< Zakarias 13 >

1 På hin Dag skal en Kilde vælde frem for Davids Hus og Jerusalems Indbyggere mod Synd og Urenhed.
Wakhtigaas waxaa reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba u furmi doonta il dembiga iyo nijaasta lagaga maydho.
2 Og på hin bag, lyder det fra Hærskarers HERRE, udrydder jeg Afgudernes Navne af Landet, så de ikke mer skal ihukommes; også Profeterne og Urenhedens Ånd driver jeg ud af Landet.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxay wakhtigaas noqon doontaa inaan dalka dhexdiisa ka wada baabbi'iyo magacyada sanamyada, oo mar dambena iyaga lama soo xusuusan doono, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inay nebiyada beenta ah iyo ruuxa wasakhda ahuba dalka ka dhex baxaan.
3 Når nogen da atter profeterer, skal hans egne Forældre, hans Fader og Moder, sige til ham: Du har forbrudt dit Liv, thi du har talt Løgn i HERRENs Navn." Og hans egne Forældre, hans Fader og Moder, skal gennembore ham, når han profeterer.
Oo markii mid wax sii sheego, aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga ku yidhaahdaan, Waa inaadan sii noolaan, waayo, been baad magaca Rabbiga ku sheegtaa. Oo aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga wareemaan intuu wax sii sheegayo.
4 På hin Dag skal hver en Profet skamme sig over sine Syner, når han profeterer, og han skal ikke klæde sig i lådden Kappe for at føre Folk bag Lyset,
Oo wakhtigaas nebiyada midkood kastaaba wuu ku ceeboobi doonaa riyadiisii markuu wax sii sheegayo, mana ay xidhan doonaan dhar dhogor badan oo ay wax ku khiyaanaan.
5 men sige: "Jeg er ingen Profet; jeg er Bonde og har dyrket Jord fra min Ungdom."
Laakiinse wuxuu odhan doonaa, Anigu nebi ma ahi, ee waxaan ahay dhulbeerte, waayo, tan iyo yaraantaydii baa lay addoonsanayay.
6 Og spørger man ham: "Hvad er det for Sår på dit Bryst?" skal han sige: "Dem fik jeg i mine Boleres Hus."
Oo waxaa lagu odhan doonaa, Waa maxay nabrahan gacmahaaga ku yaalla? Oo isna wuxuu ugu jawaabi doonaa, Waa kuwii laygu dhaawacay anigoo guriga saaxiibbaday jooga.
7 Frem, Sværd, imod min Hyrde, mod Manden, som står mig nær, så lyder det fra Hærskarers HERRE. Hyrden vil jeg slå, så Fårehjorden spredes; mod Drengene løfter jeg Hånden.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar.
8 Og i hele Landet lyder det fra HERREN, skal to Tredjedele udryddes og udånde, men een Tredjedel skal levnes.
Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in dalka oo dhan laba dalool baabba'do oo dhimato, laakiinse daloolka saddexaad wuu hadhi doonaa.
9 Og denne Tredjedel fører jeg i Ild og renser den, som man renser Sølv, prøver den, som man prøver Guld. Den skal påkalde mit Navn, og jeg svarer; jeg siger: "Den er mit Folk." Og den skal sige: "HERREN er min Gud."
Oo anna daloolka saddexaad dab baan dhex marsiin doonaa, oo waxaan u kala miiri doonaa sida lacag loo miiro, oo waxaan u tijaabin doonaa sida dahabka loo tijaabsho. Magacaygay igu baryi doonaan oo anna waan maqli doonaa, oo waxaan odhan doonaa, Iyagu waa dadkaygii, oo iyana midkood kastaaba wuxuu odhan doonaa, Rabbigu waa Ilaahay.

< Zakarias 13 >