< Zakarias 14 >

1 Se, en Dag kommer, HERRENs Dag, da dit Bytte skal deles i dig.
Bal eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono.
2 Da samler jeg alle Folkene til Angreb på Jerusalem; Byen indtages, Husene plyndres, Kvinderne skændes, og Halvdelen af Byens Indbyggere vandrer i Landflygtighed; men Resten af Folket skal ikke udryddes af Byen.
Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.
3 Og HERREN drager ud og strider mod disse Folk, som han fordum stred på Kampens bag.
Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.
4 På hin Dag står hans Fødder på Oliebjerget østen for Jerusalem, og Oliebjerget skal revne midt over fra Øst til Vest og danne en vældig Dal, idet Bjergets ene Halvdel viger mod Nord, den anden mod Syd.
Oo maalintaas cagihiisu waxay ku istaagi doonaan Buur Saytuun, taasoo Yeruusaalem ka horraysa oo xagga bari ka xigta, oo Buur Saytuunna dhexday uga kala dillaaci doontaa xagga bari iyo xagga galbeed, oo waxaa jiri doonta dooxo aad u weyn, oo buurta badhkeed wuxuu u durki doonaa xagga woqooyi, oo badhkeeda kalena wuxuu u durki doonaa xagga koonfureed.
5 I skal flygte til mine Bjerges Dal, thi Bjergdalen når til Azal. I skal fly, som l flyede for Jordskælvet i Kong Uzzija af Judas Dage. Og HERREN min Gud kommer og alle de Hellige med ham.
Markaasaad ku carari doontaan dooxadii buurahayga, waayo, dooxada buuruhu waxay gaadhi doontaa tan iyo Aaseel. Oo waxaad u carari doontaan sidaad ugu hor cararteen dhulgariirkii dhacay wakhtigii Cusiyaah boqorka ka ahaa dalka Yahuudah. Oo Rabbiga Ilaahayga ahu wuu iman doonaa, oo waxaa la iman doonaa kuwa quduuska ah oo dhan.
6 På hin Dag skal der ikke være Hede eller Kulde og Frost.
Oo waxay maalintaas noqon doontaa in iftiinku uusan yeelanayn dhalaal iyo gudcur toona,
7 Det skal være een eneste Dag - HERREN kender den - ikke Dag og Nat; det skal være lyst ved Aftentide.
laakiinse waxay ahaan doontaa maalin uu Rabbigu og yahay, taasoo aan maalin ahayn, oo aan habeenna ahayn, laakiinse waxay ahaan doontaa in markay fiidkii tahay uu iftiin jiri doono.
8 På hin Dag skal rindende Vand vælde frem fra Jerusalem; det halve løber ud i Havet mod Øst, det halve i Havet mod Vest, og det både Sommer og Vinter.
Oo waxay maalintaas noqon doontaa inay biyo noolu Yeruusaalem ka soo baxaan, oo badhkood wuxuu u qulquli doonaa xagga badda bari, oo badhkooda kalena wuxuu u qulquli doonaa xagga badda galbeed, oo waxay ahaan doontaa wakhtiga kulaylka iyo wakhtiga qabowga.
9 Og HERREN skal være Konge over hele Jorden. På hin Dag skal HERREN være een og hans Navn eet.
Oo Rabbigu boqor buu ka ahaan doonaa dunida oo dhan, oo maalintaas Rabbigu mid buu ahaan doonaa, oo magiciisuna mid buu ahaan doonaa.
10 Og hele Landet bliver en Slette fra Geba til Rimmon i Sydlandet; men Jerusalem skal ligge højt på sit gamle Sted. Fra Benjaminsporten til den gamle Ports Sted, til Hjørneporten, og fra Hanan'eltårnet til de kongelige Vinperser skal det være beboet.
Oo dalka oo dhammuna wuxuu u rogman doonaa sida Caraabaah, tan iyo Gebac iyo ilaa Rimmoon oo Yeruusaalem xagga koonfureed ka jirta. Oo Yeruusaalemna kor baa loo qaadi doonaa oo waxay iska degganaan doontaa meesheeda, tan iyo iridda Benyaamiin iyo ilaa meesha iridda kowaad, iyo ilaa iridda geeska ku taal, iyo tan iyo munaaradda Xananeel iyo ilaa boqorka macsarooyinkiisa khamriga.
11 Der skal ikke mere lægges Band derpå, og Jerusalem skal ligge trygt.
Oo dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa.
12 Men dette skal være den Plage, HERREN lader ramme alle de Folkeslag, som drager i Leding mod Jerusalem: han lader Kødet rådne på dem i levende Live, Øjnene rådner i deres Øjenhuler og Tungen i deres Mund.
Oo tanuna waa belaayada Rabbigu ku dhufan doono dadyowga Yeruusaalem la diriray oo dhan. Iyagoo cagahooda ku taagan ayaa hilibkoodu iska dhammaan doona, oo indhahoodu waxay ku dhex baabbi'i doonaan godadkooda, carrabkooduna afkooda.
13 På hin Dag skal en vældig HERRENs Rædsel opstå iblandt dem, så de griber fat i og løfter Hånd mod hverandre.
Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.
14 Også Juda skal stride i Jerusalem. Og alle Folkenes Rigdom skal samles trindt om fra, Guld, Sølv og Klæder i såre store Måder.
Oo weliba dadka dalka Yahuudah Yeruusaalem bay ku dagaallami doonaan, oo maalka quruumaha hareeraheeda ku wareegsan oo dhanna waa la soo wada ururin doonaa, kaasoo ah dahab iyo lacag iyo dhar aad u badan.
15 Og samme Plage skal ramme Heste, Muldyr, Kameler, Æsler og alt Kvæg i Lejrene der.
Oo saasay noqon doontaa belaayada faraska, iyo tan baqalka, iyo tan awrka, iyo tan dameerka, oo xayawaanka xerooyinkaas jooga oo dhanba waxaa ku dhici doonta belaayadan.
16 Men alle de, der bliver tilbage af alle Folkene, som kommer imod Jerusalem, skal År efter År drage derop for at tilbede Kongen, Hærskarers HERRE, og fejre Løvhyttefest.
Oo waxay noqon doontaa in mid kasta oo ka hadhay quruumihii Yeruusaalem ku soo kacay oo dhan uu u kici doono inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada, iyo inuu soo dhawro Iiddii Waababka.
17 Og dersom nogen af Jordens Slægter ikke drager op til Jerusalem for at tilbede Kongen, Hærskarers HERRE, skal der ikke falde Regn hos dem.
Oo qolooyinka dhulka deggan oo dhan ku alla kii aan Yeruusaalem ugu kicin inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada innaba roob kuma di'i doono.
18 Og dersom Ægyptens Slægt ikke drager derop og kommer derhen, så skal de rammes af den Plage, HERREN lader ramme Folkene.
Oo haddii uusan reer Masar u kicin, oo uusan iman, iyagana roob kuma di'i doono, oo waxaa jiri doonta belaayo taasoo Rabbigu ku dhufan doono quruumihii aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka.
19 Det er Straffen over Ægypterne og alle de Folk, som ikke drager op for at fejre Løvhyttefest.
Taasu waxay ahaan doontaa ciqaabta Masar, iyo ciqaabta dhammaan quruumaha aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka.
20 På hin Dag skal der stå på Hestenes Bjælder "Helliget HERREN". Og Gryderne i HERRENs Hus skal være som Offerskålene for Alteret;
Wakhtigaas dawannada fardaha waxaa ku qornaan doona, WAA U QUDUUS RABBIGA, oo dheryaha guriga Rabbiga ku jiraana waxay ahaan doonaan sida maddiibadaha meesha allabariga hor yaal.
21 hver Gryde i Jerusalem og Juda skal være helliget Hærskarers HERRE, så alle de ofrende kan komme og tage af dem og koge deri. Og på hin Dag skal der ikke mere være nogen Kana'anæer i Hærskarers HERREs Hus.
Oo xataa dheri kasta oo Yeruusaalem dhex yaal iyo mid kasta oo dalka Yahuudah dhex yaalba quduus buu u ahaan doonaa Rabbiga ciidammada, oo kuwa allabariga bixiya oo dhammu way iman doonaan oo intay qaataan ayay wax ku karsan doonaan, oo wakhtigaas ka dib mid reer Kancaan ahu guriga Rabbiga ciidammada kuma jiri doono.

< Zakarias 14 >