< Revelation 15 >

1 I saw another great and marvelous sign in the sky: seven angels having the seven last plagues, for in them God’s wrath is finished.
Oo haddana waxaan samada ku arkay calaamo kale oo weyn oo cajaa'ib leh, waxayna ahayd toddoba malaa'igood oo haysta toddoba belaayo, oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, waayo, waxaa iyaga ku dhex dhammaatay cadhadii Ilaah.
2 I saw something like a sea of glass mixed with fire, and those who overcame the beast, his image, and the number of his name, standing on the sea of glass, having harps of God.
Markaasaan arkay wax u eg bad muraayad ah oo dab ku dhex qasan yahay iyo kuwii iyagoo guulaysan ka yimid xaggii bahalkii iyo xaggii sanamkiisii iyo xaggii nambarkii magiciisa, oo dul taagan baddii muraayadda ahayd iyagoo haysta kataaradihii Ilaah.
3 They sang the song of Moses, the servant of God, and the song of the Lamb, saying, “Great and marvelous are your works, Lord God, the Almighty! Righteous and true are your ways, you King of the nations.
Oo iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run.
4 Who would not fear you, Lord, and glorify your name? For you only are holy. For all the nations will come and worship before you. For your righteous acts have been revealed.”
Rabbiyow, bal ayaan kaa cabsan doonin oo aan magacaaga ammaani doonin? Waayo, adiga keligaa ayaa quduus ah; maxaa yeelay, quruumaha oo dhammu way iman oo hortaada ayay ku sujuudi doonaan; waayo, falimahaagii xaqa ahaa waa la muujiyey.
5 After these things I looked, and the temple of the tabernacle of the testimony in heaven was opened.
Oo waxyaalahaas dabadood waxaan arkay macbudkii taambuugga markhaatifuridda oo samada ku jira oo la furay.
6 The seven angels who had the seven plagues came out, clothed with pure, bright linen, and wearing golden sashes around their chests.
Markaasaa macbudkii waxaa ka soo baxay toddobadii malaa'igood oo haystay toddobada belaayo, oo waxay qabeen dhar daahir ah oo dhalaalaya, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suuman dahab ah.
7 One of the four living creatures gave to the seven angels seven golden bowls full of the wrath of God, who lives for the ages (aiōn g165) of the ages (aiōn g165).
Oo afartii xayawaan midkood ayaa wuxuu toddobadii malaa'igood siiyey toddoba fijaan oo dahab ah oo ay ka buuxdo cadhadii Ilaaha weligiis iyo weligiisba nool. (aiōn g165)
8 The temple was filled with smoke from the glory of God and from his power. No one was able to enter into the temple until the seven plagues of the seven angels would be finished.
Markaasaa macbudkii waxaa ka buuxsamay qiiq ka yimid xagga ammaanta Ilaah iyo xagga xooggiisa; oo ninna ma uu geli karin macbudkii ilamaa la dhammeeyo toddobadii belaayo oo ay toddobadii malaa'igood haysteen.

< Revelation 15 >