< 2 Chronicles 34 >

1 A son of eight years [is] Josiah in his reigning, and thirty and one years he hath reigned in Jerusalem,
Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa kow iyo soddon sannadood.
2 and he doth that which is right in the eyes of Jehovah, and walketh in the ways of David his father, and hath not turned aside — right or left.
Oo wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
3 And in the eighth year of his reign (and he yet a youth), he hath begun to seek to the God of David his father, and in the twelfth year he hath begun to cleanse Judah and Jerusalem from the high places, and the shrines, and the graven images, and the molten images.
Waayo, sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa intuu weli dhallinyaraa ayuu bilaabay inuu doondoono Ilaahii awowgiis Daa'uud, oo sannaddii laba iyo tobnaad ayuu bilaabay inuu reer Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ka nadiifiyo meelihii sarsare, iyo geedihii Asheeraah, iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaaba.
4 And they break down before him the altars of the Baalim, and the images that [are] on high above them he hath cut down, and the shrines, and the graven images, and the molten images, he hath broken and beaten small, and streweth on the surface of the graves of those sacrificing to them,
Oo meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray.
5 and the bones of the priests he hath burnt on their altars, and cleanseth Judah and Jerusalem,
Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.
6 and in the cities of Manasseh, and Ephraim, and Simeon, even unto Naphtali, with their tools, round about.
Oo sidaasoo kaluu ka wada yeelay magaalooyinkii reer Manaseh iyo reer Efrayim iyo reer Simecoon iyo xataa kuwii reer Naftaali, iyo meelahoodii burbursanaa oo ku wareegsanaa oo dhan.
7 And he breaketh down the altars and the shrines, and the graven images he hath beaten down very small, and all the images he hath cut down in all the land of Israel, and turneth back to Jerusalem.
Oo meelihii allabariga wuu wada dumiyey, geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaana wuu wada budeeyey, oo sanamyadii qorraxda ee dalka Israa'iil oo dhan ku yiilna wuu wada jaray, markaasuu Yeruusaalem ku noqday.
8 And in the eighteenth year of his reign, to purify the land and the house he hath sent Shaphan son of Azaliah, and Maaseiah head of the city, and Joah son of Johaz the remembrancer, to strengthen the house of Jehovah his God.
Oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadiisa, markuu nadiifiyey dalkii iyo gurigiiba ayuu diray Shaafaan ina Asalyaah, iyo Macaseeyaah oo ahaa taliyihii magaalada, iyo Yoo'aax ina Yoo'aaxaas oo ahaa taariikhqore inay cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga Ilaahiisa ah.
9 And they come in unto Hilkiah the high priest, and they give the money that is brought in to the house of God, that the Levites, keeping the threshold, have gathered from the hand of Manasseh, and Ephraim, and from all the remnant of Israel, and from all Judah, and Benjamin, and the inhabitants of Jerusalem,
Markaasay u yimaadeen Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare, oo waxay u dhiibeen lacagtii guriga Ilaah la geliyey, oo irid-dhawrayaasha reer Laawi ay ka soo ururiyeen reer Manaseh iyo reer Efrayim, iyo kuwii kale oo reer binu Israa'iil ah oo dhan, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.
10 and they give [it] into the hand of the workmen, those appointed over the house of Jehovah, and they give it [to] the workmen who are working in the house of Jehovah, to repair and to strengthen the house;
Oo lacagtii waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u talin jiray, oo raggii guriga Rabbiga ka dhex shaqayn jirayna waxay u bixiyeen in guriga lagu hagaajiyo oo lagu cusboonaysiiyo.
11 and they give [it] to artificers, and to builders, to buy hewn stones, and wood for couplings and for beams to the houses that the kings of Judah had destroyed.
Waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii inay ku soo iibiyaan dhagaxyo la qoray iyo alwaax wax laysku xidho, iyo inay alwaax saqafka haya u sameeyaan guryihii ay boqorradii reer Yahuudah dumiyeen.
12 And the men are working faithfully in the business, and over them are appointed Jahath and Obadiah, the Levites, of the sons of Merari, and Zechariah and Meshullam, of the sons of the Kohathite, to overlook; and of the Levites, every one understanding about instruments of song,
Oo raggiina shuqulkii waxay u sameeyeen si daacadnimo ah; kuwii u talin jiray oo shuqulka hore u wadi jirayna waxay ahaayeen Yaaxad iyo Cobadyaah oo ahaa reer Laawi oo ka ahaa reer Meraarii, iyo Sekaryaah iyo Meshullaam oo ahaa reer Qohaad, oo waxaa kaloo la jiray kuwa kale oo reer Laawi ah oo alaabta muusikada karay oo dhan.
13 and over the burden-bearers, and overseers of every one doing work for service and service; and of the Levites [are] scribes, and officers, and gatekeepers.
Oo weliba waxay kaloo u talin jireen xammaalladii, hore bayna u wadi jireen shuqulkii kuwii shaqayn jiray oo dhan, cayn kastoo hawshoodu ahaydba, oo reer Laawina waxaa ka joogay karraaniyo iyo saraakiil iyo iridjoogayaal.
14 And in their bringing out the money that is brought in to the house of Jehovah, hath Hilkiah the priest found the book of the law of Jehovah by the hand of Moses,
Oo markay soo bixiyeen lacagtii guriga Rabbiga la geliyey ayaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa helay kitaabkii sharcigii Rabbiga oo Muuse loo sii dhiibay.
15 and Hilkiah answereth and saith unto Shaphan the scribe, 'A book of the law I have found in the house of Jehovah;' and Hilkiah giveth the book unto Shaphan,
Markaasaa Xilqiyaah jawaabay oo wuxuu karraanigii Shaafaan ku yidhi, Waxaan gurigii Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan.
16 and Shaphan bringeth in the book unto the king, and bringeth the king back word again, saying, 'All that hath been given into the hand of thy servants they are doing,
Markaasaa Shaafaan kitaabkii u geeyey boqorkii, oo weliba boqorkii buu u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii way wada samaynayaan wixii loo dhiibay oo dhan.
17 and they pour out the money that is found in the house of Jehovah, and give it into the hand of those appointed, and into the hands of those doing the work.'
Oo iyagu lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen oo waxay u dhiibeen kuwa shuqulka u taliya iyo ragga shaqaalaha ah.
18 And Shaphan the scribe declareth to the king, saying, 'A book hath Hilkiah the priest given to me;' and Shaphan readeth in it before the king.
Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.
19 And it cometh to pass, at the king's hearing the words of the law, that he rendeth his garments,
Oo markii boqorkii maqlay erayadii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay.
20 and the king commandeth Hilkiah, and Ahikam son of Shaphan, and Abdon son of Micah, and Shaphan the scribe, and Asaiah, servant of the king, saying,
Markaasaa boqorkii amray Xilqiyaah, iyo Axiiqaam ina Shaafaan, iyo Cabdoon ina Miikaah, iyo Shaafaan oo ahaa karraanigii, iyo Casaayaah oo ahaa addoonkii boqorka, oo wuxuu ku yidhi,
21 'Go, seek Jehovah for me, and for him who is left in Israel and in Judah, concerning the words of the book that is found, for great [is] the fury of Jehovah that is poured on us, because that our fathers kept not the word of Jehovah, to do according to all that is written on this book.'
War taga, oo aniga iyo kuwa dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ku hadhayba Rabbiga wax inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkii la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo inagu soo degtay way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay xajin inay wada yeelaan waxa kitaabkan ku qoran oo dhan.
22 And Hilkiah goeth, and they of the king, unto Huldah the prophetess, wife of Shallum son of Tikvath, son of Hasrah, keeper of the garments, and she is dwelling in Jerusalem in the Second, and they speak unto her thus.
Markaasaa Xilqiyaah iyo kuwii boqorku amrayba waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tawqhad, oo ahaa ina Xasraah, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii kala hadleen xaalkaas.
23 And she saith to them, 'Thus said Jehovah, God of Israel, Say to the man who hath sent you unto me,
Oo waxay ku tidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad ninkii ii soo kiin diray u sheegtaan,
24 Thus said Jehovah, Lo, I am bringing in evil on this place, and on its inhabitants, all the execrations that are written on the book that they read before the king of Judah;
Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli habaarrada ku qoran kitaabkii boqorka Yahuudah hortiisa lagu akhriyey oo dhan,
25 because that they have forsaken Me, and make perfume to other gods, so as to provoke Me with all the works of their hands, and poured out is My fury upon this place, and it is not quenched.
maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kor degtay meeshan, mana qaboobi doonto.
26 'And unto the king of Judah, who is sending you to inquire of Jehovah, thus do ye say unto him: Thus said Jehovah God of Israel, whose words thou hast heard:
Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:
27 Because thy heart [is] tender, and thou art humbled before God in thy hearing His words concerning this place, and concerning its inhabitants, and art humbled before Me, and dost rend thy garments, and weep before Me: even I also have heard — the affirmation of Jehovah.
Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Ilaah hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay erayadiisii uu kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, oo hortayda ayaad isku hoosaysiisay, oo dharkaagii waad jeexjeexday, oo waad igu hor ooyday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.
28 Lo, I am gathering thee unto thy fathers, and thou hast been gathered unto thy graves in peace, and thine eyes do not look on all the evil that I am bringing upon this place, and upon its inhabitants;' and they bring the king back word.
Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan ku soo dejin doono meeshan iyo dadka degganba. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.
29 And the king sendeth and gathereth all the elders of Judah and Jerusalem,
Markaasaa boqorkii cid diray oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.
30 and the king goeth up to the house of Jehovah, and every man of Judah, and the inhabitants of Jerusalem, and the priests, and the Levites, even all the people, from great even unto small, and he readeth in their ears all the words of the book of the covenant that is found in the house of Jehovah.
Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay.
31 And the king standeth on his station, and maketh the covenant before Jehovah, to walk after Jehovah, and to keep His commands, and His testimonies, and His statutes, with all his heart, and with all his soul, to do the words of the covenant that are written on this book.
Markaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa.
32 And he presenteth every one who is found in Jerusalem and Benjamin, and the inhabitants of Jerusalem do according to the covenant of God, the God of their fathers.
Oo wuxuu ka dhigay in intii Yeruusaalem iyo dalka reer Benyaamiin laga helay oo dhanba ay axdiga aqbalaan oo u istaagaan. Oo dadkii Yeruusaalem degganaana waxay yeeleen si waafaqsan axdigii Ilaah, kaasoo ahaa Ilaahii awowayaashood.
33 And Josiah turneth aside all the abominations out of all the lands that the sons of Israel have, and causeth every one who is found in Israel to serve, to serve Jehovah their God; all his days they turned not aside from after Jehovah, God of their fathers.
Markaasaa Yoosiyaah karaahiyadii oo dhan ka fogeeyey dalalka ay dadka Israa'iil lahaayeen oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil laga dhex helay oo dhanna wuxuu ka dhigay inay u adeegaan Rabbiga Ilaahooda ah. Oo intuu noolaa oo dhanna kama ay tegin lasocodka Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

< 2 Chronicles 34 >