< マルコの福音書 10 >

1 イエス此處をたちて、ユダヤの地方およびヨルダンの彼方に來り給ひしに、群衆またも御許に集ひたれば、常のごとく教へ給ふ。
Meeshaasuu ka soo kacay oo wuxuu galay soohdimaha Yahuudiya oo Webi Urdun ka shisheeya. Mar kale dadkii badnaa baa u soo ururay, oo sida caadadiisu ahaan jirtay, ayuu haddana wax baray.
2 時にパリサイ人ら來り試みて問ふ『人その妻を出すはよきか』
Markaasaa Farrisiintu u timid oo weyddiisay, Ma xalaal baa in nin naagtiisa furo? Wayna jirrabayeen.
3 答へて言ひ給ふ『モーセは汝らに何と命ぜしか』
Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Muuse muxuu idinku amray?
4 彼ら言ふ『モーセは離縁状を書きて出すことを許せり』
Waxay yidhaahdeen, Muuse waa fasaxay in warqaddii furniinta la dhigo oo la furo.
5 イエス言ひ給ふ『汝らの心つれなきによりて、此の誡命を録ししなり。
Ciisena wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qalbi engegnaantiinna aawadeed ayuu amarkaas idiinku dhigay.
6 されど開闢の初より「人を男と女とに造り給へり」
Laakiin tan iyo bilowgii abuurniinta, Ilaah wuxuu sameeyey lab iyo dhaddig.
7 「かかる故に人はその父 母を離れて、
Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa.
8 二人のもの一體となるべし」さればはや二人にはあらず、一體なり。
Labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh.
9 この故に神の合せ給ふものは、人これを離すべからず』
Haddaba wixii Ilaah isku xidhay ninna yaanu kala furin.
10 家に入りて弟子たち復この事を問ふ。
Goortay guriga ku jireen, xertiisii ayaa haddana waxaas wax ka weyddiiyeen.
11 イエス言ひ給ふ『おほよそ其の妻を出して他に娶る者は、その妻に對して姦淫を行ふなり。
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa oo mid kale guursadaa ayaa ka sinaysta.
12 また妻もし其の夫を棄てて他に嫁がば、姦淫を行ふなり』
Naagna haddii ay ninkeeda furto oo mid kale guursato ayay sinaysataa.
13 イエスの觸り給はんことを望みて、人々 幼兒らを連れ來りしに、弟子たち禁めたれば、
Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, xertuna way canaanatay.
14 イエス之を見、いきどほりて言ひたまふ『幼兒らの我に來るを許せ、止むな、神の國は斯くのごとき者の國なり。
Laakiin Ciise goortuu arkay, wuu cadhooday, oo wuxuu ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.
15 まことに汝らに告ぐ、凡そ幼兒の如くに神の國をうくる者ならずば、之に入ること能はず』
Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.
16 かくて幼兒を抱き、手をその上におきて祝し給へり。
Gacmihiisuu ku qaaday oo intuu calaacalihiisa saaray, ayuu barakeeyey.
17 イエス途に出で給ひしに、一人はしり來り、跪づきて問ふ『善き師よ、永遠の生命を嗣ぐためには、我なにを爲すべきか』 (aiōnios g166)
Goortuu jidka u soo baxay, mid baa ku soo orday oo intuu u jilba joogsaday ayuu weyddiiyey oo ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo? (aiōnios g166)
18 イエス言ひ給ふ『なにゆゑ我を善しと言ふか、神ひとりの他に善き者なし。
Ciise wuxuu ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa, Wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.
19 誡命は汝が知るところなり「殺すなかれ」「姦淫するなかれ」「盜むなかれ」「僞證を立つるなかれ」「欺き取るなかれ」「汝の父と母とを敬へ」』
Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.
20 彼いふ『師よ、われ幼き時より皆これを守れり』
Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay.
21 イエス彼に目をとめ、愛しみて言ひ給ふ『なんぢ尚ほ一つを缺く、往きて汝の有てる物をことごとく賣りて、貧しき者に施せ、さらば財寶を天に得ん。且きたりて我に從へ』
Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.
22 この言によりて、彼は憂を催し、悲しみつつ去りぬ、大なる資産をもてる故なり。
Hadalkaas ayuu ka qulbay, wuuna baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.
23 イエス見囘して弟子たちに言ひたまふ『富ある者の神の國に入るは如何に難いかな』
Ciise ishuu wada mariyey oo xertiisuu ku yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan!
24 弟子たち此の御言に驚く。イエスまた答へて言ひ給ふ『子たちよ、神の國に入るは如何に難いかな、
Xertiisii hadalladiisii bay ka yaabeen. Laakiin Ciise mar kaluu u jawaabay oo ku yidhi, Ilma yahow, siday ugu adag tahay kuwa maalka isku halleeya inay boqortooyada Ilaah galaan!
25 富める者の神の國に入るよりは、駱駝の針の孔を通るかた反つて易し』
Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.
26 弟子たち甚く驚きて互に言ふ『さらば誰か救はるる事を得ん』
Aad bay u yaabeen, waxayna isku lahaayeen, Haddaba yaa badbaadi kara?
27 イエス彼らに目を注めて言ひたまふ『人には能はねど、神には然らず、夫れ神は凡ての事をなし得るなり』
Markaasaa Ciise eegay oo ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, waxbase uma aha Ilaah, waayo, wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.
28 ペテロ、イエスに對ひて『我らは一切をすてて汝に從ひたり』と言ひ出でたれば、
Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.
29 イエス言ひ給ふ『まことに汝らに告ぐ、我がため、福音のために、或は兄弟、あるひは姉妹、或は父、或は母、或は子、或は田畑をすつる者は、
Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero,
30 誰にても今、今の時に百 倍を受けぬはなし。即ち家・兄弟・姉妹・母・子・田畑を迫害と共に受け、また後の世にては、永遠の生命を受けぬはなし。 (aiōn g165, aiōnios g166)
oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah. (aiōn g165, aiōnios g166)
31 されど多くの先なる者は後に、後なる者は先になるべし』
Laakiin kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.
32 エルサレムに上る途にて、イエス先だち往き給ひしかば、弟子たち驚き、隨ひ往く者ども懼れたり。イエス再び十二 弟子を近づけて、己が身に起らんとする事どもを語り出で給ふ
Waxay ku socdeen jidka xaggii Yeruusaalem, Ciisena waa hor marayay. Wayna yaabeen oo intay daba socdeen way baqeen. Kolkaasuu laba-iyo-tobankii haddana waday oo bilaabay inuu u sheego waxa isaga ku dhici doona,
33 『視よ、我らエルサレムに上る。人の子は祭司長・學者らに付されん。彼ら死に定めて、異邦人に付さん。
oo wuxuu ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanaha waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn.
34 異邦人は嘲弄し、唾し、鞭うち、遂に殺さん、かくて彼は三日の後に甦へるべし』
Wayna ku kajami doonaan, oo ku tufi doonaan, oo karbaashi doonaan, wayna dili doonaan, saddex maalmood dabadeedna wuu soo sara kici doonaa.
35 ここにゼベダイの子ヤコブ、ヨハネ御許に來りて言ふ『師よ、願はくは我らが何にても求むる所を爲したまへ』
Waxaa u yimid Yooxanaa iyo Yacquub oo ahaa wiilashii Sebedi, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaad noo yeeshid wixii aannu weyddiisanno.
36 イエス言ひ給ふ『わが汝らに何を爲さんことを望むか』
Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?
37 彼ら言ふ『なんぢの榮光の中にて、一人をその右に、一人をその左に坐せしめ給へ』
Waxay ku yidhaahdeen, Na sii inaannu fadhiisanno mid midigtaada, kii kalena bidixdaada xaggii ammaantaada.
38 イエス言ひ給ふ『なんぢらは求むる所を知らず、汝 等わが飮む酒杯を飮み、我が受くるバプテスマを受け得るか』
Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay?
39 彼 等いふ『得るなり』イエス言ひ給ふ『なんぢら我が飮む酒杯を飮み、また我が受くるバプテスマを受くべし。
Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. Markaasaa Ciise ku yidhi, Koobka aan ka cabbayo waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa,
40 されど我が右 左に坐することは、我の與ふべきものならず、ただ備へられたる人こそ與へらるるなれ』
laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu ma lihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa loo diyaargareeyey.
41 十 人の弟子これを聞き、ヤコブとヨハネとの事により憤ほり出でたれば、
Tobankii goortay taas maqleen waxay bilaabeen inay Yacquub iyo Yooxanaa u cadhoodaan.
42 イエス彼らを呼びて言ひたまふ『異邦人の君と認めらるる者の、その民を宰どり、大なる者の、民の上に權を執ることは、汝らの知る所なり。
Laakiin Ciise baa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in kuwa loo malaynayo inay quruumaha madaxdooda yihiin ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin.
43 されど汝らの中にては然らず、反つて大ならんと思ふ者は、汝らの役者となり、
Laakiin sidaasu dhexdiinna ma aha, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,
44 頭たらんと思ふ者は、凡ての者の僕となるべし。
oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, kulli waa inuu addoon u ahaado.
45 人の子の來れるも、事へらるる爲にあらず、反つて事ふることをなし、又おほくの人の贖償として己が生命を與へん爲なり』
Waayo, Wiilka Aadanahu uma iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.
46 かくて彼らエリコに到る。イエスその弟子たち及び大なる群衆と共に、エリコを出でたまふ時、テマイの子バルテマイといふ盲目の乞食、路の傍に坐しをりしが、
Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay.
47 ナザレのイエスなりと聞き、叫び出して言ふ『ダビデの子イエスよ、我を憫みたまへ』
Goortuu maqlay inuu yahay Ciisihii reer Naasared, wuxuu bilaabay inuu aad u qayliyo oo yidhaahdo, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.
48 多くの人かれを禁めて默さしめんとしたれど、ますます叫びて『ダビデの子よ、我を憫みたまへ』と言ふ。
Qaar badan baa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.
49 イエス立ち止りて『かれを呼べ』と言ひ給へば、人々 盲人を呼びて言ふ『心 安かれ、起て、なんぢを呼びたまふ』
Kolkaasaa Ciise joogsaday oo yidhi, U yeedha. Markaasay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Kalsoonow, kac, waa kuu yeedhayaaye.
50 盲人うはぎを脱ぎ捨て、躍り上りて、イエスの許に來りしに、
Intuu maradiisa iska tuuray ayuu booday oo Ciise u yimid.
51 イエス答へて言ひ給ふ『わが汝に何を爲さんことを望むか』盲人いふ『わが師よ、見えんことなり』
Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.
52 イエス彼に『ゆけ、汝の信仰なんぢを救へり』と言ひ給へば、直ちに見ることを得、イエスに從ひて途を往けり。
Markaasaa Ciise ku yidhi, Soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, oo jidka buu la qaaday isaga.

< マルコの福音書 10 >