< ヨハネの福音書 4 >

1 主、おのれの弟子を造り、之にバプテスマを施すこと、ヨハネよりも多しと、パリサイ人に聞えたるを知り給ひし時、
Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa
2 (その實イエス自らバプテスマを施ししにあらず、その弟子たちなり)
(in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen),
3 ユダヤを去りて復ガリラヤに往き給ふ。
ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.
4 サマリヤを經ざるを得ず。
Oo wuxuu lahaa inuu Samaariya dhex maro.
5 サマリヤのスカルといふ町にいたり給へるが、この町はヤコブその子ヨセフに與へし土地に近くして、
Haddaba wuxuu yimid magaalada Samaariya, oo Sukhar la odhan jiray, oo ku dhowayd dalkii Yacquub siiyey wiilkiisii Yuusuf.
6 此處にヤコブの泉あり。イエス旅路に疲れて泉の傍らに坐し給ふ、時は第六 時 頃なりき。
Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda.
7 サマリヤの或 女、水を汲まんとて來りたれば、イエス之に『われに飮ませよ』と言ひたまふ。
Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi.
8 弟子たちは食物を買はんとて町にゆきしなり。
Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan.
9 サマリヤの女いふ『なんぢはユダヤ人なるに、如何なればサマリヤの女なる我に、飮むことを求むるか』これはユダヤ人とサマリヤ人とは交りせぬ故なり。
Naagtii reer Samaariya ahayd waxay haddaba ku tidhi isaga, Sidee baad, adigoo Yuhuudi ah, biyo ii weyddiisanaysaa, anigoo naag reer Samaariya ah? (Waayo, dan iskuma leh Yuhuudda iyo reer Samaariya.)
10 イエス答へて言ひ給ふ『なんぢ若し神の賜物を知り、また「我に飮ませよ」といふ者の誰なるを知りたらんには、之に求めしならん、さらば汝に活ける水を與へしものを』
Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool.
11 女いふ『主よ、なんぢは汲む物を持たず、井は深し、その活ける水は何處より得しぞ。
Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool?
12 汝はこの井を我らに與へし我らの父ヤコブよりも大なるか、彼も、その子らも、その家畜も、これより飮みたり』
Miyaad ka weyn tahay awowahayagii Yacquub oo ceelka na siiyey oo isaga qudhiisu ka cabbay iyo wiilashiisii iyo xoolihiisuba?
13 イエス答へて言ひ給ふ『すべて此の水をのむ者は、また渇かん。
Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa,
14 されど我があたふる水を飮む者は、永遠に渇くことなし。わが與ふる水は彼の中にて泉となり、永遠の生命の水 湧きいづべし』 (aiōn g165, aiōnios g166)
laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah. (aiōn g165, aiōnios g166)
15 女いふ『主よ、わが渇くことなく、又ここに汲みに來ぬために、その水を我にあたへよ』
Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado.
16 イエス言ひ給ふ『ゆきて夫をここに呼びきたれ』
Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Tag oo ninkaagii u soo yeedh, oo halkan kaalay.
17 女こたへて言ふ『われに夫なし』イエス言ひ給ふ『夫なしといふは宜なり。
Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi. Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi.
18 夫は五 人までありしが、今ある者はなんぢの夫にあらず。無しと云へるは眞なり』
Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay.
19 女いふ『主よ、我なんぢを預言者とみとむ。
Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay.
20 我らの先祖たちは此の山にて拜したるに、汝らは拜すべき處をエルサレムなりと言ふ』
Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo.
21 イエス言ひ給ふ『をんなよ、我が言ふことを信ぜよ、此の山にもエルサレムにもあらで、汝ら父を拜する時きたるなり。
Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba.
22 汝らは知らぬ者を拜し、我らは知る者を拜す、救はユダヤ人より出づればなり。
Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda.
23 されど眞の禮拜者の、靈と眞とをもて父を拜する時きたらん、今すでに來れり。父はかくのごとく拜する者を求めたまふ。
Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale.
24 神は靈なれば、拜する者も靈と眞とをもて拜すべきなり』
Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.
25 女いふ『我はキリストと稱ふるメシヤの來ることを知る、彼きたらば諸般のことを我らに告げん』
Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa.
26 イエス言ひ給ふ『なんぢと語る我はそれなり』
Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.
27 時に弟子たち歸りきたりて、女と語り給ふを怪しみたれど、何を求め給ふか、何 故かれと語り給ふかと問ふもの誰もなし。
Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada?
28 ここに女その水瓶を遺しおき、町にゆきて人々にいふ、
Sidaa aawadeed naagtii ayaa ashuunkeedii ka tagtay, oo magaaladay u baxday, oo waxay ku tidhi dadkii,
29 『來りて見よ、わが爲しし事をことごとく我に告げし人を。この人あるいはキリストならんか』
Kaalaya oo arka ninkii ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. Miyaanu kani ahayn Masiixa?
30 人々 町を出でてイエスの許にゆく。
Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii.
31 この間に弟子たち請ひて言ふ『ラビ、食し給へ』
Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.
32 イエス言ひたまふ『我には汝らの知らぬ我が食する食物あり』
Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.
33 弟子たち互にいふ『たれか食する物を持ち來りしか』
Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?
34 イエス言ひ給ふ『われを遣し給へる物の御意を行ひ、その御業をなし遂ぐるは、是わが食物なり。
Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo.
35 なんぢら收穫時の來るには、なほ四月ありと言はずや。我なんぢらに告ぐ、目をあげて畑を見よ、はや黄ばみて收穫時になれり。
Miyaydnaan odhanin, Waxaa weli hadhay afar bilood oo markaas ayaa beerta la gooynayaa? Bal eega, waxaan idin leeyahay, Indhihiinna kor u qaada oo daya beeraha inay u cad yihiin beergooyska.
36 刈る者は價を受けて永遠の生命の實を集む。播く者と刈る者とともに喜ばん爲なり。 (aiōnios g166)
Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan. (aiōnios g166)
37 俚諺に、彼は播き此は刈るといへるは、斯において眞なり。
Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa.
38 我なんぢらを遣して、勞せざりしものを刈らしむ。他の人々さきに勞し、汝らはその勞を收むるなり』
Waxaan idiin diray inaad gooysaan wixii aydnaan ku hawshoon. Kuwa kale baa hawshooday, hawshoodiina waad gasheen.
39 此の町の多くのサマリヤ人、女の『わが爲しし事をことごとく告げし』と證したる言によりてイエスを信じたり。
Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey.
40 かくてサマリヤ人 御許にきたりて、此の町に留らんことを請ひたれば、此處に二日とどまり給ふ。
Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood.
41 御言によりて猶もおほくの人 信じたり。
Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis,
42 かくて女に言ふ『今われらの信ずるは、汝のかたる言によるにあらず、親しく聽きて、これは眞に世の救主なりと知りたる故なり』
oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.
43 二日の後、イエスここを去りてガリラヤに往き給ふ。
Labadaas maalmood dabadeed meeshaas ayuu ka tegey oo Galili aaday.
44 イエス自ら證して、預言者は己が郷にて尊ばるる事なしと言ひ給へり。
Oo Ciise ayaa ka marag kacay inaan nebi waddankiis murwad ku lahayn.
45 かくてガリラヤに往き給へば、ガリラヤ人これを迎へたり。前に彼らも祭に上り、その祭の時にエルサレムにて行ひ給ひし事を見たる故なり。
Haddaba markuu Galili yimid, dadkii Galili way soo dhoweeyeen, iyagoo arkay wuxuu ku sameeyey Yeruusaalem oo dhan wakhtigii iidda, waayo, iyaguna iiddii way tageen.
46 イエス復ガリラヤのカナに往き給ふ、ここは前に水を葡萄酒になし給ひし處なり。時に王の近臣あり、その子カペナウムにて病みゐたれば、
Haddaba mar kale ayuu yimid Kaana tii Galili oo ahayd meeshuu biyihii khamriga kaga dhigay. Meeshaasna waxaa joogay sirkaal wiilkiisii ku bukay Kafarna'um.
47 イエスのユダヤよりガリラヤに來り給へるを聞き、御許にゆきて、カペナウムに下りその子を醫し給はんことを請ふ、子は死ぬばかりなりしなり。
Isagu markuu maqlay inuu Ciise Yahuudiya ka yimid oo Galili gaadhay, ayuu u tegey oo ka baryay inuu u yimaado oo wiilkiisa bogsiiyo, waayo, dhimashuu u dhowaa.
48 ここにイエス言ひ給ふ『なんぢら徴と不思議とを見ずば、信ぜじ』
Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaanad calaamooyin iyo yaabab arkin, marnaba ma rumaysan doontaan.
49 近臣いふ『主よ、わが子の死なぬ間に下り給へ』
Sirkaalkii wuxuu ku yidhi, Sayidow, kaalay intaan wiilkaygu dhiman.
50 イエス言ひ給ふ『かへれ、汝の子は生くるなり』彼はイエスの言ひ給ひしことを信じて歸りしが、
Ciise wuxuu ku yidhi, Soco, wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa ninkii rumaystay hadalkii Ciise ku yidhi, wuuna socday.
51 下る途中、僕ども往き遇ひて、その子の生きたることを告ぐ。
Intuu socday ayaa addoommadiisii ka hor yimaadeen, iyagoo leh, Wiilkaagii waa nool yahay.
52 その癒えはじめし時を問ひしに『昨日の第七 時に熱 去れり』といふ。
Markaasuu wuxuu iyagii weyddiiyey saacadduu ladnaaday. Waxay ku yidhaahdeen, Shalayto saacaddii toddobaad ayaa qandhadii daysay.
53 父その時の、イエスが『なんぢの子は生くるなり』と言ひ給ひし時と同じきを知り、而して己も家の者もみな信じたり。
Markaasaa aabbuhu gartay inay saacaddaas ahayd saacaddii Ciise ku yidhi, Wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa isagii qudhiisu rumaystay iyo kuwii gurigiisii joogay oo dhan.
54 是はイエス、ユダヤよりガリラヤに往きて爲し給へる第二の徴なり。
Haddaba tanu waa calaamadii labaad oo Ciise sameeyey markuu Yahuudiya ka tegey oo Galili yimid.

< ヨハネの福音書 4 >