< ローマ人への手紙 12 >

1 されば兄弟よ、われ神のもろもろの慈悲によりて汝らに勸む、己が身を神の悦びたまふ潔き活ける供物として献げよ、これ靈の祭なり。
Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo quduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh.
2 又この世に效ふな、神の御意の善にして悦ぶべく、かつ全きことを辨へ知らんために、心を更へて新にせよ。 (aiōn g165)
Ha u ekaanina dadka ifkan, laakiinse ku beddelma cusboonaanta maankiinna inaad hubsataan waxa ay tahay doonista Ilaah oo wanaagsan oo isagu ku farxo oo kaamilka ah. (aiōn g165)
3 われ與へられし恩惠によりて汝 等おのおのに告ぐ、思ふべき所を超えて自己を高しとすな。神のおのおのに分ち給ひし信仰の量にしたがひ愼みて思ふべし。
Waayo, nimcadii lay siiyey ayaan ku hadlayaa, waxaan ku leeyahay, Mid kasta oo idinka mid ah, yuusan isderejayn intuu isderejayn lahaa in ka badan, laakiinse miyirqab ha ku fikiro, sida Ilaah mid kasta u siiyey qayb rumaysad ah.
4 人は一つ體におほくの肢あれども、凡ての肢その運用を同じうせぬ如く、
Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn,
5 我らも多くあれど、キリストに在りて一つ體にして、各人たがひに肢たるなり。
sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.
6 われらが有てる賜物はおのおの與へられし恩惠によりて異なる故に、或は預言あらば信仰の量にしたがひて預言をなし、
Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna.
7 或は務あらば務をなし、或は教をなす者は教をなし、
Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro;
8 或は勸をなす者は勸をなし、施す者はをしみなく施し、治むる者は心を盡して治め、憐憫をなす者は喜びて憐憫をなすべし。
kii wax waaniyaana, si fiican wax ha u waaniyo; kii wax bixiyaana, deeqsinimo wax ha u bixiyo; kii wax u taliyaana, dadaal wax ha ugu taliyo; kii wax u naxariistaana, farxad wax ha ugu naxariisto.
9 愛には虚僞あらざれ、惡はにくみ、善はしたしみ、
Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada.
10 兄弟の愛をもて互に愛しみ、禮儀をもて相 讓り、
Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo.
11 勤めて怠らず、心を熱くし、主につかへ、
Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega.
12 望みて喜び、患難にたへ、祈を恆にし、
Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta,
13 聖徒の缺乏を賑し、旅人を懇ろに待せ、
oo ku caawiya waxa quduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha martiggeliya.
14 汝らを責むる者を祝し、これを祝して詛ふな。
U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.
15 喜ぶ者と共によろこび、泣く者と共になけ。
La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya.
16 相 互に心を同じうし、高ぶりたる思をなさず、反つて卑きに附け。なんぢら己を聰しとすな。
Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina.
17 惡をもて惡に報いず、凡ての人のまへに善からんことを圖り、
Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.
18 汝らの爲し得るかぎり力めて凡ての人と相 和げ。
Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.
19 愛する者よ、自ら復讐すな、ただ神の怒に任せまつれ。録して『主いひ給ふ、復讐するは我にあり、我これに報いん』とあり。
Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.
20 『もし汝の仇 飢ゑなば之に食はせ、渇かば之に飮ませよ、なんぢ斯するは熱き火を彼の頭に積むなり』
Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah.
21 惡に勝たるることなく、善をもて惡に勝て。
Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.

< ローマ人への手紙 12 >