< コリント人への手紙第一 10 >

1 兄弟よ、我なんぢらが之を知らぬを好まず。即ち我らの先祖はみな雲の下にあり、みな海をとほり、
Walaalayaalow, anigu dooni maayo inaad garan weydaan siday awowayaasheen oo dhammu daruurta uga wada hooseeyeen, oo ay dhammaantood badda u wada dhex mareen,
2 みな雲と海とにてバプテスマを受けてモーセにつけり。
iyo sidii dhammaantood xaggii Muuse loogu baabtiisay daruurta iyo baddaba,
3 而して皆おなじく靈なる食物を食し、
iyo siday dhammaantood u wada cuneen isku cunto ruuxa ah,
4 みな同じく靈なる飮物を飮めり。これ彼らに隨ひし靈なる岩より飮みたるなり、その岩は即ちキリストなりき。
oo dhammaantoodna ay u wada cabbeen isku cabbid ruuxa ah, waayo, waxay ka cabbeen dhagaxa ruuxa ah oo ka daba imanayay iyaga, dhagaxuna wuxuu ahaa Masiixa.
5 然れど彼らのうち多くは神の御意に適はず、荒野にて亡されたり。
Laakiin Ilaah kuma farxin badidood, oo waxaa iyaga lagu rogay cidlada.
6 此 等のことは我らの鑑にして、彼らが貪りし如く惡を貪らざらん爲なり。
Waxyaalahaasi waxay inoo noqdeen masaallo si aynaan waxyaalaha sharka ah u damcin siday iyagu u damceen.
7 彼らの中の或 者に效ひて偶像を拜する者となるな、即ち『民は坐して飮食し立ちて戯る』と録されたり。
Oo kuwa sanamka caabuda ha ahaanina siday qaarkood u ahaayeen. Sida qoran, Dadku waxay u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo waxay u kaceen inay cayaaraan.
8 又かれらの中の或 者に效ひて我ら姦淫すべからず、姦淫を行ひしもの一日に二萬 三 千 人 死にたり。
Oo yeynan sinaysanin siday qaarkood u sinaysteen oo saddex iyo labaatan kun ay maalin keliya u dhinteen.
9 また彼 等のうちの或 者に效ひて我ら主を試むべからず、主を試みしもの蛇に亡されたり、
Oo yeynan jirrabin Rabbiga siday qaarkood u jirrabeen oo ay masasku u baabbi'iyeen.
10 又かれらの中の或 者に效ひて呟くな、呟きしもの亡す者に亡されたり。
Oo ha gunuunacina siday qaarkood u gunuunaceen oo uu baabbi'iyuhu u baabbi'iyey.
11 彼らが遭へる此 等のことは鑑となれり、かつ末の世に遭へる我らの訓戒のために録されたり。 (aiōn g165)
Waxyaalahaasi waxay iyaga ugu dhaceen masaal ahaan, oo waxaa loo qoray in laynagu waaniyo innagoo wakhtiyada dhammaatinkoodii ina soo gaadhay. (aiōn g165)
12 さらば自ら立てりと思ふ者は倒れぬやうに心せよ。
Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin.
13 汝らが遭ひし試煉は人の常ならぬはなし。神は眞實なれば、汝らを耐へ忍ぶこと能はぬほどの試煉に遭はせ給はず。汝らが試煉を耐へ忍ぶことを得んために之と共に遁るべき道を備へ給はん。
Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan.
14 さらば我が愛する者よ、偶像を拜することを避けよ。
Sidaa daraaddeed, gacaliyayaalow, sanamcaabudidda ka carara.
15 され慧き者に言ふごとく言はん、我が言ふところを判斷せよ。
Waxaan idiinla hadlayaa sida dad caqli leh loola hadlo oo kale. Idinku qiyaasa waxaan leeyahay.
16 我らが祝ふところの祝の酒杯は、これキリストの血に與るにあらずや。我らが擘く所のパンは、これキリストの體に與るにあらずや。
Koobka barakada leh ee aynu u ducayno miyaanu ahayn islawadaagidda dhiigga Masiix? Kibistaynu jebinnaa, miyaanay ahayn islawadaagidda jidhka Masiix?
17 パンは一つなれば、多くの我らも一體なり、皆ともに一つのパンに與るに因る。
Innagu in kastoo aynu badan nahay, waxaynu nahay jidh qudha, maxaa yeelay, waxaa jira kibis qudha, waayo, dhammaanteen waxaynu wada qaybsannaa kibista qudha.
18 肉によるイスラエルを視よ、供物を食ふ者は祭壇に與るにあらずや。
Eega reer binu Israa'iil xagga jidhka; kuwa allabaryada cunaa miyaanay la wadaagin meesha allabariga?
19 さらば我が言ふところは何ぞ、偶像の供物はあるものと言ふか、また、偶像はあるものと言ふか。
Haddaba maxaan leeyahay? Wax sanam loo sadqeeyo waa wax? Ama, sanam baa wax ah?
20 否、我は言ふ、異邦人の供ふる物は神に供ふるにあらず、惡鬼に供ふるなりと。我なんぢらが惡鬼と交るを欲せず。
Laakiin waxyaalaha ay dadka aan Yuhuudda ahayn sadqeeyaan, waxay u sadqeeyaan jinniyo, ee Ilaah uma sadqeeyaan. Dooni maayo inaad jinniyada wax la wadaagtaan.
21 なんぢら主の酒杯と惡鬼の酒杯とを兼ね飮むこと能はず。主の食卓と惡鬼の食卓とに兼ね與ること能はず。
Iskuma wada cabbi kartaan koobka Rabbiga iyo koobka jinniyada. Kama wada qayb geli kartaan miiska Rabbiga iyo miiska jinniyada.
22 われら主の妬を惹起さんとするか、我らは主よりも強き者ならんや。
Miyaynu Rabbiga ka hinaasinnaa? Miyaynu isaga ka xoog badan nahay?
23 一切のもの可からざるなし、然れど一切のもの益あるにあらず、一切のもの可からざるなし、されど、一切のもの徳を建つるにあらず。
Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan.
24 各人おのが益を求むることなく、人の益を求めよ。
Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon.
25 すべて市場にて賣る物は、良心のために何をも問はずして食せよ。
Wax kasta oo suuqa lagu iibiyo cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed.
26 そは地と之に滿つる物とは主の物なればなり。
Waayo, Rabbigaa leh dhulka iyo waxa ku jira oo dhanba.
27 もし不 信者に招かれて往かんとせば、凡て汝らの前に置く物を、良心のために何をも問はずして食せよ。
Mid ka mid ah kuwa aan rumaysnayn hadduu diyaafad idiinku yeedho oo aad doonaysaan inaad tagtaan, wax kasto oo laydin hor dhigoba cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed.
28 人もし此は犧牲にせし肉なりと言はば、告げし者のため、また良心のために食すな。
Laakiin haddii laydinku yidhaahdo, Tanu waa wax sanam loo sadqeeyey, ha cunina, kan idiin sheegay aawadiis iyo niyada aawadeed.
29 良心とは汝の良心にあらず、かの人の良心を言ふなり。何ぞわが自由を他の人の良心によりて審かるる事をせん。
Waxaan leeyahay, niyada kan kale, ee ma aha taada. Waayo, xoriyaddayda maxaa loogu xukumaa mid kale niyadiis?
30 もし感謝して食する事をせば、何ぞわが感謝する所のものに就きて譏らるる事をせん。
Haddaan mahad kaga qayb galo, maxaa la iigu caayaa wixii aan ku mahadnaqo?
31 さらば食ふにも飮むにも何事をなすにも、凡て神の榮光を顯すやうにせよ。
Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa.
32 ユダヤ人にもギリシヤ人にも、また、神の教會にも躓物となるな。
Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah,
33 我も凡ての事を凡ての人の心に適ふやうに力め、人々の救はれんために、己の益を求めずして多くの人の益を求むるなり。
sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.

< コリント人への手紙第一 10 >