< Ezekiel 43 >

1 And he took me to the doorway looking to the east:
Oo markaas dabadeedna wuxuu i keenay iriddii xagga bari u sii jeedday.
2 And there was the glory of the God of Israel coming from the way of the east: and his voice was like the sound of great waters, and the earth was shining with his glory.
Oo bal eeg, sharaftii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa xagga bari ka timid, oo codkiisuna wuxuu u ekaa sidii biyo badan sanqadhood, oo dhulkuna sharaftiisuu la dhalaalay.
3 And the vision which I saw was like the vision I had seen when he came for the destruction of the town: and like the vision which I saw by the river Chebar; and I went down on my face.
Oo waxyaalihii lay tusay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii hore ee aan arkay; sidii waxyaalihii aan arkay markuu u yimid inuu magaalada dumiyo ayay u ekaayeen, oo waxyaalihii aan arkay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay oo kale; oo aniguna wejigaan u dhacay.
4 And the glory of the Lord came into the house by the way of the doorway looking to the east.
Oo sharaftii Rabbigu waxay daartii ka soo gashay jidkii iriddii xagga bari u sii jeedday.
5 And the spirit, lifting me up, took me into the inner square; and I saw that the house was full of the glory of the Lord.
Oo Ruuxii ayaa kor ii soo qaaday, oo wuxuu i geeyey barxaddii gudaha, oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii buuxisay.
6 And the voice of one talking to me came to my ears from inside the house; and the man was by my side.
Oo waxaan maqlay qof daarta igala soo hadlaya, oo nin baa i garab taagnaa.
7 And he said to me, Son of man, this is the place where the seat of my power is and the resting-place of my feet, where I will be among the children of Israel for ever: and no longer will the people of Israel make my holy name unclean, they or their kings, by their loose ways and by the dead bodies of their kings;
Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, halkanu waa meeshii carshigayga, iyo meeshii cagahayga, iyo meeshii aan reer binu Israa'iil weligay dhex degganaan doono, oo reer binu Israa'iil ama boqorradoodu mar dambe magacayga quduuska ah kuma ay nijaasayn doonaan dhillanimadooda amase meydka boqorradooda oo meelahooda sare yaal.
8 By putting their doorstep by my doorstep, and the pillar of their door by the pillar of my door, with only a wall between me and them; and they have made my holy name unclean by the disgusting things which they have done: so in my wrath I sent destruction on them.
Waxay iriddooda marinkeeda ka taageen iriddayda marinkeeda agtiisa, oo tiirkoodiina waxay ka ag taageen tiirkayga, oo derbigii qudha ayaa aniga iyo iyaga noo dhexeeyey, oo magacayga quduuska ahna waxay ku nijaaseeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen, sidaas daraaddeed cadhadaydii waan ku baabbi'iyey.
9 Now let them put their loose ways and the dead bodies of their kings far from me, and I will be among them for ever.
Haddaba iyagu bal dhillanimadooda iyo meydka boqorradooda ha iga fogeeyeen, oo aniguna weligayba dhexdoodaan degganaan doonaa.
10 You, son of man, give the children of Israel an account of this house, so that they may be shamed because of their evil-doing: and let them see the vision of it and its image.
Wiilka Aadamow, bal waxaad reer binu Israa'iil tustaa daarta si ay xumaatooyinkooda ugu wada ceeboobaan, oo bal tilmaanta ha qiyaaseen.
11 And they will be shamed by what they have done; so give them the knowledge of the form of the house and its structure, and the ways out of it and into it, and all its laws and its rules, writing it down for them: so that they may keep all its laws and do them.
Oo hadday wixii ay sameeyeen oo dhan ku ceeboobaan, waxaad tustaa daarta qaabkeeda, iyo qabanqaabkeeda, iyo meelaha laga baxo, iyo meelaha laga soo galo, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo qaynuunnadeeda oo dhan, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo sharciyadeeda oo dhan, oo iyagoo indhaha ku haya qor, si ay qaabkeeda oo dhan u sii dhawraan, oo ay qaynuunnadeeda oo dhan u wada sameeyaan.
12 This is the law of the house: On the top of the mountain all the space round it on every side will be most holy. See, this is the law of the house.
Kanu waa sharcigii daarta: buurta dhaladeeda hareereheeda oo dhammu wuxuu ahaan doonaa waxa ugu wada quduusan. Bal eeg, kaasu waa sharcigii daarta.
13 And these are the measures of the altar in cubits: (the cubit being a cubit and a hand's measure; ) its hollow base is a cubit high and a cubit wide, and it has an overhanging edge as wide as a hand-stretch all round it:
Oo kanuna waa qiyaastii meesha allabariga oo lagu qiyaaso dhudhun dheer kaasoo ah dhudhun iyo taako. Salku wuxuu ahaan doonaa dhudhun, ballaadhkuna dhudhun, oo qarka hareeraha ku wareegsanuna taako, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa meesha allabariga aasaaskeeda.
14 And from the base on the earth level to the lower shelf, the altar is two cubits high and a cubit wide; and from the smaller shelf to the greater shelf it is four cubits high and a cubit wide.
Oo salka uu dhulka ku hayo iyo ilaa qarka hoose wuxuu ahaan doonaa laba dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun, oo qarka yar iyo qarka weyn inta u dhexaysaana afar dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun.
15 And the fireplace is four cubits high: and coming up from the fireplace are the horns, a cubit high.
Meesha allabariga inteeda sare waxay ahaan doontaa afar dhudhun, oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido iyo ilaa dhankeeda sare waxaa ku oolli doona afar gees.
16 And the fireplace is twelve cubits long and twelve cubits wide, square on its four sides.
Oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido dhererkeedu wuxuu ahaan doonaa laba iyo toban dhudhun, oo ballaadhkeeduna laba iyo toban dhudhun, iyadoo afar gees ah.
17 And the shelf is fourteen cubits long and fourteen cubits wide, on its four sides; the edge round it is half a cubit; the base of it is a cubit all round, and its steps are facing the east.
Oo qarka dhererkiisuna wuxuu ahaan doonaa afar iyo toban dhudhun, ballaadhkiisuna afar iyo toban dhudhun, oo weliba afar gees ah, oo darafka ku wareegsanuna wuxuu ahaan doonaa nus dhudhun, oo salkuna wuxuu ahaan doonaa dhudhun, jaranjarraduna waxay u sii jeedi doontaa xagga bari.
18 And he said to me, Son of man, the Lord God has said, These are the rules for the altar, when they make it, for the offering of burned offerings on it and the draining out of the blood.
Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwanu waa qaynuunnada meesha allabariga maalintay sameeyaan inay qurbaanno la gubo ku kor bixiyaan oo ay dhiig ku kor rusheeyaan.
19 You are to give to the priests, the Levites of the seed of Zadok, who come near to me, says the Lord God, to do my work, a young ox for a sin-offering.
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wadaaddada reer Laawi oo ah farcankii Saadooq, oo iigu soo dhowaada inay ii adeegaan, waxaad siisaa dibi yar oo qurbaan dembi loo bixiyo.
20 You are to take some of its blood and put it on the four horns and on the four angles of the shelf and on the edge all round: and you are to make it clean and free from sin.
Oo waa inaad dhiiggiisa wax ka qaaddaa, oo waa inaad marisaa meesha allabariga afarteeda gees iyo qarka afartiisa rukun iyo darafkiisa ku wareegsan, oo sidaas waa inaad u nadiifisaa oo ugu kafaaragguddaa.
21 And you are to take the ox of the sin-offering, and have it burned in the special place ordered for it in the house, outside the holy place.
Oo weliba waxaad qaaddaa dibiga qurbaanka dembiga ah, oo isaga waa inuu ku gubaa meeshii loo amray ee daarta oo ah meesha quduuska ah dibaddeeda.
22 And on the second day you are to have a he-goat without any mark on it offered for a sin-offering; and they are to make the altar clean as they did with the young ox.
Oo maalinta labaadna waa inaad qurbaan dembi u bixisaa orgi yar oo aan iin lahayn, oo waa in meesha allabariga la nadiifiyo sidii dibigii loogu nadiifiyey oo kale.
23 And after you have made it clean, let a young ox without a mark be offered, and a male sheep from the flock without a mark.
Oo markaad nadiifinteeda dhammaysid waa inaad bixisaa dibi yar oo aan iin lahayn iyo wan aan iin lahayn.
24 And you are to take them before the Lord, and the priests will put salt on them, offering them up for a burned offering to the Lord.
Oo iyaga waa inaad u dhowaysaa Rabbiga hortiisa, oo wadaaddaduna waa inay cusbo ku kor shubaan, oo waa inay qurbaan la gubo Rabbiga ugu bixiyaan.
25 Every day for seven days you are to give a goat for a sin-offering: and let them give in addition a young ox and a male sheep from the flock without any mark on them.
Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa.
26 For seven days they are to make offerings to take away sin from the altar and to make it clean; so they are to make it holy.
Intii toddoba maalmood ah waa in meesha allabariga loo kafaaraggudaa oo la daahiriyaa, oo sidaasaa quduus looga dhigi doonaa.
27 And when these days have come to an end, then on the eighth day and after, the priests will make your burned offerings on the altar and your peace-offerings; and I will take pleasure in you, says the Lord.
Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay maalmahaasu dhammaadaan, maalinta siddeedaad iyo intii ka dambaysa wadaaddadu waa inay meesha allabariga ku kor bixiyaan qurbaannadiinna la gubo iyo qurbaannadiinna nabaadiinoba, oo aniguna waan idin aqbali doonaa.

< Ezekiel 43 >