< Jeremias 46 >

1 HERRENs Ord, som kom til Profeten Jeremias om folkene.
Kanu waa Eraygii Rabbiga oo Nebi Yeremyaah u yimid ee quruumaha ku saabsanaa.
2 Til Ægypten, om Ægypterkongen Farao Nekos Hær, som stod ved Floden Eufrat i Karkemisj, og som Kong Nebukadrezar af Babel slog i Josiass Søns, Kong Jojakim af Judas, fjerde Regeringsår.
Wuxuu ka hadlay Masar, iyo Fircoon Nekoo oo ahaa boqorkii Masar ciidankiisii, kaasoo joogay Karkemiish Webi Yufraad agtiisa, oo uu Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wax ku dhuftay sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa.
3 Gør Skjold og Værge rede, kom hid til Strid!
Gaashaanka yar iyo kan weynba diyaariya oo dagaalka u soo dhowaada.
4 Spænd Hestene for, sid op på Gangeme, stil eder op med Hjelmene på, gør Spydene blanke, tag Brynjeme på!
Fardoleydoy, fardaha heenseeya oo fuula, oo isa soo safa idinkoo koofiyadihiinna dagaalka qaba, oo warmaha afaysta, oo waxaad soo xidhataan dharka birta ah.
5 Hvorfor er de rædselsslagne, veget tilbage deres Helte knust, på vild Flugt uden at vende sig? Trindt om er Rædsel, lyder det fra HERREN:
Bal maxaan u arkay? Way nexeen oo dib bay u sii noqdeen, oo kuwoodii xoogga badnaa waa la wada dilay, oo degdeg bay u carareen, dibna uma ay soo jeesan, waayo, cabsi baa dhinac kasta kaga hareeraysnayd, ayaa Rabbigu leeyahay.
6 De rapfodede undflyr ikke, og Helten redder sig ikke. Mod Nord ved Eufrats Flod falder de og styrter.
Kan dheereeyaa yuusan cararin, oo kan xoogga badanuna yuusan baxsan. Xagga woqooyi iyo Webi Yufraad agtiisa ayay ku turunturoodeen, wayna ku dheceen.
7 Hvem stiger der som Nilen, hvis Vande svulmer som Strømme?
Yuu yahay kan u soo kaca sida Webi Niil, oo biyihiisu ay sida webiyaasha u rogrogmadaan?
8 Det er Ægypten, der stiger som Nilen, og Vandene svulmer som Strømme. Det tænkte: "Jeg vil stige op og oversvømme Jorden, ødelægge dem, som bor derpå."
Dalka Masar ayaa u kaca sida Webi Niil, oo biyihiisuna way u rogrogmadaan sida webiyaasha oo kale, oo wuxuu leeyahay, Anigu waan kacayaa, oo dhulkaan dabooli doonaa, waanan baabbi'in doonaa magaalada iyo dadka dhex degganba.
9 Stejl, I Heste, tag vanvittig Fart, I Vogne, lad Heltene rykke frem, Kusj, Put, som bærer Skjold, og Luderne, som spænder Bue.
Fardahow, kaca, oo gaadhifardoodyadow, yaaca. Ragga xoogga badanuna ha bexeen, kuwaasoo ah reer Kuush iyo kuwa reer Fuud oo gaashaanka gacanta ku haya, iyo kuwa reer Luud oo qaansada xoodi yaqaan.
10 Dette er Herrens, Hærskarers HERREs Dag, en Hævnens Dag til Hævn over hans Fjender. Sværdet æder sig mæt og svælger i deres Blod; thi Herren Hærskarers HERRE har Offerslagtning i Nordens Land ved Eufrats Flod.
Waayo, taasu waa maalintii Sayidka ah Rabbiga ciidammada, waana maalin aarsasho, oo uu cadaawayaashiisa ka aarsan doono. Seeftuna way wada baabbi'in doontaa, wayna ka dhergi doontaa, oo dhiiggooday ku sakhraami doontaa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu qurbaan ku samaynayaa dalka woqooyi Webi Yufraad agtiisa.
11 Drag op til Gilead og hent Balsam, du Jomfru, Ægyptens Datter! Forgæves bruger du Lægemidler i Mængde; der er ingen Lægedom for dig.
Dadka Masar ee sida bikrad oo kale ahow, waxaad tagtaa Gilecaad, oo beeyo dawo ah soo qaado. Waxtarla'aan baad dawooyin badan u qaadataa, illowse bogsiini kuuma jirto.
12 Folkene hører dit Råb, dit Skrig opfylder Jorden; thi Helt snubler over Helt, sammen styrter de begge,
Quruumuhu waxay maqleen ceebtaada, oo qayladaaduna waxay ka buuxsantay dalka oo dhan, waayo, kuwii xoogga badnaa ayaa midba kan kale ku turunturooday, oo labadoodiiba way wada dheceen.
13 Det Ord, HERREN talede til Profeten Jeremias, om at Kong Nebukadrezar af Babel skulle komme og slå Ægypten.
Kanu waa eraygii Rabbigu uu kula hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa sida Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu u iman doono, oo uu dalka Masar wax ugu dhufan doono.
14 Forkynd det i Ægypten, kundgør det i Migdol, kundgør det i Nof og Takpankes! Sig: Stil dig op og gør dig rede, thi Sværdet fortærer trindt om dig.
Masar ka dhex sheega, oo Migdol ka dhex naadiya, oo weliba ka dhex naadiya Nof iyo Taxfanxeesba, oo waxaad tidhaahdaan, Istaag oo isdiyaari, waayo, intii kugu wareegsanayd oo dhan seef baa baabbi'isay.
15 Hvorfor flyede Apis, din Tyr? Den holdt ikke Stand, fordi HERREN jog den bort.
Kuwaagii xoogga badnaa bal maxaa loo kala xaaqay? Iyagu ma ay istaagin, waayo, Rabbiga ayaa riday.
16 Din brogede Folkesværm falder og styrter; de siger til hverandre: "Kom, lad os vende hjem til vort Folk og vort Fædreland for det hærgende Sværd!"
Kuwa badan ayuu turuntureeyey, oo midba midka kaluu ku dhacay. Oo waxay isku yidhaahdeen, Kaca oo ina keena, aynu dadkeennii iyo dalkii aynu ku dhalannay u tagnee, oo aynu seefta ina dulmaysa ka cararnee.
17 Kald Farao, Ægyptens konge: Bulderet, som lader den belejlige Tid gå forbi.
Waxay halkaas kaga qayliyeen, Fircoon oo ah boqorka Masar waa sanqadh keliya, wakhtigiina wuu dhaafiyey.
18 Så sandt jeg lever, siger Kongen, hvis Navn er Hærskarers HERRE: Som Tabor mellem Bjergene, som Karmel ved Havet kommer han.
Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye. Sida xaqiiqada ah isagu wuxuu u iman doonaa sida Taaboor oo buuraha ku dhex taal, iyo sida Karmel oo badda u dhow.
19 Skaf dig Rejsetøj, du, som bor der, Ægyptens Datter! Thi Nof skal ødelægges og afbrændes, så ingen bor der.
Dadka Masar degganow, in maxaabiis ahaan laguu kaxaysto u alaab ururso, waayo, Nof waxay noqon doontaa meel cidla iyo baabba' ah oo aan ciduna degganayn.
20 En smuk kvie er Ægypten, men en Bremse fra Nord falder over det.
Masar waa qaalin lo'aad oo qurxoon, laakiinse halligaad baa xagga woqooyi uga timid, wayna gaadhay.
21 Selv dets Lejesvende, der er som Fedekalve, vender sig alle til Flugt; de holder ikke Stand, thi deres Ulykkes Dag er kommet over dem, deres Hjemsøgelses Tid.
Oo weliba raggiisa la soo kiraystay oo isaga dhex joogaana waa sida weylo cayilay, waayo, dib bay u noqdeen, oo dhammaantood way isla wada carareen, oo innaba ma ay joogsan, waayo, waxaa soo gaadhay maalintii masiibadooda iyo wakhtigii ciqaabiddooda.
22 Dets Røst er som den hvislende Slanges; thi med Hærmagt farer de frem, og med Økser kommer de over det som Brændehuggere.
Sanqadhiisu waa sida abeeso sii gurguuranaysa, waayo, iyagu ciidan bay kula soo socon doonaan, oo faasas bay kula soo duuli doonaan sida kuwa qoryo jaraya.
23 De fælder dets Skov, lyder det fra HERREN, fordi den ikke er til at trænge igennem. Thi de er talrigere end Græshopper, ikke til at tælle.
Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aan la dhex baadhi karin, kayntiisa waa la wada jari doonaa, maxaa yeelay, iyagu ayaxa way ka fara badan yihiin, oo waa wax aan la tirin karin.
24 Til Skamme bliver Ægyptens Datter; hun gives i Nordfolkets Hånd.
Dadka Masar way ceeboobi doonaan, waayo, waxaa lagu ridi doonaa gacanta dadka woqooyi.
25 Så siger Hærskarers HERRE, Israels Gud: Se, jeg hjemsøger Amon i No og Farao og Ægypten med dets Guder og Konger, Farao og dem, der stoler på ham;
Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waan wada ciqaabi doonaa Aamoon oo ah ilaaha Noo, iyo Fircoon, iyo Masar, iyo ilaahyadiisa, iyo boqorradiisa, iyo xataa Fircoon iyo kuwa isaga isku halleeyaba.
26 og jeg giver dem i deres Hånd, som står dem efter Livet, i kong Nebukadrezar af Babels og hans Tjeneres Hånd; men siden skal Landet bebos som i fordums Tid lyder det fra HERREN.
Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.
27 Frygt derfor ikke, min Tjener Jakob, vær ikke bange, Israel; thi se, jeg frelser dig fra det fjerne og dit Afkom fra deres Fangenskabs Land; og Jakob skal vende hjem og bo roligt og trygt, og ingen skal skræmme ham.
Laakiinse, addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, hana nixin, reer binu Israa'iilow, waayo, bal eeg, meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalka ay maxaabiista ku yihiin, oo reer Yacquub wuu soo noqon doonaa oo wuu iska xasilloonaan doonaa oo iska istareexi doonaa, oo ciduna ma cabsiin doonto innaba.
28 Frygt ikke, min Tjener Jakob, lyder det fra HERREN, thi jeg er med dig; thi jeg vil tilintetgøre alle de Folk, blandt hvilke jeg har adsplittet dig; kun dig vil jeg ikke tilintetgøre; jeg vil tugte dig med Måde, ikke lade dig helt ustraffet.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, innaba ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo quruumihii aan ku kala kexeeyey oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

< Jeremias 46 >