< テトスへの手紙 2 >

1 されど汝は健全なる教に適ふことを語れ。
Laakiinse adigu ku hadal waxyaalaha ku habboon cilmiga runta ah.
2 老人には自ら制することと謹嚴と謹愼とを勸め、また信仰と愛と忍耐とに健全ならんことを勸めよ。
Odayaashu waa inay feejignaadaan oo dhug yeeshaan oo digtoonaadaan oo ay si run ah ugu socdaan iimaanka iyo jacaylka iyo dulqaadashada.
3 老いたる女にも同じく、清潔にかなふ行爲をなし、人を謗らず、大酒の奴隷とならず、善き事を教ふる者とならんことを勸めよ。
Sidaas oo kalena habruhu waa inay asluub quduus ah lahaadaan, oo ayan noqon kuwa wax xanta, oo ayan khamri badan addoommo u noqon, laakiinse ay noqdaan kuwo wax wanaagsan dadka bara.
4 かつ彼 等をして若き女に夫を愛し、子を愛し、
Oo waa inay naagaha dhallintayar baraan inay jeclaadaan nimankooda iyo carruurtooda,
5 謹愼と貞操とを守り、家の務をなし、仁慈をもち、己が夫に服はんことを教へしめよ。これ神の言の汚されざらん爲なり。
oo ay digtoonaadaan, oo ay daahir noqdaan, oo ay gurigooda ka shaqeeyaan, oo ay wanaagsanaadaan, iyagoo nimankooda ka dambeeya, si aan ereyga Ilaah loo caayin.
6 若き人にも同じく謹愼を勸め、
Ragga dhallinyarada ahna sidaas oo kale ku waani inay digtoonaadaan.
7 なんぢ自ら凡ての事につきて善き業の模範を示せ。教をなすには邪曲なきことと謹嚴と、
Wax walba nafsaddaada masaal ahaan u tus xagga shuqullada wanaagsan; oo cilmigaagana ku tus qummanaan, iyo dhuglahaan,
8 責むべき所なき健全なる言とを以てすべし。これ逆ふ者をして我らの惡を言ふに由なく、自ら恥づる所あらしめん爲なり。
iyo hadal run ah oo aan ceeb lahayn, si midka geesta kaa ahu u ceeboobo, oo uusan u helin wax xun oo uu inaga sheego.
9 奴隷には己が主人に服ひ、凡ての事において之を喜ばせ、之に言ひ逆はず、
Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin,
10 物を盜まず、反つて全き忠信を顯すべきことを勸めよ。これ凡ての事において我らの救主なる神の教を飾らん爲なり。
oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.
11 凡ての人に救を得さする神の恩惠は既に顯れて、
Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan,
12 不 敬虔と世の慾とを棄てて謹愼と正義と敬虔とをもて此の世を過し、 (aiōn g165)
oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno, (aiōn g165)
13 幸福なる望、すなはち大なる神、われらの救主イエス・キリストの榮光の顯現を待つべきを我らに教ふ。
innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
14 キリストは我等のために己を與へたまへり。是われらを諸般の不法より贖ひ出して、善き業に熱心なる特選の民を己がために潔めんとてなり。
Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
15 なんぢ全き權威をもて此 等のことを語り、勸め、また責めよ。なんぢ人に輕んぜらるな。
Waxyaalahan dadka kula hadal, oo ku waani, oo ku canaano, adigoo amar oo dhan leh. Oo ninna yuusan ku quudhsan.

< テトスへの手紙 2 >