< マタイの福音書 24 >

1 イエス宮を出でてゆき給ふとき、弟子たち宮の建造物を示さんとて御許に來りしに、
Ciise ayaa macbudka ka baxay, oo intuu tegayay ayaa xertiisii u timid inay tusaan dhismaha macbudka.
2 答へて言ひ給ふ『なんぢら此の一切の物を見ぬか。誠に汝らに告ぐ、此處に一つの石も崩されずしては石の上に遺らじ』
Laakiin wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan waxyaalahan oo dhan arkaynin? Runtii waxaan idinku leeyahay, Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.
3 オリブ山に坐し給ひしとき、弟子たち竊に御許に來りて言ふ『われらに告げ給へ、これらの事は何時あるか、又なんぢの來り給ふと世の終とには、何の兆あるか』 (aiōn g165)
Oo goortuu Buur Saytuun fadhiistay, xertii ayaa keli ahaan ugu timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamada imaatinkaaga iyo dhammaadka wakhtiga dunidu maxay ahaan doontaa? (aiōn g165)
4 イエス答へて言ひ給ふ『なんぢら人に惑されぬやうに心せよ。
Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn.
5 多くの者わが名を冒し來り「我はキリストなり」と言ひて多くの人を惑さん。
Waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.
6 又なんぢら戰爭と戰爭の噂とを聞かん、愼みて懼るな。かかる事はあるべきなり、されど未だ終にはあらず。
Oo waxaad maqli doontaan dagaallo iyo dagaallo hadalhayntood. Iska jira, hana baqanina, waayo, waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye.
7 即ち「民は民に、國は國に逆ひて起たん」また處々に饑饉と地震とあらん、
Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona abaaro iyo dhulgariir.
8 此 等はみな産の苦難の始なり。
Waxan oo dhammu waa bilowga hoogagga.
9 そのとき人々なんぢらを患難に付し、また殺さん、汝 等わが名の爲に、もろもろの國人に憎まれん。
Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammi idiin nebcaan doonaan.
10 その時おほくの人つまづき、且たがひに付し、互に憎まん。
Maarkaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacangelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan.
11 多くの僞 預言者おこりて、多くの人を惑さん。
Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.
12 また不法の増すによりて、多くの人の愛ひややかにならん。
Dembigu waa badnaan doonaa, taa aawadeed qaar badan jacaylkoodu waa yaraan doonaa.
13 されど終まで耐へしのぶ者は救はるべし。
Laakiin kii adkaysta ilaa ugu dambaysta, kaasaa badbaadi doona.
14 御國のこの福音は、もろもろの國人に證をなさんため全世界に宣傅へられん、而してのち終は至るべし。
Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta.
15 なんぢら預言者ダニエルによりて言はれたる「荒す惡むべき者」の聖なる處に立つを見ば(讀む者さとれ)
Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto),
16 その時ユダヤに居る者どもは山に遁れよ。
markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen.
17 屋の上に居る者はその家の物を取り出さんとして下るな。
Kii guri fuushanuna yaanu u soo degin inuu wixii gurigiisa ku jira soo qaato.
18 畑にをる者は上衣を取らんとて歸るな。
Kii beerta joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.
19 その日には孕りたる者と乳を哺まする者とは禍害なるかな。
Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.
20 汝らの遁ぐることの冬または安息 日に起らぬように祈れ。
Barya inaan cararkiinnu noqon wakhtiga qabowga ama sabtida.
21 そのとき大なる患難あらん、世の創より今に至るまでかかる患難はなく、また後にも無からん。
Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed.
22 その日もし少くせられずば、一人だに救はるる者なからん、されど選民の爲にその日 少くせらるべし。
Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa.
23 その時あるひは「視よ、キリスト此處にあり」或は「此處にあり」と言ふ者ありとも信ずな。
Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina.
24 僞キリスト・僞 預言者おこりて、大なる徴と不思議とを現し、爲し得べくば選民をも惑さんとするなり。
Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
25 視よ、あらかじめ之を汝らに告げおくなり。
Bal eega, horaan idiinku sheegaye.
26 されば人もし汝らに「視よ、彼は荒野にあり」といふとも出で往くな「視よ、彼は部屋にあり」と言ふとも信ずな。
Haddaba hadday idinku yidhaahdaan, Bal eega, wuxuu joogaa cidlada, ha u bixina. Bal eega, wuxuu joogaa qolalka qarsoon, ha rumaysanina.
27 電光の東より出でて西にまで閃きわたる如く、人の子の來るも亦 然らん。
Waayo, sida hillaacu bari uga yimaado oo u ifiyo galbeed, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.
28 それ死骸のある處には鷲あつまらん。
Meel alla meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.
29 これらの日の患難ののち直ちに日は暗く、月は光を發たず、星は空より隕ち、天の萬象ふるひ動かん。
Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa.
30 そのとき人の子の兆、天に現れん。そのとき地上の諸族みな嘆き、かつ人の子の能力と大なる榮光とをもて、天の雲に乘り來るを見ん。
Markaasaa waxaa cirka ka soo muuqan doona calaamada Wiilka Aadanaha, markaas ayaa qolooyinka dhulka oo dhammu barooran doonaan, oo waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.
31 また彼は使たちを大なるラッパの聲とともに遣さん。使たちは天の此の極より彼の極まで、四方より選民を集めん。
Oo wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa oo wata buun weyn, oo kuwuu doortay ayay ka soo ururin doonaan afarta jahood cirka meesha ugu fog ilaa meesheeda kale.
32 無花果の樹よりの譬をまなべ、その枝すでに柔かくなりて葉 芽ぐめば、夏の近きを知る。
Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay.
33 かくのごとく汝らも此 等のすべての事を見ば、人の子すでに近づきて門邊に到るを知れ。
Idinkuna sidaas oo kale goortaad waxan oo dhan aragtaan, garta inuu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.
34 誠に汝らに告ぐ、これらの事ことごとく成るまで、今の代は過ぎ往くまじ。
Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.
35 天 地は過ぎゆかん、されど我が言は過ぎ往くことなし。
Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
36 その日その時を知る者なし、天の使たちも知らず、子も知らず、ただ父のみ知り給ふ。
Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbahay keliya maahee.
37 ノアの時のごとく人の子の來るも然あるべし。
Sida wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.
38 曾て洪水の前ノア方舟に入る日までは、人々 飮み食ひ、娶り嫁がせなどし、
Waayo, siday wax u cunayeen oo wax u cabbayeen, oo u guursanayeen oo loogu guurinayay maalmihii daadka hortiisa ilaa maalintii Nuux doonnida galay,
39 洪水の來りて悉とく滅すまでは知らざりき、人の子の來るも然あるべし。
wayna garan waayeen ilaa daadkii yimid oo kulligood wada qaaday, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.
40 そのとき二人の男 畑にをらんに、一人は取られ一人は遺されん。
Markaas laba nin ayaa beerta ku jiri doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.
41 二人の女 磨ひき居らんに、一人は取られ一人は遺されん。
Laba naagood ayaa dhagax wax ku shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.
42 されば目を覺しをれ、汝らの主のきたるは、何れの日なるかを知らざればなり。
Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinnu imanayo.
43 汝 等これを知れ、家主もし盜人いづれの時きたるかを知らば、目をさまし居て、その家を穿たすまじ。
Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa wakhtiga tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo ma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo.
44 この故に汝らも備へをれ、人の子は思はぬ時に來ればなり。
Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.
45 主人が時に及びて食物を與へさする爲に、家の者のうへに立てたる忠實にして慧き僕は誰なるか。
Haddaba yuu yahay addoonka aaminka ah oo caqliga leh, kan sayidkiisu dadka gurigiisa u sarreeysiiyey inuu cuntada siiyo wakhtigeeda?
46 主人のきたる時、かく爲し居るを見らるる僕は幸福なり。
Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya.
47 まことに汝らに告ぐ、主人すべての所有を彼に掌どらすべし。
Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga.
48 もしその僕 惡しくして、心のうちに主人は遲しと思ひて、
Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay,
49 その同輩を扑きはじめ、酒徒らと飮食を共にせば、
oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah,
50 その僕の主人おもはぬ日しらぬ時に來りて、
addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn,
51 之を烈しく笞うち、その報を僞善者と同じうせん。其處にて哀哭・切齒することあらん。
oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

< マタイの福音書 24 >