< Genesis 17 >

1 And when Abram was ninety years old and nine, the LORD appeared to Abram, and said unto him, I am God Almighty; walk before me, and be thou perfect.
Oo markuu Aabraam jiray sagaal iyo sagaashan sannadood ayaa Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah; hortayda ku soco, oo mid eed la' ahow.
2 And I will make my covenant between me and thee, and will multiply thee exceedingly.
Oo axdigaygaan kula dhigan doonaa, oo anigu aad baan kuu tarmin doonaa.
3 And Abram fell on his face: and God talked with him, saying,
Markaasuu Aabraam wejiga u dhacay; oo Ilaah baa la hadlay isagoo ku leh,
4 As for me, behold, my covenant is with thee, and thou shalt be the father of a multitude of nations.
Bal eeg, axdigaygii waa kula jiraaye, oo adigu quruumo badan baad aabbe u noqon doontaa.
5 Neither shall thy name any more be called Abram, but thy name shall be Abraham; for the father of a multitude of nations have I made thee.
Magacaagana mar dambe lama odhan doono Aabraam, laakiinse magacaagu wuxuu noqon doonaa Ibraahim; waayo, waxaan kaa dhigay quruumo badan aabbahood.
6 And I will make thee exceeding fruitful, and I will make nations of thee, and kings shall come out of thee.
Aad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan.
7 And I will establish my covenant between me and thee and thy seed after thee throughout their generations for an everlasting covenant, to be a God unto thee and to thy seed after thee.
Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya.
8 And I will give unto thee, and to thy seed after thee, the land of thy sojournings, all the land of Canaan, for an everlasting possession; and I will be their God.
Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.
9 And God said unto Abraham, And as for thee, thou shalt keep my covenant, thou, and thy seed after thee throughout their generations.
Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan.
10 This is my covenant, which ye shall keep, between me and you and thy seed after thee; every male among you shall be circumcised.
Kanu waa axdigayga aad xajin doontaan, oo inoo dhexeeya aniga iyo adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba; mid kasta oo lab oo idinku jira waa in la gudaa.
11 And ye shall be circumcised in the flesh of your foreskin; and it shall be a token of a covenant betwixt me and you.
Oo waxaad iska gudi doontaan buuryadiinna; waxayna calaamo u noqon doontaa axdiga ina dhex yaal aniga iyo idinka.
12 And he that is eight days old shall be circumcised among you, every male throughout your generations, he that is born in the house, or bought with money of any stranger, which is not of thy seed.
Kii siddeed maalmood jira oo idinku dhex jira waa in la gudaa, mid kasta oo lab tan iyo qarniyadiinna oo dhan, ha ahaado kii gurigaaga ku dhasha ama kii lacag lagaga soo iibsado shisheeyaha oo aan farcankaaga ahayn.
13 He that is born in thy house, and he that is bought with thy money, must needs be circumcised: and my covenant shall be in your flesh for an everlasting covenant.
Kii gurigaaga ku dhasha, iyo kii lacagtaada lagu iibsadoba, waa in la gudaa: axdigayguna wuxuu jidhkiinna ku noqon doonaa axdi weligiis waara.
14 And the uncircumcised male who is not circumcised in the flesh of his foreskin, that soul shall be cut off from his people; he hath broken my covenant.
Oo buuryoqabka lab oo aan buuryadiisa laga gooynin, midkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa; waayo, axdigaygii buu jebiyey.
15 And God said unto Abraham, As for Sarai thy wife, thou shalt not call her name Sarai, but Sarah shall her name be.
Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah.
16 And I will bless her, and moreover I will give thee a son of her: yea, I will bless her, and she shall be [a mother of] nations; kings of peoples shall be of her.
Oo iyadaan barakayn doonaa, oo weliba wiil baan kaa siin doonaa; iyadaan barakayn doonaa, oo waxay noqon doontaa quruumo hooyadood; boqorrada dadyowguna iyaday ka iman doonaan.
17 Then Abraham fell upon his face, and laughed, and said in his heart, Shall a child be born unto him that is an hundred years old? and shall Sarah, that is ninety years old, bear?
Markaasuu Ibraahim wejiga u dhacay, oo qoslay, oo qalbigiisa wuxuu iska yidhi, Ma ilmaa u dhalan doona nin boqol jir ah? Oo Saarah oo sagaashan jir ihi miyey dhali doontaa?
18 And Abraham said unto God, Oh that Ishmael might live before thee!
Oo Ibraahim wuxuu Ilaah ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in Ismaaciil hortaada ku noolaado!
19 And God said, Nay, but Sarah thy wife shall bear thee a son; and thou shalt call his name Isaac: and I will establish my covenant with him for an everlasting covenant for his seed after him.
Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara.
20 And as for Ishmael, I have heard thee: behold, I have blessed him, and will make him fruitful, and will multiply him exceedingly; twelve princes shall he beget, and I will make him a great nation.
Xagga Ismaaciilna waan ku maqlay; oo bal eeg, isaga waan barakeeyey, waanan badin doonaa, oo aad baan u tarmin doonaa isaga; laba iyo toban amiir buu dhali doonaa, oo quruun weyn baan ka dhigi doonaa.
21 But my covenant will I establish with Isaac, which Sarah shall bear unto thee at this set time in the next year.
Laakiin axdigayga waxaan ku adkayn doonaa Isxaaq kan Saarah kuu dhali doonto sannadda soo socota xilligan oo kale.
22 And he left off talking with him, and God went up from Abraham.
Oo kolkuu hadalkii u dhammeeyey, Ilaah waa ka tegey Ibraahim.
23 And Abraham took Ishmael his son, and all that were born in his house, and all that were bought with his money, every male among the men of Abraham’s house, and circumcised the flesh of their foreskin in the selfsame day, as God had said unto him.
Markaasaa Ibraahim wuxuu kaxaystay wiilkiisii Ismaaciil, iyo intii gurigiisa ku dhalatay oo dhan, iyo kuwii lacagtiisa lagu iibsaday oo dhan, kulli intii labayd oo ka midka ahayd dadkii guriga Ibraahim joogay, oo isla maalintaas ayuu ka guday buuryadoodii sidii Ilaah ku yidhi isaga.
24 And Abraham was ninety years old and nine, when he was circumcised in the flesh of his foreskin.
Oo Ibraahim wuxuu jiray sagaal iyo sagaashan sannadood markii laga guday buuryadiisii.
25 And Ishmael his son was thirteen years old, when he was circumcised in the flesh of his foreskin.
Wiilkiisii Ismaaciilna wuxuu jiray saddex iyo toban sannadood markii buuryadiisii laga guday.
26 In the selfsame day was Abraham circumcised, and Ishmael his son.
Oo isla maalintaas baa la guday Ibraahim iyo wiilkiisii Ismaaciil.
27 And all the men of his house, those born in the house, and those bought with money of the stranger, were circumcised with him.
Oo raggii gurigiisa joogay oo dhan, kuwii gurigiisa ku dhashay, iyo kuwii lacagtiisii shisheeyaha lagaga iibsadayba waa lala guday isaga.

< Genesis 17 >