고
Wuuna ku qayliyey ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid, oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Caasi baad ku noqotay Rabbiga, mana aadan xajin amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray,
22 돌아와서 여호와가 너더러 떡도 먹지 말고 물도 마시지 말라 한 곳에서 떡을 먹고 물을 마셨으니 네 시체가 네 열조의 묘실에 들어가지 못하리라 하셨느니라' 하니라
laakiinse waad soo noqotay oo kibis baad ku cuntay, biyona waad ku cabtay meeshii uu kugu yidhi, Kibis ha ku cunin, biyona ha ku cabbin. Sidaas daraaddeed meydkaagu gaadhi maayo xabaashii awowayaashaa.
23 자기가 데리고 온 선지자가 떡을 먹고 물을 마신 후에 그를 위하여 나귀에 안장을 지우니라
Oo markuu kibis cunay oo biyo cabbay dabadeed ayuu dameerkiisii u kooreeyey nebigii uu soo celiyey.
24 이에 그 사람이 가더니 사자가 길에서 저를 만나 죽이매 그 시체가 길에 버린 바 되니 나귀는 그 곁에 섰고 사자도 그 시체 곁에 섰더라
Oo markuu ka tegey ayaa libaax jidkii kaga hor yimid, wuuna dilay isagii; oo meydkiisiina waxaa lagu tuuray jidka dhexdiisa, oo dameerkiina wuu ag taagnaa; libaaxiina wuxuu dhinac taagnaa meydka.
25 지나가는 사람들이 길에 버린 시체와 그 시체 곁에 선 사자를 보고 그 늙은 선지자가 사는 성읍에 와서 말한지라
Oo bal eeg, dad baa soo ag maray, oo waxay arkeen meydka jidka lagu tuuray iyo libaaxa meydka agtiisa taagan; oo waxay yimaadeen magaaladii nebiga duqa ahu degganaa, markaasay dadkii u sheegeen.
26 그 사람을 길에서 데리고 돌아간 선지자가 듣고 말하되 `이는 여호와의 말씀을 어긴 하나님의 사람이로다 여호와께서 그에게 하신 말씀과 같이 여호와께서 그를 사자에게 붙이시매 사자가 그를 찢어 죽였도다` 하고
Oo nebigii isaga jidka ka soo celiyey markuu taas maqlay ayuu yidhi, Waa ninkii Ilaah oo ku caasiyoobay Rabbiga; oo sidaas daraaddeed ayuu Rabbigu isaga ugu gacan gashay libaaxa dildillaacsaday oo dilay, taasuna waa sidii uu ahaa erayguu Rabbigu kula hadlay.
27 이에 그 아들들에게 말하여 가로되 `나를 위하여 나귀에 안장을 지우라' 저희가 안장을 지우매
Markaasuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Oo iyana way u kooreeyeen.
28 저가 가서 본즉 그 시체가 길에 버린 바 되었고 나귀와 사자는 그 시체 곁에 섰는데 사자가 시체를 먹지도 아니하였고 나귀를 찢지도 아니하였더라
Kolkaasuu tegey oo wuxuu helay meydkiisii oo jidka dhex yaal, iyo dameerkii iyo libaaxii oo meydka ag taagan; libaaxiina meydkii ma cunin, dameerkiina ma dildillaacsan.
29 늙은 선지자가 하나님의 사람의 시체를 떠들어 나귀에 실어가지고 돌아와 자기 성읍으로 들어가서 슬피 울며 장사하되
Oo nebigiina wuxuu qaaday meydkii ninkii Ilaah, oo kor saaray dameerkii, wuuna soo celiyey. Markaasuu yimid magaaladii nebigii duqa ahaa inuu halkaas ku aaso oo ugu baroorto.
30 곧 그 시체를 자기의 묘실에 두고 그를 위하여 슬피 울며 가로되 오호라 나의 형제여! 하니라
Oo xabaashiisii uu isagu lahaa ayuu meydkiisii geliyey, wayna u baroorteen, oo yidhaahdeen, Hoognay, walaalkayow!
31 그 사람을 장사한 후에 저가 그 아들들에게 말하여 가로되 `내가 죽거든 하나님의 사람을 장사한 묘실에 나를 장사하되 내 뼈를 그의 뼈 곁에 두라
Oo markuu aasay dabadeed ayuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, Markaan dhinto igu xabaala xabaashii ninkii Ilaah lagu xabaalay, oo lafahayga lafihiisa ag dhiga.
32 그가 여호와의 말씀으로 벧엘에 있는 단을 향하고 또 사마리아 성읍들에 있는 모든 산당을 향하여 외쳐 말한 것이 반드시 이룰 것임이니라'
Waayo, hadalkii uu amarkii Rabbiga ku qayliyey ee ka geesta ahaa meesha allabariga oo Beytel ku taal, iyo kulli guryaha meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka reer Samaariya, hubaal wuu ahaan doonaa.
33 여로보암이 이 일 후에도 그 악한 길에서 떠나 돌이키지 아니하고 다시 보통 백성으로 산당의 제사장을 삼되 누구든지 자원하면 그 사람으로 산당의 제사장을 삼았으므로
Oo waxyaalahaas dabadood Yaaraabcaam kama uu noqon jidkiisii sharka ahaa, laakiinse wuxuu dadkii oo dhan ka doortay wadaaddo meelaha sarsare; oo mid kasta oo doonayayba wuu daahiriyey inay jiraan wadaaddo meelaha sarsare.
34 이 일이 여로보암 집에 죄가 되어 그 집이 지면에서 끊어져 멸망케 되니라
Oo taasuna dembi bay u noqotay reer Yaaraabcaam iyo xataa inay gooyso oo dhulka ka baabbi'iso.

< 열왕기상 13 >