< Jeremias 7 >

1 Det Ord som kom til Jeremias fra Herren
Kanu waa eraygii Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, isagoo leh,
2 Stå hen i Porten til HERRENs Hus og udråb dette Ord: Hør HERRENs Ord, hele Juda, I, som går ind gennem disse Porte for at tilbede HERREN!
Guriga Rabbiga iriddiisa istaag, oo waxaad halkaas ka naadisaa eraygan, oo waxaad tidhaahdaa, Kuwiinna dadka Yahuudah oo irdahan u gala inaad Rabbiga caabuddaanow, kulligiin bal erayga Rabbiga maqla.
3 Så siger Hærskarers HERRE, Israels Gud: Bedrer eders Veje og eders Gerninger, så vil jeg lade eder bo på dette Sted.
Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.
4 Stol ikke på den Løgnetale: Her er HERRENs Tempel, HERRENs Tempel, HERRENs Tempel!
Ha isku hallaynina erayo been ah oo leh, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbigu waa kan.
5 Men bedrer eders Veje og eders Gerninger! Dersom I virkelig øver Ret Mand og Mand imellem,
Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,
6 ikke undertrykker den fremmede, den faderløse og Enken, ej heller udgyder uskyldigt Blod på dette Sted, ej heller til egen Skade holder eder til fremmede Guder,
iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,
7 så vil jeg til evige Tider lade eder bo på dette Sted i det Land, jeg gav eders Fædre.
de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan.
8 Se, I stoler på Løgnetale, som intet båder.
Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin.
9 Stjæle, slå ihjel, hore, sværge falsk, tænde Offerild for Ba'al, holde eder til fremmede Guder, som I ikke kender til
Intaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan,
10 og så kommer I og står for mit Åsyn i dette Hus, som mit Navn nævnes over, og siger: "Vi er frelst!" for at gøre alle disse Vederstyggeligheder.
miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan?
11 Holder I dette Hus, som mit Navn nævnes over, for en Røverkule? Men se, også jeg har Øjne, lyder det fra HERREN.
Gurigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay.
12 Gå dog hen til mit hellige Sted i Silo, hvor jeg først stadfæstede mit Navn, og se, hvad jeg gjorde ved det for mit Folk Israels Ondskabs Skyld.
Laakiinse haatan bal taga meeshaydii Shiiloh ku oolli jirtay, oo aan markii ugu horraysay magacayga dejiyey, oo bal soo arka wixii aan ugu sameeyey xumaantii dadkayga reer binu Israa'iil aawadeed.
13 Og nu, fordi I øver alle disse Gerninger, lyder det fra HERREN, og fordi I ikke vilde høre, når jeg årle og silde talede til eder, eller svare, når jeg kaldte på eder,
Oo haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad samayseen shuqulladan oo dhan, oo anna goor wanaagsan waan idinla hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, waanan idiin dhawaaqay, laakiinse iima aydaan jawaabin,
14 derfor vil jeg gøre med Huset, som mit Navn nævnes over, og som I stoler på, og med Stedet, jeg gav eder og eders Fædre, ligesom jeg gjorde med Silo;
sidaas daraaddeed gurigan laygu magacaabay, oo aad isku hallaynaysaan, iyo meeshii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba ayaan ku samayn doonaa wixii aan Shiiloh ku sameeyey oo kale.
15 og jeg vil støde eder bort fra mit Åsyn, som jeg stødte alle eders Brødre bort, al Efraims Æt.
Oo idinkana hortaydaan idinka xoori doonaa sidaan u xooray dhammaan walaalihiinna ah farcankii Efrayim oo dhan.
16 Men du må ikke gå i Forbøn for dette Folk eller frembære klage og Bøn eller trænge ind på mig for dem, thi jeg hører dig ikke.
Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo baryootan iyo salaad midna iyaga aawadood ha u samayn, oo hana ii baryin iyaga aawadood, waayo, innaba ku maqli maayo.
17 Ser du ikke, hvad de har for i Judas Byer og på Jerusalems Gader?,
War miyaadan arkayn waxay ku dhex sameeyaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba?
18 Børnene sanker Brænde, Fædrene tænder Ild, og Kvinderne ælter Dejg for at bage Offerkager til Himmelens Dronning og udgyde Drikofre for fremmede Guder og og krænke mig.
Carruurtu qoryay soo guraan, aabbayaashuna dabkay shidaan, naaguhuna bur bay cajiimaan inay kibis u sameeyaan boqoradda samada, oo ay ilaahyo kale qurbaanno cabniin ah u daadiyaan, si ay iga cadhaysiiyaan.
19 Mon det er mig, de krænker, lyder det fra HERREN, mon ikke sig selv til deres Ansigters Skam?
Rabbigu wuxuu leeyahay, Ma aniga baa kan ay ka cadhaysiiyaan? Sow iyagu iskagama ay cadhaysiin ceebta ay isku soo jiideen?
20 Derfor, så siger den Herre HERREN: Se, min Vrede og Harme udgyder sig over dette Sted, over Folk og Fæ, over Markens Træer og Jordens Frugt, og den skal brænde uden at slukkes.
Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.
21 Så siger Hærskarers HERRE, Israels Gud: Læg eders Brændofre til eders Slagtofre og æd Kød!
Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.
22 Thi dengang jeg førte eders Fædre ud af Ægypten, talede jeg ikke til dem eller bød dem noget om Brændoffer og Slagtoffer;
Waayo, waagii aan awowayaashiin dalka Masar ka soo bixiyey kalama hadlin, kumana amrin wax ku saabsan qurbaanno la gubo iyo allabaryo toona,
23 men dette bød jeg dem: "I skal høre min Røst, så vil jeg være eders Gud, og I skal være mit Folk; og I skal gå på alle de Veje, jeg byder eder, at det må gå eder vel."
laakiinse waxaan iyaga ku amray, oo aan ku idhi, Codkayga dhegaysta, oo anigu waxaan idiin noqon doonaa Ilaah, idinkuna waxaad ahaan doontaan dadkayga oo ku socda jidkii aan idinku amray oo dhan, si aad u nabdoonaataan.
24 Men de hørte ikke og lånte ikke Øre; de fulgte deres onde Hjertes Stivsind og gik tilbage, ikke fremad.
Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.
25 Fra den Dag eders Fædre drog ud af Ægypten, og til i Dag har jeg Dag efter Dag, årle og silde sendt eder alle mine Tjenere Profeterne;
Tan iyo maalintii ay awowayaashiin dalkii Masar ka soo bexeen iyo ilaa maantadan la joogo waxaan maalin kasta idiin soo diri jiray midiidinnadayda nebiyadii addoommadaydii ahaa oo dhan, anigoo goor wanaagsan diraya.
26 men de hørte ikke og lånte ikke Øre; de gjorde Nakken stiv og øvede mere ondt end deres Fædre.
Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima ay dhigin, illowse way sii madax adkaadeen, oo waxay sameeyeen wax ka sii xun wixii ay awowayaashood samayn jireen.
27 Når du siger dem alle disse Ord, hører de dig ikke, og kalder du på dem, svarer de dig ikke.
Haddaba waa inaad erayadan oo dhan u sheegtaa, laakiinse iyagu kuma ay dhegaysan doonaan, oo weliba waa inaad u dhawaaqdaa, laakiinse innaba kuuma ay jawaabi doonaan.
28 Sig så til dem: Det er det Folk, som ej hørte HERREN deres Guds Røst, det, som ej tog ved Lære; Sandhed er svundet, udryddet af deres Mund.
Oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waa quruun aan codka Rabbiga Ilaahooda dhegaysan, oo aan innaba edeb qaadan. Runtii way baabba'day, oo afkooday ka go'day.
29 Afklip dit Hår, kast det bort og klag på de nøgne Høje! Thi HERREN har forkastet og bortstødt den Slægt, han var vred på.
Timahaaga iska xiir oo iska xoor, oo waxaad ku baroorataa meelaha dhaadheer, waayo, Rabbigu waa nacay oo waa ka tegey qarniga cadhadiisu ku dhacday.
30 Thi Judas Sønner har gjort, hvad der er ondt i mine Øjne, lyder det fra HERREN; de har opstillet deres væmmelige Guder i Huset, som mit Navn nævnes over, for at gøre det urent;
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Yahuudah wax hortayda shar ku ah ayay sameeyeen. Si ay gurigii laygu magacaabay u nijaaseeyaan ayay karaahiyadoodii dhex qotomiyeen.
31 de har bygget Tofets Offerhøje i Hinnoms Søns Dal for at brænde deres Sønner og Døtre i Ilden, hvad jeg ikke har påbudt, og hvad aldrig var i min Tanke.
Oo waxay dhisteen meelaha sarsare ee Tofed oo ku dhex yaal dooxada ina Xinnom, si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab ugu dhex gubaan, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.
32 Se, derfor skal Dage komme, lyder det fra HERREN, da man ikke mere skal sige Tofet og Hinnoms Søns Dal, men Morddalen, og man skal jorde de døde i Tofet, fordi Pladsen ikke slår til.
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhti aan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda, waayo, waxay meydad ku aasi doonaan Tofed, maxaa yeelay, meel kalaa la waayi doonaa.
33 Og dette Folks Lig skal blive Himmelens Fugle og Jordens Dyr til Æde, og ingen skal skræmme dem bort.
Waayo, dadkan meydkoodu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka, oo ciduna kama ay eryi doonto.
34 Og i Judas Byer og på Jerusalems Gader gør jeg Ende på Fryderåb og Glædesråb, Brudgoms Røst og Bruds Røst, thi Landet skal lægges øde.
Oo markaasaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba ka joojin doonaa codka rayraynta, iyo codka farxadda, iyo codka arooska, iyo codka aroosaddaba, waayo, dalku wuxuu noqon doonaa cidla.

< Jeremias 7 >