< Malakias 2 >

1 Og nu udgår følgende Påbud til eder, I Præster;
Haddaba, wadaaddadow, amarkan idinkaa laydiin soo diray.
2 Hvie I ikke adlyder og lægger eder på Sinde at holde mit Navn i Ære, siger Hærskarers HERRE, så sender jeg Forbandelse over eder og vender eders Velsignelse til Forbandelse, ja til Forbandelse, fordi I ikke lægger eder det på Sinde.
Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddii aydaan dhegaysan, oo aydaan qalbigiinna gelin si aad magacayga u ammaantaan aawadeed, markaas waxaan idinku soo dejin doonaa inkaartii, oo barakooyinkiinnana waan inkaari doonaa, oo mar horaan inkaaray, maxaa yeelay, qalbigiinna ma aad gelisaan.
3 Se, jeg afhugger Armen på eder og kaster Skarn i Ansigtet på eder, Skarnet fra eders Højtider, og eders Ofre oven i Købet;
Bal eega, farcankiinnaan canaanan doonaa, oo wejigiinnana waxaan ku firdhin doonaa uus, kaasoo ah uuska allabaryadiinna, oo waa laydinla qaadi doonaa.
4 og I skal kende, at jeg har sendt eder dette Påbud, fordi jeg har en Pagt med Levi, siger Hærskarers HERRE.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad ogaan doontaan inaan anigu amarkan idiin soo diray, si uu axdigaygu reer Laawi ula sii jiro.
5 Min Pagt med ham var, at jeg skulde give ham Liv og Fred, og han skulde frygte mig og bæve for mit Navn;
Axdigaygii aan iyaga la dhigtay wuxuu ahaa mid nolol iyo nabaadiino ah, oo waxaan u siiyey inay iga cabsadaan, wayna iga cabsadeen, oo magacaygana way ka cabsadeen.
6 Sandheds Lære var i hans Mund, Svig fandtes ikke på hans Læber; i Fred og Sanddruhbed vandrede han med mig, og mange holdt han fra Brøde.
Sharcigii runtu afkooduu ku jiray, oo bushimihoodana xaqdarro lagama helin. Way igula socdeen nabaadiino iyo qummanaan, qaar badanna xumaan bay ka leexiyeen.
7 Thi Præstens Læber vogter på Kundskab, og Vejledning søger man af hans Mund; thi han er Hærskarers HERREs Sendebud.
Waayo, bushimaha wadaadka waxaa waajib ku ah inay aqoonta dhawraan, oo waxaa ku habboon in sharciga afkiisa laga doono, waayo, isagu waa wargeeyihii Rabbiga ciidammada.
8 Men I veg bort fra Vejen; mange har I bragt til Fald ved eders Vejledning, Levis Pagt har I ødelagt, siger Hærskarers HERRE.
Laakiinse idinku jidkii baad ka baydheen, oo dad badan baad sharciga ku kufiseen, oo axdigii reer Laawina waad kharribteen, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
9 Derfor har jeg også gjort eder ringeagtede og oversete af alt Folket, fordi I ikke tager Vare på mine Veje eller bryder eder om Loven.
Haddaba sidaas daraaddeed waxaan dadka oo dhan hortiisa idinkaga dhigay wax la quudhsado oo hooseeya, maxaa yeelay, jidadkayga ma aydaan dhawrin, laakiinse dadka baad ugu kala eexateen sharciga.
10 Har vi ikke alle en og samme Fader, er det ikke en og samme Gud, som bar skabt os? Hvorfor er vi da troløse mod hverandre, så vi vanhelliger vore Fædres Pagt?
Miyaynan kulligeen isku aabbe ahayn? Sow isku Ilaah inama uumin? Bal maxaa ninkeen kastaaba walaalkiis u khiyaaneeyaa, innagoo nijaasaynayna axdigii awowayaasheen?
11 Juda er troløst, og Vederstyggelighed øves i Israel og Jerusalem; thi Juda vanhelliger den Helligdom, HERREN elsker, og tager en fremmed Guds Datter til Ægte.
Dadka dalka Yahuudah khiyaano bay ku macaamiloodeen, oo dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemna waxaa lagu sameeyey wax karaahiyo ah, waayo, dadka dalka Yahuudah waxay nijaaseeyeen meeshii quduuska ahayd ee Rabbiga oo uu jecelyahay, oo waxay guursadeen gabdho ilaahoodu qalaad yahay.
12 HERREN unddrage den Mand. som gør sligt, en til at våge og svare i Jakobs Telte og en til at frembære Offergave for Hærskarers HERRE!
Rabbigu wuxuu teendhooyinka reer Yacquub uga baabbi'in doonaa ninkii waxan sameeya, kan toosa iyo kan ka jawaaba, iyo weliba kan qurbaan u bixiya Rabbiga ciidammadaba.
13 Og for det andet gør l dette: I hyller HERRENs Alter i Tårer, Gråd og Klage, så han ikke mere vender sig til Offergaven eller med Glæde modtager Gaver af eders Hånd.
Oo weliba waxaa kaloo aad samaysaan tan: Meesha allabariga ee Rabbiga ayaad ku dul badisaan ilmo, iyo oohin, iyo taahid, sababtuna waa qurbaanka uusan innaba mar dambe dan ka lahayn, oo uusan raalli ka ahayn inuu gacantiinna ka aqbalo.
14 Og I spørger: "Hvorfor?" Fordi HERREN var Vidne mellem dig og din Ungdomshustru, mod hvem du har været troløs, skønt hun hører til dit Folk og deler din Tro.
Oo idinku waxaad tidhaahdaan, Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu ahaa markhaati u dhexeeya midkiin kasta iyo naagtii dhallinyaranimadiisa oo uu khiyaano kula macaamilooday in kastoo ay tahay weheshiisii iyo naagtii uu axdiga la dhigtay.
15 Således gør ingen, så længe der er Ånd i ham. Hvorledes har det sig med ham? Han ønsker Afkom for Gud. Så tag Vare på eders Ånd, og ingen være troløs imod sin Ungdomshustru!
Oo miyuusan mid ka dhigin in kastoo uu lahaa waxa ruuxa ka hadhay? Oo muxuu mid uga dhigay? Isagu wuxuu doonayay farcan Ilaah caabuda. Sidaas daraaddeed iska jira, oo midkiinna yuusan khiyaano kula macaamiloon naagtii uu dhallinyaraanta ku guursaday.
16 Thi jeg hader Skilsmisse, siger HERREN, Israels Gud, og at man hyller sin Klædning i Uret, siger Hærskarers HERRE. Så tag eder i Vare for eders Ånds Skyld og vær ikke troløse!
Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waan necbahay furidda, oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan necbahay kii dharkiisa dulmi ku deda, haddaba sidaas daraaddeed iska jira oo khiyaano ha ku macaamiloonina.
17 I trætter HERREN med eders Ord. Og I spørger: "Hvorved trætter vi?" Ved at sige: "Enhver som gør ondt, er god i HERRENs Øjne; i dem har han Behag; hvor er ellers Dommens Gud?"
Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?

< Malakias 2 >