< Esajas 34 >

1 Kom hid, I Folk, og hør, lån Øre, I Folkefærd! Jorden og dens Fylde høre, Jorderig og al dets Grøde!
Quruumahow, u soo dhowaada si aad wax u maqashaan, oo dadyowgow, i dhegaysta, dhulka iyo waxa ka buuxa iyo dunida iyo waxyaalaha ka soo baxa oo dhammu ha maqleen.
2 Thi HERREN er vred på alle Folkene, harmfuld på al deres Hær; han slår dem med Band og giver dem hen til at slagtes;
Waayo, Rabbigu wuxuu u cadhaysan yahay quruumaha oo dhan, oo wuxuuna u dhirifsan yahay ciidammadooda oo dhan. Dhammaantood wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu iyaga u gudbiyey in la laayo.
3 henslængt ligger de dræbte, Stank stiger op fra Ligene, Bjergene flyder af Blodet;
Oo weliba kuwoodii la laayayna waa la xoori doonaa, oo qudhmuunkooduna wuxuu ka soo uri doonaa bakhtigooda, oo buurahana dhiiggoodaa ka soo qulquli doona.
4 al Himlens Hær opløses; som en Bog rulles Himlen sammen, og al dens Hær visner hen som Vinstokkens visnende Blad, som Figentræets visnende Frugt.
Oo ciidanka samada oo dhammuna wuu wada idlaan doonaa, oo samooyinka oo dhanna waa la wada duudduubi doonaa sida qorniin duudduuban oo kale, oo ciidankooda oo dhammuna hoos buu u soo daadan doonaa sida caleenu geed canab ah uga dhacdo iyo sida xabbad berde ahu geed berde ah uga soo dhacdo.
5 Thi på Himlen kredser HERRENs Sværd, og se, det slår ned på Edom, det Folk, han har bandlyst til Dom.
Waayo, seeftaydu samooyinkay ka dheregtay oo bal eega, waxay ku soo degi doontaa Edom iyo dadkii aan habaaray inay xukunto.
6 HERRENs Sværd er fuldt af Blod, det drypper af Fedt, af Fårs og Bukkes Blod, af Fedt fra Vædres Nyrer. Thi HERREN slagter Offer i Bozra har vældig Slagtning i Edom;
Waayo, seeftii Rabbiga dhiig baa ka buuxsamay, oo waxay ka dheregtay baruur, iyo dhiig baraar iyo orgi, iyo baruurta kelyaha ee wananka, waayo, Rabbigu wuxuu qurbaan ku samaynayaa Bosraah, oo dalka Edomna layn weyn.
7 Urokser styrter med dem, Ungkvæg sammen med Tyre. Landet svælger i Blod, Jorden drypper af Fedt.
Oo lo'gisiguna iyaguu la dhici doonaa, oo dibida yaryaruna dibida waaweyn bay la dhici doonaan, oo dalkooduna dhiig buu ka wabxi doonaa oo ciiddooduna baruur bay ka dhergi doontaa.
8 Thi en Hævndag har HERREN til Rede, Zions Værge et Gengældsår.
Waayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay.
9 Dets Bække forvandles til Tjære, dets Jord til Svovl, og Landet bliver til Tjære, der brænder ved Nat og ved Dag,
Oo durdurradooduna waxay u beddelmi doonaan daamur, oo ciiddooduna waxay u beddelmi doontaa baaruud, oo dhulkooduna wuxuu noqon doonaa daamur gubanaya.
10 det slukkes aldrig; evigt stiger Røgen op, det er øde fra Slægt til Slægt, ingen skal færdes der.
Oo habeen iyo maalinba lama demin doono, oo qiiqiisuna weligiisba kor buu u bixi doonaa, oo tan iyo ab ka abna cidla ayuu ahaan doonaa, oo weligiis iyo weligiisba ciduna ma dhex mari doonto.
11 Pelikan og Rørdrum arver det, Ugle og Ravn skal bo der. HERREN spænder Tomheds Snor og Ødelæggelses Blylod derover.
Laakiinse waxaa iska hantiyi doona cantalyaaga iyo caanaqubta, oo waxaa dhexdiisa degganaan doona guumays iyo tuke, oo isna wuxuu korkiisa ku fidin doonaa xadhigga qiyaaseed ee qasnaanta, iyo xadhigga miisaanka leh ee baabbi'inta.
12 Der skal Bukketrolde bo, dets ypperste bliver til intet, til Kongevalg kaldes ej der, det er ude med alle dets Fyrster.
Raggiisa gobta ah waxaa loogu yeedhi doonaa boqortooyada, laakiinse midkoodna halkaas ma joogi doono, oo amiirradiisa oo dhammuna waxba ma ay ahaan doonaan.
13 Dets Paladser gror til i Tom, dets Borge i Tidsel og Nælde, et Tilholdssted for Hyæner og Enemærke for Strudse.
Oo daarihiisa waaweynna waxaa ka soo bixi doona qodxan, oo qalcadihiisana waxaa ka soo bixi doona maraboob iyo yamaarug, oo waxay noqon doonaan dawacooyin rugtood, iyo barxad gorayo daaqdo.
14 Der mødes Sjakal med Vildkat, og Bukketrolde holder Stævne; kun der skal Natteheksen raste og lægge sig der til Ro;
Oo xayawaanka lamadegaankuna waxay halkaas kula kulmi doonaan yeyda, bahalka dhogorta dheer lehna wuxuu u qaylin doonaa wadaygiis, oo guumaysuhuna halkaasay degi doonaan, oo waxay nafsaddooda u heli doonaan meel ay ku nastaan.
15 der bygger Pilslangen Rede, lægger Æg og samler dem og ruger. Kun der skal Gribbene flokkes, ej savner den ene den anden.
Oo abeesaduna halkaasay buul ka samaysan doontaa, oo ukunteeda ku dhali doontaa, oo ku dillaacin doontaa, oo waxay ku soo ururin doontaa hooskeeda, oo gorgoraduna halkaasay ku soo ururi doonaan, oo mid kastaaba waxay la jiri doontaa ka qaba.
16 Se efter i HERRENs Bog og læs: Ej fattes en eneste af dem, ej savner den ene den anden. Thi HERRENs Mund, den bød, hans Ånd har samlet dem sammen;
Bal doondoona kitaabka Rabbiga oo akhriya. Waxyaalahaas miduna kama baaqan doonto, oo midunaba ka qaba ma waayi doonto, waayo, Rabbiga afkiisaa amray oo waxaa iyaga soo ururiyey Ruuxiisa.
17 han kastede Loddet for dem, hans Hånd udskifted dem Land med Snoren; de tager det evigt i Eje, bor der fra Slægt til Slægt.
Oo isagaa saamiga u tuuray, oo gacantiisaa xadhig qiyaaseed ugu qaybisay, oo iyana weligoodba way iska hantiyi doonaan, oo tan iyo ab ka abna way dhex degganaan doonaan.

< Esajas 34 >