< Matthew 6 >

1 “Pay attention, lest you perform your justice before men, in order to be seen by them; otherwise you shall not have a reward with your Father, who is in heaven.
Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira.
2 Therefore, when you give alms, do not choose to sound a trumpet before you, as the hypocrites do in the synagogues and in the towns, so that they may be honored by men. Amen I say to you, they have received their reward.
Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.
3 But when you give alms, do not let your left hand know what your right hand is doing,
Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso,
4 so that your almsgiving may be in secret, and your Father, who sees in secret, will repay you.
si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
5 And when you pray, you should not be like the hypocrites, who love standing in the synagogues and at the corners of the streets to pray, so that they may be seen by men. Amen I say to you, they have received their reward.
Oo goortaad tukanaysaan, ha ahaanina sida labawejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu muuqdaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.
6 But you, when you pray, enter into your room, and having shut the door, pray to your Father in secret, and your Father, who sees in secret, will repay you.
Laakiin adigu goortaad tukanaysid, qolkaaga qarsoon gal, oo goortaad albaabkaaga xidhid, Aabbahaaga meesha qarsoon ku jira bari, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
7 And when praying, do not choose many words, as the pagans do. For they think that by their excess of words they might be heeded.
Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis.
8 Therefore, do not choose to imitate them. For your Father knows what your needs may be, even before you ask him.
Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.
9 Therefore, you shall pray in this way: Our Father, who is in heaven: May your name be kept holy.
Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.
10 May your kingdom come. May your will be done, as in heaven, so also on earth.
Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.
11 Give us this day our life-sustaining bread.
Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.
12 And forgive us our debts, as we also forgive our debtors.
Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.
13 And lead us not into temptation. But free us from evil. Amen.
Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
14 For if you will forgive men their sins, your heavenly Father also will forgive you your offenses.
Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona.
15 But if you will not forgive men, neither will your Father forgive you your sins.
Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.
16 And when you fast, do not choose to become gloomy, like the hypocrites. For they alter their faces, so that their fasting may be apparent to men. Amen I say to you, that they have received their reward.
Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.
17 But as for you, when you fast, anoint your head and wash your face,
Laakiin adigu goortaad soontid, madaxaaga saliid marso oo fool dhaqo,
18 so that your fasting will not be apparent to men, but to your Father, who is in secret. And your Father, who sees in secret, will repay you.
si aadan dadka ugu muuqan inaad sooman tahay, laakiin aad ugu muuqatid Aabbahaaga meel qarsoon ku jira, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arkaa waa kuu abaalgudi doonaa.
19 Do not choose to store up for yourselves treasures on earth: where rust and moth consume, and where thieves break in and steal.
Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan,
20 Instead, store up for yourselves treasures in heaven: where neither rust nor moth consumes, and where thieves do not break in and steal.
laakiin maal jannada ku urursada, meesha aboorka iyo miridhku ayan ku baabbi'in iyo meesha tuugaggu ayan jebin oo ayan ka xadin.
21 For where your treasure is, there also is your heart.
Waayo, meesha maalkaagu ku jiro, meeshaasaa qalbigaaguna ku jiri doonaa.
22 The lamp of your body is your eye. If your eye is wholesome, your entire body will be filled with light.
Ilayska jidhku waa isha; haddaba haddii ishaadu hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammi waa iftiimi doonaa.
23 But if your eye has been corrupted, your entire body will be darkened. If then the light that is in you is darkness, how great will that darkness be!
Laakiin ishaadu hadday xun tahay, jidhkaaga oo dhammi gudcur buu ahaan doonaa. Haddaba iftiinka kugu jira hadduu gudcur yahay, gudcurkaasu sidee buu u weyn yahay!
24 No one is able to serve two masters. For either he will have hatred for the one, and love the other, or he will persevere with the one, and despise the other. You cannot serve God and wealth.
Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.
25 And so I say to you, do not be anxious about your life, as to what you will eat, nor about your body, as to what you will wear. Is not life more than food, and the body more than clothing?
Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka?
26 Consider the birds of the air, how they neither sow, nor reap, nor gather into barns, and yet your heavenly Father feeds them. Are you not of much greater value than they are?
Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn?
27 And which of you, by thinking, is able to add one cubit to his stature?
Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara?
28 And as for clothing, why are you anxious? Consider the lilies of the field, how they grow; they neither work nor weave.
Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan.
29 But I say to you, that not even Solomon, in all his glory, was arrayed like one of these.
Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.
30 So if God so clothes the grass of the field, which is here today, and cast into the oven tomorrow, how much more will he care for you, O little in faith?
Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow?
31 Therefore, do not choose to be anxious, saying: ‘What shall we eat, and what shall we drink, and with what shall we be clothed?’
Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa?
32 For the Gentiles seek all these things. Yet your Father knows that you need all these things.
Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin.
33 Therefore, seek first the kingdom of God and his justice, and all these things shall be added to you as well.
Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.
34 Therefore, do not be anxious about tomorrow; for the future day will be anxious for itself. Sufficient for the day is its evil.”
Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.

< Matthew 6 >