< マタイの福音書 10 >

1 かくてイエスその十二 弟子を召し、穢れし靈を制する權威をあたへて、之を逐ひ出し、もろもろの病、もろもろの疾患を醫すことを得しめ給ふ。
Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.
2 十二 使徒の名は左のごとし。先づペテロといふシモン及びその兄弟アンデレ、ゼベダイの子ヤコブ及びその兄弟ヨハネ、
Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa,
3 ピリポ及びバルトロマイ、トマス及び取税人マタイ、アルパヨの子ヤコブ及びタダイ、
iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Toomas, iyo Matayos oo cashuurqaadaha ahaa, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos,
4 熱心 黨のシモン及びイスカリオテのユダ、このユダはイエスを賣りし者なり。
iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
5 イエスこの十二 人を遣さんとて、命じて言ひたまふ。『異邦人の途にゆくな、又サマリヤ人の町に入るな。
Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina,
6 むしろイスラエルの家の失せたる羊にゆけ。
laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah.
7 往きて宣べつたへ「天國は近づけり」と言へ。
Oo intaad socotaan wacdiya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.
8 病める者をいやし、死にたる者を甦へらせ、癩病人をきよめ、惡鬼を逐ひいだせ。價なしに受けたれば價なしに與へよ。
Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya.
9 帶のなかに金・銀または錢をもつな。
Dahab ama lacag ama naxaas kiishadihiinna ha ku haysanina,
10 旅の嚢も、二 枚の下衣も、鞋も、杖ももつな。勞動人の、その食物を得るは相應しきなり。
qandina jidka ha u qaadanina, ama laba khamiis, ama kabo, ama ul, waayo, shaqaaluhu cuntadiisa ayuu istaahilaa.
11 いづれの町いづれの村に入るとも、その中にて相應しき者を尋ねいだして、立ち去るまでは其處に留れ。
Magaalo alla magaaladaad gashaan iyo tuuloba, ka doona mid istaahila, oo halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.
12 人の家に入らば平安を祈れ。
Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya,
13 その家もし之に相應しくば、汝らの祈る平安はその上に臨まん。もし相應しからずば、その平安はなんぢらに歸らん。
oo hadduu gurigu istaahilo, nabaddiinnu ha ku soo degto, laakiin haddaanu istaahilin, nabaddiinnu ha idinku soo noqoto.
14 人もし汝らを受けず、汝らの言を聽かずば、その家その町を立ち去るとき、足の塵をはらへ。
Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba.
15 まことに汝らに告ぐ、審判の日には、その町よりもソドム、ゴモラの地のかた耐へ易からん。
Runtii waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, Sodom iyo Gomora waa ka xisaab fududaan doonaan magaaladaas.
16 視よ、我なんぢらを遣すは、羊を豺狼のなかに入るるが如し。この故に蛇のごとく慧く、鴿のごとく素直なれ。
Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo.
17 人々に心せよ、それは汝らを衆議所に付し、會堂にて鞭うたん。
Laakiin dad iska jira, waayo, waxay idiin dhiibi doonaan shirar, oo sunagogyadooda ayay idinku karbaashi doonaan.
18 また汝 等わが故によりて、司たち王たちの前に曳かれん。これは彼らと異邦人とに證をなさん爲なり。
Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn.
19 かれら汝らを付さば、如何に何を言はんと思ひ煩ふな、言ふべき事は、その時さづけらるべし。
Laakiin goortay idin gacangeliyaan, ha ka welwelina sidaad u hadli doontaan ama waxaad ku hadli doontaan, waayo, waxaad ku hadli doontaan ayaa saacaddaas laydin siin doonaa.
20 これ言ふものは汝 等にあらず、其の中にありて言ひたまふ汝らの父の靈なり。
Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa.
21 兄弟は兄弟を、父は子を死に付し、子どもは親に逆ひて之を死なしめん。
Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan.
22 又なんぢら我が名のために凡ての人に憎まれん。されど終まで耐へ忍ぶものは救はるべし。
Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona.
23 この町にて責めらるる時は、かの町に逃れよ。誠に汝らに告ぐ、なんぢらイスラエルの町々を巡り盡さぬうちに人の子は來るべし。
Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.
24 弟子はその師にまさらず、僕はその主にまさらず、
Qof xer ahu macallinkiisa kama sarreeyo, addoonkuna sayidkiisa kama sarreeyo.
25 弟子はその師のごとく、僕はその主の如くならば足れり。もし家主をベルゼブルと呼びたらんには、ましてその家の者をや。
Waa ku filan tahay qof xer ah inuu noqdo sida macallinkiisa, addoonkuna sida sayidkiisa. Hadday odayga reerka Be'elsebul ugu yeedhaan, intee ka badan ayay ugu yeedhi doonaan kuwa gurigiisa jooga.
26 この故に、彼らを懼るな。蔽はれたるものに露れぬはなく、隱れたるものに知られぬは無ければなり。
Sidaa darteed ha ka baqina, waayo, wax daboolan ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax qarsoonna ma jiro oo aan la garan doonin.
27 暗黒にて我が告ぐることを光明にて言へ。耳をあてて聽くことを屋の上にて宣べよ。
Waxaan gudcurka idiinku sheego, iftiinka ku dhaha, oo waxaad dhegta ka maqashaanna, guryaha dushooda kaga dhawaaqa.
28 身を殺して靈魂をころし得ぬ者どもを懼るな、身と靈魂とをゲヘナにて滅し得る者をおそれよ。 (Geenna g1067)
Ha ka baqina kuwa jidhka dila, laakiin aan karin inay nafta dilaan, waxaadse ka baqdaan kan jahannamada ku hallayn kara nafta iyo jidhkaba. (Geenna g1067)
29 二 羽の雀は一錢にて賣るにあらずや、然るに、汝らの父の許なくば、その一 羽も地に落つること無からん。
Laba shimbirrood miyaan beesad lagu iibin? Middoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabbihiin la'aantiis.
30 汝らの頭の髮までも皆かぞへらる。
Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.
31 この故におそるな、汝らは多くの雀よりも優るるなり。
Sidaa darteed ha baqina, waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan.
32 されど凡そ人の前にて我を言ひあらはす者を、我もまた天にいます我が父の前にて言ひ顯さん。
Sidaa darteed mid walba oo igu qirta dadka hortiisa, anna waan ku qiran doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.
33 されど人の前にて我を否む者を、我もまた天にいます我が父の前にて否まん。
Laakiin ku alla kii igu diida dadka hortiisa, anna waan ku diidi doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.
34 われ地に平和を投ぜんために來れりと思ふな。平和にあらず、反つて劍を投ぜん爲に來れり。
Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno.
35 それ我が來れるは、人をその父より、娘をその母より、嫁をその姑嫜より分たん爲なり。
Waxaanse u imid inaan nin cadow kaga dhigo aabbihiis, gabadhna hooyadeed, naagna soddohdeed.
36 人の仇はその家の者なるべし。
Nin cadowgiisu waa dadka gurigiisa.
37 我よりも父または母を愛する者は、我に相應しからず。我よりも息子または娘を愛する者は、我に相應しからず。
Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo.
38 又おのが十字架をとりて我に從はぬ者は、我に相應しからず。
Kan aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan i soo raacin, ima istaahilo.
39 生命を得る者はこれを失ひ、我がために生命を失ふ者はこれを得べし。
Kan naftiisa helaa waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday waa heli doonaa.
40 汝らを受くる者は、我を受くるなり。我をうくる者は、我を遣し給ひし者を受くるなり。
Kan idin aqbalaa wuu i aqbalaa, kan i aqbalaana, wuxuu aqbalaa kan i soo diray.
41 預言者たる名の故に預言者をうくる者は、預言者の報をうけ、義人たる名のゆゑに義人をうくる者は、義人の報を受くべし。
Kan nebi ku aqbala nebi magiciis, wuxuu heli doonaa nebi abaalkiis, kan qof xaq ah ku aqbala qof xaq ah magiciis, wuxuu heli doonaa qof xaq ah abaalkiis.
42 凡そわが弟子たる名の故に、この小き者の一人に冷かなる水 一杯にても與ふる者は、まことに汝らに告ぐ、必ずその報を失はざるべし』
Ku alla kii kuwan yaryar koob biyo qabow oo keliya ku siiya qof xer ah magiciis, runtii waxaan idinku leeyahay, abaalkiisu ka lumi maayoba.

< マタイの福音書 10 >