< 箴言 知恵の泉 5 >

1 我が子よわが智慧をきけ 汝の耳をわが聰明に傾け
Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;
2 しかしてなんぢ謹愼を守り汝の口唇に知識を保つべし
Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.
3 娼妓の口唇は蜜を滴らし 其口は脂よりも滑なり
Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,
4 されど其終は茵蔯の如くに苦く兩刃の劍の如くに利し
Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.
5 その足は死に下り その歩は陰府に趣く (Sheol h7585)
Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool, (Sheol h7585)
6 彼は生命の途に入らず 其徑はさだかならねども自ら之を知ざるなり
Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,
7 小子等よいま我にきけ 我が口の言を棄つる勿れ
Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.
8 汝の途を彼より遠く離れしめよ 其家の門に近づくことなかれ
Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,
9 恐くは汝の榮を他人にわたし 汝の年を憐憫なき者にわたすにいたらん
Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,
10 恐くは他人なんぢの資財によりて盈され 汝の勞苦は他人の家にあらん
Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,
11 終にいたりて汝の身なんぢの體亡ぶる時なんぢ泣悲みていはん
Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,
12 われ敎をいとひ 心に譴責をかろんじ
Oo aad tidhaahdaan, Sidee baan edbin u nebcaaday, Oo qalbigayguna canaantii u quudhsaday!
13 我が師の聲をきかず 我を敎ふる者に耳を傾けず
Codkii macallimiintaydii ma aan addeecin, Oo dhegtana uma aan dhigin kuwii wax i baray!
14 あつまりの中會衆のうちにてほとんど諸の惡に陷れりと
Anigu waxaan u dhowaa inaan shar kasta falo Anigoo ku dhex jira shirka iyo ururka.
15 汝おのれの水溜より水を飮み おのれの泉より流るる水をのめ
Berkeddaada biyo ka cab, Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab.
16 汝の流をほかに溢れしめ 汝の河の水を衢に流れしむべけんや
Ma hagaag baa in ilahaagu dibadda u daataan. Oo ay durdurraduna dariiqyada maraan?
17 これを自己に歸せしめ 他人をして汝と偕にこに與らしむること勿れ
Iyagu ha ahaadeen kuwaaga oo keliya, Oo yaanay u ahaan shisheeyayaal adiga kula jira.
18 汝の泉に福祉を受しめ 汝の少き時の妻を樂しめ
Ishaadu ha barakaysnaato, Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow.
19 彼は愛しき麀のごとく美しき鹿の如し その乳房をもて常にたれりとし その愛をもて常によろこべ
Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.
20 我子よ何なればあそびめをたのしみ 淫婦の胸を懐くや
Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?
21 それ人の途はヱホバの目の前にあり 彼はすべて其行爲を量りたまふ
Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.
22 惡者はおのれの愆にとらへられ その罪の繩に繋る
Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa, Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.
23 彼は訓誨なきによりて死 その多くの愚なることに由りて亡ぶべし
Wuxuu u dhiman doonaa edbinla'aanta, Oo isagu wuxuu ku dhex amban doonaa badnaanta nacasnimadiisa.

< 箴言 知恵の泉 5 >