< מִשְׁלֵי 30 >

דברי אגור בן-יקה--המשא נאם הגבר לאיתיאל לאיתיאל ואכל 1
Kuwanu waa erayadii Aaguur ina Yaaqeh, oo ahaa reer Masaa. Ninku wuxuu la hadlay Iitii'eel, iyo xataa Iitii'eel iyo Ukaal, oo ku yidhi,
כי בער אנכי מאיש ולא-בינת אדם לי 2
Hubaal anigu waan ka doqonnimo weynahay nin kastaba, Oo dad waxgarashadiisana ma lihi.
ולא-למדתי חכמה ודעת קדשים אדע 3
Xigmad ma aan baran, Aqoonta Kan quduuska ahna ma aqaan.
מי עלה-שמים וירד מי אסף-רוח בחפניו מי צרר-מים בשמלה-- מי הקים כל-אפסי-ארץ מה-שמו ומה-שם-בנו כי תדע 4
Yaa samada u baxay, oo ka soo degay? Yaa dabaysha gacmihiisa ku soo ururshay? Yaa biyaha dharkiisa ku guntay? Yaa dhulka darafyadiisa oo dhan dhisay? Magicii, wiilkiisana magicii, haddaad taqaan?
כל-אמרת אלוה צרופה מגן הוא לחסים בו 5
Eray kasta oo Ilaah waa daahir; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga aaminsan.
אל-תוסף על-דבריו פן-יוכיח בך ונכזבת 6
Erayadiisa waxba ha ku darin, Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.
שתים שאלתי מאתך אל-תמנע ממני בטרם אמות 7
Laba waxyaalood ayaan ku weyddiistay, Iyaga ha ii diidin intaanan dhiman.
שוא ודבר-כזב הרחק ממני-- ראש ועשר אל-תתן-לי הטריפני לחם חקי 8
Wax aan waxtar lahayn iyo been iga fogee, Oo caydhnimo iyo taajirnimo midna ha i siin. Igu quudi cunto aanan ka maarmin,
פן אשבע וכחשתי-- ואמרתי מי יהוה ופן-אורש וגנבתי ותפשתי שם אלהי 9
Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.
אל-תלשן עבד אל-אדנו פן-יקללך ואשמת 10
Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.
דור אביו יקלל ואת-אמו לא יברך 11
Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.
דור טהור בעיניו ומצאתו לא רחץ 12
Waxaa jira farcan isla daahirsan, Oo weliba aan nijaastoodii ka maydhmin.
דור מה-רמו עיניו ועפעפיו ינשאו 13
Waxaa jira farcan indhahoodu aad u sarreeyaan! Oo daboolka indhahoodana kor bay u qaadaan.
דור חרבות שניו-- ומאכלות מתלעתיו לאכל עניים מארץ ואביונים מאדם 14
Waxaa jira farcan ilkahoodu sida seefo oo kale yihiin, oo gowsahooduna sida mindiyo oo kale yihiin, Si ay masaakiinta dhulka uga baabbi'iyaan, oo ay kuwa baahanna dadka dhexdiisa uga dhammeeyaan.
לעלוקה שתי בנות-- הב הב שלוש הנה לא תשבענה ארבע לא-אמרו הון 15
Culaacushu waxay leedahay laba gabdhood, oo leh, Na sii, Na sii. Waxaa jira saddex waxyaalood oo aan weligood dhergin, Haah, oo afar aan odhan, Bes, nagu filan;
שאול ועצר-רחם ארץ לא-שבעה מים ואש לא-אמרה הון (Sheol h7585) 16
Waxaana weeye qabriga, iyo maxalka aan wax dhalayn, Iyo dhulka aan biyo ka dhergayn, Iyo dabka aan odhan, Bes, igu filan. (Sheol h7585)
עין תלעג לאב-- ותבז ליקהת-אם יקרוה ערבי-נחל ויאכלוה בני-נשר 17
Isha aabbaheed ku majaajiloota, Oo quudhsata inay hooyadeed addeecdo, Waxaa la soo bixi doona tukayaasha dooxada, Oo waxaa cuni doona gorgorrada.
שלשה המה נפלאו ממני וארבע (וארבעה) לא ידעתים 18
Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo, Haah, afar baan garan waayay,
דרך הנשר בשמים-- דרך נחש עלי-צור דרך-אניה בלב-ים-- ודרך גבר בעלמה 19
Oo iyana waxaa weeye siduu gorgor hawada u duulo, Siduu masna dhagax ugu socdo, Siday doonnina badda u maaxdo, Iyo siduu nin gabadh ula macaamiloodo.
כן דרך אשה-- מנאפת אכלה ומחתה פיה ואמרה לא-פעלתי און 20
Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.
תחת שלוש רגזה ארץ ותחת ארבע לא-תוכל שאת 21
Saddex waxyaalood ayaa dhulku la gariiraa, Oo afar baanu qaadan karin,
תחת-עבד כי ימלוך ונבל כי ישבע-לחם 22
Waxaana weeye addoon markuu boqor noqdo, Iyo nacas markuu cunto ka dhergo,
תחת שנואה כי תבעל ושפחה כי תירש גברתה 23
Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.
ארבעה הם קטני-ארץ והמה חכמים מחכמים 24
Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar, Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.
הנמלים עם לא-עז ויכינו בקיץ לחמם 25
Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn, Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga.
שפנים עם לא-עצום וישימו בסלע ביתם 26
Walooyinku waa qoon taagdaran, Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;
מלך אין לארבה ויצא חצץ כלו 27
Ayaxu boqor ma leh, Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.
שממית בידים תתפש והיא בהיכלי מלך 28
Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo, Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.
שלשה המה מיטיבי צעד וארבעה מיטבי לכת 29
Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda, Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.
ליש גבור בבהמה ולא-ישוב מפני-כל 30
Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan, Oo aan weliba midna dib uga noqon,
זרזיר מתנים או-תיש ומלך אלקום עמו 31
Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.
אם-נבלת בהתנשא ואם-זמות יד לפה 32
Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya, Ama aad wax shar ah ka fikirtay, Gacanta afka saar.
כי מיץ חלב יוציא חמאה-- ומיץ-אף יוציא דם ומיץ אפים יוציא ריב 33
Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan, Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa, Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.

< מִשְׁלֵי 30 >