< マルコの福音書 4 >

1 イエスまた海邊にて教へ始めたまふ。夥多しき群衆、みもとに集りたれば、舟に乘り海に泛びて坐したまひ、群衆はみな海に沿ひて陸にあり。
Haddana wuxuu bilaabay inuu badda agteeda wax ku baro, oo waxaa u soo ururay dad badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay, wuxuuna fadhiistay badda, dadkii badnaana waxay joogeen badda xeebteeda.
2 譬にて數多の事ををしへ、教の中に言ひたまふ、
Markaasuu wax badan masaallo ku baray, oo intuu wax barayay ayuu iyaga ku yidhi,
3 『聽け、種 播くもの、播かんとて出づ。
Dhegaysta, waxaa baxay beerrey inuu wax beero.
4 播くとき、路の傍らに落ちし種あり、鳥きたりて啄む。
Intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.
5 土うすき磽地に落ちし種あり、土 深からぬによりて、速かに萠え出でたれど、
Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,
6 日 出でてやけ、根なき故に枯る。
laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.
7 茨の中に落ちし種あり、茨そだち塞ぎたれば、實を結ばず。
Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay, oo midho ma ay dhalin.
8 良き地に落ちし種あり、生え出でて茂り、實を結ぶこと、三十 倍、六十 倍、百 倍せり』
Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen, oo intay baxeen ayay koreen oo midho dhaleen. Mid wuxuu dhalay soddon, midna lixdan, midna boqol.
9 また言ひ給ふ『きく耳ある者は聽くべし』
Oo wuxuu ku yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
10 イエス人々を離れ居給ふとき、御許にをる者ども、十二 弟子とともに、此 等の譬を問ふ。
Goortuu keligiis ahaa kuwii la joogay iyo laba-iyo-tobankii wax bay masaalladii ka weyddiiyeen.
11 イエス言ひ給ふ『なんぢらには神の國の奧義を與ふれど、外の者には、凡て譬にて教ふ。
Kolkaasuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada Ilaah garataan, laakiin kuwa dibadda jooga wax walba waxaa loogu sheegaa masaallo,
12 これ「見るとき見ゆとも認めず、聽くとき聞ゆとも悟らず、飜へりて赦さるる事なからん」爲なり』
si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan, si ayan u soo noqon oo aan loo cafiyin.
13 また言ひ給ふ『なんぢら此の譬を知らぬか、さらば爭でもろもろの譬を知り得んや。
Wuxuuna iyaga ku yidhi, Miyaydnaan masaalkan garanaynin? Sidee baad masaalladii oo dhan u garan doontaan?
14 播く者は御言を播くなり。
Beerreygu wuxuu beeraa hadalka.
15 御言の播かれて路の傍らにありとは、かかる人をいふ、即ち聞くとき、直ちにサタン來りて、その播かれたる御言を奪ふなり。
Waa kuwan kuwii jidka yiil meeshii hadalka lagu beeray, oo goortay maqlaan, Shayddaan baa kolkiiba yimaada oo ka qaada hadalkii lagu beeray iyaga.
16 同じく播かれて磽地にありとは、かかる人をいふ、即ち御言をききて、直ちに喜び受くれども、
Si la mid ahna kuwan waa kuwii dhul dhagax ah lagu beeray, kuwii goortay hadalkii maqlaanba kolkiiba farxad bay ku qaataan;
17 その中に根なければ、ただ暫し保つのみ、御言のために患難また迫害にあふ時は、直ちに躓くなり。
xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar bay sii jiraan, markii dambe goortii dhib ama silac u dhoco hadalka aawadiis, markiiba way ka xumaadaan.
18 また播かれて茨の中にありとは、かかる人をいふ、
Kuwanna waa kuwii qodxanta lagu dhex beeray, kuwa hadalka maqla,
19 すなはち御言をきけど、世の心勞、財貨の惑、さまざまの慾いりきたり、御言を塞ぐによりて、遂に實らざるなり。 (aiōn g165)
laakiin kawelwelidda dunidan, iyo sasabidda maalka, iyo damacyada wax kale ayaa gala oo hadalkii ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan. (aiōn g165)
20 播かれて良き地にありとは、かかる人をいふ、即ち御言を聽きて受け、三十 倍、六十 倍、百 倍の實を結ぶなり』
Kuwanna waa kuwii dhulka wanaagsan lagu beeray, kuwa hadalka maqla, oo aqbala, oo midho soo dhala, mid soddon, midna lixdan, midna boqol.
21 また言ひたまふ『升のした、寢臺の下におかんとて、燈火をもち來るか、燈臺の上におく爲ならずや。
Wuxuuna iyaga ku yidhi, Ilays ma waxaa loo keenaa in la hoos geliyo weel ama sariir? Sow lama saaro meeshii ilayska?
22 それ顯るる爲ならで隱るるものなく、明かにせらるる爲ならで秘めらるるものなし。
Wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, oo wax daboolanna ma jiro oo aan bannaan soo bixi doonin.
23 聽く耳ある者は聽くべし』
Haddii nin leeyahay dhego uu wax ku maqlo ha maqlo.
24 また言ひ給ふ『なんぢら聽くことに心せよ、汝らが量る量にて量られ、更に増し加へらるべし。
Kolkaasuu ku yidhi, U fiirsada waxaad maqlaysaan; qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doona oo ayaa laydiin kordhin doonaa.
25 それ有てる人は、なほ與へられ、有たぬ人は、有てる物をも取らるべし』
Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.
26 また言ひたまふ『神の國は、或 人たねを地に播くが如し、
Wuxuuna yidhi, Sidaa weeye boqortooyadii Ilaah, sida nin abuur dhulka ku daadsha.
27 日夜 起臥するほどに、種はえ出でて育てども、その故を知らず。
Isagu waa hurdaa, waana kacaa maalin iyo habeenba, oo abuurku waa baxaa oo weynaadaa, laakiin si ay tahay isagu garan maayo.
28 地はおのづから實を結ぶものにして、初には苗、つぎに穗、つひに穗の中に充ち足れる穀なる。
Dhulka keligiis ayaa midhaha bixiya, horta jirridda, dabadeed sabuulka, dabadeedna sabuulka midho ka buuxsama.
29 實みのれば直ちに鎌を入る、收穫時の到れるなり』
Laakiin goortii midhuhu soo bislaadaan, kolkiiba ayuu mindi la galaa, waayo, wakhtigii beergooyska ayaa yimid.
30 また言ひ給ふ『われら神の國を何になずらへ、如何なる譬をもて示さん。
Wuxuuna yidhi, Maxaynu boqortooyadii Ilaah la masaysiinnaa, oo masaalkee baynu u ekaysiinnaa?
31 一粒の芥種のごとし、地に播く時は、世にある萬の種よりも小けれど、
Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan.
32 既に播きて生え出づれば、萬の野菜よりは大く、かつ大なる枝を出して、空の鳥その蔭に棲み得るほどになるなり』
Laakiin goortii la beero way baxdaa oo ka weynaataa dhalatada oo dhan, oo ay laamo waaweyn bixisaa si ay shimbirraha cirku hooskeeda ugu degaan.
33 かくのごとき數多の譬をもて、人々の聽きうる力に隨ひて、御言を語り、
Masaallo badan oo tan oo kale ah ayuu ereyga kula hadlay intii ay maqli karayeen.
34 譬ならでは語り給はず、弟子たちには、人なき時に凡ての事を釋き給へり。
Laakiin masaalla'aan kulama uu hadlin, oo markay keligood ahaayeen ayuu wax walba xertiisii u fasiray.
35 その日、夕になりて言ひ給ふ『いざ彼方に往かん』
Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee.
36 弟子たち群衆を離れ、イエスの舟にゐ給ふまま共に乘り出づ、他の舟も從ひゆく。
Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen.
37 時に烈しき颶風おこり、浪うち込みて、舟に滿つるばかりなり。
Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay.
38 イエスは艫の方に茵を枕として寢ねたまふ。弟子たち呼び起して言ふ『師よ、我らの亡ぶるを顧み給はぬか』
Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno?
39 イエス起きて風をいましめ、海に言ひたまふ『默せ、鎭れ』乃ち風やみて、大なる凪となりぬ。
Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday.
40 かくて弟子たちに言ひ給ふ『なに故かく臆するか、信仰なきは何ぞ』
Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn?
41 かれら甚く懼れて互に言ふ『こは誰ぞ、風も海も順ふとは』
Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

< マルコの福音書 4 >