< Esajas 23 >

1 Et Udsagn om Tyrus. Jamrer, I Tarsisskibe, eders Fæstning er i Grus! De får det at vide på Vejen fra Kyperns Land.
Kanu waa warka culus ee Turos ku saabsan. Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, way baabba'day, guri iyo irid la galo midna ma leh, waxaana iyaga looga muujiyey dalka Kitiim.
2 Det er ude med Kystlandets Folk, med Zidons Købmænd, hvis Sendebud for over Havet,
Kuwiinnan gasiiradda deggan ee baayacmushtariyaasha Siidoon oo badda gudbayaa ay alaab ka buuxiyeenow, aamusa.
3 de mange Vande, hvis Indkomst var Sjihors Sæd, hvis Vinding Alverdens Varer.
Biyaha badan waxaa laga keenay sarreenkii Shiixoor iyo waxa beerihii Webi Niil laga goostay oo faa'iidadeedii ahaa, oo iyadu waxay noqotay suuqii quruumaha.
4 Skam få du, Zidon, thi Havet siger: "Jeg har ikke haft Veer, jeg fødte ikke, ej har jeg fostret Ynglinge, opfødt Jomfruer!"
Siidoonay, ceebow, waayo, baddii way hadashay, oo qalcaddii baddu waxay tidhi, Anigu ma foolan, carruurna ma dhalin, barbaarrona ma korin, gabdhona ma korin.
5 Når Rygtet når Ægypten, skælver de ved Rygtet om Tyrus.
Markii warku Masar soo gaadho aad bay warka Turos uga xanuunsan doonaan.
6 Drag over til Tarsis og jamrer, I Kystlandets Folk!
Tarshiish xaggeeda u gudba. Kuwiinna gasiiradda degganow, baroorta.
7 Er det eders jublende By fra Urtids Dage, hvis Fødder førte den viden om som Gæst?
Tanu ma magaaladiinnii waa hore jirtay oo faraxsanayd baa oo cagaheeda meel fog u waday inay dal shisheeye degto aawadeed?
8 Hvo satte sig dette for mod det kronede Tyrus, hvis Købmænd var Fyrster, hvis Kræmmere Jordens Adel?
Yaa taladan u goostay Turos oo ahayd magaaladii taajajka bixisay, oo baayacmushtariyaasheedu amiirro ahaayeen, oo geddisleydeeduna ay ahaayeen kuwii dhulka sharafta ku lahaa?
9 Det gjorde Hærskarers HERRE for at vanære Hovmod, skænde al Stolthed, al Jordens Adel.
Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qasdiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.
10 Græd, I Tarsisskibe, Havn er der ikke mer!
Reer Tarshiishow, bal dalkaaga dhex mar sida Webi Niil oo kale. Innaba wax ku celiya oo dambe ma jiraan.
11 Han udrakte Hånden mod Havet, rystede Riger, HERREN samled Folk for at jævne Kana'ans Fæstninger.
Isagu wuxuu gacantiisa ku fidiyey badda korkeeda, oo boqortooyooyinkiina wuu gariiriyey. Rabbigu wuxuu amar ku bixiyey in la dumiyo qalcadaha Kancaan.
12 Han sagde: "Aldrig mer skal du juble, du voldtagne Jomfru, Zidons Datter! Stå op, drag over til Kypern, selv der skal du ej finde Hvile!"
Oo isagu wuxuu yidhi, Dadka Siidoon oo ah sida bikrad la nijaaseeyeyow, mar dambe ma farxi doontid. Kac, oo xagga Kitiim u gudub, oo xataa halkaasna nasasho kama heli doontid.
13 Se til Kyprioternes Land! Søfarere grunded det Folk; de rejste dets Vagttårne, Byer og Borge. Han gjorde det til en Ruinhob.
Bal dalka reer Kaldayiin fiiriya, dadkaasu ma jirin. Kii reer Ashuur kuwii cidlada degganaa ayuu u aasaasay, munaaradaa la dhisay, daaraheedii waaweynaana waa la dumiyey, oo baabba' buu ka dhigay.
14 Jamrer, I Tarsisskibe, eders Fæstning er i Grus!
Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, qalcaddiinnii waa la baabbi'iyey.
15 På hin Dag skal Tyrus gå ad Glemme i halvfjerdsindstyve År, som i een Konges Dage. Men efter halvfjerdsindstyve Års Forløb skal det gå med Tyrus som med Skøgen i Visen:
Oo waxay wakhtigaas noqon doontaa in Turos la illoobi doono toddobaatan sannadood, oo ah sida boqor wakhtigiis. Oo toddobaatankaas sannadood markay dhammaadaan ayaa Turos waxaa laga heesi doonaa sida dhillada oo kale.
16 Tag din Citer, gå rundt i Byen, du glemte Skøge, leg smukt på Strenge, syng, hvad du kan, så du kommes i Hu!"
Dhilladii la illoobayay, kataarad qaado, oo magaalada ku dhex wareeg, oo luuq macaan luuqee, oo heeso badan hees, si lagugu soo xusuusto aawadeed.
17 Efter halvfjerdsindstyve Års Forløb vil HERREN se til Tyrus; det skal atter modtage Skøgeløn og bole med Alverdens Riger på den vide Jord.
Oo toddobaatanka sannadood markay dhammaadaan ayaa Rabbigu Turos soo booqan doonaa, oo waxay ku soo noqon doontaa kiradeedii, oo waxay dhulka kaga dhillaysan doontaa boqortooyooyinka dunida oo dhan.
18 Men dets Vinding og Skøgeløn skal helliges HERREN; den skal ikke gemmes hen eller lægges op; dem, der bor for HERRENs Åsyn, skal dets Vinding tjene til Føde, Mættelse og prægtige Klæder.
Laakiinse baayacmushtarigeeda iyo kiradeedaba quduus baa Rabbiga looga dhigi doonaa, lama urursan doono, lamana kaydsan doono, waayo, baayacmushtarigeedu wuxuu u ahaan doonaa kuwa Rabbiga hortiisa jooga inay wax ku filan cunaan oo ay dhar raagaya xidhaan.

< Esajas 23 >