< Genèse 36 >

1 Ceci est la lignée d’Ésaü, le même qu’Édom.
Haddaba kuwanuna waa farcankii Ceesaw, isna waa Edom.
2 Ésaü choisit ses femmes parmi les filles de Canaan: Ada, fille d’Élôn le Héthéen et Oholibama, fille de Ana, fille de Cibôn le Hévéen;
Ceesaw wuxuu gabdhihii reer Kancaan ka guursaday Caadah ina Eeloon kii reer Xeed, iyo Aaholiibaamah ina Canah, oo ahayd ina Sibecoon kii reer Xiwi,
3 puis Basemath, fille d’Ismaël, sœur de Nebaïoth.
iyo Basmad oo ahayd ina Ismaaciil, oo la dhalatay Nebayod.
4 Ada enfanta à Ésaü Élifaz; Basemath enfanta Reouel;
Caadahna waxay Ceesaw u dhashay Elifas, Basmadna waxay u dhashay Recuu'eel;
5 et Oholibama enfanta Yeouch, Yâlam et Korah. Tels sont les fils d’Ésaü, qui lui naquirent au pays de Canaan.
Aaholiibaamahna waxay u dhashay Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax; kuwanu waa wiilashii Ceesaw, oo isaga ugu dhashay dalkii Kancaan.
6 Ésaü prit ses femmes, ses fils, ses filles et tous les gens de sa maison; ses troupeaux, toutes ses bêtes et tout le bien qu’il avait acquis au pays de Canaan et il émigra vers une autre terre, à cause de son frère Jacob.
Markaasaa Ceesaw kaxaystay naagihiisii, iyo wiilashiisii iyo gabdhihiisii, iyo dadkii gurigiisa oo dhan, iyo lo'diisii, iyo xayawaankiisii oo dhan, iyo wixii uu lahaa oo dhan oo uu ku urursaday dalkii Kancaan; markaasuu tegey dal ka fog walaalkiis Yacquub.
7 Car leurs possessions étaient trop nombreuses pour qu’ils pussent habiter en commun; et le lieu de leur séjour ne pouvait les contenir, à cause de leurs troupeaux.
Waayo, xoolahoodu aad bay u badnaayeen oo ma ay wada degi karin; dhulkii ay degganaan jireenna ma uu wada qaadi karin lo'dooda aawadeed.
8 Ésaü se fixa donc sur la montagne de Séir. Ésaü, c’est Édom.
Ceesawna wuxuu degay Buur Seciir; Ceesaw waa Edom.
9 Or, voici les générations d’Ésaü, père des Édomites, sur la montagne de Séir.
Kuwanuna waa farcankii Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood oo degganaan jiray Buur Seciir.
10 Voici les noms des fils d’Ésaü: Élifaz, fils de Ada, épouse d’Ésaü; Reouél, fils de Basemath, épouse d’Ésaü.
Kuwanu waa wiilashii Ceesaw magacyadoodii, Elifas oo ahaa wiilkii Caadah oo naagtii Ceesaw ahayd, iyo Recuu'eel oo ahaa wiilkii Basmad oo naagtii Ceesaw ahayd.
11 Les fils d’Élifaz furent:
Wiilashii Elifasna waxay ahaayeen Teemaan, Oomaar, Sefoo, iyo Gactaam iyo Qenas.
12 Têman, Omar, Cefo, Gàtam et Kenaz. Timna devint concubine d’Élifaz, fils d’Ésaü; elle lui enfanta Amalec. Tels sont les enfants de Ada, épouse d’Ésaü.
Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd.
13 Et ceux ci furent les fils de Reouél: Nahath, Zérah, Chamma et Mizza. Tels furent les enfants de Basemath, épouse d’Ésaü.
Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel: Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah; kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd.
14 Et ceux-ci furent les fils d’Oholibama, fille de Ana, fille de Cibôn, épouse d’Ésaü: elle enfanta à Ésaü Yeouch, Yâlam et Korah.
Kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah oo ahayd ina Sibecoon; oo iyana waxay Ceesaw u dhashay Yacuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.
15 Suivent les chefs de famille des enfants d’Ésaü. Fils d’Élifaz, premier né d’Ésaü: le chef Témàn, le chef Omar, le chef Cefo, le chef Kenaz;
Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas,
16 le chef Korah, le chef Gatam, le chef Amalec. Tels sont les chefs issus d’Élifaz, dans le pays d’Édom; ceux là sont les fils de Ada.
ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah.
17 Et ceux-ci sont les fils de Reouél, fils d’Ésaü: le chef Nahath, le chef Zérah, le chef Chamma, le chef Mizza. Tels sont les chefs issus de Reouél, dans le pays d’Édom: ceux là sont les descendants de Basemath épouse d’Ésaü.
Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel oo ahaa ina Ceesaw: ugaas Nahad, iyo ugaas Serax, iyo ugaas Shammah, iyo ugaas Misaah. Kuwanuna waa ugaasyadii uu Recuu'eel dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd.
18 Et ceux-ci sont les fils d’Oholibama, épouse d’Ésaü: le chef Yeouch, le chef Yâlam, le chef Korah. Tels sont les chefs d’Oholibama, fille de Ana, épouse d’Ésaü.
Kuwanuna waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Aaholiibaamah ahayd: ugaas Yecuush, iyo ugaas Yaclaam, iyo ugaas Qorax. Kuwanuna waa ugaasyadii ay dhashay naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah.
19 Ce sont là les enfants d Ésaü, ce sont là leurs chefs de famille c’est là Édom.
Kuwanu waa wiilashii Ceesaw oo ahaa Edom, oo kuwanu waa ugaasyadoodii.
20 Ceux-ci sont les enfants de Séir, les Horéens, premiers habitants du pays: Lotân, Chobal, Cibôn, Ana;
Kuwanuna waa wiilashii Seciir, kii reer Xor, oo ahaa kuwii dhulka degganaa, Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah,
21 Dichôn, Écer et Dichân. Tels sont les chefs des Horéens, fils de Séir, dans le pays d’Édom.
iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. Kuwanu waa ugaasyadii reer Xor, oo ahaa ilma Seciir oo degganaa dhulkii Edom.
22 Les fils de Lotân furent Hori et Hémam; et la sœur de Lotân, Timna.
Carruurtii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Heemaam, Lootaan walaashiisna waxay ahayd Timnac.
23 Voici les enfants de Chobal: Alevân, Manahath, Ébal, Chefo et Onam.
Kuwanuna waa carruurtii Shoobaal; Calwaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefo, iyo Oonaam.
24 Voici les enfants de Cibôn: Veayya et Ana, le même Ana qui trouva les yémîm dans le désert, lorsqu’il menait paître les ânes de Cibôn son père.
Kuwanuna waa carruurtii Sibecoon; Ayah, iyo Canah. Kanu waa Canah kii cidlada ka helay ilaha biyaha oo kulul, markuu daajinayay dameerrada aabbihiis Sibecoon.
25 Voici les enfants de Ana: Dichôn et Oholibama, fille de Ana.
Kuwanuna waa carruurtii Canah; Dishon, iyo Aaholiibaamah, gabadhii Canah.
26 Voici les fils de Dichôn: Hemdân, Échbân, Yithrân et Kerân.
Kuwanuna waa carruurtii Dishon; Xemdaan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.
27 Voici les fils d’Écre: Bilhân, Zaavân et Akân.
Kuwanuna waa carruurtii Eeser; Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Caqaan.
28 Fils de Dichân: Ouç et Arân.
Kuwanuna waa carruurtii Diishaan; Cuus iyo Araan.
29 Suivent les chefs de famille des Hôréens: le chef Lotân, le chef Chobal, le chef Cibôn, le chef Ana;
Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor; ugaas Lootaan, iyo ugaas Shoobaal, iyo ugaas Sibecoon, iyo ugaas Canah,
30 le chef Dichôn, le chef Écer, le chef Dichân. Tels étaient les chefs des Horéens, selon leurs familles, dans le pays de Séir.
ugaas Dishon, iyo ugaas Eeser, iyo ugaas Diishaan. Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor siday ahaayeen ugaasyadoodii dalka Seciir joogay.
31 Ce sont ici les rois qui régnèrent dans le pays d’Édom, avant qu’un roi régnât sur les enfants d’Israël.
Kuwanuna waa boqorradii xukumi jiray dalkii Edom intaan boqorna xukumin reer binu Israa'iil.
32 En Édom régna d’abord Béla, fils de Beor; le nom de sa ville natale: Dinhaba.
Belac ina Becoor wuxuu xukumi jiray Edom, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Dinhaabah.
33 Béla étant mort, à sa place régna Yobab, fils de Zérah, de Boçra.
Markaasaa Belac dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa.
34 Yobab étant mort, à sa place régna Houcham, du pays des Témanites.
Yoobaabna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Xushaam oo ka yimid dhulkii reer Teemaan.
35 Houcham mort, à sa place régna Hadad, fils de Bedad, qui défit Madian dans la campagne de Moab. Le nom de sa ville: Avith.
Xushaamna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadad ina Bedad, oo reer Midyaan ku laayay berrinkii Moo'aab, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid.
36 Hadad mort, à sa place régna Samla, de Masréka.
Markaasaa Hadadna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Samlah oo reer Masreqah ahaa.
37 Samla mort, à sa place régna Chaoul, de Rehoboth sur le Fleuve.
Markaasaa Samlahna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Sha'uul oo reer Rexobod ahaa oo webiga ag degganaa.
38 Chaoul mort, à sa place régna Baal Hanân, fils d’Akbor.
Markaasaa Sha'uulna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Bacal Xaanaan ina Cakboor.
39 Baal Hanân, fils d’Akbor, étant mort, à sa place régna Hadar, dont la ville avait nom Pâou et dont la femme était Mehétabel, fille de Matred, fille de Mé Zahab.
Bacal Xaanaan ina Cakboorna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadar, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Faacuu; naagtiisa magaceeduna wuxuu ahaa Meheetabeel, oo ay Matreed gabadha Meesaahaab dhashay.
40 Voici maintenant les noms des chefs d’Ésaü, selon leurs familles, leurs résidences, leur titre: le chef Timna, le chef Aleva, le chef Yethéth;
Kuwanuna waa magacyadii ugaasyadii Ceesaw dhalay, siday ahaayeen qabiilooyinkoodii iyo magacyadii meelahoodii ay degganaan jireen, waana ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed,
41 le chef Oholibama, le chef Éla, le chef Pinôn;
iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon;
42 le chef Kenaz, le chef Témân, le chef Mibçar;
iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar;
43 le chef Magdiel, le chef Iram. Tels sont les chefs d’Édom, selon leurs résidences dans le pays qu’ils occupaient; tel fut Ésaü, le père d’Édom.
iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Kuwanu waa ugaasyadii reer Edom sidii ay u degganaayeen dhulkii ay lahaayeen. Kanu waa Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood.

< Genèse 36 >