< Job 35 >

1 Elihu spoke moreover, and said,
Oo weliba Eliihuu wuu sii jawaabay oo wuxuu yidhi,
2 Thinkest thou this to be right, that thou saidst, My righteousness is more than God’s?
Ma waxaad u malaynaysaa in taasu xaq tahay, Amase ma waxaad leedahay, Xaqnimadaydu way ka sii badan tahay tan Ilaah?
3 For thou saidst, What advantage will it be to thee? and, What profit shall I have, if I be cleansed from my sin?
Miyey kugu habboon tahay inaad tidhaahdid, Maxay ii taraysaa? Oo waa maxay faa'iidada aan ka helayo oo ka sii badan haddaan dembaabay?
4 I will answer thee, and thy companions with thee.
Haddaba waxaan u jawaabayaa Adiga iyo saaxiibbadaada kula jiraba.
5 Look to the heavens, and see; and behold the clouds which are higher than thou.
Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg, Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.
6 If thou sinnest, what doest thou against him? or if thy transgressions are multiplied, what doest thou to him?
Haddaad dembaabtay maxaa xumaan ah oo aad yeeshaa? Oo xadgudubyadaadu hadday bataanse maxaad isaga ku samaysaa?
7 If thou art righteous, what givest thou to him? or what receiveth he from thy hand?
Haddaad xaq tahayse bal maxaad isaga siisaa? Isaguse muxuu gacantaada ka helaa?
8 Thy wickedness may hurt a man as thou art; and thy righteousness may profit the son of man.
Xumaantaadu waxay wax u dhintaa nin sidaadoo kale ah, Oo xaqnimadaaduna waxay wax ku tartaa binu-aadmiga.
9 By reason of the multitude of oppressions they make the oppressed to cry: they cry out by reason of the arm of the mighty.
Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.
10 But none saith, Where is God my maker, who giveth songs in the night;
Laakiinse ninna ma yidhaahdo, Meeh Ilaahii i abuuray, Oo habeenkii gabayo i siiya,
11 Who teacheth us more than the beasts of the earth, and maketh us wiser than the fowls of heaven?
Oo wax na bara in ka sii badan xayawaanka dunida jooga, Oo weliba naga sii xigmad badiya haadda samada duusha?
12 There they cry, but none giveth answer, because of the pride of evil men.
Dadka sharka ah kibirkooda daraaddiis Ayay iyagu halkaas uga qayliyaan, laakiinse ninna uma jawaabo.
13 Surely God will not hear vanity, neither will the Almighty regard it.
Hubaal Ilaah maqli maayo wax aan waxba ahayn, Oo Kan Qaadirka ahuna innaba ka fiirsan maayo.
14 Although thou sayest thou shalt not see him, yet judgment is before him; therefore trust thou in him.
In kastoo aad tidhaahdaa, Isaga ma arko, Dacwadii isagay hor taal, oo adna waa inaad isaga sugtaa.
15 But now, because it is not so, he hath visited in his anger; yet he knoweth it not in great extremity:
Laakiinse haatan, isagu cadhadiisii kuma uu soo booqan, Oo xumaantana si weyn ugama uu fikiro;
16 Therefore doth Job open his mouth in vain; he multiplieth words without knowledge.
Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Ayuub hadalka aan waxtarka lahayn afkiisa ugu furaa, Oo isagoo aan aqoon lahayn ayuu erayo badiyaa.

< Job 35 >